SomaliTalk HTML CD


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - DENMARK
DENMARK: QAXOOTI SOOMAALIYEED OO CUNTADA KA SOOMAY
  • Qoraalki iyo isku soo dubaridiid:
    Ibraahim Saalax Aaden | SomaliTalk Yurub
    Email:
    ibra88@hotmail.com

Saacadda markay ahayd shanta galabnimo ayaan soo gaaray albaabka weyn ee laga galo xerada weyn Sandholm, ee lagu qaabilo qaxootiga cusub ee dalka Denmark ka codsada laajinimada. "yaad booqanaysaa iyo fadlan dokumantigaaga i sii" ayay isu-kay raacisay gabar deenish ahayd oo igala hadlaysay muraadayadda gadaasheeda xafiiskii ay ku jirtay. Waxaan u sheegay inaan doonayo inaan soo booqdo soomaalida ku sugan xerada, dabadeedna waxay iga koobiyaysatay dokumantagaygii, sidiina ayaan u soo dhaafay gudaha xerada weyn ee Sandholm ee ku taalla waqooyiga Copenhagen xarunta dalka Denmark.


Albaabka weyn ee lagagalo Xerada Sandholm

Dhisamaha ay ubadanyihiin qoysaska soomaaliyeed

Markaas aan imid, waxay ahayd waqti ay dadka kaamka ku jira ay u dareereen makhaayadda xerada si ay soo casheeyaan. Hase ahaatee sida uu wiil yar oo intaan xerada dhexdeeda soo socday aan la kulmay ayaa ii sheegay inay soomaalida maalmahaan ka sooman yihiin cuntada. Annigoo oo uu ila socdo wiilkaas magaciisa iigu sheegay Ayuub ayaan waxaan aadnay dhismihii ay soomaalida badankoodu degganaayeen. Horey ayaa la iigu sheegay in soomaalida xeradaan ku sugan ay u badan yihiin dumar, kuwaasoo sannadihii ugu danbeeyay ku sharci la'aa dalka Denmark.

Nasiib wanaag, waxaan markaan u soo dhowaaday dhismihii ay soomaalida degganaayeen la kulmay hooyo soomaaliyeed, taasoo iga caawisay la kulanka soomaalida kale ee ku nool xerada oo aan daqiiqado kadib dhammaantood kula kulmay qol ay degganaayeen qoys ka kooban 8 qof. Markaan isu sheegay qofkaan ahay kadib, waxaan si toos u galnay sheekada la xiriirta guud ahaan xaaladahooda iyo wayaabihii ay xeryaha qaxootiyada kala kulmeen.


Hooyo Sahro iyo caruurteeda

Xaawo oo ku dhibban xerada Sandholm

Ugu horeyntii, waxaa hadalka qaadatay Sahro Xuseen oo ah hooyo wadata 6 caruur, waxayna sharci la'aan ku sugnayd Denmark 3-dii sanno ee ugu danbeeyay. "kama sheekeen karo dhibaatada nagu haysata xeryaha dalka, waxaan anniga iyo caruurtaydaba ku noolnahay nolol adag, caafimaad iyo waxbarasho fiican toona kuma haysano halkaan" ayay tiri Sahro oo intaas raacisay inay ka mid tahay soomaalida cuntada ka sooman marka laga reebo caruurteeda oo iyaga aan awoodin inay soomaan. "waxaan cuntada uga soonnay waa inaan maamulka dareensiino dhibaatooyinka aan tabanayno, hase ahaatee waxaad mooddaa inayan maamulka xerada aynan kala jeclayn arrintan" ayay haddana Sahra tiri.

Waxaa Sahra hadalka kala wareegtay hooyo waayeel ah oo magaceeda la yiraahdo Xaawo Xasan, waxayna tiri "4 sanno ayaan ku sugnahay xeryo kala duwan ee dalka ku yaala, waxaan jiraa qiyaastii 70 sanno, wiilkaygii ayaa sharciga degganaanshaha dalka ku leh, iima oggola inaan isaga la noolaado, sidoo kalena iima oggolaanin inay sharciga laajinimo i siiyaan, eeddo kuwaan Illaah ayaa ka weyn, garan maayo waxaan sameeyo" ayeey igu tiri hooyo Xaawo oo aan maqalkeeda wanaagsanayn. Dhowr jeer ayaan ku celinayay su'aalihii aan weydiinayay, waxaa waayeelnimadeeda u weheliya iyadoo qabta cudurro kala duwan oo aan u wanaagsanayn inay ku sii noolaato xeryaha qaxootiyada.


Hooyo Aamino iyo caruurteeda

Shukri xirsi

Waxaa isla xerada ku jiray hooyo soomaaliyeed oo iyadana wadatay 4 caaruur ah, waxay waddanka ku timid nidaamka qoys isu keenidda oo waxaa soo dalbaday ninkeedii degganaa dalka sannado badan. Khilaafkii iyo is faham-waagii dhexdoodii dhacay wuxuu keenay in lagala noqdo sharciga, dabadeedna lagu soo wareejiyo xeradaan ay ku jiraan qaxooti kala duwan. "Ninkaygii oo aan is qabanay oo guri aanan haysan awgeed ayaa halkaan la ii keenay, caruurta aan wato qaarkood waxay ku dhasheen dalka, waxay maamulka bixiya sharciyada igu yiraahdeen waxaad dalka ku joogtay sharciga ninkaagii, maadaama uusan haysan hoy uu idin dejiyo joogistaadii dalka waa kaaga dhammaatay" ayay tiri Aamino Salaad oo aan u badinayay inay khilaafka iyada iyo ninkeedii uu sababay in iyada iyo caruurteedaba loo soo wareejiyo xerada Sandholm.

Waxaa kaloo isla xerada ku jirtay gabar dhalinyaro ahayd oo dalka ku sugnayd qiyaastii ilaa 5 sanno, waxaa soo dalbaday ninkeedii oo horey u degganaa Denmark. Khilaaf soo jiitamayay wax ka badan 4 sanno ugu danbeyntii wuxuu ninkii qabay go'aansaday inuusan xaaskiisii u dalbin ciqaamadda joogtada ah ee la dalbado 3-da sanno kadib, sidiina ayaa iyadana loo keenay xerada Sandholm. "ninkayga oo aan qaraabo ahayn oo muddo badan khilaaf dhexdeena yaalay ayaa ugu wacan joogistayda xerada, wax walba waa qoran yihiin, isagaa u sabab ah in la igala noqdo sharcigii aan dalka ku joogay" ayay si murugo ku jirtay u tiri Shukri Xirsi oo ninkeedii dalka keenay uu yahay nin dhagaha la' oo aanan waxna maqal. "maqal la'aantiisa dhib maba lahaateen, ee waxaa jirtay dabeecad aan u sii adkeysan waayay inaan la sii noolaado" ayay markale tiri..


Faadumo Gacal

Cabdifatah

Hooyo Faadumo Gacal oo degganayd Denmark qiyaastii 7 sanno ayaa iyaduna ku jirtay xerada Sandholm. Xaalad caafimaad awgeed ayuu dhakhtarkeedii kula taliyay inay qabato dalkeedii hooyo, maadaama uu yahay dal kulul ayna aad ugu baahan tahay hawo baddalasho. Billooyin kadib markay ku soo noqotay Denmark waxay waraaq ka heshay waaxda ku shaqo leh sharciyada shisheeyaha, taasoo sheegaysay in lagala noqday sharcigii ay ku dalka ku joogtay maadaama ay dalka ka maqnayd billooyinkaas. "Eeddo, waa yaab iyagaa dalkii ii diray, iyagaana igala noqday sharciga, garan maayo waxaan sameeyo, wax walba waxaa iigu daran xaaladdayda caafimaad oo aad u liidato, qofkaan sharci lahayna si wacan looma daaweenayo" ayay tiri hooyadaas soomaaliyeed oo qaar ka mid ah caruurteeda ay dalka deggan yihiin sannado badan.

Cabdifataax ayaa isna kula kulmay xerada, inkastoo dacwadiisa ay aad uga duwanayd inta kale. Denbiyo badan oo uu dalka ka galay ayaa u sabab ahaa in lagala noqdo sharciga. "Yaanan denbi gelin, ma denbi aan galay ayaa la iiga xayuubiyay sharcigaygii" ayuu yiri Cabdifataax oo dalka Denmark degganaa wixii ka danbeeyay 1993-kii.


Abdirashid Cartan

Albaabka lagagalo Xerada Sandholm

Dhibaatadan haysata qaxootigan soomaaliyeed ayaan wax ka weydiiyay guddoomiyaha ururka dhalinyarada soomaaliyeed ee Copenhagen International Club (Kiklub), wuxuuna ii sheegay inay booqasho ku tageen qaar ka mid ah xeryaha qaxootiga ay ku sugan yihiin qaxootiga soomaaliyeed, isagoo dhinaca kalena ii raaciyay inay doonayaan inay soo abaabulaan dibad-bax looga soo horjeedo xaaladda qaxootiga soomaaliyeed ee ku dhibaatsayn Denmark. "waxaan la xiriirnay sharci yaqaano naga caawinaya waddadii aan u mari lahayn sidii aan gacan uga gaysan lahayn qaxootiga soomaaliyeed ee Denmark, intii awooddeena ah waan ka gaysanaynaa si aan u taageerno qaxootigaas soomaaliyeed ee ku tabaalaysan xeryaha" ayuu yiri Abdirashid Artan ahna guddoomiyaha ururka Copenhagen International Club.

Ugu danbeyntii, guud ahaan qaxootiga soomaaliyeed ee ku sugan xeryaha Denmark ayaa xaaladdooda aad u liidata, iyagoo 98 % (sagaashan iyo siddeed boqolkiiba) kuwa dalbada laajinimada la siiyo diidmo iyo iyagoo lagu wargeliyo inay dalka sida ugu dhaqsaha badan uga baxaan. Dalkii ay ka soo qaxeen weli waxaa ka jira xaalad siyaasadeed oo aad u murugsan oo aanan la ogeyn muddada ay qaadanayso, halka qurbaha ay u soo qaxeena ay aalaaba kula kulmaan dhibaatooyin iyo jahawareer joogto ah.

Mudaharaadka waqtiga la qaban doono iyo wixii ku soo kordha xaalada qaxootiga Soomaaliyeed ee Denmark waan idinla socodsiin doonaa....

Waxaa isku soo dubaridey
Ibraahim Saalax 
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk | Odense | Denmark

Faafin: SomaliTalk.com | June 23, 2005

DENMARK: QAXOOTIGA SOOMAALIYEED CIDNA UMA MAQNA, CEELNA UMA QODNA


WARARKA KALE EE June 23, 2005
14 Xildhibaano, wasiiro iyo wasiiro ku xigeeno k asocda DFKMG oo Booqday Kismaayo

  • Gudoomiyaha Degmada Boosaaso iyo kuxigeenkiisa oo shalay Xilka loo Dhaariyay
  • Gen: Cade Muuse oo Diiday in ay Saxaafada Warkiisa Baahiso...
  • Warbixin: Shaqo Joojintii ay Sameeyeen  Ganacsada Boosaaso
  • Shirkii golaha wasiirada Africa Cripean Pacific oo kusoo gabagaboobay Brussels
    Dhammaan ka akhri halkan... GUJI...
    Jun 23, 2005

Somali ku xirnaa Israil oo is dili gaaray

Sida ay qorayeen saxaafadda Caalamka waxaa muddo 3 sano ku xiran sahnuuniyada Israil nin Soomaaliya oo lagu magacaabo Faysal Madadaal, isagoo bilooyinkaan dambe  u dhexeeyay isku tuurtuur wadanka Qubrus iyo Israil. Faysal waxuu wadanka Israil galay sanadkii 1999kii, waxuuna dalbaday magangalyo qaxootnimo, sida ay qorayaan saxaafadda israil waxaa waqtigaas la siiyay Faysal madadaal joogitaan uu iska joogo wadankooda,Hay'adda Qaxootiga adduunkana (UNHCR) waxay tiraba 6 wadan uga raadisay inay siiyaan magangalyo qaxootinimo balse dal aqbala may helin... Guji...  Jun 20, 2005

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great

DENMARK: QAXOOTIGA SOOMAALIYEED CIDNA UMA MAQNA, CEELNA UMA QODNA

DENMARK: SI MAAMUUSID LEH AYAA LOOGU GURMADAY SOOMAALIDII LAGU DHIBAATEEYAY LANGESKOV


GABAGABADII SHIRKII URURKA DHALINTARADA SWEDEN  


URUR MIDEEYAY DHALINYARADA SOMAALIYEED EE DENMARK


SILICA IYO SAXARIIRTA LAGULA DHAQMO MAXAABIISTA REER CIRAAQ
Waxaa isa soo taraya shaleey iyo maanta wararka sheegaya sida naxariis darrada leh ee... Guji

SACIID WESTING: WAA INAAN ALLAAH UGA MAHAD CELINNAA BISHA RAMADAAN Guji


SWEDEN: DILKII WASIIRADII ARIMAHA DIBADA ANNA LINDH Guji Sept 14


WEYDIIMO AAN JAWAABO U WAAYAY Guji... Jul 27, 2003


SHIRKII SHABAKADDA XIRIIRKA SOOMAALIYEED AY KU YEESHEEN MAGAALLADA ODENSE, DENMARK Guji... Feb 23, 2003


WASIIRKA DENMARK OO DOONAYA INUU CIQAABO WAALIDIINTA SOOMAALIDA GUJI... Feb 3, 2003
MA DALKA MAREEKANKA AYAA DUNIDA NABADDEEDA KHATAR KU HAYA GUJI... Jan 20, 2003
DIINTA ISLAAMKA OO SI MAAMUUS LEH LOOGA AQOONSAN YAHAY DALKA SWEDEN GUJI... dec 26, 2002
MAXBUUSADDII AY HOREY U XIREEN TAALIBAAN OO ISLAAMTAY ..GUJI.... 5/9/02 
Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD