SomaliTalk HTML CD


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - DENMARK
WASIIRKA DENMARK OO DOONAYA INUU CIQAABO WAALIDIINTA SOOMAALIDA

SomaliTalk.com Denmark | Feb 3, 203

Wasiirka arrimaha is dhexgalka ee dalka Denmark Bertel Haarder ayaa ku hanjabay inuu ciqaab marin doono waalidiinta somaaliyeed ee ubadkooda ugu dira Somaaliya dhaqan celin awgeed.

Hadallada wasiirka oo lagu soo daabacay maalintii talaadada wargayska maalinlaha ah ee Jyllands Posten ayaa sheegay inuu lacagta kaalmada ee ay dowladda bixiso uu ka jari doono waalidiinta soomaaliyeed, waa haddii ay ubadkooda ugu diraan Soomaaliya dhaqan celin.

“Waa wax aad looga naxo ah in caruurta soomaaliyeed loogu diro Soomaliya dhaqan celin, iyadoo waalidiintiina ay joogaan Denmark weliba ayagoo aanan dhexgelin bulshadii ay la degganayeen” ayuu yiri wasiirka Haarder oo tallaabadan uu qaaday kala kulmay diidmo kaga yimid meelo kale duwan.

Yaan la ciqaabin, laakiin talooyin ha la siiyo

Xooghayaha laanta qaxootiga ee Denmark Andreas Kamm ayaa isagoo ka jawaabaya hadalkii wasiirka yiri hadalkan “Looguma ciqaabo karo waalidiinta inay ubadkooda ugu diraan dalkooda. Hase ahaatee waxa keliya ee lagu kordhin karo waa iyadoo la siiyo talooyin, kahor inta ayan ka kulmin waxyaabaha dhibaatooyinka ka keeni kara tarbiyadda”.

Wuxuu kaloo intaasi raaciyay “waalidiinta waxay dareemayaan inay ubadkooda koontarooli karin oo markaasi ay u arkaan inay soo wadaan dhibaatooyin amaba laga yaabo inay lumiyeen dhaqamadii ay ku soo barbaareen waalidiintii dhalay”, ayuu markale yiri isagoo ku taliyay sidii loo siin lahaa waalidiinta soomaaliyeed talooyin ku caawiya dhibaatadan iyada ah.

Ma jiro sharci gooni ah oo dhigaya in la ciqaabo haddii waalidiinta soomaaliyeed ay ubadkooda u diraan meeshay doonaan. Sidaa darteed ayeey sharci yaqaanno wax ka dhiga Jaamacaha Denmark ku tilmaameen hadalkan ka soo yeeray wasiirka mid aan waafaqsanayn sharciga u degsan dowladda Denmark.

Hadal la iska yiri

Guddoomiyihii hore ee ururka dalladda shisheeyaha ee dalka Denmark Mohammed Hassan Geelle ayaa mar aan la xiriiray ii sheegay inuu hadalkii wasiirka ahaa mid uusan sidaas uga sii fiirsan. “waa hadal aan caqli gal ahayn isla markaasna uusan isagoo ka fiirsan iska yiri” ayuu ku soo koobay Geelle hadalkiisa, wuxuuna soomaalida Denmark u jeediyay inay had iyo jeer iska ilaaliyaan dul-dulleelada laga soo geli karo, si aan markaas saxaafadda Denmark ceebo ayan lahayn loogu soo bandhigin.

“labo waxyaalood ayaa keenaysa inuu waalidka uu wiilkiisa/gabadhiisa ugu diro Soomaaliya, waa tan koowaade, caruurtii oo ka taga dhaqankii ay lahaayeen iyo iyagoo sameeya fal denbiyeed keenta markaas inay waalidka u diraan Soomaaliya” ayuu yiri Geelle isagoo labadaas waxyaabood-ba aan ugu arkin inay xal yihiin. “waalidiinta waxay u baahan yihiin in talooyin laga siiyo mashaakilka haysta ubadkooda ee daawada yaan laga raadin oo keliya in loo diro Soomaaliya” ayuu haddana raaciyay.

Maxay arrintan ka yiraahdeen Soomaalida DK

Soomaalida ku dhaqan Denmark ayaa guud ahaan jawaab aanan u haynin hadallada iyo go’aannada is daba joogga ah ee ka soo yeeraya dowladda Denmark, kuwaasoo lagu doonayo in lagu yareeyo qaxootiga laga yaabo inay ku soo bataan Denmark. “adeer garan maayo waxaan ka iraahdo arrintan iyada ah, haddaynu nahay soomaali waxaad mooddaa inay saxaafadda Denmark ay innaga uun na ugaarsanayaan sidoo kale dowladda DK, bishii nofeembar ilaa dhammaadkii diseembar waxay hadal hayeen oo keliya Soomaalida iyo gudniinka” ayuu yiri waalid soomaaliyeed aan jeclaysan inaan magaciisa xuso.

Wuu sii hadlay oo wuxuu yiri “ma haddaa la yiri haddii aan ubadkayga u diro Soomaaliya waa lagu ciqaabayaa oo lacagtii ayaa lagaa goonayaa, adeer risqigaa Allaa bixiya, weligeen waynu nooleyn, Ilaah ayaana kafaalo qaaday waxaynu cuni lahayn, adduunyada ninkii nool wax weliba wuu arkayaa, Alloow sharafteenii noo soo celi” ayuu ugu danbeyntii ku duceystay odeygii soomaaliyeed oo isagoo 70-kii dhafay ku nool dal aad u qaboow oo uusan weligiis ku fekerin inuu ku noolaado.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan shaki ku jirin inay boqolaal -haddaanan oran-ba- kumanyaal ka mid ah waalidiinta soomaaliyeed ee ku nool Yurub iyo Waqooyiga Ameerika ay dhibaatooyin ka haysato tarbiyadda caruurtooda, iyagoo ay cabsida ugu weyni tahay dhaqan-geddoonka daran ee la soo gudboonaada ubadkooda iyo iyagoo aanan wax aqoon ah aanan u lahayn siday ula tacaali lahaayeen dhibaatadaas iyada ah.

Qaar ka mid ah waalidiintaas waxay ubadkooda ula cararaan dalalka carabta ah, iyadoo aan la hubin inay ka helayaan wixii ay ku taamayeen. Qaar kale waxay ubadkooda ula cararaan dalalka deriska la ah Soomaaliya sida Kenya ama Ethiopia, halka kuwa kalena ayba doorbidaan dhulkoodii hooyo oo weli haysata musbiibadii keentay barakacan aan la ogeyn goorta uu soo af-jarmdi doono.

Haddaba, innagoo aan is weydiinayno, ma laga yaabaa innagoo ku nool dalalka aan degganahay ee qurbaha (Yurub iyo W. Ameerika) inaan ilaashanno dhaqankeenii iyo islaamkeenii, dhinaca kalena aan la fal-galno dhammaan qaab nololeedka kale ee aanan dhaawacaynin dhaqankeena iyo islaamkeena??!

SomaliTalk.com Denmark kala xiriir: 
Ibraahim Saalax | ibra88@hotmail.com 
  www.somalitalk.com/ibraahim

Feb 3, 2003

WADANKEE KHATAR KU AH NABADDA DUNIDA 2003
Ma maraykanka, mise Ciraaq, mise Kuuriyada Woqooyi.. Tirakoob uu sameeyeye wargeyska Times waxa uu sheegay 82.5% in Maraykanku yahay kan.... GUJI... 20/1

Hoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

  
Dayax Gacmeedkii Columbia ee Maraykanka oo Burburay
Toddobadii cirbixiyeen ee saarnaa dayaxgacmeedkaas waa dhinteen kadib markii uu ku burburay hawada Texas GUJI feb 1

Sucuudiga oo Bixiyey 1.3 million Visas Xajjka Sannadkan 1423
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday Wasaaradda Arimaha gudaha ee Sucuudiga, waxa kale oo wasaaradu sheegtay in....  GUJI... Feb 2

DAREENKA DADWEYNAHA IYO TODDOBAADKAN
Maamulka Somaliland oo Xabsiga u Taxaabay Ergey Nabad Doon ah

URURKA AFRIKA OO GALAYA TIJAABADII KOOBAAD
Midawga Afrika ayaa markiisii ugu horraysay kulankiisii koobaad kuyeelanaya magaalada ADDIS-ABABA  GUJI... feb 1 

Dhanbaal Murugo leh: Gabadh ka soo Baxsatay Xabsiga Itoobiya: Wararka Radio Xoriyo GUJI...

WAR BIXIN KU SAABSAN SHIRKA ELDORET
Mr. Peter N. Nyagah ayaa maanta si cad u beeniyey warar ay jariidadaha Kenya qoreen oo ay ku sheegeen inuu shirka Eldoret qarka u saaran yahay in lagu kala huleelo...  Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq.. 31/1

DUULLAANKII AXSAAB 
Waa qaybtii 54aad ee silsiladii siiradii nebi Muxamed GUJI 31/1

FADLIGA 10KA HORE EE BISHA CARAFO
Sideese uga faa'iideysan karaa 10kan maalmood?... GUJI

»»Qaabka Loo Bixiyo Sakada Geela, Lo'da iyo Ariga

DHULKA: Qiimaha iyo sharafta dhulku leeyahay
Waa taxanihii qoraalada Cabdulwaaxid Khaliif GUJI... 31/1 

»»Warbaahinta Maraykanka iyo Caalamka
 
»»Denmark oo badhifurtay siyaasadii Europe ee Ciraaq

I  I  D  H  E  H

Shirkadda Xawaalada Amal Express oo Tacsi u dirtay
 
Shiikh C/laahi oo Laba Gabdhood  ee uu dhalay ku Geeriyoodeen Bas-kii Xasuuqa ka dhacay ee magalada Muqdisho GUJI...30/1

WARARKA KALE EE JANAAYO


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH
| FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

MA DALKA MAREEKANKA AYAA DUNIDA NABADDEEDA KHATAR KU HAYA GUJI... Jan 20, 2003

DIINTA ISLAAMKA OO SI MAAMUUS LEH LOOGA AQOONSAN YAHAY DALKA SWEDEN GUJI... dec 26, 2002

MAXBUUSADDII AY HOREY U XIREEN TAALIBAAN OO ISLAAMTAY ..GUJI.... 5/9/02 

Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  
SOMAALIDA YURUBTA KALE KU NOOL OO KU SOO QULQULAYA DALKA ENGLAND GUJI.. 
. MARKAAN IMID NAIROBI
. SOOMAALIDA ODENSE, DENMARK 

Hooyo Soomaaliyeed oo Uur leh oo Loo- taxaabay Xabsiga Weyn ee Mombasa
Hooyadaasi waxa ay ku dhexdhashay xabsigii, waxaa kale oo la qafaalay dumar nuujinayey.. GUJI. July 7/2002

Dugsi Khaas ah oo ay Leeyihiin Muslimiintu oo Albaabada Looxiray
DENMARK - Dugsiga khaaska ah (private school) ee lagu magacaabo Æraskolen,   ayaa..GUJI.  June 2/02 

XASUUQA JENIN WAA MID AYAN TAARIIKHDA ILOOBI DOONIN  Guji... 

SOOMAALIDA DENMARK: Bulshada Aynu lanool nahay aynu ka qaadano Wixii na Anfaca
Warbixin:... Ka akhri halkan feb 20/2002

GELLE OO LA KULMAY RA’IISAL WASAARAHA DENMARK GUJI 
DOWLADDA DENMARK OO SOO BANDHIGTAY SHARCI ADKEYNAYA SHISHEEYAHA DALKEEDA KU DHAQAN ...AKHRI HALKAN
ISLAM AMIN OO KU GUULEYSATAY DACWADEEDII (Aug 2000), MAG-DHOW AHAANA LOO SIIYAY 10.000 KR Guji halkan
QOYS SOOMAALIYEED OO DACWAD KU SOO OOGAY DHAQTAR- UDHASHAY DENMARK GUJI.. 
BANNAANBIXII FILIMKA BLACK HAWK DOWN  
MAXAY GALABSATAY IIMAAN OO 4 BILLOOD JIRTA! GUJI 
Sharci.cusub.Denmarka | 10Beri.Ramadaan.Kadib | Goorma.lagayaabaa.in. | Axmed.Xirsi | Geelle.iyo.Ra'iisulwasaare | Welwelka.Carruurta | Jaaliyada.Som.Odense | Waraysi.Mohamed.Deeq | Wafti.yimid.Denmark | Daraasad.Muslimka.USA | Talo.Muslimiinta.Minnesota | Qubuuraha.Muslimiinta | Xalka.Carruurta.Qurbaha | Islaamnimada.Siciid | Guushii.Islam.Amin | Qaraxyo.Kadahac.USA


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD