| 
 SILICA IYO SAXARIIRTA LAGULA DHAQMO MAXAABIISTA REER CIRAAQ 
  HALKAN KA DAAWO BARNAAMIJKII CBS 60 MINUTES 
 EE MAXAABIISTA LA CIQAABAY 
  
 Waxaa isa soo 
 taraya shaleey iyo maanta wararka sheegaya sida naxariis darrada leh ee ka 
 baxsan banii aadanimada ee ay ciidamada Mareekanka iyo Ingiriiska ula 
 dhamqayaan maxaabiista reer Ciraaq ee ku xirxiran xabsiyada ku yaalla Baghdad, 
 xarunta dalka Ciraaq. 
 Shalay oo sabti ahay 
 taariikhduna ahayd 01-05.2004, wuxuu wargayska caanka ah 
 ee The 
 
 Mirror 
 ee ka soo baxa dalka Britain si tifaftiran uga hadlay falal-denbiyeedka ay 
 ciidamada Britain ula dhaqmaan maxaabiista muslimiinta ah ee reer Ciraaq.
  
  
 
 Fal-denbiyeed waxshinimo 
 
 
  Wargayska Mirror 
 ayaa  boggiisa hore maanta ku soo bandhigay maxbuus ciraaqi ah oo indhaha inta 
 laga xiray dharkoo dhanna laga siibay uu askari ingiriis ah uu ku kaadinayo, 
 wuxuuna warkan uu wargayska fidiyay kadib markay saacado keliya ka soo 
 wareegeen barnaamij kale oo kan la mid ah uuna tebiyay taleefishinka mareekanka 
 ee  CBS 
 [Akhri:
 
 CBS ama
 
 Daawo halkan] 
 Falalkan waxshinimo 
 ee ay ku dhaqaaqeen ciidamada Britain ayaa sida uu wargayska sheegay si joogto 
 ah loogula dhaqmaa guud ahaan maxaabiista ugu xirxiran xabsiyada ku yaala 
 Ciraaq. Sawiradan oo ay ciidamada ingiriiska qaadeen ayaa ula jeeddada ay ka 
 lahaayeen lagu sheegay jawaab la siinayo dagaalyahaniinta reer Ciraaq ee ka soo 
 horjeeda ciidamada haysta guud ahaan dalka Ciraaq. 
 Sababta 
 sidan  Loogu  Galay 
 
  Ciidamada 
 Britain-ka waxay sheegeen, maxbuuska sawirkiisa la soo bandhigay ayaa loo 
 maleenayaa in lagu soo eedeeyay xatooyo, sidaasna uu u mutaystay jirdil. Ma 
 jiraan fal denbiyeed kale ama eedeyn kale, saacado kadib maxkamaddiisa, waxaa 
 maxbuuskii ciraaqiga ah lagu kaxeeyay gaari ay ciidamada ingiriiska lahaayeen, 
 dabadeedna gaariga oo socda ayaa laga tuuray, lama oga inuu maxbuuska maanta 
 nool yahay ama inuu dhaawicii darnaa ee soo gaaray uu u dhintay. 
 Dhinaca kale, 
 Janaraalka hoggaamiya ciidamada Ingiriiska ee jooga Ciraaq Michael Jackson ayaa 
 wargayska u sheegay in ciidamadii gaysatay faldenbiyeedkaas baaristooda 
 billaabatay, wuxuuna intaas raaciyay “hadday sugnaato inay ciidamadaas 
 sameeyeen faldenbiyeedkaas ma noqonayaan kuwo mudan inay lebistaan direeska 
 boqortooyada, magacii iyo maaqaamkii wanaagsanaa ee ciidamda ingiriiska ayay 
 foolxumeeyeen” ayuu yiri Jackson. 
 Jawaabta ay 
 UK ka bixisay 
 
 Dowladda Uk ayaa 
 durbadiiba ka jawaab bixisay falal-denbiyeedka ay ku kaceen ciidamadooda. 
 Af-hayeen u hadlay xafiiska Ra’iisal wasaaraha Britain iyo wasiirka 
 gaashaandhiga ayaa si wadajir u wada eedeeyay falalkii ay ku kaceen ciidamada 
 inmgiriiska ee ku sugan Ciraaq, waxayna ku nuuxnuuxsadeen inay baaritaan ku 
 samayn doonaan dhacdada falalkaas, ayna yihiina kuwo aan marnaba la aqbali 
 karin. [Eeg 
 halkan] 
 Sawiradan uu 
 wargayska maanta soo bandhigay ayaa yimid kadib markii maalintii shaleey ahayd 
 uu taleefishinka laga leeyahay Mareekanka ee CBS uu mid ka mid ah 
 barnaamijyadiisa aadka loo daawado ku soo bandhigay xad-gudubyada ciidamada 
 mareekanka ay kula dhaqmaan maxaabiista reer Ciraaq.  
 
  Waxaa la is tusay 
 askar mareekan ah oo farxad dartood la muusoonaya, tilmaamayana calaamadda ah 
 inay guuleysteen, iyagoo markaasna ay sawiro ka qaadayaan maxaabiis ciraaqiyiin 
 ah oo qaaqaawan. Maxaabiista dharka laga qaaday ayaa is dul-saarsaaran sida 
 iyagoo aad mooddo inay ku dhaqaaqayaan dhexdooda falal anshax xun (isu tagayaan 
 oo kale). 
 
 Madaxweynaha 
 Mareekanka George W. Bush ayaa falalka ciidamada Mareekanka ku tilmaamay kuwo 
 laga yaqyaqsado oo aan loo dulqaadan karin, wuxuuna intaa raaciyay in askartaas 
 lala xisaabtami doono. [Eeg 
 halkan] 
 Laga soo billaabo 
 markii Ciidamada ay horkacayaan Mareekanka iyo Ingiriiska ay qabsadeen dalkaas 
 Ciraaq waxaa jiray degganaansho la’aan iyo qulqulatooyin waaweyn, taasoo 
 dhalisay joogitaanka ciidamada ajnabiga, waxayna dad badan oo reer Ciraaq ah ay 
 aaminsan yihiin in Ciraaq ay waqtigan xaadirka ah ay aad uga liidato markuu 
 talada dalka hayay madaxweynihii hore ee Ciraaq ee Saddaam Xuseen. 
 HALKAN KA DAAWO BARNAAMIJKII CBS 60 MINUTES 
 EE MAXAABIISTA LA CIQAABAY  
 ISHA Sawirada: 
 
 KA EEG HALKAN. 
 
 
 www.mirror.co.uk
 . 
 
 
 news.bbc.co.uk
 . 
 
 
 CBS
 
  Waxaa isku soo dubaridey Ibraahim Saalax
 ibra88@hotmail.com
 SomaliTalk | Odense | Denmark
 Faafin: SomaliTalk.com | May 2, 2004   <><><> 
Ciraaq:
Ciidamada 
Maraykanka iyo Ingariiska oo ka darey kuwii Sadaam  
    |