SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Muxuu Geeddi ku Maagay Maxamuud Sifir

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

May 17, 2005

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Soomaalidu waxay dhahdaa: marti waa la sooraa; magan waa la bixiyaa. Muxuu Geeddi ku galay wasiirkii warfaafinta Maxamuud C/hi Jaamac Sifir? Runtii jawaab uma hayo laakiin gabyaa Soomaaliyeed baa laga sheegay:

  • Shabeelkii intuu micista dhalay meel dayacan seexshay
  • Ee geelu marayee haddana ari mag weydiistay
  • Is-muxinta maaggaaga waa lagu maleeyaaye.

Yaa korneylka iyo Geeddi dhuunta u galay? Ma Muuse Suudi, Caato iyo Qanyare mise Sifir?

Qabiilkuu Geeddi ka dhashay waxay ahaayeen dadka lagu tirinjiray Soomaali inay ugu nabad jecelyihiin uguna martigelin badan ogyihiin laakiin ilaa 1991 arrintaas madmadoow baa ka muuqda. Maxaa keenay Maxamuud Sifir oo Muqdisho marti ku ah inuu Geeddi dhaho xilkii baan ka xayuubiyey iyadoo halkaas ku suganyihiin nimankaas aan kor ku xusay? Ma qabiil baa halkaas la gaaray? Mise Geeddi baa u arka in “martidu leedahay misko la fuulo”?

Korneyl waxaa u caado ah inuu la xaalo ragga madaxda u ah qabiiladooda weliba iyagoon marti ahayn ee uusan martida saas u fiirin. C/hi wuxuu booska ka ceyrsaday rag magaalooyinkey ku dhasheen jooga sida C/Risaaq Xaaji Xuseen, Maxamed Abshir iyo Jaamac Cali Jaamac. Halka uu Geeddi diiradda saartay nin Muqdisho marti ku ah oon weliba dagaalooge ahayn. Waxaan aamminsanahay inaysan Geeddi qabiil ka ahayn ee uu halkaas ka qabatin bartay.

Geeddi waxaa la rabay inuu ogaado in “hilbaha” qabiil lagu qeybsaday. Haddii Geeddi uu sidii Mutamalis uusan wax akhrin oo inta warqad C/hi u qoro yiraahdo saxaafadda horteeda inta qofka ku qoran dhegta laguugu sheego halkaas ka sheeg; waan u garaabi lahayn laakiin sidee uga yeelay in kornaylku ku diro nin qabiil kale ah oo weliba arrintaasi isku diri karto labadaas qabiil.

Waxaa intaas dheer maaddaama aan horay u niri Geeddi wuxuu madaxii dastuurka oo dhintay geeyey Adisababa dabadeedna hortiisa waxaa Xamar (magaaladii Geeddi ku dashay) ka eedeeyey Zenawi oo sheegay in argagixiso joogto. Runtii ahaantii dadka Xamar degen waxaa ugu badan qabiilka Geeddi ee Muddulood. Hadduu Zenawi run sheegay waxay noqonaysaa in Muddulood badani ay argagixiso yihiin! Labadaas arrimood waxay foolxumo weyn usoo jiiday qabiilka uu Geeddi ka dhashay.

Waxaa intaas dheer meeshan dowlad shacab soo doortay ma joogto marka haddii “ra’iisulwasaaruhu” qoonsado wasiir waxaa u bannaan in inta qabiilkaas warqad u qoro uu yiraadho ninkaas ama haweenaydaas kama mid ahaanayaan dowladdeyda ee ii keena qof kale. Ma filayo inay taasi dhacday marka hadda qabiilka Dirta waxay gar u qabsankara Geeddi.

Waatii Muuse Suudi yiri: korneylku kabo ka waaweyn buu gashaday. Markii madaxweyne loo doortay baa qolyo ugu dhaheen ka waran hadalkii Muuse? Anigu waxaan ku iri “cayaari waa gelin dambe”. Dad badan baa u arkayey in hadalkaas la beeniyey laakiin waxaa cad in hadalkaas uu weli taaganyahay oo weliba u dhowdahay inuu meel maro. Muuse Suudi wuxuu Geeddi uga duwanyahay wuxuu isku taagay Mele Zenawi iyo C/hi halka Geeddi laga celinla’yahay Shariif Xasan iyo Maxamuud Sifir oo labaduba Xamar marti ku ah.

Sidee Muddulood u arkaa hadalladii ka soo yeeray Bari-bari iyo Mela Zenawi. Kan Zenawi horay baan u sheegnay laakiin Bari-bari wuxuu yiri: Xamar labo jeer baa la igu dililahaa. Arrintaasi ma run baa? Hadday been noqoto, Geeddi wuxuu dabo-ordayaa nimanka Muqdisho dhibka la raba halka laga qaban la’yahay nimanka Muqdisho u doodaya.

1- Mutamalis wuxuu ahaa gabyaa Carbeed oo caan ahaa. Maalin bay isaga iyo gabyaa kale waxay booqdeen nin boqor ah. Boqorkii wuxuu labadii gabyaa mid kasta u dhiibay warqad oo ku yiri ula taga waaligeyga magaalo hebla isagaa idin soorayee. Gabyaagii kale wuxuu Mutamalis ku yiri war wax ma akhrinee aan warqadda u dhiibno cid noo akhrisa. Mutamalis wuu iskibriyey isagoo leh ma jirto cid wax xumaan ah ii qori karta anoo hebel ah. Iyagoo dhex sii maraya ayaa waxaa ku soo baxay wiil dhallin yar dabadeedna gabyaagii kale ayaa yiri adeer haddaad wax akhrido ii akhri warqaddan. Wiilkii wuxuu yiri waxaa warqadda ku qoran in lagu dilo. Dabadeed gabyaagii warqaddii waa jeexjeexay sidii isagoon warqad loo soo dhiibin. Mutamalis oo la ordaya warqad ay ku qorantahay in la dilo ayaa waaligii u tagay dabadeedna halkii lagu dilay. Halka gabyaagii kale uusan warqad la tegin. Carabtu waxay ka soo saartay maahmaah ah warqaddii Mutamalis. Waxay u adeegsadaan qofkii u ol’oleeya wax dhib ugu jirto.

Cabdulwaaxid Khaliif 
 
cabdulwaxid@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin:  SomaliTalk.com | May 17, 2005


Zenawi: Soomaaliya waa Argagixiso, C/laahi iyo Geedi:  Itoobiya waa saaxiibadeen!
Zenawi ayaa Markale Soomaalida Ku Sheegay "Argagixiso" kaddib markii ay waraysatay AP... Guji May 13


Nin Jarmal ah oo Diley Xaaskiisii oo Soomaali ah, Laba Carruur ah iyo Labadiisii waalid. 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD