SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Ujeeddo :Dhilyaroy baraaruga oo xilka dalkiina idinka saaran u kaca

15/5/2005

Maxamed Aadan
Tel:0722360347
som_ytl@yahoo.com

Dhallinyarada Soomaaliyeed guud ahaan , gaar ahaan inta ku nool Soomaaliya waxeynu ugu bishaareyneynaa iney dhalatay dowlad Soomaaliyeed , hase yeeshee khilaaf ayaa ka dhex taagan 2da gole ee dowladda.  

sidaa aawadeed ha ku hallaynina xal u helidda mushkilada dalkiinna 275xubnood ee barlamaanka ee xulasho qabiil aan raalli lagawada ahayn lagu keenay,ee aan doorasho ku imaan ,75% wax aqoon ah oo ay leeyihiin ma jirto, ayadoo ay sidaa tahay baa waxaa jira khilaaf u dhaxeeya 9kii bilood ee uu baarlamaanka dhisnaa oo aan la garanayn halka uu ku dhammaanayo ee ka shaqeeya sidaad khilaafkaasi dhexdooda uga saari lahaydeen  

Sidaad la wada socotaan waxaa dalka iman doona hadduu Alle idmo ciidamo hubka ka dhiga malleeshiyooyinka hubeysan .

sidaa aawadeed waxaan idinka codsaneynaa inaad la shaqeysaan walaalihiina idin soo gurmaday oo aad hubka ugu wareejisaan si niyadsami ah , idinkoo u arka in ururinta hubka ay dantiina, , badbaadadiinna,iyo ta dadka Soomaaliyeed ay ku jirto. ha u dhegraaricina cid kastoo idinku dhiirri gelisa :

1-qarinta hubka fudud ama ka culus.

2-inaad la dagaallantaan walaalihiin( ciidamada Afrikaanka) ee idin soo gurmaday.

Hoggaamiye kooxeedyada had & gooraale waxey dagaal geliyaan dhallinyarada Soomaaliyeed , ubadkoodana waxey u dhoofiyeen dalalka dibadda si ay halkaa uga

helaan waxbarasho iyo nabadgelyo , xaabada ay shitaan si ay darajo dowladeed u gaaraan waa dhallinyarada masaakiinta oo ay ku mashquuliyaan maandooriyaha qaadka kaa soo dila dareenkooda. 99% cidda ku geeriyoota dagaallada sokeeye ama 99% cidda ku dhaawacanta waa dhallinyarada aan kor ku soo xusnay , iyagoo loo yaqaan looma ooyaan , hoggaamiye kooxeedyada waxey idin jecel yihiin inta aad caafimaad qabtaan , markuu dhaawac halis idin ka soo gaaro dagaallada sokeeye way idin deyriyaan , oo waxaa dhaawaca idin soo gaara uu dhibayaa ama dareemaya waa waalidkiina oo qura .

Inta xirfadleyda ah ee shaqeysa ama ganacsata waa dhallinyarada, sidoo kale suxufiyiinta wax ka qora arrimaha Soomaaliya waa dhallinyaro , dhallinyaradii SYL ee xorriyadda dalka u sabab ahaa way idin ka aqoon & dhaqaalo yaraayeen , laakiin hankooda ayaa sarreeyey, haddaba maxaa idinka idin diiday inaad noqotaan hoggaankii dalka maadaama aad heysataan fursadahaasoo idil, maad hurdada ka toostaan .

Maandooriyaha qaadka oo maalin kasta inooga baxda boqollaalo kun oo Doollar iibkiisa & geyntiisa dalkayaga , waa midka algu daroogeeyo dhalliyarada Soomaalida, waa midka huriya dagaallada sokeeye oo ay hoggaamiye kooxedkayada & inta nabadda diidan ay u adeegsadaan fidno abuurka & hurinta colaadaha sokeeye qofka qaadka cuna ee meel mas'uul looga dhigo wuu dayacaa shaqada loo dhiibo , wuxuuna u adeegsadaa xafiiska meel ku dhaco hantida qaran ama meel uu laaluush ku qaato , si uu u daboolo baahidiisa joogtada ee qaad cunista maalin kasta .

90% cudurka ay u geeriyoodaan dadka qaadka cuna waa cudurka mallaariyada , waxaana ugu wacan xanuunka malaariyada ma dareemaan markey ku cusub tahay jirkooda, daroogada qaadka jirkooda ku jirto aawadeed, keliya waxa ay dareemaan mar ay jirkooda dilatay oo ay yar tahay fursad lagu badbaadiyo nafsaddooda .

Qaadka wuxuu dhibaato u geystaa ubadka Soomaaliyeed & hooyooyinkooda waayo aabbayaashooda ama raggii qabay dumarka ee qaad cunka ah oo dayacay caruurtooda & xaasaskooda,taasoo keenta nafaqo darro, gaajo & macluul ay ugu dambeen u geeriyodaan , iyagoo mar walba ku mashquulsan : mar ay qaad raadinayaan & mar ay u fadhiyaan cunidiisa, markey waayaan qaadka qoryaha ayey qaataan si ay u soo dhacaan lacag ay qaad ku iibsadaan .

Sidaa aawdeed waxaan ka codsaneynaa:UNICEF ,UNIFEM,UN-ta laanta ugu qeybsan la dagaallanka daroogada & Ta ugu qeybsan la dagaallanka faafidda hubka fudud iyo Hey’adaha xuquuqul insaanka iney door wada jir ka cayaaraan :

1- In Qaadka loo aqoonsado maandooriye la mid ah maandooriyeyaasha caalamka laga mamnuucay , waayo jaamicado badan oo cilmi baaris sameeyey ayaa waxey caddeeyeen

inuu maandooriye yahay , jaamicadda ugu dambeysay waa Nairobi Univetsity. sidaasoo kale WHO waxay caddayasay1986kii inuu maandooriye yahay

2- Sidii loo joojin lahaa qaadka loo iib geeyo Soomaaliya , ee ka kala yimaada dalalka kiinya iyo Itoobiya :

b) si loo badbaadiyo nolosha ubadka & dumarka Soomaaliyeed oo ay aabayaashooda & ragii qabay dumarka ay u dayaceen ubadkooda & xaasaskooda qaad aawadii

t) Si tani u sahasho ururinta hubka, la dagaallanka dambiyada dilka, dhaca,kufsadka & faafidda hubka fudud .

Walaalahayaga reer Kenya iyo Itoobiya waxaan iyana ka codsaneynaa iney aritan ka qeyb qaataan oo ay beeraha qaadka ku bedelaan kuwo soo saara cunnada loo baahan yahay sida : Galley, qamadi, bariis iwm, si loo daboolo baahida cunno yaraanta ka jirta gobolka Geeska afrika .

FAO & UNDP waxaan iyana ka codsaneynaa iney ka saaciddaan beeraleyda reer Kiinya & Itoobiya sidii ay beeraha qaadka ugu bedeli lahaayeen beero soo saara quutu daruuriga oo ay ku maalgeliyaan hergelinta mashruucan ,iyo magdhow ka siiyaa is bedelkaasi dhibaatada ka timaadda.

fulinta arrimaha aan soo sheegnay waxey door muhiim ah ka cayaarayaan ka hortagga faafidda hubka fudud ee gobolka , kasoo faafifidiisa ay si wadajir uga qeyb qaataan ganacsatada qaadka & kuwa cuna si toos ama si dadban.

ganacsatada Soomaaliyeed waxaan iyaga ka codsaneynaa iney ganacsiga qaadka iska dayaan oo ay dalkooda geeyaan badeeco nafci u leh dalka & dadka Soomaaliyeed , dibna u jalleecaan dumarka lagu dayriyey caruurtooda, ee iyaga iyo caruurtooda u

dhimanaya : dayac,nafaqo darro & gaajo, taasoo ay ugu wacan tahay waalidkooda & raggii dumarkaasi qabay oo 24ka saac ku mashquulsan qaad.

Mahasanidiin

Maxamed Aadan

afhayeenka SYTL

Muqdisho

Tel:0722360347

som_ytl@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin:  SomaliTalk.com | May 17, 2005


Zenawi: Soomaaliya waa Argagixiso, C/laahi iyo Geedi:  Itoobiya waa saaxiibadeen!
Zenawi ayaa Markale Soomaalida Ku Sheegay "Argagixiso" kaddib markii ay waraysatay AP... Guji May 13


Nin Jarmal ah oo Diley Xaaskiisii oo Soomaali ah, Laba Carruur ah iyo Labadiisii waalid. 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD