SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - ELDORET
HOGAAMIYE KOOXEEDYO WALAAC KA MUUJIYEY BAAQII MADAXDA MUQDISHO

WQ. Ibraahim Maxameddeeq | SomaliTalk.com | Eldoret, Kenya |Dec 7, 2002  

*Ciid wanaagsan*

imdeeq@hotmail.com

 Iydoo ay wufuudda Soomaaliyeed ee halkan ku shirsani shalay tukadeen salaaddii ciidda isla markaana ay si farxad leh ugu damaashaadeen Ciidda Bisha Ramadaan ayeey Haddana Afar hogaamiye kooxeed oo ka tirsan kooxaha shirka Eldoret ka qayb qaadanayaa walaac ka muujiyeen baaqii ay hogaamiye kooxeedyada Muqdisho qaarkood Bishan labadeedii iyo afarteedii  ka soo saareen magaalada Eldoret.Hoos Akhri


Xawaalada Hilaac oo ballan qaadeysa adeeg degdega: Ha moogaan HILAAC
....

I  I  D  H  E  H

Waxayna war saxaafadeed ay shalay soo saareen afrtaas hogaamiye kooxeed ku sheegeeen inay baaqaas u arkaan, waa siday hadalka u dhigeene, mid xambaarsan ujeedooyin qarsoon oo lagu carqaladaynayo shirka dibu heshiisiinta Soomaaliyeed ee halkan ka socda oo ay qoralkooda ku xuseen inuu yahay baaq iyo heshiis lagu marin habaabinayo ummadda Soomaaliyeed, waxay kaloo baaqa hogaamiye kooxeedyadaas ku tilmaameen mid lagu sii jeedinayo indhaha caalamka iyo nuxurka shirweynaha ka socda Eldoret, taasoo bay yidhaahdeen ay ka muuqato astaamihii lagu fashilin jirey shirarkii hore.

Waxay kaloo nimankaasi war saxaafadeedkooda ku sheegeen inay Ummadda Soomaliyeed, dawladaha Igad, iyo Beesha Caalamkaba ku adkaynayaan inay xoogga saaraan sidii uu shirka Eldoret u najixi lahaa si loo helo bay yidhaahdeen dawlad qaran oo ummadda Soomaaliyeed samata bixisa. 

Hogaamiyayaasha war saxaafadeedkan soo saaray oo kala ah: Hilowle Iimaan Cumar, Col. Xasan Cabdulle Qalaad, Salaad Cali Jeelle, M. M. Guuleed, (Gacma dheere), Eng. Saciid Salaad Cilmi, Xasan Axmed Cabdi iyo Dr. Axmed Cumar Gaagaale ayaa ugu dambayntii Soomaalidu meelay joogtaba ugu baaqay inay taageeraan gacan buuxdana ka geeystaan dhaqan gelinta heshiiskii colaad joojinta ahaa ee wejigii koowaad ee shirka Eldoret lagu saxeexay.

Yusuf C/casiis oo Laga Soo daayey Xabsiga Bosaso
Yusuf C/casiis Maxamed oo ka mid ah Xubnaha Sarsare ee Jaamacadda Bariga Afrika ayaa maanta kowdii duhurnimo laga soo daayey... Guji.. 7/12

Ururka Darwiish Party Kenya oo u digey Madaxweynaha Somaliland
warsaxaafadeed ururkaasi soo gaarsiiyey SomaliTalk ayuu ku sheegay inay digniin kabixinayaan safarka iyo... Guji.... 7/12

Nimanka war saxaafadeedkan soo saaray ayaa daba socday baaq iyo heshiis uu go’aan weheliyey oo ay hogaamiyayaasha Muqdisho badankoodu si wada jira uga soo saareen magaalada Eldoret, kaas oo ay Soomaalida iyo bulshada caalamkuba si farxad leh u soo dhoweeyeen. Dhinaca kale tan iyo intii ay hogaamiyayaasha Muqdisho baaqaas iyo heshiiskaas soo saareen wuxuu shir aysan u dhamayni u socday wakiilada shirka ka jooga Beesha Daarood , waxayna ragii ka qayb galay dhiseen guddi farsamo oo ay tiradoodu ka kooban tahay Kow iyo Soddon xubnood oo loogu talo galay inay ka soo tala bixiyaan sidii loo xallin lahaa khilaafka balaadhan ee Beeshaas dhex yaalla iyo sidii ergooyinka shirka loo qaybsan lahaa, gudigaas oo shirkii lagu dhisay ay ka soo qayb galeen madaxda kala ah: Gen.Aadan Gabyow, Col.Axmed Cumar Jees iyo Col.Barre Hiiraale ayaa waxaa ka maqnaa hogaamiyayaal kale oo Beeshaas ku abtirsada.

Waraka kale ee shirka Eldoret ayaa waxaa ka mid ah in shaqadii gudiyadii lixda ahaa ee loo xilsaaray hawsha uu wejiga labaad ee shirku ku saabsan yahay ayaa si habsami leh ugu guda jira hawlahooda oo ka kala socda meelo kala duwan oo ay gudiga farsamada Igad horay ugu qoondeeyeen, waxayna gudiyadaas qaarkood sheegayaan inay shaqadooda soo geba gebayn doonaan muddo laba todobaad aan ka badnayn. 

"Waa Xil Saaran Amnesty International inay booqato oo
u hadasho Afarta Soomaalida ee kujira xabsiga Mombasa Kenya", sidaas waxaa yiri Maxamuud Wardheere oo warqad u diray... Guji.... 6/12

Waxaa kaloo jira inay Booliska Dalka Kenya magaalada Eldoret ku qab qabteen dad Soomaali ah ayna ilaa iyo hadda xabsiga u taxaabeen Saddex nin oo ay ka waayeen sharcigii ay Kenya ku joogeen, ayaamahan waxaan wadooyinka waaweyn ee magaalada Eldoret ku arkayey Boosliiska Kenya oo dadka Soomaalida ah jidadka ku joojinya isla markaana waraaqaha aqoonsiga waydiinaya, taas oo ka dhalatay booliiska oo ammaanka wadankooda si weyn u adkeeyey tan iyo markii uu weerarkii argagixiso ka dhacay Hote Pradise oo ku oolli jirey magaalada Mombasa, falkaas oo loo aanaynayo inay dadkii geeystey wadanka Soomaaliya ka soo kicitimeen, dalka Kenya oo awelba olole doorasho la ciir ciirayeyna sii mushkiladeeyey.

Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk
Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

"Cali Khaliif Galaydh ayaa faafiyey in Aabahay Xiriir La Lahaa Usaama,....
Al-Itixaad iyo Al-Islaax-na  waxay xiriir la leeyihiin  Alqacida" Sidaas waxaa yiri Xuseen Caydiid oo waraysi dheer oo SomaliTalk la yeesheen kaga hadlay arimo dhinacyo badan taabanaya. waraysigii oo dhan.. GUJI.. [Fahad Yaasiin]

Dhibaatooyinka Xiligan Colaadaha Soo Gaarey Reer Banaadiriga
Ibraahim Maxameddeeq oo waraysi dheer la yeeshay qaybo kala duwan oo ka mid ah bulshada dadka reer Banaadiriga, waraysigiina wuxuu u dhacay sidan.... GUJI... 03/12

Mowliid Macaane oo SomaliTalk u Waramay Mowliid Macaane oo SomaliTalk u Waramay
"Dadkayga soomaaliyeed hadday ii gartaan inaan u adeego diyaar baan u ahay, inaan qabto wixii ay ii dhiibtaan" Mowliid Macaane oo ka jawaabayey.... GUJI... 02/12

Ergooyinka Shirka Eldoret oo La Dhimayo
Iyo Heshiis iyo go'aan kale oo maanta ay hogaamiya-yaasha Muqdisho ka soo saaren Eldoret.... Ibraahim Maxameddeeq... 04/12

Baaq ay Hogaamiya yaasha Muqdisho
Kasoo Saareen Eldoret: iyo Mwangale oo Maanta la hadlay xubnaha gudiyada.. Ibraahim Maxameddeeq... 02/12

... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD