SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - K/AFRIKA

Booqashadii Waziirka Arimaha dibadda ee Somaliland kutimid K/Africa. 


Waxaa diyaariyey Suxufi Saeed Fuuraa oo degan Pretoria,. 
Email:
shmadar@yahoo.com

Pretoria, South Africa, waziirka Arimaha dibada ee Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Edna Adan Ismail ayaa booqasho 3 maalmood ah kutimid wadanka K/Africa iyada oo kasoodegtey Gegeda dayuradaha ee caalamiga ah ee magaaloweynta Johaanesburg 6 bishan juley. 

Marwo Edna oo kaqeybgashey shir weyn oo laguqabtey maalintii khamiista(7da July) magaaladda Johannesburg oo ey kasooqeybgaleen  madax sare oo katirsan ururka tallada wadanka gacanta kuhaya ee ANCda, taas oo labadda dhinac ee wadahadalku dhexmarey waa Somaliland iyo South Africa ey si qotodheer ugawadahadleen siixoojinta dimuqraadiyadda xoogan ee kajirta dalka Somaliland iyo siixoojinta xiriirka siyaasadeed, dhaqaaleed iyo bulsheed ee udhaxeeya labada wadan ee Somaliland & K/Africa. 

Waziirka Arimaha dibadda ee Somaliland waxey booqatey intii ey kusugneed South Africa xarunta Machadka Doorashooyinka South Africa ee (EISA) halkaasi oo ey u mahadcelisey mahcadkaasi oo kawada hawlaha doorashooyinka ee wadankan, machadku wuxuu kale oo tageerayaa doorashooyinka Parlamaanka ee Somaliland kadhicidoonta bisha September sanadkan,.  Waziir Edna iyo xubno kamid ah Dowladda K/Africa ayaa  soodhaweeyey booqashadii ey dhowaanta booqdeen Somaliland, xubno katirsan Midowga Africa (AU), oo xaqiiqo raadis ah oo uu hogaaminayey gudoomiye kuxigeenka Mr. Patrick Mazimhaka, waxey kudhiirigeliyeen israaca midowga Africa (AU) in ey kor u qaadaan nabadraadinta meelaha ey amaandaraddu kajirto ee Qaaradda Africa iyo in si cadaalad kudheehantahey loogudogalo Ictiraafka Somaliland si ey kudheehantahey cadaaladi. 

Islamar ahaantaa Marwo Edna waxey u dirtey  Mahad naq kal iyo laab ah Madaxweynaha Koonfur Africa Thabo Mbeki oo hada kusugan xarunta shirka G8ka ugasocda Scotland, dadaalkisa nabad raadinta ee u kawado Suudaan iyo cariga Geeska Africa, waziir Edna waxey kusheegtey fariintaasi sida ey Somaliland ugago’antahey  ey u jeceshahey in  waayo aragnimadeeda ey hubka ugadhigtey Mujaahidintii R.Somaliland ee ey uqarameysey, waayo aragnimadan oo ey waziirku sheegtey in ey ugutabarucayaan Africadda dhibaatooyinku kahaloosanyihiin sida Koonfurta Sudan.  Madaxweyne Thabo Mbeki  ee K/Africa waxa uu  gudoomiye u yahey Midowga Africa qeybteeda xalinta mushkiladaha kataagan Sudan iyo geeska Africa,. 

Marwo Edna oo kucaanbaxdey codkarnimo, iyo dadaal ey ugujirto raadinta Ictiraafka Somaliland ayaa waxaa maalinkii khamiistii wareysi dheer layeeshey Tvga South Africa qeybteed Africa (SABC Africa), halkaasi oo su’aalo badan oo kusaabsan Somaliland iyo horumarkeeda laguweydiyey, waxaa kamid ahaa su’aalahaasi ey weydiiyeen wariyaha Tvgu “horumaradda ugudanbeeyey ee ey gaadhey Somaliland”, waxey Edna kujawaabtey, “Somaliland waxey gaadhey horumar weyn dhinacyadda nabada, nabada iyo xasiloonida Somaliland kajirtaana waa arin ey kufaanaan dhamaan muwaadiniinta R.Somaliland iyo cidkasta oo daneyneysa Somaliland, wadankeyga waxa kajirta xiriiro ganacsi uu ulaleeyahey wadamadda Jaarka ee Ethopia iyo Yemen iyo wadamo kale oo Africa kuyaal ilaa South Africa oo ey joogaan Somaliland maalgaliyaal udhashey South Africa, wadankeygu wuxuu istaahilaa in lamaalgashado marka aad ka eegtid dhinacyadda amaanka” ayey kusheegtey wareysigaasi.   Marwo Edna oo aan loogabaran in ey intabadan kahadasho dhinacyadda horumarka dhaqaaleed ee Somaliland gaadhey ayaa maalinkaasi waxey aad ugudheeraatey in ey uguyeedho maalgaliyaasha shisheeye in ey Somaliland tahey wadan aad uguhaboon in lamalgashado, waxa halkaasi kale oo Tvga K/Africa ey weydiiyeen su’aalo badan oo kusaabsan Somaliland, waxa isla markaasi SABC Africa ey wareysatey oo kale gudoomiyaha Machadka Arimaha Caalamiga ah ee fadhigooduyahey K/Africa Mr. Moeletsi Mbeki..  Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Zimbabwe, Mr. Morgan Tsvangirai iyo xubno sharafeed kale oo katirsan wadamo kuyaala Africa, waxey Marwo Edna iyo xubnaha kale ee SABC Africa wareysatey kahadleen shirka wadamadda kuhorumarey dhinaca warshadaha ugasocda Scotland (G8 Summit), halkaasi oo ey guud ahaan madaxda Africa dalbanayaan in lagacaawiyo deynta laguleeyahey Africa iyo in Africa lacaawiyo si ey uladagaalanto faqrinmadda. 

Maalinkii Jimcaha waxey Marwo siisey wareysi dhinacyo badan taabanaya Tvga BBCda oo kuwareystey iyadda oo kusugan Pretoria, wareysigan oo dhinacyobadan leh waxa kamid ahaa weeraradii bonbaane ee laguqaadey London 7da bishan, halkaasi oo Marwo Edna ey u dirtey fariin tiiraanyo leh oo ey ugatacsiyadeynayso eheladii iyo qaraabadii kuwii kudhintey ama waxyeeladu kasoogaadhey weeraradaasi, iyada oo Edna tilmaamtey in “Argagaxisnimadu ey tahey xanuun kusoobiirey aduunka oo u baahan in siwadajir ah looladagaalamo, Somalilandna ey dagaalka argagixsiada halkeeda kagajirto”, ayey BBC da usheegtey Marwo Edna.   

Maalinkii Khamiista ee bishu aheyd 7 July waxaa kadhacey wadanka Boqortooyadda Ingiriiska qaraxyo banbaane oo 4 meelood oo London ah kakaladhacey waxaa kudhintey qaraxyadaasi dad kabadan 50 qof ilaa 700 boqol oo ruuxna dhaawacyo isugujira qaar daran iyo qaar sahlan ayaa soogaadhey, lamagaranayo qaraxyadan cida kadanbeysey, laakiin isla markiiba si aan kafiirsasho laheyn ayaa madaweynayaasha kushiraya Scotland shirka wadamadda kuhorumarey warshadaha waxey kutilmaameen in uu yahey Argagixiso, iyadda oo Ra’isal wazaare Tony Blair uu kusoolaabtey London oo uu sheegey in lahorkeeni doono cidii kadanbeysey qaraxyadaasi maxkamada iyo cadaaladda.  Waxaa soobaxaya warar in ey Mujaahidiin Alqaacida lashaqeeya oo cusub ey sheegteen in ey kadanbeeyaan weerarkan arinkan oo ey kadhiidhiyeen muslimiinta kudhaqan ingiriiska.  South Africa maalinkaasi waxaa loogadareemey siweyn iyadda oo isla markiiba markii idaacaddaha iyo Tvga lagabaahiyey qaraxyadaasi ey dhamaan dadkii eheliyadda kajoogey Ingiriiska kuwadayaaceen telephonadda waxaad kamaqleysey meelaha lagadirsado telephoonadda fariin kaliya oo ah “makabdbadeen qaraxa, manooshihiin”, dadka dirayey telphonadda oo isugujirey Aisian, cadaan ingiriis asalkoodu kasoojeedo, dalxiisayaal kayimid ingiriiska, iyo Soomaali ehelkoodu kudhaqanyahey England, waxey dhacdadani  xasuusisey dadbadan dhacdadii aduunka badashey ee September 11 ee 2001 kii kadhacdey U.S.A. 

Marwo Edna Aadan waxey kale oo shir layeelatey Maamulaha Jaamacadda K/Africa (UNISA), Mr.Pityana, waziir Edna waxey umahadcelisey UNISA mashruuceeda ey lawado Jaamacaddaha kuyaal Somaliland iyo tababaradda ey ufidinayaan kalkaaliyaasha Somaliland, iyo xiriiraadka kadhexeya Jaamacada Somaliland iyo K/Africa.. 

Intii ey kugudo jirtey booqashadda ey Edna kutimid K/Africa waxey kale oo booqatey xarunta iskaashiga baayacmushtarka aduunka ee kahortaga xanuunka dilaaga ah ee HIV & AIDSka iyo talosiinta ganacsata aduunka in ey caawiyaan in kor looqaadid lagusameeyo baadhista xanuunkaasi. 

Waxey Waziir Edna xiriiro qiimobadan layeelatey xubno muhiim ah oo katirsan dowladaha Africa iyo safiiro, waxaa safiirada ey laxiriirtey Edna kamid ah Safiirka America ufadhiya K/Africa Dr. Jandayi E. Frazer. 

Waxaa booqasho isdabajoog ah kuyimaada wadankan K/Africa waziiro iyo siyaasiin kasocda Somaliland, laakiin su’aasha ey isweydiinayaan indhoindheeyaasha siyaada Somaliland waxey isweydiinayaan su’aalaha ey kamidyihiin Waziiradda imanaya K/Africa ama qeybaha Siyaasiinta Dowladda Somaliland oo markaste yimaada K/Africa oo ubadan Waziiro, meeye ururadii bulshada iyo Djyadadii wazaaraduhu, waxa kale oo ey isweydiinayaan maxaa lataaban karo oo ey qabteen oo midhodhal ah waziiraddan oo kan ugudanbeeyey uu noqonayo weftigii 15 naad oo kasocda Somaliland oo yimaada K/Africa ilaa sanadkii 2000 kii, markaasii oo ey yimaadeen weftigii uguhoreeyey oo uuhogaaminayey waziirkii hore arimaha dibadda Mr. Fagadhe. 

Waxa su’aalahasi kamid ah calaamo su’aal saran safarkii uu weftigii Madaxweyne Daahir riyaale uu hogaaminey oo ey kuyimaadeen K/Africa bishii May ee sanadkan, safarkaas oo ey soo ifbaxayaan shakiyo iyo dano gaar ah oo ey wateen Madaxweynaha iyo waziiradii lasocdey sida ey iicadeeyeen muwaadiniin udhashey Somaliland oo kunool wadankan, waxa iyana ey iicadeyeen qeybo katirsan Jaaliyadda R.Somaliland ee K/Africa in weftiyaddu markey yimaadaan aaney wax xiriir ah layeelan jaaliyadda iyaga oo intabadan iskaqariya in ey lakulmaan jaaliyadda, waxaa tusaale fiican u ah waftigan ugudanbeeyey ee Marwo Edna oo aan qofna lakulmin, maalinkii Jimcihii oo ey aheyd in ey kulakulanto qeybo kamid ah Jaaliyadda guri sharafka R.Somaliland ee Raslow Centre ee Pretoria, mey iman habeenimadiina wey duushey iyadda oo aan qof jaaliyada katirsana lakulumin. 


Waziir Edna Aaden oo usharxeysa dad suxufiyiin iyo ganacsato iyo safiiro iyo siyaasiin kaleba Qadiyadda Somaliland, sawiradda waxaa qaadey Suxufi  Saeed Fuuraa, Pretoria

Waxaa diyaariyey Suxufi Saeed Fuuraa oo degan Pretoria,. 
Email:
shmadar@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 10, 2005

Geedi iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Dib ugu Laabtay Jowhar
Kaddib markii ay magaalada Galkacyo kulan albabadu u xiran yihiin ku yeesheen madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG ayaa...
Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD