SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SWEDEN

  

Bidixda: Maxamed Muse, Muxyadiin Darbaweyne, L. Johansson, Yusuf Maxamuud Kulmiye "Dhabarey" iyo dhexda Sacad Cumar Geedi

Guddoomiyaha UEFA oo la kulmay Soomaalida 

Stockholm - Guddoomiyaha xiriirka Kubbada Cagta ee Yurub (UEFA), isla markaana ah guddoomiye ku-xigeenka xiriirka Kubbada Cagta ee dunida (FIFA) Mr Lennart.Johansson ayaa maalintii jimcaha 06 Sep, kulan dheer la yeeshay qaar ka mida madaxda guddiyada ciyaaraha ee Soomaaliya.

Mr.Lennart.Johansson, guddoomiyaha UEFA, wuxuu xafiiskiisa ku yaal xarunta dalka Sweden, Stockholm uu ku qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka xiriirka Kubbada Cagta ee Soomaaliyeed, Muxyadiin Darbaweyne, Wakiilka Olympic Soomaaliyeed ee dalalka waqooyiga iyo bartamaha Yurub Sacad Cumar Gedi, Guddoomiyaha guddiga Olympic Soomaaliyeed ee Sweden Maxamed Muse Cabdi iyo ku-xigeenkiisa Yusuf Maxamuud Kulmiye "Dhabarey".

II  I  D  H  E  H

Kulankaan oo socdey muddo dheer waxaa looga wadahadlay arrimo badan oo ku saabsan sidii loo horumarin lahaa guud ahaan ciyaaraha Soomaalida siiba Kubbada Cagta. Waxaa la isla soo qaaday oo kale sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dayactirka garoomada ciyaaraha iyo sidii qalabka ciyaaraha loogu diri lahaa.

Waxaa muhiim loo arkay in loo baahan yahay khubaro tababaro siisa ciyaartooyada Soomaalida ee gudaha iyo dibadaba.

Waxaa kale oo looga wada hadley sidii dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Yurub siiba kuwa dalka Sweden sare loogu qaadi lahaa farsamadooda ciyaareed, iyo waliba sidii ay uga faa'iideysan lahaayeen khibrada kooxaha kubbada cagta ee ka dhisan Yurub.

Fadhigaas waxaa warbixin dheer ka soo jeediyey guddoomiye ku-xigeenka kubbada cagta ee Soomaaliya, Muxyadiin Darbaweyne, wuxuuna ka hadlay xaaladda ciyaaraha iyo horumarka uu sameeyey Xiriirka kubbada Cagta.ee Soomaaliya.

Sidoo kale Wakiilka Olympic Soomaaliyeed ee dalalka waqooyiga iyo bartamaha Yurub, Sacad Cumar Gedi, ayaa ka sheekeeyey waxqabadkii kooxaha ciyaartooyada Soomaaliyeed ee Yurub.

Guddoomiyaha guddiga Olympic Soomaaliyeed ee Sweden Maxamed Muse Cabdi, ayaa isna warbixin kooban ka soo jeediyey qaabka loo dhisey ururka iyo baahida keentey in ururkaan la dhiso.

Yusuf Maxamuud Kulmiye "Dhabarey" oo ah guddoomiye ku xigeenka guddiga Olympic Soomaaliyeed ee dalka Sweden ayaa ka warramay hawlaha ballaaran ee horyaal ururka iyo wax ka qabashadooda.

Waxaa gebagebadii shirkaasi ka hadley Gudomiyaha UEFA wuxuuna balanqaadey in uu waxkasta oo karaankiisa ah uu u qabandoona sidii loo horumarin lahaa ciyaaraha Soomaalida, gacan buuxdana uu ka geesan doono, tixgelin gaar ahna uu siin doono sidii sare loogu soo qaadi lahaa farsamada ciyaareed ee dhallinyarada ku nool Sweden iyo Soomaaliya.

Mr Lennart.Johansson oo u dhashay dalka Sweden ayaa loo doortay madaxeynaha ama guddoomiyaha UEFA 1990.

 

WQ. Siyaad adan Muse 

daariq55@hotmail.com 

Faafin: Sept 13, 2002

 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan 

WARARKA KALE AGOOSTO  | WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 
em@spam.com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8
 
XAMARCADEEY
Caddeynta Xaqiiqada dhabta ah ee Dhulka Banaadiriga
Taariikhdu dadkay bartaa Dunida way iftiimisaa
GUJI...
[Dr. C/Qadir -Muriidi golf]
 
CALI JARMAL
Waraysi uu Bixiyey Cali Jarmal 
Waraysi dheer oo uu bixiyey Mudane Ali Addow Mohamed (Ali Jarmal) ayuu kusheegay in shirka Kenya GUJI... 26/8
 
N A B A D A Y N
Baaq Nabadeed Colaadda Mesagawaay
Dhammaan Muddulloodka wax garadka ah ee ku nool Skandinaviya ( Sweden. Denmark, Finland, Norway) Waxay ugu baaqayaan... GUJI.. 22/8 
 
S U U G A A N
Abwaan Maaweel oo Kawaramay Suugaantiisa
Maaweel oo dhowaan socdaal ku soo gaadhay magaalada Nairobi ayaa waxaa waraystay Ibraahim Maxamedeeq oo ah qoraa suugaanta soomaalida xiiseeya ayaa ... GUJI.. 22/8 
 
LAASCAANOOD
Urur Cusub oo laga Sameeyeey Laascanod
Uurkan oo lagu magcaabay (S.S.H.Y.L.) oo noqonaya Sol, Sanaag, Hawd, youth League, waxaa  GUJI... 28/8
 
KOONFUR AFRIKA
Shirweynaha Aduunka oo Kasocda K/Afrika
Shirkan oo lagaga hadlidoono Ilaalinta deegaanka, La dagaalanka cunto yaraanta, Ka hor taga xaalufinta deegaanka iyo  GUJI... 28/8
 
S A C U U D I G A
Xasan Abshir oo Lakulmay Amiir Cabdalla
Ra'iisul wasaaraha DKG ayaa sucuudiga kula kulmay Amiirka Cabdalla Bin Cabdulcasiis Al-Sacuud  GUJI   Agosto 14
 
M U Q D I S H O
Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho
Magaalada Muqdisho, caasimaddii dalka Soomaaliya, hoygii nabadda iyo amaanka, xadaaradda iyo tacliinta... hadda waxay noqotay GUJI... Agoosto 6


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD