SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

Waa Xaaraam wax ka qorista mashaariicda Islaamka iyo Culumada ka shaqeysa 

Bishaa  hore ee June, subaxdii abaarahii 10:00am subaxnimo ayaa waxaa i soo wacay Abdulkadir Afrah oo ahaa qoraagii wax ka qoray mashruuc ka mid ah mashaariicda ka jira Minneapolis.  Waxaan u sheegay inaan aad ugu xumaaday wax yaalaha uu qoray oo Islaamka waafaqsaneyn isla markaana aanan shakhsiyana raali ka aheyn qoraalkaasi inuu soo baxo oo haddii layla tashan lahaa aan hor istaagi lahaa.  Waxaan u sheegay inay jiraan cadaw badan oo ka faa'ideysanayo marka wax laga sheego masaajidaha iyo culumada Islaamka gaar ahaa ka dib dhacdadii September 11,2001.  Waxaan Abdulkaadir ugu naseexeeyey hadda wixii ka dambeeyo hadduu wax ka qorayo arimo masjid ama diin la xiriira inuusan fududaan bal uu culumada la tashto.  Waxaan u sheegay inaan diyaar u ahay inaan la taliyo oo uusan ku fududaan qoraal kale oo taabanaya mashaariicada Islaamka oo ay waajib ku tahay qof weliba inuu ilaaliyo. 

 Waxaa maanta July 13,2005  Imaam ka mid ah imaamada masaajidaha Minneapolis ii sheegay markale inuu Cabdulkadir uu soo qoray qoraal labaad oo la mid ah kii hore oo uusan la tashan culumada ama imaamada sida aan filayo haddii kale way ka joojin lahaayeen.  Sida darteeda waxaan halkan ka sheegayaa si cad:

1-Inaan dhaleeceynayo qoraal kasta oo lagu eedeynayo mashaariicada Islaamka ee ka socda US  waxaan weliba caddeynayaa inuu qoraaka ku soo baxay Warsan uu ka tarjumeynin magacayga ka sheekh ahaan iyo masaajidaha aan ku xirnhay iyo xalqooyinka aan wax ka akhriyo.  Waxaan aaminsahay inay xaaraam tahay wax ka sheegista mashaaricda iyo culumada ka shaqeysa badbaadinta muslimiinta qurbaha ku nool.

2-Inaan  waqti weliba aan ka soo horjeedo in wax khalad ah ama ceebo ah laga qoro masaajidaha iyo maraakista Islaamka iyo culumada u dhaq dhaqaaqeyso diinta Islaamka Soomaali iyo cid kasta ha ahaadeen.

3-Inaan aaminsanahay inay naseexada sir ahaato haddiiba ay jiraan khaldaad aadami ah waayo diinta Islaamka waxay dhiiri gelisaa naseexooyinka iyadoo tilmaanta qaabka naseexada loo sheego oon dhib kaga imaaneyn muslimiinta guud ahaan iyo gaar ahaan cidda naseexada khuseysa.  Nabiga NNK wuxuu yiray" Diinta waa naseexo ilaa uu soo gaaray madaxda muslimiinta in loo naseexeeyo".   Imamu Shaafici wuxuu yiray: Walaalaha muslimiinta waa inay si sir ah isugu naseexeeyaan waayo naseexada fagaaraha waa is fadeexeyn iyo dhaawac. 

4-waxaan ka soo horjeedaa in la qoro qoraalo aan sugneyn 100% waayo diinteena suuradda Al-xujuraat: Ilaahey ma ogola in war  ama arin aan dhameystirneyn wax laga qoro Ilaa ilaha khuseeyey laga hubsado.  Goortii la hubsado ka dibna la qiimeeyo haddii qoraalkaa uu muslimiinta raad dhib ah ku yeelan kara iyo haddii kale ka dibna  inaan lagu deg degin sheegistiisa iyo qoraalkiisa ilaa lagala tashto culumada gobolka jooga.

5-Qoraalada qaar qaanuun ahaan waxay khatar gelin karaan beesha muslimiinta guud ahaan iyo mashaariicdeeda gaar ahaan sidaa darteeda marnaba ma banaana in fursad la siiyo cadowga diinta islaamka oo ka faa'ideysta dul duleelada muslimiinta iyo cid kasta oo fursad la eeganeyso muslimiinta US ku nool. Eeg aayadda 12aad ee suuradda al xujaraat waxay xarimtay inay muslimiinta ay isdabagalaan taasoo ay dhaawici karta nidaamka beesha muslimiinta iyo isku xirnaantooda walaalnimo oo isla suuraddaasi ay tilmaantay.

6-In cid kastoo wax ka qortay masaajidaha iyo culumada ay Ilaahey u toobad keento ayna raali gelin ka sameyso qoraalada ay qoreen iyagoo xusuusanayo inay adduunyo dhammaaneyso aakhirana ay xisaabtan adag jirto oo Allah caadilka ah laga baxsan karin.  Sidaa darteeda in qof weliba aakhira lagala xisaabtamayo waxaa uu adduunka ku sameeyey af iyo addinba. Aayadda  2aad ee suuradda Al-mulki waxay tilmaameysa in qof weliba uu ku jiro imtixaan oo ficiladiisa oo dhan indhaha lagu hayo.

7-AFFEEF: ciddii tuhunsan qoraaladaasi inaan ogaa waxaan xusuusinayaa in qoraa kasto oo Warsan wax ku qora uu qoraalkiisa u madaxbanaan yahay oo cidna igala tashan marka soo daacayaan. Waxaa Warsan wax ugu qoraa inaa shiiqiyo oo keliya fikirka iyo qoraalada diinta iyo dhaqanka suuban ka soo horjeeda  sida: kuwa jinsiga ama akhlaaq xumada ka hadla, ama lagu diro culumada iyo xubnaha wanaagsan ee bulsha weynta muslimiinta ama soomaalida. Sidaa darteeda qoraalka Cabdulkadir Afrax isaga uun baa adduun iyo aakhiro ka mas'uul ah.  Sidaa darteeda Qoraalkii 1aad waxba kama ogeyn kii 2aadna waan u sheegay oo naseexaan siiyey intuusan qorin.

Waxaan mas'uulka wargeyskan Warsan iyo SomaliTalk iyo ciddii kale ee qoraalka hesho ka codsanayaa in qoraalkeyga uu sidiisa uu u soo qoro waayo qoraal weliba waa AMAANO.


Sh. Xasan Jaamici, JD

Imaamka Masjidka Al-taqwa

xasanjaamici@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 13, 2005

###


Lacagtii loo hayey mashruuca Abuubakar waxay gaartey $1,400,000. Warbixintaas iyo waraysi ay Xasan Dhooye arimaha masjidka kala yeelatay Idaacada Codka Beesha ee Minneapolis, iyo Video laga duubay dhismaha Guji

"228 Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda aadamiga u dooda ee Faanoole, taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD