SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KISMAAYO

Heyada xaquuqda aadanaha ee marka magaceeda lasoo gaabsho loo yaqanao (farho) oo maanta warsaxafadeed ka soo saartay xad gudub yadii aadanaha ee ka dhacay gobolada jubboyinka 

July 10, 2005 | Kismaayo | Soomaaliya

  • 1dii Janaayo ilaa 8dii July Waxaa Gobolada Jubbooyinka lagu kufsaday ugu yaraan 228 Gabdhood oo Soomaaliyeed....

Heyada u dooda xaquuqda aadanaha ee magaceeda la yiraahdo FAANOOLE  HUMEN RIGHT ORGANIZATION ee ka jirta gobolada jubooyina gaar ahaan xarunteeda magaalada kismayao ayaa maanta soo saartay warbixin ku saabsan xad gudub yadii iyo tacadiyadii sanadkan loo gayestay dadka ku dhaqan gobolkan ayadoo ugu baaqaday maamulada ka jira gobolkan in ay wax ka qabtaan falalka ka dhanka ah xaquuqda aadanaha. 

Heyadan oo tirakoob ku samaysay falalkii wuxuushnimada ahaa ee ka dhacay gobolkan ayaa maanta waxa ay soo saartay tacadiyadii dhacay laga soo bilaabo bishii  01/01/2005 oo u dhacay sida tan:

  • 1dii ilaa 31 January: dhimasho 9 qof  sidoo kale waxaa dhac loo gayestay 201 qof waxaana sidoo kale la fara xumeeyay 99 dumar somaliyeed 
  • 1dii ilaa 28 February:  11 dhimasho ah, 89 dhac ah, 42 kufsi ah
  • March:  Sidoo kale bishii maarso waxaa la dilay ilaa 16 qof waxaan dhac loo gayestay, halka 26 haween ah lagula kacay falal kufsi ah
  • Bishii Abril: waxaa la dilay 6 qof oo ay ka midtahay hooyo sidatay ilmo yar oo ay halkaa ku geeriyootay hooyadii halkaasoo ilmahi yarka ahaana la geeyay goobtii ay ku  socdeen markii hore waxaan sidoo kale dhac loo gayestay 77 qof, ayadoo 12 gabdho soomaliyeed ahana la faraxumeeyay
  • Bishii may: 5 qof ayaa dhimatay  80 qof oo dhac loo gayestay iyo waliba 66 hablood oo ayagana loo gayestay gufsi si biniaadanimada ka baxsan,  hadaba waxaa sidoo kale falal  ka dhan ah bini aadanimada loo gayestay dadka kusafra wada isku xirta magaalada muqdisho iyo gobolka jubbada hose
  • Horaantii bishii juun ilaa iyo 8dii bishan July: aad iyo aad ayay u fara  badan yihiin dadka lagu xadgudbey, ayada oo ilaa todoba iyo toban qof halkaasi ay ku dhinteen, waxaa iyana dhac loogu gaystay 26 qof, ayadoo sidoo kale 9 gabdhood lagula kacay falal anshax xumo ah. 

Hadaba hey'ada faanoole human right organization ayaa waxa ay baaq u jeedisay dhamaan waxgaradka iyo odayasha ku dhaqan deegaanka xaramka iyo kuunyo baroow in ay arintan ka dhanka ah xaquuqda aadanaha ay wax ka qabtaan ayadoo gacan ku hayenta degaanadaas ay is badashay lixdii bilood ee ugu danbaysay ilaa 14 jeer  taasoo sababtay in dhibaatooyin fara badan iyo tacadi ay la soo gudboonaadaan dadka ku dhaqan deeganadaas . 

Ugu danbayntii gudoomiyaha ururkan u dooda xaquuqda aadana ee marka magaceeda la soo gaabsho loo yaqano (fahro) mr. cali cabdulaahi cigaal (cali baashi)  uu ka codsatay mas'uuliyiinta iyo maamulka iyo odayaasha iyo dhamaan dadka wax garadka ah ee ku dhaqan deegaankaas in ay wax ka qabtaan arimahan isasoo taraya marba marka ka danbayso.

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliya

cabdiqadar84@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 10, 2005

Wararka kale:::

BAAQ KU WAJAHAN NABADDA SOOMAALIYA
Baaq ka yimid ururrada haweenka ee Webi Shabeele, Muqdisho, Afgoye,  Jowhar,  Marka iyo Hiiraan...  Guji...

Booqashadii Waziirka Arimaha dibadda ee Somaliland kutimid K/Africa
Edna Adan Ismail ayaa booqasho 3 maalmood ah kutimid wadanka K/Africa iyada oo kasoodegtey...
Guji...

Geedi iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Dib ugu Laabtay Jowhar
Kaddib markii ay magaalada Galkacyo kulan albabadu u xiran yihiin ku yeesheen madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG ayaa...
Guji... July 10

Geedi iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Dib ugu Laabtay Jowhar
Kaddib markii ay magaalada Galkacyo kulan albabadu u xiran yihiin ku yeesheen madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG ayaa...
Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD