SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - KUWAIT
Bayaan ay soo saareen jaaliyada SSH ee Kuwiat.

Ku: Isimada iyo Indheergaradka Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya.
Ku: Warbaahinta oo Dhan.
Ku:Isimada iyo Indheergaradka Soomaaliyeed.
Ku:Ummadda Soomaaliyeed oo Dhan.
Ku:Maamul Goboleedka Puntland.
Ku:Maamulka Hargeysa.
Ku:Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Ku:Xoghayaha Guud ee IGAD
Og:Dhamman Hay'adaha Qaramada Midoobay ee deggan dalka Soomaaliya.
Og:Dhammaan Hay'adaha Samafalka ee deggan dalka Soomaaliya.

Annagoo ah Jaaliyadda dalka Kuwait deggan ee ka soo jeedda Gobolada Somalia ee Sool,Sanaag iyo Hawd in badan ayaanu isku daynay inaanu u caqli celino maamul ku sheegga waxa la magac baxay "Somaliland". Bayaano badan oo aanu ugu sheegayno maamulkaas inuu ka waantoobo sheegashada goboladaas ayaanu ku soo saarnay warbaahinta annagoo u caddaynayna in goboladaasi aanay kala go'a dalka ka qaybqaadanayn isla markaasna aanay maamulkaas aan loo wan qalin ka mid noqonayn.In badan ayaanu u sheegnay in hadday farageliyaan arrimaha goboladaas dhibaato dhici doonto.Sidoo kale in badan ayaa dad kalena sidaas wax ugu sheegay. Hoos Akhri

alkarama

Nasiib darro maamulkaasi talooyinkaas wuu iska indhatiray isagoo ku andacoonaya in goboladaasi isaga ka tirsanyihiin dadkooduna oggolyahay.

Sagaalkii sano ee Maxamed Ibraahim Cigaal (Alla ha u naxariistee) ka doobinayay Hargeysa, Burco, Berbera iyo Boorame siyaasadiisa ku wajahan Sool, Sanaag iyo Hawd waxay ahayd mid qabow oo aan dhaafsiisnayn sheegasho afka ah.Mudadaas dheer ee uu sheeganayey inuu yahay "Madaxweynaha Somaliland" marna kuma dhiiran inuu cag dhigo goboladaas marka laga reebo dhawr saacadood oo uu si dhuumaalaysi ah ku tegay magaalada Ceerigaabo isla markiibana si deg deg ah uga baxay.Sababta uu goboladaas u tegiwaayay waxay ahayd isagoo xog ogaal u ah dareenka dadkaas oo ah inaanay kala go'a dalka Somalia ogolayn ciddii ula timaadana dagaal la gafayn.

Dhibaatadaas laga digayay ina Cigaalna ka digtoonaa iskana ilaalinayey waxay dhacday maalintii Sabtidii ee 7/12/2002 markii ninkii ina Cigaal dhaxlay Laascaanood tegay.Hadduu ina Cigaal siyaasi ruug caddaa ah ahaa (Haba xumaato siyaasadiisa iyo wadaninimadiisu e) ninka maamulkii aan loo wan qalin ka dhaxlay wuxuu noqday nin aan aqoon u lahayn dadka degaanadaas.Aqoon la'aan taasi waxay keentay in dhoobadii la oran jiray "Somaliland" ku burburto Laascaanood.

Laba iyo toban sano ayaa dhoobadaas aqoonsi adduunka looga baryayay oo geed dheer iyo mid gaabanba loo koray.Cid kale daayoo xitaa cadowgii Islaamka iyo Soomaalida oo ah Yuhuuda iyo Ethiopia waa laga waayay aqoonsigaas.Ragga u oomanaa aqoosigaasi waxay ku ducaysanayee n in shirka Eldoret Soomaalidu ku heshiinwaydo oo Dawlad Soomaaliyeed ku dhismiwaydo iyagoo filaya in haddii sidaasi dhacdo adduunwaynuhu "Somaliland" aqoonsandoono waayo "waa meesha keliya ee nabadgelyo ka jirto" sida ay adduunka ku beerlaxowsan jireen intii ka horaysay maalintii Sabtidii 7/12/2002.Maalintaasi waxay soo afjartay riyadii la magac baxday "Somaliland".

Riyadii waxa lagu toogtay Laascaanood waxana toogtay ubadkii Daraawiishtii toogatay Koofil ninkaas Ingriiska ah oo markii Laascaanood agteeda lagu dilay hogaaminayey awoowayaashii raggii uu Sabtidii barakaysnayd Riyaale la soo galay Laascaanood.War la'aan ayaa col hodday.

Riyadii "Somaliland" Laascaanood ayaa lagu aasay Riyaalena waa kii cagaha wax ka deyay markii Daraawiishtii hoobiyaha darandoori ugu riday.Halkaas hooyo hoosta i geli ayaa ka dhacday.Maxaa hadaba talo ah?

I  I  D  H  E  H

Markasta annaga iyo intii wanaaga jeceliba waxaanu ku talin jirnay in derisnimada la dhowro oo dadka ehelka ah ee isku degaanka ah dhiigooda la kala badbaadsho.Haddana sidii ayaanu leenahay.Ninkii 'Dawlad Somaliland" la yiraahdo sugayow taasi Laascaanood ayay ku geeriyootay ee ku dedaal inaan raggaagu raacin.Dadka degaanka ee kale waxaanu leenahay: YAAN DAGAAL SOKEEYE OO CUSUB LAYDIN GELIN.

Dadka Sool,Sanaag iyo Hawd ma rabaan dagaalkiina waana dad aad ehel tihiin.Waxay diidan yihiin waa kala goynta dalka Somalia.Nimanka sheegta inay madax ka yihiin maamulka "Somaliland" waa la haystayaal. Waxay talada ka qaataan Ethiopia iyo Yuhuuda iyo cadowga kale ee Ummadda Islaamka kuwaas oo ujeedadoodu tahay burburka Somalia iyo dalalka Islaamka oo dhan si aanu u abuurmin ama u jirin xoog Muslina oo is hortaagi karaa.Hadaba haddaad cadowga Islaamka la soo safataan waxaad ogaataan inaad Ilaahay ka fogaateen.Isagoo gaalada ka hadlaya Ilaahay wuxuu Quraankiisa inoogu sheegay in ciddii Muslin ah ee gaalada xigto ka dhigata oo la soo safataa ay sidooda oo kale gaalo noqonayso:"waman tawallahom minkom fa huwa minhom".

Sidaas awgeed waa inaynu innagoo isku duuban maamulka Riyaale iyo kuwa dabada ka soo wada meel uga soo wada jeesanaa dadkeena iyo dalkeenana badbaadinaa.

Cidkasta oo Bayaankani toos ama ogaysiin ugu socdo waxa ku waajib ah inay kaalinta kaga beegan ka qaadato wax ka qabashada faragelintan qaawan ee Maamulka Hargeysa ku dhaqmayo waana in maamulkaasi ogaadaa in haddii aanu faragelintaas joojin khasaaraha badidiisu isaga ku dhacayso.

Ilaahay talada toosan ha ina waafajiyo.

Waxa BAYAANKAN soo saaray Guddiga Fulinta ee SSH-Kuwait oo ah:
1}Saalax Shire Saalax.......................................Guddoomiye
2}Axmed Maxamed Aadan {Tabaatiig}..................Xubin
3}Faarax Cabdi Gaas}.........................................."
4}Cali Maxamuud Cali Bayr...................................."
5}Cabdullaahi Sheikh Maxamuud............................."
6}Maxamed Xirsi Muuse {Caynab}.........................."
7}Saciid Ismaaciil Ibraahim {Hiimbool}....................."
8}Axmed Maxamed Cali {Raadsato}........................"
9}Naasir Sheikh Saalax........................................."
10}Maxamuud Xaaji Cumar {Barraadle}..................."
11}Maxamed Sacad Maxamed................................"
12}Cabdullaahi Maxamed Aadan{Gadhyare}............."
13}Bashiir Maxamuud Jaamac................................"
14}Yuusuf Axmed Kawir........................................"

Kala Xiriir:
Axmed Maxamed Aadan {Tabaatiig}
ssh_kuwait@hotmail.com
  

Distributed: Dec,09, 2002 | Posted: Dec 12, 2002

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qorayaasha ku saxiixan

BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa  

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD