Wasiir ku xigeenka W/Horumarinta 
					R/Miyiga Dhirta iyo Daaqa ee DFKGS oo ka furay Xafiis 
					Gobolka Sanaag, Degmada Dhahar. 
					W.D: 
					c/fatax jaamac | Bosaso
					Email: 
					somalitalkpl@yahoo.com
					June 12, 2005
					
					 Waxaa 
					noo suuragashay aan la xiriirno Wasiir kuxigeenka W/Horumarinta 
					R/Miyiga Dhirta iyo Daaqa ee DFKGS Horn: Saciid Xasan Shire 
					isagoo ku sugan xiligaa Degmada Dhahar oo uu ka furay Xafiis 
					uu ku magaacaabay Xafiiska Xiriirka iyo Wacyi galinta 
					Dadweynah ee DFKGS.
Waxaa 
					noo suuragashay aan la xiriirno Wasiir kuxigeenka W/Horumarinta 
					R/Miyiga Dhirta iyo Daaqa ee DFKGS Horn: Saciid Xasan Shire 
					isagoo ku sugan xiligaa Degmada Dhahar oo uu ka furay Xafiis 
					uu ku magaacaabay Xafiiska Xiriirka iyo Wacyi galinta 
					Dadweynah ee DFKGS. 
					Waxaa aan ugu horeentii wax 
					ka waydiinay ugu Horeentii Xafiiskaa sababaha uu u furay iyo 
					inu doonayo in uu meelo kale ka furi doono Waxaana uu ku 
					jawaabay
					Sababaha aan u furnay 
					Xafiiska waxaa la socotaan in ay soo guurayso 14/06/2005 
					Dowlada ayna ka howl galayso dhamaan Gobolda Dalka iyo 
					maamuladaba marka xafiiskaan wuxuu qayb ka yahay Xafiisyada 
					ay ka howlgali doonaan Xubnaha labada Gole ee Dowlada ee ku 
					soo laaban doona dalka, waxaana Xafiisyo la mida ka furi 
					doonaa Gobolka Sanaag oo dhan sida Qorshaha noogu jirta.
					Waxaan wax ka waydiinay 
					Waxyaabaha uu ku arkay G/Sanaag intii uu maraayay waxaana uu 
					ku jawaabay:
					G/sanaag waxaa si Wanaagsan 
					uga da,ay Roobabkii Guga waana Illaahay mahadii wax dhibaata 
					ahna kama jiraan waxaa ugu daran Xaalufinta dhirta ee 
					Degaanka iyo Gubida Dhuxusha oo meelo ka mida Gobolka si 
					xowli ah uga socota iydana waxaan hada wadnaa sidii wax 
					looga qaban lahaa inagoo la kaashanayna Maamulka ka jira 
					Degaanadaas.
					Waxaan kaloo waydiinayay 
					meelaha kale ee uu booqday ee ilaa xiligii uu yimi dalka 
					waxaana uu ku jawaabay.
					Waxaan booqday Gobolka Bari 
					oo aan kula kulmay Qayb ka mida Madaxda Puntland sida 
					Madaxweynah DGPL Gen: Cade Muuse oo aan ka wada hadalnay 
					sidii dagaanada G/Sanaag wax looga qaban lahaa maadama ay ka 
					jiraan Dhibaatooyin ay u wayntahay Xaalufinta Dhulka Wuxuuna 
					balan qaaday in uu Arimahaas wixii awoodiisaa uu wax ka 
					qaban doono waxaan kaloo booqday Magaalooyin ka mida 
					Degaanka G/Sanaag.
					Waxaan kaloo waydiinay inay 
					jiraan Xubno kale oo ka tirsan DFKGS oo imanaya G/sanaag 
					waxaana uu ku jawaabay.
					Waxaan filaynaa in ay 
					imanayaan Wafdi balaran oo mari doona Degaanada Puntland oo 
					dhan marka ay Dowlada dib ugu soo noqoto Wadanka.
					Waxaan kaloo wax ka 
					waydiinay Qilaafka Labada Gole ee sii xoogaysanaaya waxaana 
					uu ku jawaabay.
					Waa jiraa in uu qilaafkaa jiro 
					waana qilaaf Rayi oo labada gole ay isku hayaan .
					Boosaaso: Madaxweyne 
					kuxigeenka DGPL oo kasoo Laabtay Itoobiya
					W.D: 
					c/fatax jaamac | Bosaso
					Email: 
					somalitalkpl@yahoo.com
					June 11, 2005
					
					 Madaxweyne 
					kuxigeenka DGPL Xasan Daahir Afqurac oo shalay dib ugu soo 
					laabtay Magaalada Boosaaso ayaa ka war bixiyay Safarkiisii 
					uu ku tagay Dalka Ethopia isaga iyo Wafdi uu hogaaminaayo oo 
					uu ka mid yahay Wasiirka Maaliyada DGPL Maxamed Cali Yuusuf 
					(Gaagaab) mar uu u waramaayay Idaacadda SBC ee ka How gasha 
					Gobolada Puntland ayuu u sheegay in ay martiqaad ay ka 
					heleen dawladda Itoobiya uuna ku saabsanaa Casumaad loo 
					sameeyey Dadka Taageersan DFKGS iyadoo la raadinaayo sidii 
					ay Dib ugu soo guuri lahayd Dalk Gudahiis ay ka wada hadleen 
					Xubno ka socda Gobolada kale Soomaaliya Xubnahaa oo ah kuwa 
					tageersan Dowlada  Waxaana ka soo qayb galay ayuu yiri 
					Madaxweyne ku xigeenka Gobolada Baladweyne, Baydhabo, Gado, 
					iyo kuwo kale oo ka mida Gobolada Soomaaliya.
Madaxweyne 
					kuxigeenka DGPL Xasan Daahir Afqurac oo shalay dib ugu soo 
					laabtay Magaalada Boosaaso ayaa ka war bixiyay Safarkiisii 
					uu ku tagay Dalka Ethopia isaga iyo Wafdi uu hogaaminaayo oo 
					uu ka mid yahay Wasiirka Maaliyada DGPL Maxamed Cali Yuusuf 
					(Gaagaab) mar uu u waramaayay Idaacadda SBC ee ka How gasha 
					Gobolada Puntland ayuu u sheegay in ay martiqaad ay ka 
					heleen dawladda Itoobiya uuna ku saabsanaa Casumaad loo 
					sameeyey Dadka Taageersan DFKGS iyadoo la raadinaayo sidii 
					ay Dib ugu soo guuri lahayd Dalk Gudahiis ay ka wada hadleen 
					Xubno ka socda Gobolada kale Soomaaliya Xubnahaa oo ah kuwa 
					tageersan Dowlada  Waxaana ka soo qayb galay ayuu yiri 
					Madaxweyne ku xigeenka Gobolada Baladweyne, Baydhabo, Gado, 
					iyo kuwo kale oo ka mida Gobolada Soomaaliya. 
					Waxaa kaloo aan kawada 
					hadlaynay ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka sidii loo xoojin 
					lahaa xiriirka u dhexeeya Puntland iyo Ethopia.
					
					Madxweyne kuxigeenka Xasan Daahir Afqurac mar aay wax ka 
					weydiisey Idaacada halka uu ku dambeeyey xiriirkii ganacsi 
					ee labada dhinaca Puntland iyo Ethiopia ayadoo ay jirtay 
					Heshiis uu soo saxiixay Wasiirka Ganacsiga DGPL Mudane 
					Bindho ayuu u sheegay Idaacada in xiriirkii halkiisii taagan 
					yahay iyadoo lagu heshiiyey in barta ganacsi ee wax la isku 
					dhaafsanayo ay noqoneyso magaalada Wardheer.
					
					Madaxweynaha ayaa sidoo kale maanta Kormeer ku tagay 
					Dhismaha Garoonka Diyaaradaha iyo Dekada Boosaaso isagoo 
					Warbixin kaga Dhagaystay masuuliyiinta Goobahaa.
					W.D:
					c/fatax jaamac | Bosaso
					Email: 
					somalitalkpl@yahoo.com
					Faafin: SomaliTalk.com | June 11, 2005
 
					
	
Madaxweynaha DGPL oo u 
Safray UAE & NRBI
		»Cadde 
Muuse waxaa Nairobi ku Casumey MDFKMG
		»Ciidamo 
ka tirsan I/Dooxada Juba oo ku sii jeeda C/Waaq
Wararka oo dhan ka 
akhri halkan... Guji..
JWXO oo Bayaan ka soo 
saartay xaaladda murugsan ee Itoobiya
		»Madaxda 
mucaaradka Itoobiya oo guryahooda lagu xabisay 
		»Mac-hadka 
Saxaafadda Adduunka oo Itoobiya 
		»Barnaamijkii 
muxuu yidhi abwaanku iyo Idaajaa 
Warka oo dhan ka akhri 
halkan... Guji... Jun 10
Magacyada Guddiga Dib 
u Heshiisiinta ee uu Magcaabay Geeddi
Cali Maxamad Gedi ayaa magacaabay xilal kala 
duwan iyo guddi dib u heshiineed  oo ka kooban 27... 
Guji..
Warbixin: Dagaalka Ka 
Dhacay Baladweyne
		»Waxaa 
laga dayriyey khasaarooyinka dagaalka B/weyne
		»Talyaaniga: 
Muhiimad  gaar ah ma siineyno Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji.. 
Jun 9
Addis Ababa: 22 Qof 
ayaa la Diley, Boqolaal Kalena Waa la Dhaawacay
		»Labada 
Gole ee DFKMG oo Laga Saaray Hotel 680, Nairobi
		»Isbaarooyinkii 
Muqdisho oo Qaarkood oo dib loo soo celiyey
		»Soomaalida 
oo ka qeybgashay dood ka dhacday B/Sweden 
		»Wadahadalladii 
Beledxaawo & Mandera oo la gabagabeeyey
Wararka oo dhan ka akhri halkan...Guji 
Jun 8
Dagaal Ka Dhacay 
Shilaabo dusheeda 
iyo 
Idaajaa oo ku baaqay in JWXO la taageero 
Guji... 
Cali Geddi oo ka Dagay 
Jowhar
Ra'iisulwasaaraha dowlada FKMG ah 
iyo xubno uu hogaamiyo uuna ka  mid yahay Wasiirka .. 
Guji Jun 7
 Nin Jarmal ah 
		oo Diley Xaaskiisii oo Soomaali ah, Laba Carruur ah iyo Labadiisii 
		waalid.
Nin Jarmal ah 
		oo Diley Xaaskiisii oo Soomaali ah, Laba Carruur ah iyo Labadiisii 
		waalid.