SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - GERMANY
FARIIMO DHIIG XANBAARSAN AYAA KA IMANAYA HARGAYSA:

XagarYare

xagar91@hotmail.com 

SomaliTalk Germany

Dec 14, 2002

Weerarkii lagu qaaday dhowaan madaxwaynaha jamhuuriyadda isku magacawday somaliland mudane DAAHIR RIYAALE KAAHIN magaalada laascaanood ayaa waxaa uu xoog u gilgilay dhamaan woqooyiga soomaaliya, magaalooyinka BURCO, BARBARA, IYO MAGAALA MADAXDA HARGAYSA ayaa si gaar ah looga dareemaayay dhiillo xoogleh oo colaadi saansaan u tahay, magaalada boorame oo ah magaalada uu asal ahaaan ka soo jeedo mudane daahir riyaale ayaa gashay caalaamatu su,aal(?) waxaad moodaysay in ay reer boorame is waydiinayeen dhowr arimood .oo ay kamid tahay:

Hoos Akhri

alkarama

1) bal sida ay reer woqooyi oo laga reebay reer awdal uga jawaabaan weerarka riyaale loo gaystay,si baa layiri ay bal u ogaadaan in ay jecelyihiin madaxwayne nimadiisa wiilka reer boorame.

idaacadaha iyo jaraa'idada ka soobaxa woqooyiga ayaa muujinaayay dhiilo iyo tirtirsi colaadeed, waxaa marti igu noqotay markii ay saxaafada somaliland siidaysay hees tan oo aanay dhamaystirin.

(CEESAANTII MAS IYO GOOD MADAX SHABEEL LEEFTAA MALAGEEEEDIBAA GALAYEEY;NIN MILKADIISIYO MOORADIISI LOODHACAY MAWDKIYOO GEERIDA KAMA MAAGANAAYEE KAMA MAARANAAYEE):

Heestan oo uu hal abuuray abwaankii caanka ahaa CABDI BASHIIR INDHABUUR ayna ku luuqayn jireen kooxdii heegan ee ciidanka booliska soomaaliyeed waxaa loo qaadi jiray xiligii 1977 dagaalkii xoraynta lagulajiray ethiopia.

Barnaamij taxane uu ka dhigay RADIO SOMALILAND oo uu ugu talagaylay dadka woqooyiga soomaaliya oo kaliya inay fikradooda ka dhiibtaan dagaalka laas caanood waxa kala quman ayuu cinwaan uga dhigay((SIDAY KULA TAHAY IN LAGAGA HORTAGO GARDARADA MAAMULKA MAJEERTEENIYA?))).

Banaan bax wayn oo ay ka soo qayb galeen hogaamiyayaasha axsaabta siyaasadda somaliland ayaa laysugu soobaxay fagaaraha khayriyada ee magaalamadaxda gobolada woqooyigalbeed HARGAYSA,waxay dadku wateen boorar ay ku qoraayeen,

(diyaar baan u nahay difaaca dalka hooyo,reer sool waxaa naga dhexeeya qaranimada somaliland oo maguurta ah).

waxaa halkaaas ka hadlay gudoomiyaha xisbiga KULMIYE axmad maxamad maxamuud "AXMAD SIILAANYO"waxaana hadaladiisa kamid ahaa.

"dhulka somaliland maaha mid taako ka mid ah ciyaar ciyaar lagu qaadan karo,waxaa u soo qubtay dhiig badan,hadii ay ismoodsiiyeenna way riyoonayaan kooxda soo qaadday weerarkii gaadmada ahaa ee maleeshiyada dhiigyacab CABDILAAHI YUUSUF"

AXMAD SIILAANYO wuxuu ahaa gudoomiyihii ururkii SNM ee ka dagaalami jiray woqooyi wuxuuna haatan loolan ugu jiraa madaxwaynanimada somaliland.

xisbiga kale ee siyaasiga ah ee isnna layiraa ASAD ayaa taaageerayaashiisa isugu soosaaray xaafadda 26 juun ee magaalada HARGAYSA, waxaana halkaasi qudbad dhiig dhiig ka soo uraayo kasoo jeediyay gudoomiyaha xisbigaasi mudane Saleebaan Maxamed Aadan(SALEEBAAN GAAL),waxaa uuna yiri"lama weerarin laas caanood ee waxaa la weeraray somaliland difaaceeduna waa xorayn labaad oo soomaaliland lagu xoraynaayo"mudane SALEEBAAN GAAL markii ay afkiisa kasoo baxday kalamada ah"waa xorayn labaad!!!"ayaa sawaxan iyo qaylo dheer oo xamaasad kulul xanbaarsan ay dadwaynihii uu lahadlaayy isku dareen iyagooleh!!!hadhoco dhiigyacab cabdulaahi yuusuf!!!.

mr saleebaan gaal oo hadalkiisa siiwata ayaa yiri hadal kale oo ay dadku aad ugu sacbiyeen kana maqsuudeen "waxaannu u sheegaynnaa maamulka cabdulaahi yuusuf inaan laascaanood lagu dagaalamaynin ee lagu dagaalami doono garoowe, gaalkacayo iyo boosaaso."

COL:MAXAMED KAAHIN AXMAD oo ka mid ahaa saraakiishii hogaamin jirtay jabhaddii SNM ahaana mar taliyaha hogaanka siyaasada,haatanna kamida madaxda sare ee ururka ASAD oo isnna ka hadlay banaan baxyada sida aadka ah loosoo abaabulay ayaa ku baaqay waxa uu ugu yeeray DIFAAC QARAN wuxuu yiri "maanta waa maalin difaac qaran mujaahidiinta SNM waa diyaar, mucaarad muxaafid iyo dadwaynahana taas ayaa laga rabaa, sarkaal sare oo isna ka hadlay fagaare si xoogleh laysugu yimid ayaa si qayaxan ku yiri

"DHULBAHANTE WAXAA DANTIISU KU JIRTAA INUU SOOMAALILAND WAX LA QABSADO OO UU KA MID NOQDO MAAMULKA IYO CALANKA SOOMAALILAND OO UU HOOS YIMAADDO"

dhinaca kale puntland ayaad moodaa inaan qayladhaantaasi sida somaliland u buurayn balse aanu ka marnayn is abaabul,madaxwaynaha dawlad goboleed mudane cabdulaahi yuusuf axmad ayaa ciidamo xoogleh oo uu soo dhoobay agaggaarka iyo gudaha laascaanood 10,12.2002 u qaybinaayay mushaarooyinkoodii iyo waliba gunno,taasoo ay dadka qaarkii ku fasireen inuu kor u qaado niyadda ciidamada oo uu ku jiro dareenka ah in dagaal ku soo fool leeyahay.

akhriste colaadbaa mar labaad soomaaliya ka foolatay waxay dhashase loo wada jooge balse akhrisayaashayada somalitalk saaxiibayaal PUNTLAND waxaa dhalay SSDF, SOMALILAND iyadana waxaa dhalay SNM; hadaba waxaan maalmaha foodda inagu soo haya idiin soo gudbinaynnaa maqaal aan ku lafa guri doono sida uu ahaa xiriirkii waqtigii ay labaduba iska garab halgamayeen SSDF iyo SNM kaasoo kuu suura galinaaya bal inaad heshid sawirka dhabta ah ee labada maamul ay wadaagaan ama halka ay kalataaganyihiin.

Woqooyi Sidee Looga arkay Dagaalkii Laascaanood -- GUJI

Waxaa isku soo dubaridey Xagar Yare | xagar91@hotmail.com 

 SomaliTalk.com Germany

Dec 14,  2002


XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.

I  I  D  H  E  H

 

Ururka Darwiish Party oo Tacsi u diray laascaanood
Qoraal uu ururku maanta soosaaray ayaa ku bilaabmay.... GUJI  8/12
 

Bayaan ay soo saareen jaaliyada SSH ee Kuwiat
Annagoo ah Jaaliyadda dalka Kuwait deggan ee ka soo jeedda Gobolada Somalia ee Sool,Sanaag iyo Hawd in badan ayaanu   GUJI  12/12

Jaaliyada dhulbahante ee w/america warsaxaafadeed
la xiriira dagaalkii Laascaanood ayey ku sheegeen in GUJI  11/12

Warsaxaafadeedka Puntland ee Dagaalkii Lascanod
Madaxweyne ku xigeenka dawlad goboleedka Puntland mudane Maxamed Cabdi Xaashi oo ku sugan Eldoret ayaa.. GUJI  8/12

Woqooyi Sidee Looga arkay Dagaalkii Laascaanod
Dagaal aad u kulul ayaa ka dhacay magaalada laascaanood, kaasoo ay sabab u ahayd booqashadii Madaxweynaha... GUJI  8/12

... ELDORET: Taxanaha Wararka

 ... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 

Afeef: aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan


WARARKA KALE EE DECEMBER -GUJI

 SEPTEMBER AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD