SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Taliyaha ciidanka booliska soomalaiyeed general cali madoobe oo kulamo gooni gooni ah la yeeshay saraakiil ka tirsanaan jirtay dowladii hore
  • Dalka Kenya oo soo dhaweeyay hindisaha G8 ee sabool ka saarida qaarada Afrika.
  • Wafdi ka socda DFKMG ah ee soomaaliyeed oo soo garay magaalda kismayo

Taliyaha ciidanka booliska soomalaiyeed general cali madoobe oo kulamo gooni gooni ah la yeeshay saraakiil ka tirsanaan jirtay dowladii hore iyo mas uuliyiin ka tirsan IDJ 

Taliha ciidanka booliska soomalaiyeed  ee uu dhawaan magacaabay raysul wasaraha dowlada FRKM ah ee soomaliyeed jeneral cali maxamed xasan looyaan (cali madoobe) oo soo gaaray magalada kismayo malinimddi shalay ahayed ayaa maanta ilaa xalay waxa uu shirar gooni gooni ah la lahaa saraakiil sar sare oo ka tirsanaan jiray dowladii hore ee soomalaiyeed oo qib rad iyo waayo aragnimo u leh howlaha uu ku socday cali madobe ee ah isku ururinta iyo diwan galinta ciidamadii booliska soomaaliyeed ee hada ku sugan magaalada kismayo . 

shirkaan maanta ka dhacay hotel tawakal ee magaalada kismaayo islamarkaana  uu jeneral cali madoobe la yeeshay ragaan sarakiisha ah ayaa waxa uu ahaa mid uu al baabada u xiranhayeen islamarkaana loo ogolayen  saxaafada in ay ka soo qayb gasho balse shirkii ka dib ayaa waxan la kulmay taliyaha ciidanka booliska soomalayeed jeneral cali madoobe waxa uuna ii sheegay in shirkoodii uu ahaa mid looga arinsanayay qaabaalka iyo habka loo soo dadajin karo isu keenida iyo dib u habeynta ciidankii booliska soomaliyeed ee ku sugan gobolkan gaar ahaan magaalada kismaayo . 

sidoo kale waxaan wax ka weydiiyay jeneral cali madoobe shir ay xalay wada yeesheen isaga iyo gudoomiyaha isbahaysiga doxada jubba xildhibaan barre hiiraale balse wax uu ka gaabsaday in uu wax faahfaahin ah oo dheeri ah ka bixiyo shirkii ay wada yeesheen isaga iyo barre hiiraale waxana uu sidoo kale ii xaqiijiyaya jeneralka in uu sii wadi doono howshan  ah dib u habaynta ciidanka booliska soomalaiyeed iyo waliba kulamada uu la yeelanyo mas uuliyiinta maamulka IDJ  ayadoo ay kaga wada arinsan doonaan arimaha  uu sodaalka jeralka ay ku wajahnaayeen . 

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismayao soomalaya
cabdiqadar84@hotmail.com

####

Dalka Kenya oo soo dhaweeyay hindisaha G8 ee sabool ka saarida qaarada Afrika.

 
Banaanbax weyn ayaa maanta ka dhacay bartamaha Magaalada Nairobi oo lagu soo dhawaynayay qorshaha ay wadaan wadamada warshadaha horay ugu maray G8 oo soo saaray qorshe loogu magacdaray sabool ka saaridda qaarada afrika.
 
Banaanbaxayaasha ayaa sheegayay in ay si wayn usoo dhawaynayaan hindisahaas oo hadii ay hirgaliyaan wadamadaasi wax badan ka badali doona xaalada saboolnimo ee ka jirta qaarada Afrika,oo lagu tiriyo in faqrinimadu ay u dheer tahay xaalad caafimaad daro oo ka dhalatay dhibaatadaas dhaqaale la'aaneed.
 
Boqolaalkan kenyanka ah ayaa waxaa kale oo ay ku eedaynayeen wadamadaas in aysan dowlada kenya ka caffinin daymaha lagu leeyahay,iyagoo sheegayay in wadamo kale oo ku yaala qaarada afrika laga cafiyay dayman lagu lahaa.
 
Dalka Kenya ayaa lagu eedeeyaa in uu la dagay musuqmaasuq daran oo saamayn ku yeeshay siyaasada dalka iyo guud ahaan adeega bulshada,waana taas mida lagu eedaynayo kenya in uu ka jiro musuqmaasuq taas ayaana macquul ah in ay keentay in aan laga cafinin daymaha lagu leeyahay,balse shacabka ayaa ka cabanaya in dhibaatadda haysata reer kenya ay ka wayn tahay waxa lagu eedaynayo.
 
Dadkan banaanbaxa samaynayay oo ahaa shacabka qaybahiisa kala duwan oo ku nool dalka kenya ayaa watay boorar ay ku qornaayeen hal ku dhigyo muujinaya daymaha laguleeyahay,waxa ayna xuseen in cunug walba oo kenyan ahi dhasho isagoo lagu leeyahay lacag ku dhaw 20 kun oo shilinka kenya ah.
 
Wadamadan oo kulankooda ugu horeeya uga hadli doona xaalada abaareed ee Qaarada Afrika,ayaa meelo badan oo qaarada ka mid ah looga dabaal dagayaa,waxaana soo dhaweeyay wadamo badan waxayna ugu hambalyeeyeen hindisaha ay gaareen G8 ka.

Wafdi ka socda DFKMG ah ee soomaaliyeed oo soo garay magaalda kismayo

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
cabdiqadar84@hotmail.com
kismaayo soomalaiya

  • July 2, 2005 6:19 PM

Wafdigaan maanta soo gaaray magaalada kismayo ayaa waxa ay ka soo kici tameen magaalada nayroobi ee cariga Kenya waxa ayna  ka koobnaayeen  shan xubnood ayadoo uu hogaaminayay wafdigaan  taliyaha ciidanka booliska soomaaliyeed ninka lagu magacaabo cali maxamed xasan looyaan (cali madoobe) 

Ujeedada socdaalka wafdigan ayaa waxa ay ku sheegeen ka dhaadhicinta dadka soomaaliyeed qorshaha dowlada FRKM ah ee soomaliyeed iyo in imaatinkooda uu qayeb ka yahay dib ugu soo laabashada dowlada dalkeeda hooyo ayadoo uu taliyaha ciidanka booliska soomalaiyeed mr cali madoobe uu sheegay in sidoo kale ay jiraan qorshayaal uu doonayo in uu ka hirgaliyo gobolada jubooyinka qorshayaashaas oo ay ka mid yahiin diwaan galinta ciidankii booliska soomaaliyeed iyo wlaiga qalabeyntii ciidankaas. 

Wafdigaan uu manta soo gaaray magaalda kismayao uuna hogaaminayaya taligayaha ciidanka booliska soomalaiyeed ayaa waxa ay ka kala ahaayeen labo xildhiabaan oo kala ah maxamuud cabdi biikoos iyo xildhibaan shire ayadoo sidoo kale ay wafidaan la socdeen labo sargaal oo ka tirsanaan jiray booliskii hore ee soomalaiya . 

Hadaba wafdigana ayaa la filayaa in ay shirar gooni goni ah la yeeshaan mas uuliyiinta maamulka isbahaysigha dooxada jubba ayadoo ay ka wada arinsan doonaan barnaamijyada ay damacsayahiin iyo sida ay ula muuqato muumulka ka arimiya gobolkaan. 

Waxaa horaan u sii joogay magaalada kismaayo rag xildhibaano ah o ka kooban dhowor oo ayaguna dhawaan soo gaaray magaalada kismaayo imaatinka xubnahaas ayaa waxa ay qayeb ka ahayed dib ugu guurida dowlada dalka ayadoo aya xildhibaano fara badan soo gaareen gobolo badan oo ay ka midx yahiin shabeelada dhexe banaadir  bakool gedo jubada hoose iyo barri iyo meelo gale. 

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
cabdiqadar84@hotmail.com
kismaayo soomalaiya

Faafin: SomaliTalk.com | July 3, 2005


Ciidamo Ka Socda Dunida Islaamka oo Nabad Ilaalin ah oo Loo Dirayo Soomaaliya
»Qodobo kasoo baxay kalfadhigi 32aad ee dalalka islaamka
»Hargeysa: Eng. Cismaan Hindi oo isu soo taagey doorshada..
Warka oo dhan ka akhri halkan.. Guji July 2

###


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD