SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Dr. Ghanim Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Gebi Ahaan Xaalada Soomaalida....
  • Saddex Markab oo Kalluumaysato ah oo Lagu Afduubay Soomaaliya....
  • Cusmaan Cali Caato oo Cabdullaahi Yuusuf ku edeeyey in uu Isu Diyaarinayo Weerar..

Dr. Ghanim Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Gebi Ahaan Xaalada Soomaalida....

  • Kalluumaysiga sida Sharci Darrada ah loogala baxo Xeebaha Soomaaliya waxay sannadkii gaartaa lacag dhan $300-million
  • Soomaaliya si joogto ah ayaa loogga xad gudbaa xuquul Insaanka...
  • DFKMG ma laha awood ay ku maareyso arimaha la xiriira dhawrista xuquuqda aadamiga
  • 370,000 oo Soomaali ah oo ku bara kacay gudaha Soomaaliya oo ku nool xalad adag...
  • Walaac dad lagu hujuumogudaha Soomaaliya ayadoo loo huwanayo macag ah "la dagaalan argagixiso"
  • Carruurta Soomaaliyeed 19.9% keliya ayaa ka haysta wax barasho asaasi ah...
  • Xabsiga Hargeysa oo loogu tala galay 150 maxbuus, laakiin hadda ay ku jiraan 700 oo maxbuus...

Tarjumadii: SomaliTalk.com | Sept 1, 2005

Dr. Ghanim Alnajjar ayaa aad uga dayriyey sida loo dal-dalanayo khayradka badaha Soomaaliya, sida aaan carruurta Soomaaliyeed u haysan waxbarasho asaasi ah iyo sida ay Soomaalidu dhexdeeda ugu xad gudbeyso xuquuqul Insaanka. Waxa kale oo uu calool xumo ku tilmaamay xaalada xabsiga Hargeysa.

Dr. Ghanim Alnajjar oo ah Khabiirka madaxa banaan ee qaramaada midoobey u qaaabislan hubinta xuquuqda insaanka Soomaaliya oo uu sannadkii 2001kii magacaabay Kofi Annan ayaa soo gabagabeeyey booqashadii sanad laha ahayd ee uu kusoo maray Soomaaliya, booqshadaas oo qaadatay 11 maalmood. Waxana uu  Khamiis September 1, Nairobi ugu waramay warbaahinta.

Asagoo ka hadlaaya sida loo xaalufiyey khayradka badaha Soomaaliyeed waxa uu sheegay in si sharci darro ah looga kalluumaysto xeebaha Soomaaliya, kalluumaysi lagu qiyaasay lacag dhan $300 oo malyuun oo doolar in lagala baxo badda Soomaaliya. Asagoo arrintas si gaar ah uga hadlaya waxa uu yiri:

"Arrinta aan ka hadleynaa waa tuugo bareer ah oo geed loogu soo gabada aysan jirin, oo muddo socotey, taas oo wax laga qabtay aysan jirin".

Asagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri "Ayadoo aan lahayn wax difaaca awgeed xeebaha Soomaaliya waxaa si sharci darro ah, oo aan cidina wax ka qorin ama cidina xeer u samayn uga socdo hawlo kalluumaysi oo ay wadaan marakiib shisheeye oo sharci darro ah, kuwaas oo xaalufinaya khayradkii lagu hagaajin lahaa hab nololeeedka dadka Soomaaliyeed" ayuu yiri. Waxana uu xasay inaan la garanayn marakiibtaas shisheeyaha ah ee ka kalluumaysta badaha Soomaaliya. Waxase uu intaas ku daray in "Qaar Ruush ah ayaa ku andacooda in ay haystaan heshiisyo hore iyo in ay bixiyeen lacagta diiwaan gelinta leysanada, laakiin mid arrintaas cadaynteeda keenay ma jiro" ayuu yiri, sida ay xusatay jariidada Mail & Guardian.

Alnajjar waxa uu xusay in dunidu ay isaga indha tirtay xaaladaha Soomaaliya. Waxana uu si aad ah hadalka ugu adkeeyey sida xeebaha iyo badaha Soomaaliya si sharci darro ah ay uga kalluumaystaan marakiib ajnabi ah. Waxana uu ku celiyey muhiimada ay leedahay in la sameeyo hay'ad sugta difaaca xeebaha Soomaaliya inta ay maamulka Soomaaliy ka abuurayaan nidaam awoodi kara qabashaha hawshaas.

Alnajjar waxa uu ku nuux nuuxsaday sida gudaha Soomaaliya loogaga  xad gudbo xuquuql Insaanka. Asagoo arintaas ka hadlayana wax auu iri ku xsad gudubka xuquuqda bini'aadamka iyo dhoofinta dadka waxay caadi ka tahay Soomaaliya, in kasta oo Soomaaliya loo sameeyey dawlad Federaal ah oo kumeel gaar ah.

Asagoo ka hadlayaa arrinta la xiriirta dadka loo dhoofiyo sida dhuumaalaysiga ah waxa uu yiri: "Waxaa aad u kordhay dadka laga gudbinayo badda cas inta laga qaado Soomaaliya la geynayo Yemen". Waxana uu sheegay "in qofkiiba laga qaato lacag dhan $30-$50, waxaana sannadkiiba dhuumaalaysi lagu gudbiyaa kumayal qof", ayuu yiri. Waxan auu intas ku daray in dadkaas badan koodu ay yihiin Itoobiyan imanaya Puntland, si ay uga dhoofaan magaalada Boosaaso. Waxan auu yiri "Dadkaasi waa qar/jar iska xoor, aan waxb au dambayn, waxa ay rabaan uun in ay badda ka gudbaan, waxay rabto haku qaadatee, xataa haddii ay tahay in ay dhintaan."

Prof. Alnajjar waxa uu sheegay in DFKMG aysan lahayn awood ay ku maareyso arimaha la xiriira dhawrista xuquuqda aadamiga, sababtoo ah ayadoo aan weli si rasmi ah uga hir gelin dhulka Soomaaliya.

Warku waxa uu intaas kudaray in dawlada (DFKMG) - ee uu hogaammiyo madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed - la asaasay bishii Okoobar ee sannadkii 2004, ayadoo Soomaaliya loo raray bishii June ee 2005.


C/Laahi Yuusuf: Xoog wax ku xallin  maayo.
Cusman Caato: C/Laahi Yuusuf dagaal in uu soo qaado ayuu rabaa...
Waa hadalada xubnaha ka tirsan DFKMG ay is dhaafsadeen maalmahan, gaar ahaan madaxweyneiyo wasiirkiis..... Sawirka: reuters

Alnajjar oo sii wata ka hadalak Dawlada FKMG waxa uu yiri: "Dawlada cusub ee dhowaan loo raray Soomaaliya - taas oo Kenya lagu dhisay isku daygii 14aad ee mar kale lagu unkayo dawlad dhexe ilaa 1991 - weli ma ay samayn wax horumar ah oo la taban karo xagga xuquuqul Insaanka, sidii ayadoo aan dawladiba ka jirin gudaha."

Alnajjar oo ah macallin wax ka dhiga Jaamacada Kuwait, waxa uu xusay sida uu uga walaacsan yahay 370,000 oo qof oo ku bara kacay gudaha Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay in ay ku nool yihiin xaalad aad u liidata.

Waxa kale oo uu xusay in uu aad uga welwelsan yahay wararka dhowaan soo baxayey ee tilmaamayey in qaxooti aan Soomaali ahay oo ku sugan gudaha Soomaaliya in si faquuq ah ama gaar ah ay maamuladu u hujuumayeen "ayadoo loo huwanayo magaca ah la dagaalan argagxiso". Dr. Ghanim Alnajjar waad ayuu nuux nuux saday dadka aan u dhalan Soomali ee ku dhaqan Soomaaliya ee uu sheegay in la afduubo, lana dhibaateeyo, waxan auu yiri waa in arrintaas la joojiyo.

Waxa kale oo uu ka hadlay sida uu uga soo hor jeedo in 'dalal qaar' ay dar-dar gelinayeen in ay dib Soomaali ugu celiyaan Soomaali qaxooti ah ayagoo aan hubsan ammaan kooda iyo waxa ay kala kulmi doonaan gudaha Soomaaliya marka lagu celiyo.

Waxa kale oo uu Dr. Alnajjar walaac weyn ka muujiyey sida aysan Soomaaliya uga jirin waxbarashada asaasiga ah - ayadoo aan carruurta Soomaaliyeed haysan waxbarsho asaasi ah sida dugsiyada hoose/dhexe iyo sare. Waxana uu yiri "Ayadoo la qiyaasay in boqol-kiiba 19.9 oo keliya ay waxbarsho u diiwaan gashan yihiin awgeed waxaa muhiim ah in  la dar-dar geliyo isku day in waxbashada asaasiga loo helo carruurta Soomaaliyad."

Waxa kale oo uu Alnajjar ka hadlay sida loo faquuqo dadka aan lixaadkooda/xooggooda ama dhimir-koodu u dhamayn, taasna uu sheegay in loo baahan yahay wacyi gelin dadka la barayo sida ay dadkaasi ay u dhici karto in ay ku adag tahay nolol maalmeed kooda.

Alnajjar waxa uu cambareeyey dilkii C/Qadir Yaxye, Duniya Muxyadiin iyo Kate Peyton, waxana uu ugu baaqay siyasiyiinta, hogaamiyaasha diinta iyo ganacsatada Muqdisho in ay xaqiijiyaan sidii uu u istaagi lahaa am aloo joojin lahaa weerarada loo geysto dadka u dooda xuquuq Insaanka iyo dadka u shaqeeya Warbaahinta, waa sida uu u dhigay warka ay faafisay hay'adda Reuters.

Alnajjar waxa uu arrin calool xumo ah ku tilmaamay xaalada Xabsiga magaalada Hargeysa, oo ah caasimada dawlada isku magacawday Somalilad, waa sida uu hadalka u yiriye; waxana uu intaas ku daray in xabsigaas markii la dhisay 1942 loogu talo galay in uu qaado 150 maxbuus oo keliya, laakiin hadda ay ku jiraan kuwadhowaad 700 oo maxbuus, inkastoo ayuu yiri ay aad u liidato xaalada sixo iyo adeeg caafimaad ee xabsigaas.

CNN oo arrintaas ka hadlaayaa waxa uu yiri: Waxaa Alnajjar naxdin ku noqotay booqashadii uu booqday Xabsiga Hargeysa.

Asagoo arinta xabsiga Hargeysa ka hadlaya waxa uu yiri: "Waa goob ceebeed, gagaar cafimaad la'aanta halkaas ka jirtaa waa wax aan caqliga geli karin", asagoo intaas ku daray "Xalada xabsiyada Soomaaliya waa kuwo aan la aqbali karain, waana kuwo aad uga hoseeya heerka xuquuqul insaanka ee caalamig ah, waxaan asal u ah ayadoo aan wax dakhli ah loo qoondeyn iyo maamul xumo."


Dabley ah dhallinyado Soomaaliyeed oo saaran gari dhex maraya Jawhar, Aug 1, 2005: Sawirka waxaa qaaday Simon Main /AFP

Waxana uu intaas ku daray "Sheekada dhabta ah ma sheegayaan makhaayadaha & Hoteelada bilicda san, iyo meelaha lagu kulmo, waxaa sheekada dhabta ah sheegaya waa Maxaabiista."

Waxana uu laakiin xusay in uu jiro dhul Somaliland loo qoondeeyey in laga dhiso Xabsi Cusub, sida ay xustay Reuters.

Doorashada Somaliland ka dhici doonta September 29 waxa uu ku tilmaamay arin dhanka wanaaga ah, sida ay xustay warbaahinta Koonfur Afrika.

Alnajjar waxa uu sheegay in Ra'iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi uu muujiyey sida ay uga go'an tahay hirgelinta guddi qaran oo madax bannan oo u xilsaaran arimaha xuquul Isnaanka, taasna uu  rabo in uu ku daro qorshaha DFKMG.

Dr. Alnajjar oo booqday meelo badan oo Soomaaliya waxa uu muujiyey sida ay meelo badan oo Soomaaliya weli ammaan darro uga jirto ayadoo la sheegay in uu Muqdisho u tegi waayey ammaan darro ka jirta awgeed. Asagoo arrintaas Muqdisho tegid la'antaka hadlayana waxa uu yiri "Ma nihin kuwo jar-iska xoor ah is haligaya".

Alnajjar meelaha uu booqday waxaa kamid ah: Jawhar (DFKMG), Hargeysa, iyo Garoowe. Waxana uu ammaanay haweenka Soomaaliyeed oo sida uu sheegay muujiyey wax hoggamin.

Booqashada Alnajjar waxay ahayd tii shanaad ee uu ku tago Soomaaliya asagoo Xoghaya Qaramada Midoobey, Kofi Annan, wakiil ug aah arrimaha Xuquul Insaanka Soomaaliya.

Tarjumadii:: SomaliTalk.com | ISHA: UN, Mail & Guardian, Reuters | Sept 1, 2005

Saddex Markab oo Kalluumaysato ah oo Lagu Afduubay Soomaaliya....

Taipe: Saddex markab oo kalluumaysato ah oo laga leeyahay dalka Taiwan ayaa lagu afduubay xeebaha Soomaaliya, ayadoo dadka qafaashay ay sheegeen in ay baxrida layn doonaan haddii aan la siin lacag dhan hal malyuun iyo bar doolar ($1.5 million), sidaas waxaa Khamiistii (Sept 1) shaaca ka qaaday saraakiil reer Taiwan ah.

Saddexda markab magacyadooda waxaa la yiraahdaa: Chung Yi 218, Cheng Ching Feng iyo Hsin Lien Feng 36. Waxana maraakiibtaas la afduubay bartamihii bishii August 2005, sidaas waxaa yiri afhayeen u hadlayey wasaarada arimaha dibada Taiwan oo magaciisa la yiraahdo Michel Lu. Waxana uu sheegay mulkiilayaasha doonyahaasi ay dawlada la soo xiriireen 24kii August, ayagoo sheegay in dadka Afduubay doonyaha ay sheegteen in markabkiiba laga siiyo nus-malyuun doolar ($500,000). Waxaaan wararku sheegeen in halkii doonba ay saarnaayeen 20 baxri ah. Afhayeenku waxa uu intaas ku daray in aan fahfaahin kale laga hayn maraakiibtaas.

Tarjumadii:: SomaliTalk.com | Sept 1 | Isha: IOL/Koonfur Afrika...

Cusmaan Cali Caato oo Cabdullaahi Yuusuf ku edeeyey in uu Isu Diyaarinayo Weerar..


Cusmaan Cali Caato | C/laahi Yuusuf Axmed | Sawirka: Reauters

NAIROBI | Sept 1, 2005: Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu isu diyaarinayaa in uu xoog isticmaalo, dadka fikradiisa ka soo hor jeedana waa in ay wax kasta oo ay kaga hortegayaan sameeyaan, sidaas waxaa Khamiistii yiri caaqilka maleeshida Muqdisho, sidaas waxaa warka ku bilowday hay'ada Reuters oo waraysi la yeelatay Cusmaan Cali Caato.

"Waxa jira hal qof oo  isu diyaarinaya dagaal, qofkaasina waa C/laahi Yuusuf, kaas oo nasiib darro haysta ciimado ka yimid Yemen iyo Itoobiya" sidaas waxaa yiri Cusmaan Caato, oo ah wasiir ka tirsan dawlada C/laahi Yuusuf, waa sida warku u dhigaye.

Cusmaan Caato oo jooga Nairobi, Kenya waxa uu yiri "Waxay haystan 3,000 oo nin oo Itoobiyaan ah oo wata 100 gawaarida teknikada loo yaqaan si ay wax ugu weeraraan."

C/raxmaan Maygaag oo ah afhayeenka dawladda FKMG, waxa uu beeniyey arrinta uu Cusmaan Caato sheegay.

Maygaag oo arrintaas beeninta ah ka hadlaya waxa uu yiri: "Arintaas wax run ka ah kama jiraan haba yaraatee, isaga (Caato) ayaa mala awaalaya arintaas." Waxana uu intaas ku daray "DFKMG waxaa ka go'an in ay si qoto dheer oo nabad ah wax ugu xalliso."

Madaxweynaha DFKMG oo ku Dhawaaqay in uusan Xoog wax ku maquunin Doonin
Madexweynaha Dawlada FKG-ah C/Laahi Yuusuf Axmed ayaa wacad ku maray in xal mooyee aan xoog hubka looga dhigi doonin Maleeshooyinka hubeysan ee jooga gudaha Wadanka Soomaaliya... Guji... Aug 21

Tarjumadii: SomaliTalk.com | Isha: reuters | Sept 1, 2005

Jaamacada Kismaayo oo Ladhigay Dhagaxeedii u Horeeyey
Markii ugu horeysey ee taariikhda Kismaayo ayaa la dhigay dhagaxii ugu horeeeyey ee Jaamacad Kismaayo...
Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD