SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - USA
Dayax Gacmeedkii Maraykanka ee 'Space Shuttle Columbia' oo ku dul Burburay Hawada Texas

SomaliTalk.com | Feb 1, 2003

...DAAWO:  George Bush Kudbadii uu Jeediyey Burburkii Dayax Gacmeedka Kadiib

....DAAWO:  CBC iyo Warbixintii NASA ee Burburka Dayax gacmeedka

.... DAAWO: VIDEO MUUJINAYA BURBURKII DAYAX GACMEEDKA... GUJI

..... Heerarkii uu soo maray dayax-gacmeedka shuttle...... GUJI 

Waxaa dayax gacmedkaas saarnaa7 qof oo kala ah  lix Maraykan ah iyo hal Isaraaili ah.

"Columbia waa lumay, cidna kama badbaadin" sidaas waxaa yiri madaxweynaha Maraykanka oo khudbad jeediyey 2:00pm( saacada Bariga USA).... daawo Khudbadii Bush.

Wararka ka imanaya Maraykanka ayaa tibaaxay in dayax gacmeedka maraykanka ee loo yaqaan Columbia uu ku dul burburay hawada gobolka Texas ee USA. 


Sawir muujina wax loo malaynayo shuttle oo burburay: Sawirka CBC 

Sawiro Televionada oo dhow laga soo daayey telefishanada ayaa muujinaya wax u buruburbkii dayaxgacmeedka. Sawiro kale oo mar dhow kasoo baxay TV-yada ayaa muujinayey burburkii dayax gacmeedka oo dhulka kusoo dhacay. Waxaa wararku sheegayaan in burburkii dayax gacmeedka lagu arkay saddex gobol oo Maraykanka ah.

Sida uu weriyey TV-ga ABC ayaa sheegay in sarkaal sare oo Maraykan ah uu cadeeyey in dayaxgacmeedkii Columbia uu burburay. 

TV-ga canada ee CBC ayaa sheegay in dhammaan toddobadii cirbixiyeen ee saarnaa dayaxgacmeedka Columbia ay dhinteen.


Michael Anderson, 43 jir, waxa uu ahaa cirbixiyeenka madow ee saarnaa dayax gacmeedka columbia ee burburay, aabihiis waxa uu ahaa ciidanka cirka Air Force, sannadkii 1994 ayaa NASA u xulatay in uu ka mid noqdo cirbixiyeenada USA, sannadkii 1998 waxa uu u socdaalay dayaxgacmeedkii Ruushka ee Mir space station. Michael Anderson waxa uu ka yimid magaalada Spokane, Wash. 
Sawirka AP

faahfaahin 7da cirbixiyeen ka akhri Halkan... CBC 

Warar kale ayaa tibaaxaya in NASA ay cadaysay in dayaxgacmeedkii Columbia uu burburay.  NASA oo war-saxaafadeed qabatay 1:00 pm waqtiga bariga USA, waxay muujisay in sawirada Video-ga ah ee hadda la hayo ay muujinayaan in aysan suurtagal ahayn in cidna burburkii dayaxgacmeedka ka badbaadey. [http://www.nasa.gov/]. 

Warka Dayaxgacmeedka markiiba waxaa lagu wargeliyey madaxweynaha Maraykanka. [http://www.whitehouse.gov/]. 

Waxana NASA ku dhawaaqeen xaalad degdeg ah oo lagu raadinayo dayaxgacmeedkaas iyo baadi goobka dadkii saaraa, waxana la faray dadweynaha maraykanka ee degan gobolka Texas iyo agagaarkiisa in haddii ay arkaan Burubur ay soo sheegaan isla markaana ay ka fogaadaan burub hadii ay arkaan waayo waxa wararku sheegeen in lagu sumoobayo waxyaabaha ka haray buruburka haddii loo dhowaado ama la taabto.

Dayaxgacmeedka shuttle  waxaa u qorsheysnaa in uu soo dego saakay  9:16 a.m. saacada bariga Maraykanka [ET], waxana uu ku soo degi lahaa Kennedy Space Centre  oo ku taal Florida.

Waxaana xiriirkii xarunta laga hago shuttle la lahayd dayax gacmeedka ay luntay ama ay waayeen markey saacaddu ahayd 9 a.m. markaas oo uu ku beegnaa hawada Texas.

Dad degaanka uu ku qarxay deganayaa ayaa sheegay in ay maqleen sawaxan aad u sareeya ama wax u eg qarax weyn.

Markii ugu dambeysey ee lala xiriiray dayaxgacmeedka  Columbia waxa uu dhulka u jirey qiyaastii  61,170 metres, waxana uu ku soconayey xawli ah 20,000 km/h.


 
todabadii qof ee saaraa dayaxgacmeedka Shuttle
Sawirka :CBC canada

Magacyada dadka saaraa dayax gacmeedku waa:

  • Rick Husband [Commander], [45 jir]
  • Willie McCool, [41 jir]
  • Michael Anderson, [43 jir]
  • Kalpana Chawla, [41 jir, gabadhan waxa ay sanadihii 1980maadkii ka timid 'immigrant'  dalka India waxayna cirbixiyeen noqotay sanadkii 1994.]
  • David Brown, [46 jir]
  • Laurel Clark, [41 jir]
  • Ilan Ramon. [48 jir, cirbixiyeenkii ugu horeeyey Israel ee hawada]

Dayax gacmeedka 'Space Shuttle Columbia'  waxa uu safarkaan u baxay Janaayo 16, 2003.

Shuttle waxa uu hawshiisa duulimaadyada bilaabay sannadkii 1981.

NASA weligeed xiriirka ay la lahaayeen dayax gacmeedyadeeda kama dhumin 42kii sano ee duulimadayada dayax gacmeedyadaasi socdeen.

Sannadkii 1986 ayey ahayd markii uu burburay dayaxgacmeedkii Challenger, laakiin dayaxgacmeedkaan waxa uu burburay markii uu kacayey ama hawada loo gamayey.

...DAAWO:  George Bush Kudbadii uu Jeediyey Burburkii Dayax Gacmeedka Kadiib

....DAAWO:  CBC iyo Warbixintii NASA ee Burburka Dayax gacmeedka

.... DAAWO: VIDEO MUUJINAYA BURBURKII DAYAX GACMEEDKA... GUJI

Wixii kusoo kordha warkaan ka akhri halkan ...... WORLD.NEWS

SOURCE: CBC, CBS, FOX, ABC, NBC | Feb 1, 2003   

Hoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

  

URURKA AFRIKA OO GALAYA TIJAABADII KOOBAAD
Midawga Afrika ayaa markiisii ugu horraysay kulankiisii koobaad kuyeelanaya magaalada ADDIS-ABABA  GUJI... feb 1 

Dhanbaal Murugo leh: Gabadh ka soo Baxsatay Xabsiga Itoobiya: Wararka Radio Xoriyo GUJI...

WAR BIXIN KU SAABSAN SHIRKA ELDORET
Mr. Peter N. Nyagah ayaa maanta si cad u beeniyey warar ay jariidadaha Kenya qoreen oo ay ku sheegeen inuu shirka Eldoret qarka u saaran yahay in lagu kala huleelo...  Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq.. 31/1

I  I  D  H  E  H

DUULLAANKII AXSAAB 
Waa qaybtii 54aad ee silsiladii siiradii nebi Muxamed GUJI 31/1

FADLIGA 10KA HORE EE BISHA CARAFO
Sideese uga faa'iideysan karaa 10kan maalmood?... GUJI

»»Qaabka Loo Bixiyo Sakada Geela, Lo'da iyo Ariga

DHULKA: Qiimaha iyo sharafta dhulku leeyahay
Waa taxanihii qoraalada Cabdulwaaxid Khaliif GUJI... 31/1 

»»Warbaahinta Maraykanka iyo Caalamka
 
»»Denmark oo badhifurtay siyaasadii Europe ee Ciraaq

Shirkadda Xawaalada Amal Express oo Tacsi u dirtay
 
Shiikh C/laahi oo Laba Gabdhood  ee uu dhalay ku Geeriyoodeen Bas-kii Xasuuqa ka dhacay ee magalada Muqdisho GUJI...30/1

WARARKA KALE EE JANAAYO


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002



HTML CD