SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - ELDORET
WAR BIXIN KU SAABSAN SHIRKA ELDORET

imdeeq@hotmail.com

 

Wq. Ibraahim Maxameddeeq 

SomaliTalk Eldoret |

Janaayo 31, 2003

 

U qaybsanaha arrimaha warbaahinta ee shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee Eldoret Mr. Peter N. Nyagah ayaa maanta si cad u beeniyey warar ay jariidadaha Kenya qoreen oo ay ku sheegeen inuu shirka Eldoret qarka u saaran yahay in lagu kala huleelo. Mr. Peter wuxuu war saxaafadeed uu maanta xafiiskiisa ka soo saaray ku sheegay in wada hadaldii hogaamiyaasha kooxaha u dhexeeyey ay meel wax ku ool ah marayaan isla markaana lixdii guddi ee ku hawlanaa ka soo talo bixinta arrimaha xudunta u ah khilaafaadka Soomaaliya ka aloosani ay shaqadoodii gebo gebo marayso.

Mr. Peter wuxuu qoralkiisa ku caddeeyey inay todobaadkan haweenka Soomaaliyeed u socdeen shirar ay soo qaban qaabiyeen isla markaana ay kala qayb galeen mudane Zoe Bakoru Bakoko oo ah wasiirka arrimaha jinziga, shaqaalaha iyo horumarinta bulshada ee Uganda, iyo haweenayda la yidhaahdo Atsede Zerfu oo ah xoghayaha arrimaha haweenka ee IGAD, shirarkaas oo uu sheegay in is af garad lagu gaadhay ayuu Mr. Peter wuxuu intaa ku daray inay haweenku ka wada hadleen kaalinta ay haweenka Soomaaliyeed dib u dhiska dalka ka qaadan karaan.

Wuxuu kaloo war saxaafadeedkiisa ku sheegay inuu shirka dib u heshiisiinta Soomaalidu ku socdo qorshihii iyo ku talo galkii horay loogu heshiiyey, wuxuuna intaas ku daray inay ku hawlan yihiin sidii shirka Nairobi loogu rari lahaa, wuxuuna si cad qoraalkiisa ugu xusay inay tabaabulsha raridda shirka ku guda jiraan. Iyadoo halka loo rarayana lagu sheegay inay tahay meesha la yidhaahdo Bagathi oo Nairobi ku taal.


WASIIRKA ARIMAHA DIBEDDA EE KENYA OO ERGOOYINKA SOOMAALIDA LA SHIRAY:
Hon. Kolonzo Musyoka ayaa booqasho ku yimid xarunta uu shirka dib u heshiisiinta Soomaalidu ka socdo ee magaalada Eldoret. Mr. Kolonzo oo ay socdaalkiisa ku weheliyeen Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq.. 22/1

Dhinaca kale Guddoomiyaha ururka Dhilinyarada Soomaaliyeed Mr. Cabdi Bashiir Xirsi oo isla maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta uu shirku ka socdo ayaa shaaca ka qaaday inay hadda wixii ka dambeeya hawshooda ku koobi doonaan dhex dhexaadinta iyo nabadaynta hogamiyaasha Soomaaliyeed ee isku khilaafa shirka, Mr. Cabdi Bashiir wuxuu dhaleecayn u soo jeediyey guddiga sare ee bulshada rayidka ah oo uu sheegay inay uga daran yihiin hogaamiyaasha kooxaha, isagoo qeexay inay isku koobeen bulshada rayidka ah oo uu ku tilmaamay inuu yahay magac noocyo badan oo bulshada Soomaaliyeed kulmiya. Ururada dhaalinyarada ee shirkan lagu aasaasay ayaa hadda maraya ilaa 2 urur, waxaana ka dhexeeya is jalaafayn iyo xinif colaadeed oo ku aroorta muranka ay isku diiddan yihiin cidda labadooda metelaysa dhalinyaro weynta Soomaaliyeed.

Mar aan Mr. Bashiir weeydiiyey sababta ay u midoobi waayeen wuxuu ii sheegay inuu ururkiisu arintaas diyaar u yahay ayna ku talo jiraan sidii ay garabka kale ula kulmi lahaayeen maadaama ay xitaa loolanka ka dhexeeya gaadhay heer ay xabsiga isu taxaabaan, taas oo laga bartay shaqaaqadii iyo shoobarhii usbuucan dhex maray Mawliid Macaane iyo Prof. Gaandhi oo ay la kala safnaayeen taageerayaashooda qabiilinimada ku raacsan oo iyagana mar hore kuwa ka mid ah gudaha la dhigay.

Dhamaan gudiyadii lixda ahaa ee loo saaray arrimihii lixda ahaa ayaa soo gebagebeeyey shaqadoodii, waxayna hadda ku dhex jiraan sidii ay afka Ingiriiska ugu turjumi lahaayeen wax qabadkooda, wuxuu khilaaf dhex maray gudigii loo saaray dastuurka oo ku kala baydhay dastuurka ama axdiga ay qorayaan midka uu noqon doono, koox u badan TNG ayaa ganafka ku dhufatay taladii ay intii badnayd isku raacaday ee ahayd in axdi qarameed federal ah Soomaalida loo malookeeyo, halka ay kuwa kalena ku adkaysteen inay dejiyaan axdi qarameed ku salaysan midnimo qaran oo aan federal ahyn, qolo walibana waxay soo gudbisey draft ama takhdiid ay u aragto inuu yahay kii loo baahnaa xiligan ay colaadaha sokeeye iyo dawlad la’aantu Soomaalida laf dhuun gashay ku noqotay.

Gudiyada kale kuma jiraan kuwo sida gudiga dastuurka khilaaf ku kala tegey, waxaase jira muramo yar yar oo hor yimid oo ay markiiba xaliyeen.

War bixin ku saabsan axdiga federaalka oo aan indhaha soo mariyey dhowaan akhirste ka milicso shabakadan Somali Talk.

Waxaa isku soo dubaridey
Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk, Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

I  I  D  H  E  H

 

 ... ELDORET: Taxanaha Wararka  

.... WARARKII KALE EE DECEMBER -GUJI

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002  



HTML CD