SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
Daabaco Boggan | Print
Sawiradii maanta (Nov 3, 2005) ee SomaliTalk.com

Minneapolis Convention Center




Sh. C/Raxmaan oo akhrinaya Khudbadii Ciida


Minnesota oo Si weyn Looga Ciidey

  • Kumayaal Muslimiin ah oo Isugu Yimid Bartamaha Magaalada Minneapolis si ay u gutaan salaada Ciidul-Fitriga
  • Muslimiinta Minnesota oo laga codsaday in ay ka qayb qaatan dhamaystirka Mashruuca Abuubakar...

SomaliTalk.com | Minneapolis, MN

Subaxnimadii Khamiista (Nov 3, 2005) ayaa Muslimiinta Minnesota u dhaqaaqeen goobaha lagu tukanayey salaada ciida. Goobta ugu weyn ee salaada ciida ayaa ahayd faras-magaalaha Minneapolis, meesha lagu magacaabo Minneapolis Convention Center. Jawiga ama cimilada magaaladu aad ayuu u wanagsanaa, cirka waxaa ka muuqdey caad, ma ahayn kulayn, barafkiina weli ma bilaaban - in kastoo la saadaalinayo in caawa uu baraf da'o. Goobta salaada marka aad kusoo dhawaatid waxaad arkeysaa booliska oo gawaarida kala hagaya, dadkana u tilmaamaya meesha ku haboon in gawaarida la dhigto, waa qaab nidaamsan oo gaari kasta kasta uu sugayo safka si aan wadadu u xayirmin ama u noqon saxmad.

Goobta salaada lagu tukanayey (Minneapolis Convention Center) oo ah meel aad u baxad weyn oo loogu talo galay in lagu qabto xafladaha ay ka soo qayb geli karaan kumayaal qof ayaa waxay la ciir-ciirtay Muslimiinta isugu yimid si ay salaada Ciidul-Fitriga ugu tukadaan. Carruur, cirroole, rag iyo dumar looma kala harin maanta, waxa ay ahayd munaasabadii ugu baaxada weyneyd ee inta la xusuusto ay Muslimiinta Minnesota oo tiradaas le'eg hal goob iyagoo midaysan soo camireen.

Soomaalida oo ah Muslimiinta ugu badan Minnesota ayaan maanta goobtaas u kala harin. Waxay ahayd maalin ay reer Minnesota ka sheekayn doonaan muddo dheer sida looga soo qayb galay ciidan iyo sida ay farxadu uga muuqatay wajidada muslimiinta goobta soo camiray oo isu hambalyanayey Soonka waajibka ah ee bishii Ramadaan, maantana ay si xalaal ah u cunayaan cuntadii ay Allah dartiis uga soomeen 30-maalmood.

Takbiirtii ayaa bilaabatay ilaa laga soo gaarey 8:30 barqanimo, markaas oo loo istaagey salaadii Ciida oo uu iimaam ka ahaa Sheikh Cabdiraxmaan Sheikh Cumar, iimaamka Masjid Abuubakar Assidiiq ee Minneapolis, salaadii kaddib waxa uu Sh. C/Raxmaan akhriyey Khudbadii salaada Ciida, waxana uu Muslimiinta ugu hambalyeeyey Ciida loo dabaaldegayey maanta.

Goobtii la isugu yimid salaada ciida waxaa Muslimiinta laga codsaday in ay ka qayb qaataan sidii loo dhamays tiri lahaa mashruuca Masjidka Abuubakar As-Siddiiq, waxaa Muslimiinta lagu guubaabiyey in Allah dartiis ay gacan uga geystaan dhamaystirka mashruucaas Masjidka. [Si toos ay ayaa deeqda Masjida loogu bixin karaa Online... GUJI HALKAN..].

Carruurta ayaa loogu soo lebisey dharka quruxda badan, dumarka ayaa ku soo lebisey xijaab aad u bilicsan, ragga ayaa u lebistey hab wanaagsan, sidaas ayaa goobtii lagu tukanayey salaada ciidu ku noqotay meel aad u qurux badan oo ay ka muuqato shacaa'irka Islaamka. Waxaana xusid mudan in iskuulada Minnesota ardayda Muslimiinta ah loo ogol yaha in ay Fasax u qaataan ciidaha Islaamka, arrintaas oo carruurta Muslimiinta fursad u siisay in ay waalidkood kala qayb qaatan ciida. Waxaa dad badan farxad geliyey markii aad aragtid carruurtii Soomaaliyeed ee dhashay kaddib 1991 oo weli ku hadlaya Afsoomaali - arrintaas oo aan yaraysi lahayn, waalidkana ay la gudboon tahay in ay carruurtooda baraan luqada Af-Soomaaliga iyo dhaqanka suuban.

Salaadii Ciida  markii la tukadey waxaa muslimiintii u dareereen sidii ay isugu hambalyan lahaayeen iyo qaraabo salaan. Waa maalin farxadeed oo ay camiran yihiin makhaayadaha Soomaalida oo xilligii Soonka la xiri jirey inta la sooman yahay, waxaa kale oo camiran dukaamada iyo goobaha lagu gado Hilibka Geela (Haa hilib geel oo laga keeno Australia ayaa laga helaa Minnesota, laakiin weli caano geel ma soo gaarin). Waxaa kale oo Minnesota maalmaha ciida si weyn loo iibsadaa Xalwada.. (Waa xalwa aan ka dhicin tii "Xalwo Xaaji Ciise ee wadada Makka Al-mukarama Muqdisho iyo Xalwa Kismaayo").

Muslimiinta Adduunka oo dhan waxay u ahayd maalin farxadeed, dhammaan dunida oo dhana maanta oo Khamiis ah ayaa laga wada ciidey, marka laga reebo Liibiya oo Arbacadii Ciidey oo muslimiinta kale khilaaftay.

Ha ilaawin in aad ka qayb qaadatid dhamaystirka Mashruuca Abuubakar... GUJI HALKAN...

CIID MUBAARAK... Akhri hambalyadii SomaliTalk.com u dirtay Muslimiinta.

SomaliTalk.com | Minneapolis, MN

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 3, 2005


Warbixintii SomaliTalk.com

Muslimiinta Adduunka oo Ciidaya Khamiista

Maalinta Khamiista oo taariikhdu tahay November 3, 2005 ayaa ah Ciidul Fidriga, sida ay isku raaceen badanaa dunida Muslimka.

Muftiga dalka Masar, Ali Gomaa, waxa uu talaadadii shaaca ka qaaday in maalinta Arbacadu ay tahay maalintii ugu dambeysey Ramadaanka. Sidas daraadeedna dalka Masar laga ciidi doono Khamiista.

Magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga waxaa lagaga dhawaaqay in aan galabnimadii Talaada la arkin bishii Shawaal, sidaas daraadeedna maalinta ugu dambeysa ee Ramadaanku ay noqoneyso Arbacada, ciiduna Khamiista.

Sidoo kale dalalka Imaaraadka Carabta (UAE), Kuwait, Bahrain, Qatar, Jordan, Palestine, Yemen, Algeria, Sudan iyo Tunisia waxa ay dhammaantood sheegay in Ciidu ku beegan tahay Khamiista.

Magaalada Beyruud, Dar-Al-iftaa (Sunni Fatwa) waxa ay ku dhawaaqeen in aan galabnimadii Talaadada la arkin bishii shawaal, sidaas daraadeenta in Arbacada uu dhammaanayo Ramadaanku, ciiduna tahay Khamiista.

Muslimiinta Sunni-ga ee Ciraaq waxa ay ku dhawaaqeen in Ramadaanku uu dhammaanayo Arbacada, ciiduna ay ku beegan tahay Khamiista.

Dalalka Pakistan, Malaysia, Oman, Morocco, Somalia, South Africa Waxa laga sheegay in bisha shawaal la arki doono Arbacada, sidaasna ay Khamiis ku noqoneyso Ciid

Yurub:

Dalka Turkey waxa uu ku dhawaaqay in maalinta ugu dambaysa ee Ramadaan ay tahay Arbacada, oo la ciidayo Khamiista.

Ururuka Muslimiinta ee Faransiisku waxa ay sheegeen in ay ciida u dabaaldegayaan Khamiista.

Muslimiinta Ingiriisku waxa ay shaaca ka qaadeen in dalalka Yurub laga ciidayo Maalinta Khamiista.

Muslimiinta Vienna, Austria waxa ay sheegeen in Ramadaanka maalinta ugu dambaysa ay tahay Arbacada, Ciiduna Khamiista.

Muslimiinta Slovakia waxa ay shaaca ka qaadeen in Khamiistu ay tahay Ciid.

Muslimiinta Jarmalku waxa ay sheegeen in aan maalintii Talaadada larkin Shawaal, sidaas darteen Arbacada ay tahay maalin Soon.

Muslimiinta Belgium waxa ay sheegeen in Yurub laga ciidayo Khamiista.

Muslimiinta Albania waxa ay shaaca ka qaadeen in Arbacadu ay tahay maalin soon, Khamiistuna Ciid. Sidoo kale Muslimka Ukraine waxa ay sheegeen ciid-al-fitrigu in ay tahay Khamiista.

Indonesia oo Ku Midowdey Ciida Sannadkan.

Markii ugu horeysey muddo sannado ah ayaa Muslimiinta Indonesia waxa ay wada ciidayaan hal maalin. Dawlada dadka ugu Muslimiinta Badan Adduunku waxa ay ku dhawaaqday in Ciidu ay ku beegan tahay Khamiista.

Woqooyiga Ameerika:::

Imam Jamal oo ah Iimaamka Masjidka London Ontario waxa uu sheegay in Ciidu ay ku beegan tahay Khamiista Nov 3. Waxaana salada Ciida lagu tukana doonaa Canada Building oo ku yaal Western Fairgrounds. (Faahfaahin dheeraad ah eeg ogeysiiska London, Ontario - hoos)

Masjidka Khaalid Bin Waliid ee Toronto, Canada waxa uu shaaciyey in Ciidul Fitri ay ku beegan tahay maalinya Khamiista. [TORONTO: Goobaha lagu Tukanayo Salaada Ciida].

Sidoo kale Masjidka Shaafici ee Magaalada Minneapolis waxa uu sheegay in Ciidul Fitrigu ay ku beegan tahay Khamiista. [MINNEAPOLIS:: Goobaha lagu tukanayo Salaada Ciida].

Australia:::

Muslimiinta Australia sidoo kale waxa ay Arbacadu u tahay maalintii 30aad ee Ramadaanka, waxana ay Muslimiinta kale ee dunida dacaladeeda la ciidi doonaan maalinta Khamiista.

Liibiya oo Ciideysa Arbacada Khilaaftayna Muslimiinta Kale.

Dalka Keliya oo ilaa hadda ku dhawaaqay in Ciidu tahay Arbacada waa dalka Liibiya.

***

OGEYSIIS: MUSLIMIINTA LONDON, ONTARIO:::

Waxaa la ogeysiinayaa Somalida London On iyo dhammaan dadka muslimiinta ah in Goobta SalaaddaCiidul Fitriga lagu tukandoonto tahey Canada Building (Western Fairgrounds) at King St. South of Dandus St and East of York St.

Waqtiga Salaadda:- Takbiirtu waxay bilaamaneysaa 8:00 Am waxaana la tukanayaa 9:00 Am. Saligaaga horey u soo qaado. Sakaatul Fitrigu qofkiiba waa $8 waxaana wanaagsan in la bixiyo inta aan Ciidda la tukan ka hor. Maalinta Sabtida masaajidku wuxuu qabanayaa Xaflad carruuraha muslinka ah oo dhan loogu talo galey ee ha moogaan waxaana lagu qabandoonaa London Islamic School. KULLI CAAM WA ANTUM BI KHEYR. Faahfaahin: La xiriir: Yusuf Osman Kenadid. EMail: yusufkenadid@hotmail.com

Tarjumadii SomaliTalk.com | Isha qaar kamid ah macluumaadka: IslamOnline. Faafin: Nov 1, 2005

DHAMBAALAD ACIIDA:::
 

Eidmubarak.com

khalidmosque.com

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD