SomaliTalk HTML CD


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - DENMARK

xubnaha Shabakadda xiriirka soomaaliyeed oo dhagaysanaya qodobbada shirka

SHIRKII SHABAKADDA XIRIIRKA SOOMAALIYEED AY KU YEESHEEN MAGAALLADA ODENSE, DENMARK
wq. Ibraahim Saalax | SomaliTalk Denmark

Shir ay soo qabanqaabisay shabakadda xiriirka soomaaliyeed ee Denmark ayaa ka dhacay sabtidii taariikhdu ahayd 22-02-2003 xarunta aqalka dhalinyarada ee magaallada Odense, Denmark.

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen xubnaha shabakadda xiriirka Soomaaliyeed [somaliNetwork] ayaa looga dooday fikrado fara badan oo ay ka mid ahaayeen tarbiyadda caruurta, arrimaha qoyska, dhaqamada kala duwan, xiriirka waalidka iyo ubadka ka dhaxeeya, dhibaatooyinka aalaba dhalinyarada kala soo gudboonaada dhaqamada dalalka ay ku nool yihiin, dowrka kaga aaddan Shabakadda SomaliNetwork sidii loo ilaalin lahaa sumcadda soomaalida ku dhaqan Denmark [DK] iyo mawaadiic kaloo fara badan oo laga soo jeediyay goobtii shirka.


Maxammed Xassan Geelle

Markii ay goobtii shirka yimaadeen dhammaan xubnihii lagu casumay shirka, waxaa madashii shirka albaabada u furay madaxa iyo guddoomiyaha Shabakadda xiriirka soomaaliyeed ee Denmark Maxammed Xassan Geelle, isagoo mahadnaq iyo amaan shirkii uga soo jeediyay dhammaan ka soo qayb galayaashii shirka oo isugu jiray xubnihii soomaaliyeed oo rag iyo dumar isugu jiray iyo marti u dhashay Denmark oo ka kala socday hay’adda laanta qaxootiga ee Denmark iyo Jaamacadda ku taalla Copenhagen ee la yiraahdo Copenhagen University.

Furashadii shirka iyo is barashadii xubnaha dhexdooda iyo martidii ka soo qayb gashay shirka kadib, waxaa durbadiiba la galay qodobbadii shirka u degsanaa oo ay ka mid ahaayeen:-

  • Tarbiyadda caruurta
  • Sumcadda soomaalida Denmark
  • Mashaariicda dib u dhiska Soomaaliya
  • Dowrka ay leedahay ka qayb qaadashada warbaahinta DK

Tarbiyadda caruurta 


Cambaro Xaashi Nuur
Xubnihii soomaaliyeed waxay waqti badan ku bixiyeen dooddi la xiriirtay tarbiyadda caruurta. Maxaa keena tarbiyad xumida caruurta soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka qurbaha, sidee ayeey iyagoo haysta dhaqankoodii iyo tarbiyaddoodii toosnayd ugu noolaan lahaayeen dalka Denmark, yaase ka danbeeya inuu cunugga ka weecdo tarbiyadda toosan ee uu haysto.

Guud ahaan dadkii ka hadlay shirka waxay farta ku wada fiiqeen inay waalidiinta mas’uul ka yihiin tarbiyad xumida caruurta. “Maandhoow waalidiin ma joogaan Denmark, denbi ma lahan caruurta ay ka luntay tarbiyaddooda” ayeey tiri Cambaro Xaashi Nuur oo madax ka ah ururka haweenka soomaaliyeed ee dalka Denmark, kuna caan baxday ka qayb galka shirarka caalamiga ah ee dunida ka dhaca. Way sii hadashay hooyo Cambaro oo waxay misna tiri “waalidiin badan ayaanan wada degganayn, seperate/kala noolaasho been ah ayeey ku jiraan, marka sidee macquul u noqonaysaa caruurtii ay waalidiintaas dhaleen inay toosaan” ayeey tiri Cambaro oo deggan Århus magaallada labaad ee dalka Denmark.

Cabdirashiid Abdi oo deggan Odense kana shaqeeya degmada Odense qaybteeda dhalinyarada iyo caruurta ayaa isna dhinaciisa walaaac ka muujiyay dhalinyarada soomaaliyeed ee ku sii badanaya ka ganacsiga iyo isticmaalka mukhaadaraadka, wuxuuna waalidiinta ku waaniyay inay si feejignaan leh ula socdaan ubadkooda. “dhalinyarada soomaaliyeed qaarkood waxay iyagoo kaashanaya deenishka ka ganacsada maandooriyayaasha ay soo geliyaan Denmark mukhaadaraadka noocyadiisa kala duwan, waxay wataan gawaari cusub” ayuu yiri Cabdirashiid oo shaqadiisu u badan tahay dhalinyarada iyo caruurta soomaaliyeed. “badbaadada caruurtaas waa iyadoo aan ka caawino sidii aan ugu hagi lahayn waddooyinka ka caawin kara mustaqbalkooda waxbarasho. 

Cabdirashiid 

Waxaa wax laga naxo ah inay jiraan caruur badan oo soomaaliyeen oo laga marin-habaabiyay waddooyinkii saxda ahaa ee waxbarasho, waxaa loo diray koorsooyin aan faa’iido ugu lahayn msutaqbalkooda, waa kuwaas kuwa ay waajib tahay inaan garab istaagno” ayuu yiri Cabdirashiid Cabdi oo tobankii sanno kala shaqaynayay degmada Odense laamaha caruurta iyo guud ahaan shisheeyaha.

Inkastoo ay ballaarnayd dooddii ku saabsanayd tarbiyadda caruurta, hase ahaatee qaar ka mid ah dadkii goobtii shirka joogay ayaanan xal ugu arkin caqabadaha hortaagan tarbiyadda in xal loogu helo. “Uma arko inuu jiro xal go’an oo looga hortagi karo tarbiyad xumida caruurta” ayuu yiri Cabdikariim oo isagu deggan magaallada Copenhagen.

Kala duwanaansho fikradeed 


Maxammuud Khaliif 
“waxaa i soo jiidatay muxaadaro uu soo jeediyay nin khibrad u leh soomaalida oo jaamacadda muxaadaro ka jeedinayay, wuxuu sheegay inay soomaalida ay diintooda sidaas aynan ugu camal fali jirin markii ay joogeen Soomaaliya. Waxay ahaayeen sida bulshada deenishka ay maanta ugu liitaan ku dhaqanka diintooda kirishtaanka oo kale” ayuu yiri Maxammuud Khaliif oo macalin ka ah dugsi ku yaalla magaallada Århus, degganaana Denmark 22 sanno.

Hadalkaas ayuu shaki iyo xanaaq geliyay Muse Askar oo isna macalin ka ah dugsi hoose/dhexe ee ku yaalla Copenhagen, isla mar ahaantaana ka mid guddiga maamulla dugsiga khaaska ah ee Al-Konwnain Friskole ee ay maamulaan soomaalida, wuxuuna sheegay inay hadalkii uu M. Khaliif yiri uusan sax ahayn “waxaan soo jeedin lahaa inaan ka fiirsano hadallada aynu ku hadlayno, Ilaah ayaa nagu addoonsaday ku dhaqanka islaamka, sax ma ahan waxa uu yiri M. Khaliif” ayuu si caro leh u yiri Muse Askar, wuxuu dhinaca kalena ka digay inaan bulshada soomaaliyeed ee Denmark u qaybino qaybo kala duwan. “Ujeeddadeennu waa mid, baahideenuna waa mid, waxaynu nahay dad islaam ah, waan ka mideysanahay wax ka qabadka baahideenna” ayuu markalena yiri

Intuu shirka socday, waxaa hadalladii iyo dooddii ay soo jeedinayeen soomaalidii isugu yimid shirka dhageysanayay Navja Kleist oo ka socotay Jaamacadda Copenhagen, kuna talo jirta mustaqbalka dhow inay risaaladeeda Phd-ga ku diyaariso baaritaan la xiriirta siday u nool yihiin soomaalida ku dhaqan dalka Denmark iyo Jens Frederiksen oo isna ka socday laanta hay’adda qaxootiga Denmark, waxaana dhexdooda fadhiyay nin soomaaliyeed oo afka deenishka ugu tarjumayay hadalladii lagu soo bandhigay doodda shirka.

Shirkan oo uu si wacan uu u agaasimayay Maxammed Xassan Geelle ayaa si kala danbeyn leh looga doodayay qodobbada shirka, iyadoo ay dhiiragelisay habsami u socodka shirka inay ka soo qayb galayaashii shirka ay dhammaantood si hufan oo dhiiranaan leh ay u dhiibtaan fikradahooda.

Sumcadda soomaalida Denmark 

Waxaa kaloo intaa kadib shirka looga dooday sidii loo wanaajin lahaa sumcadda soomaalida ku dhaqan dalka Denmark. Qodobkan oo ay dadka badankooda ay xiiso u qabeen ayaa durbadiiba billaabatay falanqayntiisa. Laga soo billaabo bishii Nofeembar ee sannadkii hore ilaa dhammaadkii bishii hore ee jannaayo waxay guud ahaan saxaafadda Denmark ka hadlayeen soomaalida iyo gudniinka, taasoo sababtay inay qoysas soomaaliyeed ay arrintaan kala kulmaan dhibaatooyin badan.

Haddaba, xubnaha shabakadda SomaliNetwork ayaa goobtii shirka ku nuuxnuuxsaday ahmiyadda ay ugu leedahay in shabakadda laga dhex doorto guddi daba gala qoraallada laga qoro soomaalida, iyagoo isla mar ahaantaasna ku hadlaya magaca bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Denmark. “Wargaysyada Denmark qaarkood ayeey waxay doonaan ka qora soomaalida, mar aan sii fogeyn ayaa maqaal ka hadlaya Falastiin lagu soo bandhigay haween soomaaliyeed oo xijaaban sawirkeeda, markii aan eegayna waxaan ogaaday in maqaalka wuxuu ka hadlaya iyo sawirku uusan is lahayan, sidiina ayaan ula xiriiray wargayska” ayuu yiri Saciid oo deggan Copenhagen, kana mid ahaa xubnihii shirka ka soo qayb galay. Wuu sii waday Saciid hadalkiisa, oo wuxuu kaloo yiri “khaladkaan dhacay waa mid aan si kama’ ah aan ku arkay, ka warama khaladaadka kale ee laga gelayo soomaalida oo aynan isla mar ahaantaasna aynan ka warqabin”.

Aynu saxno qaladaadka aan leenahay 


Navja iyo Jens ool ootarjumayo
Dadkii ka hadlay qodobkaan ayaa ka mid ahaa Cabdirashiid, wuxuuna soo jeediyay in sumcad wanaajinta soomaalida Denmark loo adeegsan kara dadka u dhashay Denmark, kuwaasoo ayuu yiri si wacan u yaqaana soomaalida sidaasna u difaaci kara. Waxay qaar kale tilmaameen inay jiraan qaladaad ay leeyihiin soomaalida laftooda, taasoo ay habboon tahay in la saxo. “xisbiga ka soo horjeeda ama naceb shisheeyaha ee Dansk Folkeparti waxaa codad si dadban u siiya soomaalida, sidaasna waxaa ii sheegay nin wasiir uga ahaa dowladdii ugu danbeysay ee dhacday ee socail-ka” ayuu yiri Eng. Abdi Ashuur Hassan oo deggan magaallada Fredericia. Wuu sii hadlay Abdi Ashuur oo wuxuu yiri “markaan weydiiyay sida ay soomaalida codadkooda ku siiyaan ii sheeg wuxuu yiri waxay xisbigaas aruursadaan qaladaad badan oo aad galaysaan” ayuu markale yiri, wuxuuna u soo jeediyay soomaalida inay lahaadaan markasta feejignaan joogto ah.

Waxbarashada oo lagu dadaalo iyo goobaha shaqada laga muuqdo ayaa ka mid ah waxyaabaha kor ugu soo qaadi kara sumcadda soomaalida DK, waxaana sidaas isla meel dhigay xubnihii shabakadda SomaliNetwork.

Mashaariicda dib u dhiska dalka


Muse Askar
Waxaa kaloo shirka looga dooday sidii loo xoojin lahaa mashaariicda dib u dhiska dalka ee ay hadda gacanta ku hayaan hay’adda qaxootiga Denmark, iyo sidii la isugu xiri lahaa guud ahaan mashaariicda howlaha ka wada qabanayo Soomaaliya. “aad ayaan ugu faraxsanahay guud ahaan mashaariicda wax loogu qabanayo dalkeena Soomaaliya, annigu matalan waxaan la shaqeeyaa urur lagu magacaabo Somscan and UK oo mashruuc weyn ka wada waqooyiga Soomaaliya, aad ayaana u so dhoweynayaa mashaariicda kale ee laga wado Soomaaliya” ayuu yiri Muse Askar oo aad ugu dheeraaday kartida soomaalida qaarkood ay ugu leeyihiin waxqabadka dalkooda iyo dadkooda. “waxaan garanayaa haween soomaaliyeed oo degganayd Denmark oo dugsi weyn oo hoose/dhexe ah ay ka dhistay magaallada Hargaysa ee Soomaaliya, aragtida deenishka ay ka qabeen hooyadaas waxay ahayd mid aad u hoosaysa, waxay arkayeen inay ahayd qof aanan waxna qorin, waxnana aqrin, hase ahaatee waxaa hubaal ah inay ahayd hooyo karti leh aadna ugu firfircoon himilooyinka ay tiigasanaysay” ayuu yiri Askar oo xusay dugsiga ay hooyadaas ka dhistay Hargaysa in la yiraahdo Scandinavien primary school.

Ugu danbeyntii shirkii shaleey ka dhacay magaallada Odense oo run ahaantii looga dooday qodobbo aad muhiim ugu ahaa jaaliyadda soomaaliyeed ee DK ayaa ahaa mid si wanaagsan leh loo soo agaasimay, inkastoo laga yaabo inaynan ka soo bixin natiijooyin sidaas u sii weyn, haddana waxaa hubaal ah inay wada-hadalku iyo doodaha noocaan oo kale ee ay is dhaafsanayaan soomaalida ay horseedi karaan horumar waaweyn mustaqbalka fog. Shirkan oo kale ayaa la filayaa in lagu qaban doono magaalooyin badan oo ku yaalla Denmark

Ururka shabakadda xiriirka Soomaaliyeed [SomaliNetwork] waxaa la aasaasay sannadkii 1999-kii, waxaa guddoomiye ka ah Maxammed Xassan Geelle, waxaana loogu talo galay wargelinta iyo xog is-dhaafsiga soomaalida ku dhaqan Denmark, sidoo kale bulshada deenishka ee markaas xiiseeya arrimaha soomaalida iyo Soomaaliya. Dhaqaalaha ku baxa shabakadda waxaa bixiya dowladda Denmark, iyagoo dhaqaalahaas u soo marsiiya laanta hay'adda qaxootiga Denmark

Shabakadda SomaliNetwork wuxuu dowr weyn ka cayaari karaa midnimada iyo isu keenidda 16-ka kun ee soomaaliyeed ee ku dhaqan Denmark, waa haddii si wacan loo agaasimo, isla mar ahaantaana si wadajir ah la isaga kaashado taageeradiisa.

WAXAA ISKU SOO DUBARIDEY:
 Ibraahim Saalax | ibra88@hotmail.com  
[SomaliTalk Yurub]
Odense, Denmark

Faafin: Feb 23, 2003

com

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
SADDAAM OO CODSADAY INUU WADA HADAL TOOS AH LA YEESHO BUSH
Waraysi uu la yeeshay TV-ga CBS ayuu Saddam shaaca kaga qaaday in GUJI feb 25

WASIIRKA DENMARK OO DOONAYA INUU CIQAABO WAALIDIINTA SOOMAALIDA GUJI... Feb 3, 2003

MA DALKA MAREEKANKA AYAA DUNIDA NABADDEEDA KHATAR KU HAYA GUJI... Jan 20, 2003

DIINTA ISLAAMKA OO SI MAAMUUS LEH LOOGA AQOONSAN YAHAY DALKA SWEDEN GUJI... dec 26, 2002

MAXBUUSADDII AY HOREY U XIREEN TAALIBAAN OO ISLAAMTAY ..GUJI.... 5/9/02 

Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  
SOMAALIDA YURUBTA KALE KU NOOL OO KU SOO QULQULAYA DALKA ENGLAND GUJI.. 
. MARKAAN IMID NAIROBI
. SOOMAALIDA ODENSE, DENMARK 

Hooyo Soomaaliyeed oo Uur leh oo Loo- taxaabay Xabsiga Weyn ee Mombasa
Hooyadaasi waxa ay ku dhexdhashay xabsigii, waxaa kale oo la qafaalay dumar nuujinayey.. GUJI. July 7/2002

Dugsi Khaas ah oo ay Leeyihiin Muslimiintu oo Albaabada Looxiray
DENMARK - Dugsiga khaaska ah (private school) ee lagu magacaabo Æraskolen,   ayaa..GUJI.  June 2/02 

XASUUQA JENIN WAA MID AYAN TAARIIKHDA ILOOBI DOONIN  Guji... 

SOOMAALIDA DENMARK: Bulshada Aynu lanool nahay aynu ka qaadano Wixii na Anfaca
Warbixin:... Ka akhri halkan feb 20/2002

GELLE OO LA KULMAY RA’IISAL WASAARAHA DENMARK GUJI 
DOWLADDA DENMARK OO SOO BANDHIGTAY SHARCI ADKEYNAYA SHISHEEYAHA DALKEEDA KU DHAQAN ...AKHRI HALKAN
ISLAM AMIN OO KU GUULEYSATAY DACWADEEDII (Aug 2000), MAG-DHOW AHAANA LOO SIIYAY 10.000 KR Guji halkan
QOYS SOOMAALIYEED OO DACWAD KU SOO OOGAY DHAQTAR- UDHASHAY DENMARK GUJI.. 
BANNAANBIXII FILIMKA BLACK HAWK DOWN  
MAXAY GALABSATAY IIMAAN OO 4 BILLOOD JIRTA! GUJI 
Sharci.cusub.Denmarka | 10Beri.Ramadaan.Kadib | Goorma.lagayaabaa.in. | Axmed.Xirsi | Geelle.iyo.Ra'iisulwasaare | Welwelka.Carruurta | Jaaliyada.Som.Odense | Waraysi.Mohamed.Deeq | Wafti.yimid.Denmark | Daraasad.Muslimka.USA | Talo.Muslimiinta.Minnesota | Qubuuraha.Muslimiinta | Xalka.Carruurta.Qurbaha | Islaamnimada.Siciid | Guushii.Islam.Amin | Qaraxyo.Kadahac.USA


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD