| WARARKA:
   BOOSAASO |
   HARGEYSA |
   MUQDISHO |
   NAIROBI |
   QURBAHA | 
   XORIYO May 1, 2004
 Ciraaq: Ciidamada Maraykanka iyo Ingariiska oo ka darey kuwii Sadaam
   
 
Shicibka reer Ciraaq wuxuu gacanta u galay cadow arxan iyo naxriis 
lahayn,dilka  iyo argagaxa madaafiicda wuxuu noqdey nolol maadmeedka qofka 
Ciraaqiga ah.Tirada dadka Ciraaqiinta ah ee dagaalka ku dhintey waxay kor u 
dhaafayn 10 000(toban kun oo qofood) sida ay sheegayaan hay`adaha samafalada 
ee ciraaq ka howl gala,lakiin xaqiiqda dhabta ah Ilaah uun baa og.Ciidamada 
gaanshaan buurta ah ee Maraykanka hogaaminayo ma tira koobaan tirada 
Ciraaqiyiinta ah ee dagaalka ku dhinta ama dilaan madaafiicda hehaabta. 
Wadan walba ciidamadiisa dadka ka dhinto keliya ayuu qortaa,qofka Ciraaqa ah 
ee la dilo wuxuu la mid yahay sida Eey dhintey oo ciidamada xooga ku haysta 
ciraaq iyo maamulkooda dan kama laha. 
 
Waxaa maalintii khamiista Talefishinka maraykanka
CBS la`iska tusay sawiro 
lagu jir dilayo laguna duleeysanayo maxaabiis Ciraaqiyiin ah.Maxaabiista in 
la qaawiyey ayaa la is dulsaaray mid maxaabiista ka mid ahna koronto ayaa 
lagu xirey oo lagu jir dilayaa( si aad sawirada u daawatid riix halkan:
http://www.corriere.it/av/galleria.html?2004/aprile/cbs&1 .), sawiro kale oo 
lagu daabacey wargayska Daily Nation waxey iyagana muujinayaan xad gudub 
bani`aadanimada ka dhan ah,sawirka waxaa ka muuqda askari Ingariis ah oo ku 
dul kaadinayo maxbuus Ciraaqi ah(riix halkan:
http://www.corriere.it/av/galleria.html?2004/maggio/daily&1 ).Sawiradani waa 
muuqalka yar ee ina tusayo sida ay u weyn tahay dhibaatada iyo rafaadka 
ummada Ciraaqiyiinta ku jiraan. 
 
Magaalada Falluja mudo bil ku dhow ayaa dagaal ka socdaa ,ciidamada 
Maraykanka waxay shacabka magaalada ku nool la dhacayaan madaafiic dhulka 
iyo cirka laga soo tuurey waxayna u diidayn in magaalada gargaar la 
gaarsiiyo si dadka dhaawaca ah loo daweeyo isla markaana shicibka  gargaar 
bani`aadannimo loogu fidiyo.Bishan abril bilawgeedana waxay duqeyeen 
Masaajid salaad casir lagu tukanayo halkaasoo lagu ku dhintayn dad kor u 
dhaafey 25 qofood.Maraykanka wuxuu ku eedeeyey Masjidka in uu gabaad u ahaa 
koox argagixiso ah. 
 
Xasuuqyo badan ayaa dunida ka dhacey tariikhdana xustaa inta badan 
xasuuqyadaa waxay ahayeen kuwo aan si fiican loola socon lakiin mid 
Talifishanada caalamka oo idil lagala socdo ayaa maanta ka dhacayaa Ciraaq 
cid wax ka qaban kartana ma laha maxaa yeelay dowladii dunida ugu awooda 
badneed ayaa xasuuqa ka qayb qaadanaysa,dowlad si toos ah u canbaarayn 
kartana ma jirto. 
 
Ninka Ciraaqiga ee is difaacaya reer galbeedka Talifishanadooda waxay ugu 
yeraan argagaxiye,kan 15000km(15kun oo kilomitir) ka soo duulay oo leeynaya 
shicib iyo maati wax ka galabsana waxay ugu yeeraan xoreeye, dimoqoradi 
faafiye iyo wax lamid ah .Ereyga argagaxiso wuxuu noqdey ereyga dunida 
maanta loogu isticmaalka badanyahay waana erey si xun loogu xadgudbo si 
qaldana loo istacmalo. 
 
Shacabka reer ciraaq maanta rafaad iyo baa`ba ayey ku jiraan waqtigii Sadaam 
talada hayey shacabka reer ciraaq kama liidan kamana nolol xumayn wadamada 
carabta ah ee la dariska ah.Cunaqabataynta reer galbeedka ku soo rogey hadii 
laga qaadi lahaana Ciraaq wadanka bariga dhaxe ugu nolosha fiican ayey ahaan 
lahayd. Dunida Carabta oo idil ayaa ka taliya keligii taliye xuriyadna kama 
jirto, wadamadaas ayey  Ciraaq la mid ahaan lahayd,hase`ahaate  Maraykanka 
oo ka faa`iidaysanayo dhacdadii 11setember ayaa dagaal sadbursi ah Ciraaq ku 
soo qaadey si uu Saliidooda cayriin gacanta ugu dhigo una maamulo nus 
qarniga soo socda,lakiin waxaa isweydiinta mudan imasa ayuu Maraykanka xoog 
iyo xasuuqid ku joogi donaa Ciraaq?.Hadiise ka soo tago sidey Ciraaq noqon 
doontaa?.Burburka iyo dowlad la`aanta Soomaaliya ka dhacey mid la mid ah 
maka badbaadi doonaan?.Waa su`aalo jawaabteeda la sadaalin karin hase`ahaate 
waqtiga ayaa ka jawaabi doona. 
 
Ilyas Mohamud HusseinIlyas_mh@hotmail.com
 
     Faafin: SomaliTalk.com | May 1, 2004  
     
      
      
     
 
  Warar 
     dheereeda ah oo kusaabsan arintan ka akhri halkan 
     Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com   |