SomaliTalk HTML CD


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - SWEDEN

DIINTA ISLAAMKA OO SI MAAMUUS LEH LOOGA AQOONSAN YAHAY DALKA SWEDEN
WQ. Ibraahim Saalax | SomaliTalk Yurub | Dec 26, 2002

 
Warbixintii hore ee Masjidka Stockholm.. Guji
Inkastoo wixii ka danbeeyay koow iyo tobankii sibteembar ee sannadkii hore, kadib qaraxyadii lala beegsaday Xarunta ganacsiga ee World Trade Center iyo Xarunta gaashaandhiga ee Mareekanka ay la soo gudboonaadeen dhibaatooyin kala duwan muslimiinta ku nool guud ahaan dalalka galbeedka, ayaa misna ayan sidaas u sii saameyn dhibaatadaas muslimiinta iyaga ku nool dalka Sweden.

Iskaba daaye dhibaatooyin soo gaara'e, waxaa waqti aan sidaas u sii fogeyn si is daba joog ah u soo booqanayay xarumaha islaamka ee Sweden mas'uuliyiin sarsare oo ka tirsan dowladda Sweden. Wasiiradda is dhexgalka Sweden Mona Sahlin ayaa mar aan sii fogeyn booqatay xarunta masjidka weyn ee ku yaalla Stockholm, iyadoo la kulantay maamulka masjidka, waxayna u sheegtay inay muslimiinta xorriyad buuxda ugu leeyihiin gudashada cibaadadooda diimeed, iyagoo aan arrintaas wax cabsi ah ka muujin, maxaa yeelay ayeey tiri sharciyada iyo qawaaniinta dalka Sweden ahmiyad weyn ayeey ugu fadhiyaan ilaalinta nabadgelyada.

Dhinaca kale, taageeradii ay dowladda Sweden ku bixin jirtay madaarista iyo dugsiyada khaaska ah ee ay leeyihiin muslimiinta ayaan iyagana la jarin dhaqaalihii la siin jiray ama-ba aan gebi ahaanba albaabada loo xirin, sida ka dhacday qaar ka mid ah magaalooyin ku yaalla dalka Denmark.

WARARKII SOOMAALIDA SWEDEN
Dec 14, 2002: Rabshaddo Hareeyey Tartanka Quruxdda Gabdhaha Soomaalida Gothenburg, Swden
Sept 13, 2002: Guddoomiyaha UEFA oo la kulmay Soomaalida Sweden...
Sept 13, 2002: Xaalada Soomaali Swedish ah 
Agosto 30, 2002:  Ma runbaa in soomaalidasweden ku badan yihiin xisbiyada siyaasadda marka la barbardhigo wadamada kale ??
Agosto 17, 2002: URURADA SOOMAALIDA BORLÄNGE OO KU MIDOOBEY DANAHOODA 
July 14, 2002:  MAREYKANKA OO LIISKA ARGAGIXISADA KA SAAREY LABO KA MID AH 3-DA SOOMAALIDA SWEDEN
May 24, 2002: BORLÄNGE IYO SOMALITALK.COM
May 22, 2002: 10-jir ku niyeystay, 40-jirna ku guuleystay  PHD - Dr. Cabdullahi Warsame Afrax  
May 18, 2002:  KULAN DHEXMARAY QEYBTA QAXOOTIGA IYO URURKA DHAQANKA GEESKA AFRIKA EE DEGMADA BORLÄNGE SWEDEN .. 
May 6, 2002: Sweden: Shir lagaga hadlay arimaha murugsan ee  Geeska Afrika 
July 1, 2000:  MASJID WEYN OO LAGA DHISAY MAGAALADA STOCKHOLM EE DALKA SWEDEN
Feb 28, 2000: AAYAHA SOOMAALIDA SWEDEN OO SOO IFTIIMAYA...
HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE SOM.SWEDEN 

Dowladda Sweden waxay si rasmi ah u aqoonsan tahay diinta islaamka, siday u aqoonsan tahay oo kale diimaha kirishtaanka iyo tan yahuudda, halka dalal badan oo ay ku jirto Denmark aan laga aqoonsanayn diinta islaamka.

Shacabka Sweden oo tiradooda dhaafin 8 malyuun, ayaa dhab ahaantii dunida meel sarreysa uga jira dhinaca nolol-wanaagga, hodontanimada iyo siyaasad wanaagga marka laga eego guud ahaan dowladaha caalamka.

Maadaama ay diinta islaamka iyo muslimiintaba aan sidaas looga aqoon hadda kahor carriga Sweden, haddana waxaa hubanti ah in waqtigan xaadirka ah in badan oo ka mid ah shacabka reer Sweden ay xiiso ba'ani ugu qabaan inay wax ka ogaadaan diinta islaamka. Muslimiintii ugu horeeyay ee u soo haajira dalka Sweden waxay intooda badan yimaadeen billowgii 60-maadkii qarnigii tagay, iyagoo muslimiintaasina ay badankooda ka kala yimaadeen dalalka Turkiya iyo dalkii horey la isku oran jiray Yuguslaafiyadii hore.

Billowgii 80-maadkii ee qarnigii tagay waxaa dalka Sweden laga aasaasay xarunta xiriirka islaamka ee Sweden (Raabiddada islaamka ee Sweden), oo guud ahaan magaalooyinka waaweyn uu dalka ka kooban yahay intooda badan ku leh laamo kala duwan. Dadaalkii lixaadka lahaa ee ay muujiyeen xubnaha firfircoon ee Raabiddada Islaamka wuxuu si weyn wax uga beddelay xiriirkii hore ee dowladda Sweden ay ka haysatay jaaliyadaha muslimiinta ee dalkeeda ku dhaqan, iyo sidoo kale midnimadii ay muujiyeen xarumihii iyo masaajiddadii la bahoobay Raabiddada islaamka.

Muslimiinta reer Sweden oo maanta sii caga-cageenaya 400,000 ayaa waxay rajo weyn ku abuurtay xisbiyada dalka ka jira, iyagoo dhammaantood isku dayaya inay wanaajiyaan xiriirka ay la leeyihiin iyaga, bal si ay codad uga helaan xilliga lagu jiro doorashada dalka.

Sidii aan horey u sheegnay, wixii ka danbeeyay 11-kii sibteembar waxaa soo shaac baxayay xiisaha ay shacabka reer Sweden ugu qabaan barashada diinta islaamka. Wasiiradda arrimaha dibadda ee Sweden Anna Lind ayaa go'aansatay inay wasaaradda daabacdo kitaab si waafi ah uga hadlaya diinta islaamka, iyadoo sababta sidaas ku kelliftay ka hadlaysana waxay tiri "waa inay ardayda reer Sweden ay oggaadaan inay leeyihiin arday saaxiibadood ah oo muslimiin ah, diinta ay wataana ka soo jeedda xadaarad fog iyo saamixaad weyn", hadalkaas ayuu ahaa kii lagu daabacy isla kitaabkaas oo tirada laga daabacay gaarayay ilaa 300,000 nuqul.

Dr. Jan Samuelsen oo isagu ku takhasusay falsafadda iyo cilmiga diimaha ayaa soo saaray kitaab uu ugu magac daray " islaamka iyo Sweden". Dr. Samuelsen wuxuu kitaabkiisa ku sharxay guud ahaan waajibaadka iyo tiirarka uu islaamka ka kooban yahay. Wuxuu kaloo ku xusay kitaabkiisa tirada xarumaha islaamka ee faraha badan ee ku yaalla dalka Sweden, kuwaasoo intooda badan dowladda ka hela kaalmo dhaqaale.

Haddaba, ugu danbeyntii ma laga yaabaa dhaqankaas suubban iyo tilmaantaas wanaagsan ee dowladda Sweden kula qaabishay jaaliyadda muslimiinta ee dalkeeda ku dhaqan inay kaga daydaan dalalka kale ee EU-da, iyadoo dalka Sweden aan horey aqoon dheeraad ugu lahayn guud ahaan shucuubta muslimiinta iyo islaamkaba sida dalalka Ingiriiska iyo Faransiiska oo iyaga soo isticmaarsaday dalal badan oo ka mid ah dunida islaamka??.

Ibraahim Saalax | ibra88@hotmail.com  [SomaliTalk Yurub]
STOCKHOLM, SWEDEN

SOMALITALK.COM | December 26, 2002 

Kadhig SomaliTalk bogga u horeeya oo kuusoobaxa markaad Internetka gashid

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive
Habeenkii Showrka Soomaalida Minnesota
Habeenamadii sabtidu soo geleysey ayaa waxaa magaalada Minneapolis kulan aad u heersareeye waxaa kuyeeshay dhammaan qaybaha kala duwan ee Jaaliyaadda.. GUJI... 23/12

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA: Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI.... |
anti@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
MAXBUUSADDII AY HOREY U XIREEN TAALIBAAN OO ISLAAMTAY ..GUJI.... 5/9/02 
Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  
SOMAALIDA YURUBTA KALE KU NOOL OO KU SOO QULQULAYA DALKA ENGLAND GUJI.. 
. MARKAAN IMID NAIROBI
. SOOMAALIDA ODENSE, DENMARK 

Hooyo Soomaaliyeed oo Uur leh oo Loo- taxaabay Xabsiga Weyn ee Mombasa
Hooyadaasi waxa ay ku dhexdhashay xabsigii, waxaa kale oo la qafaalay dumar nuujinayey.. GUJI. July 7/2002

Dugsi Khaas ah oo ay Leeyihiin Muslimiintu oo Albaabada Looxiray
DENMARK - Dugsiga khaaska ah (private school) ee lagu magacaabo Æraskolen,   ayaa..GUJI.  June 2/02 

XASUUQA JENIN WAA MID AYAN TAARIIKHDA ILOOBI DOONIN  Guji... 

SOOMAALIDA DENMARK: Bulshada Aynu lanool nahay aynu ka qaadano Wixii na Anfaca
Warbixin:... Ka akhri halkan feb 20/2002

GELLE OO LA KULMAY RA’IISAL WASAARAHA DENMARK GUJI 
DOWLADDA DENMARK OO SOO BANDHIGTAY SHARCI ADKEYNAYA SHISHEEYAHA DALKEEDA KU DHAQAN ...AKHRI HALKAN
ISLAM AMIN OO KU GUULEYSATAY DACWADEEDII (Aug 2000), MAG-DHOW AHAANA LOO SIIYAY 10.000 KR Guji halkan
QOYS SOOMAALIYEED OO DACWAD KU SOO OOGAY DHAQTAR- UDHASHAY DENMARK GUJI.. 
BANNAANBIXII FILIMKA BLACK HAWK DOWN  
MAXAY GALABSATAY IIMAAN OO 4 BILLOOD JIRTA! GUJI 
Sharci.cusub.Denmarka | 10Beri.Ramadaan.Kadib | Goorma.lagayaabaa.in. | Axmed.Xirsi | Geelle.iyo.Ra'iisulwasaare | Welwelka.Carruurta | Jaaliyada.Som.Odense | Waraysi.Mohamed.Deeq | Wafti.yimid.Denmark | Daraasad.Muslimka.USA | Talo.Muslimiinta.Minnesota | Qubuuraha.Muslimiinta | Xalka.Carruurta.Qurbaha | Islaamnimada.Siciid | Guushii.Islam.Amin | Qaraxyo.Kadahac.USA


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD