SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - ELDORET
DHIBAATOOYINKA XILIGAN COLAAADAHA SOO GAADHAY DADKA REER BANAADIRIGA AH

WQ. Ibraahim Maxameddeeq | SomaliTalk.com | Eldoret, Kenya |Dec 3, 2002  

imdeeq@hotmail.com

Waayahan uu wareerka ay daagaalada sokeeye ummadda soomaaliyeed aafeeyeen ee uu bur burka iyo barakacu wadankeenii hooyo bariinsaday waxaa ummadda soomaaliyeed soo gaadhay dhibaato aad u dhug fog oo ku habsatay bulsha weynta soomaaliyeed beled iyo baadiye kay doonto ha joogtee, dad badan baa dagaalada ku naf waayey, qaar ayaa gaajo iyo macaluul u le'day, kuwo kale ayaa qax iyo guur guur ku lumay oo an hadda raq iyo ruux midna laga hayn, dhibka soomaali soo gaadhay ma yara wuxuuna u baahan yahay in si gaar ah loo baadho si loo ogaado tira koobka dhabta ah ee waxayeelada laba iyo tobanka sano soomaali soo gaadhay,  Hoos Akhri


Xawaalada Hilaac oo ballan qaadeysa adeeg degdega: Ha moogaan HILAAC
banadiri
Ka biloow kuwa taagan: Khadiijo Suufi, Axmed Shujaac, Cismaan Abuukar, Aadan Amiin Shiikhey,Cismaan Maxamed Cismaan, Saynab Aweys, Col.Abukar Shiikh.
Kuwa fadhiya: ka bilow bidix, Ibraahim Maxameddeeq, Maxamed Cismaan Manye, Eng.Aweys Cadde, maalintii waraysigan.

 hadaba inkastoo uu dhibku soomaali wada taabatay haddana looma sinna ee waxaa jira dadyoow iyagu tirsanaya in iyaga si gaara badhtilamaameed looga dhigtay oo si xun loola dhaqmay, dadkaas waxaa ka mid ah dadka ree banaadiriga oo ah dadka haddii ay soomaaliyi ilbaxnimo leedahayba ugu tug tugta roon xagga magaalanimada, ganacsiga, iyo ilbaxnimooyinkii soo jireenka ahayd ee ay soomaalidu sheegato.

Dadka reer banaadirigiu waxay taariikh wanaagsan ku leeyihiin halgankii xornimo doonka soomaaliya oo ay ururkii wadaniga ahaa ee SYL kaalin wanaagsan dad reer banaadiri u dhashay ku lahaayeen, waa dad xagga ganacsiga aad ugu horeeyey soomaalida dhexdeedana ka sheeganaa oo lagu tilmaami jirey inay yihiin dad ilbax ah, dadkaas dagaalada sokeeye ee soomaaliya 1991kii ka dhacay waxay gaadhsiiyeen dhaawac culus oo isugu jira mid dhaqaale, mid naf iyo mid niyadeed, qalbi jab ayaa hareereeyey kaddib markay arkeen dad walaalohood ah oo soomaaliyeed isla markaana muslim ah oo wax aan ka qaban kula dhaqmaya, qaar ka mid ahi waxay ka dhuyaaleen meelihii ay isir ka isir ku noolaan jireen iyagoo maciinsaday deegaan ka dheer oo aysan dabcigiisa iyo hawadiisa midna af aqoon, kuwa kale waxay u yahoomeen dhul gaalo oo aysan tegidiisa weligood ku riyoon, qaarna waxay iyagoo ay tiiraanyo iyo urugo daahsatay ku hadheen guryihii ay awoowayashood ka dhaxleen ee ay ka ab ka ab ku soo noolaayeen.

Si kastaba dhibkaasi ha ku dambeeyee waxaan maalin maalamaha ka mid ah la sheekaystay wiil reer Banaadiri ah oo aanu ku kulanay xarunta uu shirka dibu heshiisiinta soomaalidu ka socdo ee Eldoret, sheekooyinkii na dhemaray ayaana igu kal;ifey inaan barnaamijkan sameeyo, barnaamijkan oo ah xog waraysi ay bixinayaan dad reer Banaadir ah oo dhibaatada dagaalada sokeeye ka soo gadhay ka sheekaynaya waxaa ka qayb qaadanaya mudanayaasha kala ah, Maxamed Cusmaan Maye oo ah gudoomiyaha ururka Banaadiriga ee SANU, Cismaan Abuukar Mahdi, Cismaan Maxamed Cismaan, Eng.Aweys Cadde Maxamed, Saynab Aweys Cismaan, Khadiijo Suufi Xuseen, Col. Abuukar Shiikh Baafo, Axmed Shujaac Suufi, Aadan Aamiin Shiikhey.

Ugu horayna Cismaan Maxamed Cismaan ayaa ka waramaya dhibataada dagaalada sokeeya ka soo gaaray qowmiyadda banadiriga, wuxuuna yidhi:

"Qowmiyadda Banaadiriga dhibaatada dagaalada waxay caam ahaan la wadaagaan ummadda soomaaliyeed, gar ahaana maadaama ay ahaayeen beelo aan hubaysnayn, dhac, dil iyo bara kacba wuu soo gaadhay, dhibka na soo gaadhayna mood iyo noolba wuu leeyahay, kufsi, baa ka mid ah, guryaha iyo hantida oo nalaga boobay baa ka mid ah.

Dhibkaas guud ka sokoow Cismaan ma soo joogey iyadoo marnaba qof reer Banaadiri ah la dhibataynayo, ma xasuustaase dhacdo dadkiisa loo geeystey oo xusuus naxdin leh ku reebtay?, waa kan Cismaan oo arintaas ka waramaya:

"intaas oo dhan waan soo joogey waxaan xusuustaa gabadh aan adeer u ahaa oo uur sagaal bilood ah lahayd oo caruurteedii dhinacyada ka ooyayaan oo hortayda lagu watay".

Suuqa Alkarama: 

Ma u baahantahay dukaamo iyo xafiisyo kiro ah, la xiriir Alkarama Somali Mall oo kuyaal xaafada Cedar ee Minneapolis, USA. GUJI... 

Khadiijo Suufi iyadu waxayba qabtaa in looga daran yahay kufsiga iyo dhaca oo weerar lagu yahay sidii loo suulin lahaa jiritaankooda, waxay xusaysaa dhib loo geystey dad reer Banadir ah iyadoo qabta sababta loo dhibay inay tahay hubka ay banadirugu qaadan waayeen, waa tan iyadoo ka waramaysaa arintaas, waxay tidhi:

Dhibka reer Banaadiriga loo geeystey tan kufsiga waxaa uga daran magaca xun ee xiligan dagaalada sokeeye dadka reer Banaadiriga loo sameeyey, kaas oo ay ujeedadiisu tahay in jiritaankooda lagu suuliyo, waxaa loo sameeye magac aysan lahayn oo ah OTHERS, kaasina wuxuu nagu kalifey inaan u ekaano dad aanan ahayn, dhinaca dhibaatada banaadiriga soo gaadhay soomaali oo dhami way qabtaa, laakiin qabaa'ilada hubaysani si gooni ah ayeey u gumaadeen reer Banaadiriga taasina waxay kaliftey inaysan qori qaadan, waana sababta ay wax u gaadheen, waxyaabaha aan xasuusto in kastoo aanan goob joog ka ahyn waxaa la iisheegay in Magaalada Baraawe masaajid dhexdiis hablo loogu galay oo lagu fara xumeeyey, qaarkoodna laga soo kaxaystay oo gobolo aysan weligood arag la geeyey sidaasna ay ku dan daroobeen.

Dr. Saynab Aweys Cismaan oo ah wasiirka haweenka ee dawladda ku meel gaadhka ahi waxay ka waramaysaa faraqa u dhexeeya habkii waayadii nabadda loo guursan jirey gabadha reer banaadiriga ah iyo sida ay hadda baylahda u muteen, waxay ka war haysaa hablo reer banadiri ah oo gacanta la iska qabsaday oo aan ilaa iyo hadda laga war hayn meel ay ku nool yihiin, iyadoo xusaysa qiimihii ay hablahaasi lahaan jireen waatan Saynab oo leh:

"Haweenka soomaaliyeed dhibaato waa loo wada geeystey waayo haweenku ma hubaysna, haddan kuwa reer Banaadir u soo noqdo dhibkii loo geeystey ma yarayn, waxaa jira haween reer Banaadiri ah oo aan la ogayn meel ay ku nool yihiinoo intay rag kaxaysteen guryahooda ku haystaan oo guursadeen iyagoon reerahooda la soo xiriirin, ree baanadirku waa dfad xadaarad leh oo aad u edab badan, gabdhohooduna waxay ahaayeen kuwo an marnaba gurigooda ka bixin, marka ay wax baranayaan guryahooda wax ku barta, waxaana loo soo dooni jirey si sharaf leh oo xurmo badan, raguna waxay ku tar tami jireen sidii ay ku heli lahaayeen, wakhtigan xaadirka ahna gabdhihii waxay muteen xurmo darro oo waa la karaamo tiray oo dariiqyadaa lagu jiid jiidey, nin aan ahayn ninkii guursan lahaa ayaa gabdhihii soomaaliyeed ee reer banaadiriga ahaa helay, waana ka xumahay".

Haddaba ragga gabdhahaas kaxaystay ma af duub bay ku kaaxaysteen mise xeerkii hablaha reerBanaadiriga lagu guursan jirey bay raaceen?, mar kale Dr, Saynab ayaa ka jawaabaysa:

"Awood bay ku kaxaysteen, qaar waalidkii bay handadeen markaasay gabdhihii sidaas ku kaxaysteen, qaarna iyagii oo arkayeey qaateen oo haystaan".

Eng. Aweys Cadde Maxamed wuxuu isagu ka hadlayaa dhibaato ka duwan kuwii ay dakii hore ka soo hadleen wuxuu leeyahay waxaa jira afduub loo geeysto dadka reer Banaadirga ah oo si dadban u dhaca odayaashuna aysan waxba ka qaban karin aan ka ahayn raali ahaada, Injineerku wuxuu arintaas u arkaa guumaysi dadka reer baanadirga ah lagu hayo, waana kan isagoo arintaas ka hadlaya:

"dhibaatada ugu dambaysey ee weli xusuustayda ku sii jirta waxaa ka mid ah afduubka oo reer Banaadiriga ganacsatada ah si weyn loogu geeysto, kaddibna la warsado lacag tiro badan oo aysan bixin karin, haddii ay diidaana lagu dhibaataynayo, in muddo ahna afduubloo haysto ilaa qolada wax af duubtay waxii ay dalbadaan la siiyana la hayo, taasi waa addoonsi dadka reer Banaadiriga ah loo geeysanayo, oo aysan odayaashu waxba ka qaban karin, waana arin xun oo in laga waantoobo u baahan maadaama ay dadka reer Banaadir xaq u leeyihiin inay deegaankooda si nabada ugu noolaadaan".

Eng. Aweys wuxuu is bar dhigayaa faraqa u dhexeeya xiligii nabadda iyo xiligan colaadaha, waa kan mar kale:

"labada xili faraq weyn ayaa u dhexeeya qofka reer banaadiriga ahi markii hore wuxuu dareemayey inuu xoriyad haysto, meel kasta uu tegim karayo, inuu gaanacsan karo, inuu wax baran karo, waxaa ku jirtey kalsooni ilbaxnimo oo ku damci karo inuu wax badan abuuri karo, maantana waa qof la cadaadinayo, waxba ma qaban karo, baabuur ma wadan karo, guryihiisii uu xaqu lahaa ma geli karo, waa xir xiran yahay, wuxuuba ku fekerayaa ma noolaan kartaa!".

Markii uu dagaalku soomaaliya ka qarxay waxaa jiray dad badan oo reer banaadiri ah oo dalka ka bara kacay una qaxay wadamada deriska ah ee ay Kenya ka mid tahay, kuwa badan intay jidka ku jireen ayeey dhibaato soo gaadhay, hadaba waxaa is weeydiin leh kuwii dibedda nabad gelyo ku tegey maxay muteen, sidee bayse adduunyadu ula dhaqantay, dhibkii ay wadnkooda uga carareense ma kaga raysteen dhulalka shisheeye?, waxaa ka hadlaya guddoomiyaha ururka banaadiriga Mudane. Maxamed Cismaan Manye, wuxuu yidhi:

I  I  D  H  E  H

"Fool xumadii soomaaliya ka dhacday markii la arkay adduun weeynuhu wuu u soo gurmaday, wax weyna guud ahaan way u qabteen, dadkaii ka soo qaxay magaalooyinka marka, Muqdisho, Baraawe iyo Kismaanyo waxaa ugu tira badnaa dadka reer Banaadiriga ah waxaana loo aqoonsaday qaxooti, cadow kalena kama soo cararin ee walaahood bay ka soo ordeen, markii ay muddo xeryihii qaxootiga ee Kenya ku sugnaayeen ayeey caalamku u gurmadeen loona qaaday dibedda, dadka la qaaday aad bay u badnaayeen baraawe waxaa laga qaaday ilaa 4500, Utanga-banaadiri iyadana waxaa laga qaaday ilaa 4000 iyo wax la jira, Santa-anna iyadana waxaa laga qaaday dad tiro badan". Dadkaasi haddii run laga hadlo wadankoodii kama raysan waayo nin dhulkiisa hooyo jooga wax u dhaama ma jiraan, waxaase lagaga badbaaday in ka mid ah dhibka maanta reer banadiri haysta, iyagoon wadankoodii ka shaqaysan karin, xamaali loo diidey, waxba aysan lahaan karin, oo ay wadankoodii hooyo kafiil ku joogaan ayaa la qaaday markaasay dadkii taas u baxsadeen oo boqol boqolkas loo soo dirayo hadaysan heli lahayn macaluul iyo gaajo ayeey u le'an lahaayeen".

Caalamka oo dhan waxaa ka jira minority iyo majority, dadka reer Banaadirigu waxay ka mid yihiin dadka diidan in loogu yeedho magaca magacyada minority iyo others, haddaba Mr, Maxamed Cismaan Manye oo ah hogaamiyaha siyaasadda banaadiriga ayaa sababta ay ku diidan yihiin ka hadlaya:

"Anagu minority ma nihin, goormaa soomaali la tiriyey, dadku meelahay degaan baa wax lagu qiyasi karaa, magaalada Muqdisho oo ah magaalo madaxdii dalka todoba xaafadood oo ka mid ah yaanu si khaas ah u degan nahay, xaafadaha kalena wax baanu ka degnaa,taasaa kuu caddaynaysa in aanan minority ahayn".

Diidmada magaca minority waxaa iyana diidmo cad ka muujinaysa gabadha magaceeda la yidhaahdo Khadiija Suufi Xuseen oo iyadu qabta inay wakhtigan xaadirka ah qabiilooyin badan oo soomaaliya ka badan yihiin hadday yihiin reer banaadiri, in minority loogu yeedhana waxay u aragtaa gef cad oo loola badheedhay, waxay tiri:

".....waxaana laga yaaba in maanta iyagu majority yihiin oo dadka kale ka badan yihiin kuwa tirada badan sheegtaan ay minority yihiin barkee dhimashadooda ayaa badan". Khadiija Suufi Xuseen

"Marka hore waxaa diiddan nahay qof bani'aadam ah in magac loo sameeyo, Islaamkuna ma ogola in qofku magac uusan lahayn loogu yeedho, taasina waa gef aan geedna loogu soo gaban, tan kaloo xigta anigu minority ahaan waxaan ka aaminsan nahay hal shay oo aysan dadku ku fekerin oo aan anigu ku fekerey, sababtoo ah qabiilooyinka kale way dagaalameen tasina waxay ku keentay inay tiradoodu ku yaraato, reer banaadir way is badbaadiyeen, waxaana laga yaaba in maanta iyagu majority yihiin oo dadka kale ka badan yihiin kuwa tirada badan sheegtaan ay minority yihiin barkee dhimashadooda ayaa badan".

Dadka reer Banaadir ee magaca minority la huudmay ma yara, waxaa iyana ereyga minority dood ka qabta Dr. Saynab Aweys Cismaan oo iyadu diidmo ay ereygaas ka muujisay ka sokoow saadaal ka bixinaysa inay goor dhow magacaas ka takhalusi doonaan, waxay tiri:

"Sida ay walaashay Khadiijo sheegtay dadku wax uusan raali ka ahyn in loogu yeedho ma aha, minority oo ah waa lagaa tiro badan yahay ma ogolin, fekerkaas ma qabno, haddii dadka la isu tiriyo waxaan u malaynayaa inaan majority noqonayno, magaca aan leenahay ee Qowmiyadda banaadiri ayaa doonaynaa in naloogu yeedho, insha allaah waana ku dhownahay in aanu ku guulaysano".

Dadka reer banaadir waa dad soomaaliyeed, soomaaliduna way wada hubaysan tahay hadaba maxaa reer banaadir ka duway soomaalida kale?, dhalinyarada reer Banadirse ma ku jiraan kuwa hubka qaata oo mooryaameeya, waxaa ugu horaynba arimahaas ka hadlayaa Maxamed Cismaan Manye:

"sideedaba dadka reer Banaadir waa dad nabadeed, mana aha dad hubaysan, marnabana hub ma aysan qaadan, waxayna walaalohooda soomaaliyeed ee kale ku booriyaan inay hubka iska dhigaan, dagaalkana joojiyaan, oo ay wada hadlaan, mana jiraan dhalinyaro reer Bnaadiri ah oo mooryaan ah".

Gudoomiye Maxamed Cismaan in kastuu dhawr goor ka hadlay ereyga minority weli wuxuu u sii ciil qaba inuu  mar kale ka hadlo, waa kan isagoo ciddii keentay isaga iyo others'ba ka hadlaya:

"Dadka minority keenay hadda ka horna waxay keeneen others, ulajeeddooyin ayaa laga leeyahay, waana ujeeddo siyaasadeed, sidaa darteed dad magac leh oo beelo ah oo 1200 oo sanadood magaalooyin la yaqaano oo qadiimi ah ku noolaa in hadda magacyo fusuuqa loo bixiyo oo aan u qalmin aad baan uga xumahay".

Ninka lagu magacaabo Aadan Amiin Sheekh wuxuu hayaa qiso naxdin leh oo reer Banaadiri lagu sameeyey oo ay gocashadeedu sawir sas leh qalbigiisa kaga tagtay, bal indhaha mari sadaradan uu Aadan kaga hadlayo wixii lagu dhigay:

"Dhacdooyinka xanuunka lehee aana iloobi karin oo buugga madoow aanu ku qoray waxaa ka mid in maalin aanu maydkii nin naga geeriyooday qaadanay si aanu u soo xabaalno, markaan damacnay inaan aasno oo xabaashii dul dhignay ay niman hubaysani hor istaageen oo ay noo sheegeen inaan maydka halkaaa lagu aasi karin oo aanu markaa maydkayagii ka qaadanay xabaashii aanu u diyaarinay, taasi waxay ka mid tahay dhibaatada ay walalahayaga soomaaliyeed noo geeysteen, dadka banaadir waa dad nabadda jecel oo aan rabin inay wax dhibaato ah geeystaan, waxay xusuusan yahiin murti ay awoowayashod uga tageen oo ah: Saddex in lagu dhowaado ayeey ku roon tahay, waa Deeqsiga, Daruurta iyo Diinta, saddexna in laga fogaado waa Dabka, Dawladda iyo Dabaysha, maahmaah kalena waxay ahyd Talo xume tol ma badiyo, ama mid kale oo ah; xaaraanta xushmeeye, xabaal ma xasuusto, waxaas oo dhan waxay ahaayeen digniino ay awoowayaasheen nooga tageen oo aan kaga waantoowney dagaalada".

Dhibaatooyinka dadka loo geeysto waxaa ka hadlaya Axmed Shujaac Suufi oo laftiisa si gaar ah loo dibin daabyeeyey iminkana dabiin ku jooga meesha uu ku nool yahay oo uu shirka Eldoretka soo aaday, wuxuu yidhi:

“Dhibaatada ay soomaalidu noo geeysatey haddaan reer Banaadir nahay wax la soo koobi karo maaha waxa ugu daran waa Dil, Dhac, Kufsi, bara kicin iyo madax furasho, waxa intaas noogu darana waa magac xumada ay nagu reebeen, ninka muslimka ahna waxaa dembi ugu filan inuu xaqiro walaalkiisa muslimka ah, waxay na yiraahdeen Others, meel aan maxalkeena ahyn bay na dhigeen, magac labaxshey maaha, qowmiyad ahaan waxaan nahay qowmiyaddii ugu horaysey ee hooyada soomaaliyeed, dhibka xusuusta lama ilaawaanka ah igu reebay waxa ka mid ah maalin baa gurigayga la iga watay, deegaankayga la iga baxshey, ilaa iyo haddana waxan ku joogaa 6 sano oo dabiin, nin baa iga dabiin ah, taasna waxaa iiga sii daran magac xumada ay soomaalidu nagu hayso".

Dadka reer banaadiriga ah dhibaatooyinka xiligan dagaalada sokeeye soo food saaray waxaa ka mid ah inay dayactirka guryahooda dhib kala kulmaan waxaa aritaas iiga waramay ninka magaciisa la yidhaahdo Dr. Cabdulqaadir Xaaji Suufi oo ku magic dheer Muriidi Golof, wuxuuna yidhi:

“Marka dulaysiga iyo xaqiraadda laga boxo waxaa kaloo jira inay reer Banaadirigu xaafadaha ay ku nool yihiin wakiilo laga wada yahay oo aysan xirfadohooda shaqo u madax banaanayn, marka ay doonaan inay guryahooda dayac tiraan oo ciidda bacaadka doontaan waxaa laga qaadaa lacag, marka ay damcaan inay xeebta ku dabaashaan iyadana waa lacag, marka ay jilabanayaan waa lacag, waxaa awood sheegasho loogu diidaa marka ay doonayaan inay u dabaal degaan dabaysha iyo Shirta caadada la yidhaahdo, waana waxyabo naxdin leh oo in laga waantoobo u baahan nagana soo gaadhay waalalahayaga soomaaliyeed”.

Weligaa ma maqashay Mukulaal madow, waxaa inoo faah fahinaya Axmed Shujac Suufi, waan kan:

“Mukulaal madow waa nin soomaaliyeed oo kafiil kaa noqonaya, marka anigu ma Boortaqiis baan ahay?, ma ajnebi baan ahay?, waxaa ugu daran kuu kafiilka kaa haa ayaa mararka qaarkood ku afduubaya, laba iyo tobankii sano ee u dambeeyey Marka ayan ku sugnaa mana shaqaysan, caalamka waxaan ugu baaqaynaa in ilaa iyo inta qowmiyadda Banaadiriga xaqooda laga aqoonsanayo aan nabad la gaadhi karin".

In badan akhristoow waxaad indhaha soo marisay reer Banaadiriga oo ka eed sheeganaya soomaalida hubaysan ee dhibaatooyinka uu qof kasta oo soomaaliyeed la dheregsan yahay ku haysa dadka reer banaadiriga hadaba aan is weeydiinee reer Banaadirigu iyagu wax eed ah ma leeyihiin, waxaa ka hadlayaa Cismaan Maxamed Cismaan waana kan:

“Eed way leeyihiin waxaana lagu eedeeyaa inay xan badan yihiin, xantana waxaa keenaya ninkii hadduu qorigii meel iska dhigay inuusan faa'iido lahayn baa loo haystaa, hadda waxaa halkan kula fadhiya dhawr kornayl iyo injineero dawladdii soomaaliyeed u soo shaqeeyey, dagaaladii gobanimo doonka iyo kuwii guumaysigii xabashida lala galayna ka qayb qaatay, wax dagaal ah oo sokeeyana kama ay qayb gelin".

Dadka reer Banadir qoriga ma qaataan, mana laha koox hubaysan, hadaba inay hubka iska xarimaan ma xadaarad ay dadka dheer yihiin baa mise waa arin uun iska dhacday, waxaa ka hadlaya Maxamed Shujaac Suufi:

"Taas waxaa keenaya xadaarada aanu leenahay ilbaxnimada iyo diinta aanu ku dhaqano oo xumaha naga celisa, diintuna waxa u baahan tahay in la dhaqan geliyo kuwa na dhibaataynayana taladaasaa ka maqan".

Dhamaad

Waxaa Eldoret ku diyaariyey

Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk
Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

 

HALKAN KA AKHRI WARAYSIGII MAWLIID MACAANE EE SOMALITALK ... GUJI

 

Wajigii Labaad ee Shirka Eldoret oo si rasmi ah u Furmay
"Wejiga labaad ee shirku wuxuu ku saabsanaan doonaa qorista iyo habaynta tiirarkii ay dawladda Soomaaliyeed isku taagi lahayd" sidaas waxaa yiri Mwangale oo ah...  Ibraahim Maxameddeeq 30/11

Wufuuda Shirka ELdoret oo  Cuntadii loo diyaariyey
kaddib markii wufuudu aysan ilaa shalay wax cunto ah ka helin hoteelada ay deggan yihiin ayaa...  Ibraahim Maxameddeeq 27/11

Rajo Qaranimo oo Shirka Eldoret ka Dhex Hilaacaysa -Faalo
»»
Ibraahim Maxameddeeq  

... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]