SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - GERMANY

URURKA AFRIKA OO TIJAABADII KOOBAAD GALAYA TODOBAADKA:


XagarYare

xagar91@hotmail.com 

February 1, 2003

 

Midawga Afrika "The African union"(AU) oo dhidibada loogutaagay bishii July South Afrika kaasoo badalay ururka midnimada afrika "Organisation of African unity"(OAU) ayaa markiisii ugu horraysay kulankiisii koobaad kuyeelanaya magaalada ADDIS-ABABA ee xarunta dalka ETHIOPIA.

Kulankan oo ah tijaabo culus oo hortaalla qaaradda afrikaanka ayaa waxaa lafilayaa in uu muhiimadda koobaad siiyo xalinta ayaandarada ka aloosan wadamada Burundi, Ivory Cost, iyo jamhuuriyadda demoqraadiga ee Congo(DRC).. (warka oo dhamaystiranHoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

 

Shirkan oo todabaadkan furmaya waxaa caalamku ku eegayaa indhofuran bal sida uu u qaabilo tijaabada hortaala iyadoo ay bal eegayaan sidii ay uwajihi lahaayeen awoodda uu ururku uyeelan karo meelmarinta sharciga cusub ee uu samaystay,kaasoo ah mid xag dhaqaale siyaasadeed iyo guud aahaanba adeegga bulshada ee wadamadaasi isugu hoos keenaya hal dallaayad,qorshahan oo uu soojeedintiisa lahaa hogaamiyaha jamhuuriyada carabta ee Liibiya Mudane Mucamar Al Qaddaafi,taasoo micnaha ka danbeeya ku hadaaqida fikirkan ee Mudane qadaafi ahyd bal in dib loo baandheeyo turubka miiska OAU dulyaalay .

Caleemo Saarka Ururka Cusub ee Midowga Afrika (AU)ee Durban
Wq. Axmed Dowlo

URURKA MIDOWGA AFRIKA ( AU ) - HORUMAR MA UKEENI DOONAA AFRIKA??
wq. Hayaan Cabdisalaan Ismaaciil

AU website: www.africa-union.org

ayaandaradii afrika ku habsatay wali waa halkeedii sida dhibka ka aloosan Ivory-Cost,inkastoo ay socdaan wada hadallo nabadeed hadana xaalkeedu maaha mid lugo fiican ku taagan Dalkaasi Angola iyo waliba Burundi,taasoo laleeyahay illaa maalintii heshiiska AU uu ka dhacay dalka south afrika lagama qaban talaabo muuqata oo laga midaysanyahay dhibka dalalkaasi,taasoo uu dhawrjeer ku celceliyay sii hayaha jagada gudoomiye nimada ee ururka Mr Amara Essy oo horay u ahaa wasiirka arimaha dibadda ee dalka Ivory-Cost.

Waxaa uu haatan kulankani ku balansanyahay in lagu gabagabeeyo qilaafka BURUNDI, iyadoo qabiilka HUTUGa qaarkood ay arintaasi xoog utaageeraayaan inkastoo aanu qabiilku uwada dhanayn dadaalkan.iyadoo dalkaasi tobankiisano ee ugu danbaysay ay ku naf waayeen tiro dad ah oo lagu qadaray 300.000.

Bishii January ee sanadkan ayuu ururkan AU isla ogolaaday in cutubyo isku dhaf ah loo diro dalkan yar ee bartamaha afrika(burundi) si loo kala dhex galo cutubyada dawlada iyo xooggagga mucaaradka ee ay wada hardamayaan.

waxaa lafilayaa in ay dhowaan gaaraan xoogag laga soo ururinaayo wadamada Ethiopia,South Africa(koonfur afrika) iyo mozambique oo ay dhowaan hogaamiyayaashoodu ogolaadeen.

wadamo badan oo qaaradda madaw katirsan ayaa isqaqabsiga militery iyo qori caaradiis dhuunta iskaga hayntu ka aloosanyahay.

DRC,Sudan,soomaaliya iyo aljeeriya,ayay muruq isu tuujintu kamid tahay nolol maalmeedka,meelo kale ayaan qudhooda lagasoo mahadsheeganaynin sida jamhuuriyadda congo,yugaandha(Uganda), Liberia, senegal, nigeria iyo chat.

ururkan curdanka ah ee dhashay july dii lasoo dhaafay ayaa doonaya in uu noqdo warshad matoor xooggan ku shaqaysa oo soosaarta nabad waarta ee qaarada madaw,dhaqaale dhidibadu u aasanyahay, iyo midnimo ku salaysan is aamin,taasoo laga rabo in ay muujiyaan xawli arinkan ugaga orod badan ururkii daadka laqaadsiiyay ee OAU.

waxay isku dayayaan in ay faragalin dawlad walba oo ka tirsan xayndaabka ku sameeyaan uguna abuuraan maamul adag iyo dimoqraadiyad la hubo,iyagoo iska kaashanaya kobcinta dhaqaalahana.

waxaa ay kulankan ku dhisayaan gudi joogta ah oo ka shaqeeya xalinta is qaqabsiga.iyadoo iyadana la eegi doono laan cusub oo ku soo biirtay ururka oo qaaradda u qaabilsan kobcinta dhaqaalaha oo marka lasoogaabiyo magaceda layiraa(NEPAD).

waxaa lacasuumay in ay ka soo qaybgalaan dhammaan 53 heer madaxweyne ee wadamada afrika,hadal laga soo xigtay wasaaradda arimaha dibadda ee dalka marti galinaaya ee Ethiopia ayaa tibaaxaya in illaa haatan ay caddahay imaatinkooda 34 madaxweyne,

madaxweynaha dalka masar Maxamed Xusnni Mubaarak oo hadda ka hor lagu diligaaray ADDIS-ABEBA iyo madaxweynaha dalka Eritrea Essiayos Afwerk oo isagana uu Addis-Abeba u dhexeeyo muran dhanka xuduudaha ah ayaan aad looga rajo qabin in ay kasooqaybgalaan.


Xagar yare

xagar91@hotmail.com 

SomaliTalk Germany

Feb 1, 2003 

URUR ISLAAMI AH OO LAGA MAMNUUCAY GERMANY !!! 
MAANTA ayaa wasiirka arimaha gudaha dalka GERMANY Mr Otto Schilliy ku dhowaaqay in uu mamnuucay urur islaami ah oo lagumagacaabo XIZBU-TAXRIIR GUJI... 15/1

ELDORET SUBAXWANAAGSAN: MAXAAD KU BARIDEEN? 
Faaladii XagarYare ee Toddobaadka ....
GUJI... 

I  I  D  H  E  H

XAFLAD JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE JARMALKA:
Xaflad aad loo soo agaasimey oo ay yeesheen Jaaliyada kudhaqan dalka Jarmalka ayaa waxaa warbixinteeda halkan idiinku soo tebinaya XagarYare. GUJI.. 6/1/3

DAYUURADA ARGAGIXISAY JARMALKA:
Inkasta oo ay hadda ku dhamaatay nabad, hadana diyaaradaasi waxay argagixiso ku beertay dalka Jarmalka kaddib markii duuliyeheedii ku hanjabay in.. GUJI.. 5/1/3

SSDF & SNM...... GUJI: 


XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.

 ELDORET: Taxanaha Wararka   

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002
MACHADKA BEDER

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD