SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ka dhoofay Nairobi kadib Munaasabado kala duwan oo loogu sameeyay garoonka iyo Madaxtooyada kenya.
Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi yuusuf Axmad ayaa uu gacan haatinayay Madaxweynaha Dalka Kenya Mwai Kibaki, Madax kala duwan oo ka socotay Caalamka iyo boqolaal ah Somalida ku nool Islii, xili uu faaruqinayay halkii uu ka daganaa magaalada Nairobi oo u ahayd xarun iyo xafiisba muddo sideed bilood ah ka dib markii loo doortay madaxweynaha Somaliya, waxa uuna u muujinayay beesha caalamka iyo Soomalidi goobta joogtayba in uu maalin uun u hogaamin doono dalkiisa Gollayaasha baarlamaanka iyo dowlada,si ay u gutaan xilka ka saaran dadka iyo dalkaba nasiib wanaagna isga uu yahay kan maanta bilaabay guuristaas,markaas oo uu  sii raacayay diyaarad qaas ah oo u sii waday dalka Soomaaliya Galabnimadii Maanta,kadib munaasabado sagootin ah oo ay ugu samaysay dowlada kenya Madaxtooyada Madaxweyne Kibaki iyo garoonka caalamiga ah ee Jommo Kenyatta.
 
Markii ugu horaysay ayaa la simay Calanka Soomaaliya iyo kan Kenya,Qaar ka mid ah Ciidamada Xooga dalka Kenya ayaa salaan sharafeed siiyay Madaxweynaha Soomaaliya Mr.Abdullahi yuusuf Axmad,iyagoo daba dhigay muusiga astaanta u ah calanka Jamhuuriyada Soomaaliya,waxaa kale oo halkasi maanta lagu soo bandhigay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ee labada dal ee Somaliya iyo Kenya.
 
Madaxweynaha dalka Kenya Mwai kibaki iyo xubnihii kale ee beesha caalamka ayaa dhamaatood u wada gacan haatinayay Madaxweyne C/llaahi yuusuf Axmad oo muddo kadib u socda dalka uu madaxweynaha u yahay ee Somaliya,waxa ayna u rajeeyeen in ay uu xilka ummada u guto si cadaalad ah oo ay ku jirto guud ahaan maslaxada dalka iyo dadka soomaaliyeed oo wax badan wada sugayay shirkan iyo waliba goorta ay soo guurayso dowladdaba.
 
Qudbad uu ka jeediyay munaasabada saakay madaxweynaha Kenya ayaa ugu horeyn waxa uu ugu mahadceliyay Madaxweynihii isaga ka horeeyay ee oo furay shirka Soomaaliya 15 ogtoobar sanadkii 2002 magaalada Eldoret,waxa intaas ku daray kibaki in uu ku farxad u tahay shacanka kenya iyo dowladoodaba,IGAD iyo beesha caalamka in ay arkaan madaxdii Soomaaliya o usoca dalkedikadib muddo dheer oo ay halkan joogeen shirkii loo qabtayna ay ka soo baxday dowlad iyo baarlamaan,waxa uuna ka dalbaday madaxda dowlada in ay xil iska saaraan sidii ay Nabad ugu soo dabaali lahaayeen dalka Somaaliya si ay u helaan taageerada Caalamka iyo tan shacaka Soomaaliyeedba isagoo u rajeeyay madaxweynaha safarkiisa uu bilaabay maanta ee ku wajahan din u guurista in ay wax badan ka badasho xaalada dalka ee dhinaca amaanka.
 
Munaasadii saakay oo si wayn looga soo qayb galay waxaa ay ahayd mid ay dowlada kenya u sagootinaysay gabagabada dhamaadka shirkii Soomaalida oo shalay la soo xiray,munaasadan waxaa ka soo qayb galay xubno ka socday beesha caalamka oo uu ka mid ahaa ergayga u qaabilsan xog-hayaha qaramada midoobay arrimaha Soomaaliya,Mr Francois Lonseny Fall.
 
Madaxweyen C/llaahi yuusuf oo ka hadlay goobta xafkada ayaa xusay sida uu muhiimad gaar ah u siinayo ku laabashada dalkiisa ka dib muddo fog oo ay halkani joogtay dowladiisa,wax uuna si gaar ah ugu mahadceliyay Madaxweynaha iyo shacabka kenya oo xil iska saaray soo dhawaynta xubnaha soomaaliyeed muddii ay ku noolaayeen dalkooda,waxa kale oo uu mahad celin u diray dowladaha Urur goboleedka IGAD iyo Beesha caalamka oo iyagana ula garab taagnaa shirka soomaaliya taageero dhaqaale iyo mid dhiiri galineed oo u aadan sidii ay u heshiin lahaayeen dadkooda iyo dalkoodana u badbaadin lahaayeen,waxa uu balan qaadan C/llaahi Yuusuf in uu ka soo baxayo waajibaadka saaran isagoo ka dalbaday beesha caalamka in aysan dayacin dowladan.
 
Guud ahaan qudbooyinka Madaxda Soomaalida ayaa u badnaa mahadcelin iyo macasalaamayn u ay dirayeen dowladaha IGAD  iyo Beesha caalamka,waxa ayna ku soo dhamaatay jawi farxadeed iyo sagootin ay ka muuqatay.
 
Munaasadaas waxaa ku xigtay mid kale oo lagu sameeyay xarunta JKI oo ku taala garoonka Jommo kenyatta ee Nairobi,waxana iskugu yimid dadweyne sagotinayay madaxweynaha Soomaaliya u dhoofayay dalka Soomaaliya.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Nairobi
Email:
canabmumtaz@yahoo.com


C/Laahi Yuusuf oo Khudbad Sagootin ah u Jeediyey Reer Kenya...

June 13, 2005 | Nairobi, Kenya

Madaxweynaha DFKMG, C/Laahi Yuusuf Axmed ayaa maanta, June 13, 2005, waxa uu khudbad ka jeediyey guriga looga arrimiyo Kenya ee loo yaqaan 'State House', khudbadaas oo ahayd sagootin reer Kenya iyo hor dhac u guuritaan dalka Soomaaliya ay dawlada FKMG guureyso laga bilaabo maanta.  Khudbadiisii C/laahi Yuusuf waxa uu ku xusay in Soomaaliya aysan keligeed istaagi karayn haddii aysan taageero ka helin guud ahaan beesha caalamka iyo dalalka gobolka.

Madaxweynaha Kenya, Mwai Kibaki, oo halkaas khudbad sagootin ah ka jeediyey waxa uu yiri : "Muhiimada koowaad waa in la siiyo in dawlada Soomaaliya ay guurto geedi aan dib loo dhigayn, si loogu gogol xaaro dib u dhiska dalka Soomaaliya".

Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geedi waxa uu u xaqiijiyey madaxweyne Kibaki in ay guurayaan kaddib markii ay sagaal bilood deganayeen hoteelada Nairobi, waxana uu prof. Geedi yiri: "Dhammaantaya waxaan u safreynaa Soomaaliya maalmaha soo socda si aan ugu adeegno dadka Soomaaliyeed, una taageerno nabada iyo wada heshiisiinta iyo ka qayb qaadashada dib u dejinta."

Waxaa wararku sheegayaan in Prof. Geeddi uu Soomaaliya u safri doono dhammaadka toddobaadkan, waxana uu marka hore tegi doonaa magaalada Jawhar, halkaas oo la sheegay in uu kasii aadi doono meel aan la cayimin.

Wasiirada iyo saraakiisha sarsare ee dawlada Soomaaliya waxay u safri doonaan meelo kala duwan oo dalka Soomaaliya ah iyo wadamo dibadaha ah.

Madaxweyne C/Laahi Yuusuf iyo ra'iisul wasaare Geeddi intii aysan joogeen guriga (State House) waxaa u hambalyeeyey xubnaha ka tirsan labada gole ee Dawlada FKMG.

Dhanka kale wadamada IGAD waxa ay beesha caalamka ka codsadeen in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta xagga hubka, si ayey yiraahdeen wadada loogu furo hubka ay wataan ciidamada nabad ilaalinta ee la qorsheynayo in ay tagaan Soomaaliya.

Ciidanka ugu horeeya waxaa la filayaa in ay ka yimaadaan dalalka Suudaan iyo Uganda, ciidaankaas oo loo yaqaan IGASOM ma cada waqtiga ay tegayaan Soomaaliya maadama labada dal ee ciidankaasi ka imanayaa ay dhowaanahan muujinayeen deganaansho la'aanta ka jirta xagga ammaanka Soomaaliya in ay caqabad ku noqon karto in ciidaankaasi aadaan Soomaaliya.

Isha: Sawirada: REUTERS | June 13, 2005


Wararkii Shalay:::

Madaxweynaha dowlada FKMG ah ayaa kala diray baarlamaanka kadib markii la soo xiray kalfadhigii 1aad.

Somali President Abdullahi Yusuf AhmedMadaxweynaha dowlada FKMG ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmad ayaa maanta soo xiray Kalfadhigii kowaad ee baarlamaanka FKMG ah ee Somaliya kadib markii sida ku xusan xeer hoosaadka baarlamaanka ay tahay sharciyan in bisha juun 12 keeda la soo gabagabeeyo sida uu sheegay shir gudoonki shirka ee maanta Prof Maxamad Cumar Dalxa. 

Halka uu ka dhacayay shirka baarlamaanka ee ugu dambeeyay maanta lana soo xiray ayaa ahayd xarunta shirarka ee kenyatta.KICC ee magaalada Nairobi waxaana ka soo qayb galay kulankan maanta xilidhibaano gaaraya 115, waxaa kale oo maanta goobta shirka lagu dhaariyay xildhibaan lagu badalay booskii Allaha u naxariistee Maxamad Cumar Gaani oo lagu magacaabo Sharma'arke Maxamad, waxaa kale oo la dhaariyay 10 xubnood oo iskugu jira wasiiro ku xigeeno iyo W/dowlayaal dhawaana loo magacaabay jagooyinkaas oo qaarkood lagu badalay xubno ka maqan Nairobi laguna eedeynayay Xil gudasho La'aan. 

Somali Prime Minister Ali Mohamed GhediRa'iisul wasaare Geeddi oo kulankan ka hadlay ayaa sheegay dhinaciisa in dowladiisa ay kala dagi doonto meelihii loo qoondeeyay ee jowhar iyo baydhabo maalamaha soo socda isaguna xafiis ka furan doono magaalada Mogadisho si ay dowladu uga shaqayso halkaas,waxa uuna u sharaxay labada golle xaflad lagu soo xirayo shirka soomaalida mudada fog uga socda dalka kenya iyo sida looga qaybgalayo iyo waliba ujeeda munaasadbaasi waxa uuna daba dhigay isla bari la guurayo iyadoo la tagayo dalka Somaliya,waxa kale oo uu xusayn ciidamadii la sugayo amaanka dalka xasilin lahaa. 

Madaxweynaha Dowlada FKMG ah oo qudbad u jeedinayay Baarlamaanka ayaa sheegay in fasax shaqo oo ah laba bilood ugu  maqnaan doonaan Baarlamaanka guud ahaan gobolada uu ka koobmo dalka,Waxa ayna ka shaqayn doonaan ayuu yiri sidii loo soo celin lahaa Amaanka Somaliya gaar ahaan meelaha ay ka jiraan wali Nabadgalyo Xumada. 

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in dalka uu kenya muda badan la joogay xiligan waxii ka dambeeya waxii loo joogana ay tahay danta qaranka oo la dayacayo,isagan uu u bilaabi doono safarkaas ah sidii loo tagi lahaa dalka,waxa uuna kula kaftamayay in xildhibaano badani ku mashquuleen cunida jaad waxa uuna ku wargaliyay in xitaa dalka gudahiisa laga heli karo hadii loo baahdo jaad ee mar uun laga tago halkan. 

C/llaahi yuusuf Axmad waxa xusay in isla bari marka la soo xiro munaasabada uu baarlamaanaka kula hadli doona garoonka Magaalada Nairobi uuna u safri doono dalka Qadar, si uu uga qayb galo shir halkaasi ka dhacaya kadibna uu toos u abaari doono dalka gudahiisa (Garoowe) waxa uuna ku balamay baarlamaanka in ay Nabad ka shaqeeyaan inta ka horeysa labada bilood ee uu kalfadhigani xirnaan doono hadii aysan imaanin arrimo dag dag ah oo baarlamaanka la'iskugu yeero. 

Dhinaca kale waxaa maanta lagu qaybiyay shirka warqad uu soo diray kuna saxiixnaa gudoomiyaha baarlamaanka oo sheegaysa in ay uu gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sh.Aadan uu kordhiyay mudada uu sii shaqayn karo baaralamaanka sababo la xiriira miisaaniyada dowlada oo u baahan in laga doodo, amaanka dalka, dib u heshiisiinta iyo waliba howlaha xalinta khilaafaadka dartood oo jira una baahan in la xaliyo uu kordhiyay mudadaas sii socoshada fadhiyada baarlamaanka ah. 

Somali parliament Speaker  Sharif Hassan Sheikh AdanGudoomiyaha waxa uu intaas ku daray in bishan 25keeda uu iskugu yeerayo shir dhamaan xubnaha baarlamaanka ee ku kala maqan dalka gudahiisa iyo dibadiisa,si loo dhameeyo ayuu yiri Mas'uuliyada saaran baarlamaanka iyo marxalada jirta xiligan ee ah dagaalada dalka ka soconaya oo u baahan dib u heshiisiin iyo nabadayn hab beeleed iyo hab nidaameedba ku wajahan. 

Qoraalkan oo loo qaybiyay xubnihii shirka joogay maanta ayaa qaarkood waxa ay ku tilmaamaameen in qoraalka gudoomiyuhu uusan waafaqsanayn sharciga, wax ayn ku eedaynayeen qaarkood sida ay hadalka u dhigeen in gudoomiyaha uu faraha la galay howlihii dowlada ay lahady in la qabato,xildhibaan ka mid ah kuwii soo jeedinayay hadaladan oo aan wax ka waydiiyay sababta ka reebaysa gudoomiyaha in uu sameeyo wax walba oo u muuqda xal mar hadii ay dowladdu tagi waysay caasimada ayaa sheegay in ay ahayd ugu yaraan in uu soo wargaliyo dowlada waxa uu qabanayo hadii kale ay noqonayso xad gudub uu ku sameeyay howlahada dowlada.

Madaxweynaha Kenya, Kibaki, ayaa berri subax (June 13) waxa uu Soomaalida u samayn doonaa xaflad saagootin ah, kaddibna madaxweynaha DFKMG waxa uu duuli doono garoonka Jomo Kenyatta halkaas oo ciidamada kenya ay salaan ku siin doonaan, waxaan uu toos ugu duuli doonaa Qadar, kadibna Soomaaliya.

Warbixintii: Canab Mumtaz | SomaliTalk | Nairobi
Email:
canabmumtaz@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 12, 2005


Wasiir ku xigeenka W/Horumarinta R/Miyiga ee DFKMG oo ka furay Xafiis Dhahar
Sanaag: Saciid Xasan Shire waxa uu sheegay in.. Guji...  Jun 12

Waa Kuma Terry, Muxuuse Puntland u Joogaa?
Ninkaas oo ah reer Australia waxaa gobolka lagu arkay sannadkan 2005 horraantiisii ilaa hadda, waxana uu sheegtaa in uu... Guji... June 12

Boosaaso oo laga furay Warshada Coca-Cola, Fanta iyo Cabitaano kala Duwan...
Eng. Cabdicaziiz Bilaal oo ka warbixinaya wershedaas waxa uu sheegay in... Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD