Geesinimadii Gabaygu Godbay
Gashay
Hal abuurku waa hibo eebbe
bixiyo, haba lagu kala horreeyo heerar farshaxameedka loo
hindiso maansada, abwaanada qaar waxay raacaan habdhismeed
ay u arkeen inuu yahay hannaanka ugu wacan ee uu kusoo
horjoogsan karo bulsho u hamuuman erayada dhadhanka leh ee
dareenka qofka sida sahlan uga daadaga, qaar waa hiddo salka
kuhaya hiigsasho meel fog ah oo uu shinsanayo qofka
saaxiibka u ah curinta suugaanta, kuwo kalana waa iskuday
lagu guulaystay oo kuxiran aqoonta adeegsaduhu uleeyahay
afsoomaliga uu maansada ka hindisayo.
Yamyam kuu ahaa dadka
intiisa badan looga sheekayn maayo sababtoo ah macruufku
maaha mid laisu tilmaamo, yamyam waa geesigii murtida, waa
hoygii xigmada, waa hugii dhaqanka, waa ugurmadaha
masaakiinta, waa gantaaleeyaha khaldanaha ummadu wada aragto,
waana gaashaanka birta ah ee waddaniyadu ku dhaadato, wuxuu
ahaa halyey jecel horumarka bulshada soomaliyeed, isla
markaana wuxuu hujuun iyo dagaal kuqaadi jiray nacabka
hagardaamada lamaaggan qaranimada iyo midnimada ummada
soomaaliyeed, damiirkiisa qofeed wuxuu kafiyoobaa waxyaabo
badan oo waqtigaan ay adagtahay in laga bad-baado, sida
qabiilaysiga, qofjeclaysiga iyo qataro badan oo ay
kuhoobteen hal abuurro badan ayuu kanabadgalay, wuxuu ku
sifoobay uhiilinta xaqa, hogatusaalaynta wanaaga iyo
raadinta horumarka waddanka.
Taariikhdu waa raad
iftiimisa ama mugdi gelisa hannaan nololeedka qofka marka uu
kahayaamo ifka, waxay markhaati kafuraan dheehdayaasha
murtida murxuumka dhintaa uu ifka ugatago marka ay
dhadhansadaan dhinaca ay udhacayso murtidiisu inuu ahaa
qofkaasi mid qaran, mid qabiil, mid quud, iyo mid
kuqawlaysta mansadiisa lana janqaada hadba meesha uu
isleeyahay waxbaad kaga marooqsan kartaa, yamyam waxaan
dhihi karnaa wuxuu ahaa mid qaran, sababtoo ah waxay
maansadiisu dhammaanteed kahadashaa isku duubni,
walaaltinimo, horumar, nabadgelyo, iyo latartamid asaagiisa
uu isleeyahay way kaa horreeyaan, waxay isku raaceen dadka
aadka ugu dhuundaloolaa inuu yamyam ahaa geesi aan kagabban
wixii uu damco inuu yiraahdo, wuxuu ahaa mid udamqada oo
illini aysoo burqato marka uu arko qof ama qoon
dhibaataysan.
Safarkiisii ugu dambeeyay
markii uu gobolada soomaaliya kusoo maray socdaalkii uu
ubixiyay (nabadoon roobdoon, roob iyo nabadoon) ayaa waxaa
uusoo gaaray magaalada Caabudwaaq, waxaan nasiib uyeeshay
inaan noqdo qofka uu yamyam ladaganaanayo inta uu joogo
magaaladaas, su’aalihii aan weydiiyay waxaa kamid ahaa
ujeedadii safarkiisaan iyo wixii kudhaliyay inuu sidaan
yeelo, wuxuu iisheegay inuu maalin maalmaha kamida uu
kadhagaystay BBCda dhibaato ba’an oo abaareed oo dalkii
intiisa badan ku habsatay, iyo codad uu maqlay oo lagasoo
qaaday dadkii dhibanaa oo uyaboohsanaya in hay’adaha
caawimaada bixiyaa ay lasoo gaaraan waxay cunaan, codad
badan oo uu dhagaystay ayaa dhammaantood waxay wada mareen
halwaddo oo ah in lala soo gaaro kaalmo beni aadaminimo oo
ay ufidiyaan hay’adaha isku magacaabay inay dadka
ugargaaraan, waxaan waayay ayuu yiri qof kaliya oo yiraahda
ilaahow adaan wax kuweydiisanaynaaye dhibkaan nahaysta naga
dulqaad, sababtoo ah buu yiri alle keliya baa ah midka
kafeydi kara kurbada haysa, waxaan markaas go’aansaday buu
yiri haddii dadkii dhammaantood ku carareen aadane baryadi
inaan anigu weydiisto kan wax walba heli kara inuu ummadaan
unaxariisto khasnadihiisana ufuro, sidaas ayaan go’aansaday
waanan ku dhaqaaqay, sidaan ilaahay uga bartay ayuu yiri
meeshii aan kuweydiistaba waan kaga helayay wixii aan
haybsaday oo ahaa roob, waxaan soo maray dhawr iyo konton
magaalo oo abaartu ay halakaysay ilaahayna baryadaydii iguma
qadine waa iga ajiibay ayuu yiri halyeygii hibada suugaanta
geesinimada ku hantiyay.
Nasiib wanaag waxaan ka
reebay suugaantiisii faraha badnayd qaybo kamida oo intii
aan wada daggaganayn uu iiduubay, wuxuu maankayga kaga tagay
raad xasuusasho mudan oo muujinaya qalbiga wanaagsan ee uu
kusifaysnaa abwaankaasi, waxaad mooddaa inuu ogaa
dhimashadiisa, safarkiisii dheeraa ee uu kusoo maray
gobolada dalka meeshii uu gabay ka tiriyaba wuxuu lahaa aan
iscafino inaan dib isu arki doonno allaa oge, wuxuu kaloo
sameeyay aruurin uu ku habaynayo suugaantiisii kuwaas oo uu
dhammaanteed qoraal kusameeyay kuna soo koobay shan buug oo
waaweyn oo aan filayo inay waxbadan nagaga filnaan doonaan.
Wuxuu kubiiray ehelka
jannada isagoo lagusoo dhoweeyay saan alle kafilayno
webiyadii jannada oo weel loosoo daray, wuxuu ahaa saaim
afur suga ah markii uu asiibay kii alle usoo diray ee
tirsanayay daqiiqadaha dunida uga harsan, maalintu waa jimce,
bishu waa ramadaan, waqtiguna waa xilliga uu soomanuhu isu
diyaarinayo inuu luunka baahida iyo oonku ay kudhigeen
foolkiisa iska feydo, yamyam kama mid ahayn qolada galabtaas
afurka kuleh dunida guudkeeda wuxuuse kulahaa meeshii
awoodluhu ugartay ee ah hoyaadkiisa dhabta ah waa jannadii
ilaahaye, insha allaah.
Qormo keliya kumasoo koobi
karno inaan kaga sheekayno abwaanka caanka ah ee C/qaadir
Xirsi Siyaad (yam-yam) waxayse ubaahan tahay kansho intaa
kabadan inaan uhelno, insha allaah qormadayda middaan
xigtaahi waxay noqon doontaa mid aan kusoo bandhigo
gabayadiisii qaybaha faraha badan isugu jiray oo aan marba
dhan idinka tusi doono haddii ilaahay idmo.
WQ:- Xasan Bulxan Cali
Email:
bulxan105@hotmail.com
Caabudwaaq Soomaaliya
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |
Nov 2, 2005
Yamyam: Gabyaa Laqmaday!
Dr.
Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan
Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex
markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo
dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2 |