SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Taariikhda wahaabiyada

C/razaq Sh.Xusen Muse Garweyne

Nairobi Kenya
inahusein@hotmail.com

Mahad oo dhan allaah ayaa iska leh naxariis iyo nabad galyo nabi Muxamad korkiisa allaah yeelo.
waxaan maqalakygii hore ku balanqaaday in aan ka hadlo wahaabiyada iyo suufiyada wax ay kala yihiin iyo culimadii islaanka waxa ay ka yiraahdeen.

waxaan maantay mowduucayga uga hadlayaa taariikhda wahaabiyada,waxaan marka hore guud mar kooban ku samaynayaa dunida islaamka maxaa ka jiray markii uu muxamad  cabdiwahab soo shaac bixyay firkardiisa?.

WAHAABINIMO MISE ISLAAMNIMO?
Qaybta 1aad | Qaybta 2aad | WQ. Xoday

Dunida islaamka waxaa ka jiray dowlad  islaami ah oo la oran jiray cusmaniya waxaa dowladaas hoos iman jiray maamuladii umadaha islaamka oo dhan caasumadeeduna waxay ahayd Istanbuul Turkiga  magaca cuthmaniya wuxuu ahaa boqorkii ugu horeeyay aabihii Urdurul ibnu Sulaymaan sidaas ayayna cuthmaniya kula baxayday.

Cusmaaniya waxay guulo waaweyn ka soo hoyisay dagaalkii ay kula jirtay gaalada waxayna qabsatay kana talin jirtay dhulal badan oo yurub ka tirsan iyo qaybo ka mid ah bariga fog.

waxayna u xilsaartay culimaa'udiinkii islaamka ee ka koobnaa afarta madhabood ee islaamku isku raacsan yahay xagnimadooda Imaamu Shaafi,Imaamu Maaliki,Imaamu Abuu Xanafa iyo Imaamu axmed Ibnu Xanbal

Muxamad cabdiwahaab wuxuu dhashay 1703M oo ku beegnayd 1115H aabihii wuxuu ahaa caalim madhabta  xanafiyada ah wuxuuna jeclaa in wiilashiisa muxamad iyo sulaymaan  ay diinta bartaan laakiin muxamad kuma xasilin in uu si fiican wax u barto ee hadba meel ayuu u safrayay asaga oo oranayay cilmi doon ayaan ahay madiina ayuu tagay ka dibna basra oo ahayd meeshii ugu horeysay oo uu ku soo muujiyay fikradiisa ahayd in uu umada islaamka ku gaalnimo xukumo

Fikradaan oo ah sharciyan mid khatar ah in qof muslim  ah oo gaal lagu sheego culimadii halkaas joogtay way ka soo cayriyeen waxaa kale oo laga soo  cayriyay tuulooyinka kala ah al zubayr,al iyo axsaa.

 Alxuraym oo ahayd tuuladii uu aabihii ku noolaa oo uu in mudo ah joogay. ayadiina waxaa laga soo cayriyay markii uu ka alifay kitaab uu ugu yeeray KITAABU TOWXIID oo uu dadkii oo dhan ku sheega  gaalo asaga mooyee iyo wixii raaca ,culimadii islaamka ee wakhtigaasna  wax naqdisay waxaa ka mid ahaa walaalkiis sulaymaan oo ahaa caalim diidta si fiican u bartay walaalkiisna wuu u nasteexeeyay 

wuxuu markii danbe u soo cararay al cuyayna taariikhdu marakay ahayd 1744 wuxuuna la kulmay amiirkii magaalada oo la oran jiray cusman ibnu nasir ibnu macmar wuxuuna  u ogoladay in uu fikradiisii faafiyo.

 markuu in mudo ah joogay ayuu maalintii danbe wuxuu magalada ku dilay gabar markii la waydiiyayna wuxuu jawaabay in ay zino u qiratay taasna waxay meel ka dhac ku tahay shareecada islaamka,maxaa yeelay qof hadii uu danbi galo waa in la horkeeno xaakim,markaas ayuu xaakimku sharciga ku qaadayaa waxay culimadii islaama iyo dowladuba u arkeen arin halis ku ah umada islaamka ugubna ku ah oo aan waligeed lagu arkin.

 Boqorkiina waxaa amar soo siiyay boqorkii al axsaa oo ay  tuuladana hoos imanaysay, amarkan wuxuu ahaa in uu dag dag magaalada uga saaro ninkaas  amarkiina wuu qaatay oo ciidamo ayuu ku daray si uusan magaalada ugu soo laaban. la soco todobaadka danbe heshii muxamad bin cabdiwahab iyo amiirkii darciya

C/razaq Sh.Xusen Muse Garweyne
Nairobi Kenya
inahusein@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 2, 2005

Yamyam: Gabyaa Laqmaday!


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD