SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo

04 November. 2005 

  • Guddoomiyaha JWXO oo hanbalyo u diray dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya. 

  • Wiil iyo aabihii oo gumaysigu gawraceen. 

  •  Bayaan JWXO ka soo saartay xasuuqa gumaysigu ku hayo dadwaynaha. 

  •  Ciidammada Wayaanaha dad ku xasuuqay Addis Ababa.

  •  Barnaamij khaas ah oo ku saabsan  Salaamaha iyoTahniyadaha Ciida.

======================     
  Guddoomiyaha Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya Admiraal Maxamed Cumar Cismaan ayaa munaasabadda Ciidda Soonfureed awgeed hanbalyo u diray dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya meel kastoo ay joogaan. 

Guddoomiiyuhu wuxuu hanbalyadiisa ku billaabay;

Anigoo ku hadlaya magaca JWXO, kan dadwaynaha soomaalida Ogaadeenya iyo kaygaba, waxaan halbalyo diirran oo kal iyo laab ah u dirayaa dhammaan N/hureyaasha Ciidanka Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ee Geesiyaashaah, Xubnaha JWXO ee ma-daaleyaasha ah ee ku kala sugan gudaha Ogaadeenya iyo dunida dacalleeda iyo dhammaan dadweynaha soomaalida Ogaadeenya  ee geesinimada iyo mintidnimada ku caan-baxay.  

Waxaan Eebe ka baryayaa inuu fadliga bisha barakaysan ee Soon iyo ciida qiimaha weyn leh ugu denbi dhaafo dhammaan dadka muslimiinta ah, isla markaana ugu gargaaro dadwaynaha soomaalida Ogaadeenya ee xaq u-dirirka, oo ciiddan ciiddeeda ay dadwaynaha soomaalida Ogaadeenya ku ciidaan ciiddooda qaaliga ah ee Ogaadeenya oo laga xoreeyay gumaysiga nacabka ah ee haysta. 

Waxaan sidoo kale aniga oo ku hadlaya magaca dadwaynaha soomaalida Ogaadeenya   hanbalyo iyo boogdin  ku aaddan munaasabada Ciidda Soonfureed u dirayaa dhammaan madaxda iyo qaybaha bulshada soomaaliyeed een walaalaha nahay, aniga oo Eebe uga baryahaya inay ciiddan ciiddeeda ku gaadhaan horumar, midnimo iyo haybadii qaranimo ee Jamhuuriyda soomaaliyeed oo mar kale dib loo soo celiyo.

Waxaan sidoo kale u hanbalyaynayaa dhammaan dadyawga muslimiinta ah ee dunida, anigoo u rajeynaya Ciid barakaysan, cibaado maqbuul ah, farxad iyo horumar joogto ah.  

Admiraal Maxamed Cumar Cismaan

Guddoomiyaha Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya 

Wiil iyo aabihii oo gumaysigu gawraceen. 

Dhawaan waxay ciidammada gumaysigu ku gawraceen meesha lagu magacaabo Barida oo ka tirsan Degmada Dhuxun Alla ha u naxriistee Bashiir Cabdi Caabi iyo wiil uu dhalay oo magaciisa aanaan wali helin. Marxuum Bashiir wuxuu makhayad ku haystay Barida, oo u dhaxaysa Gasaangas iyo Caynuun. 

Bayaan JWXO ka soo saartay xasuuqa gumaysigu ku hayo dadwaynaha. 

Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogadeenya JWXO ayaa toddobaadkan soo saartay bayaan ay ku dhaleecaynayso xukuumadda gumaysiga Itoobiya oo bilihii u denbeeyay dardar sii galisay hawlgalladeedii millatari iyo xadgudubyadii ay dadwaynaha rayadka ah ku haysay, iyadoo bar-tilmaameed ka dhigatay dadka lagu tuhmo inay JWXO taageersan yihiin iyo dadwaynaha rayadka ah. 

Bayaankan waxay Jabhaddu ku sheegay inay qaadayso tallaabo kastoo ay dadwaynaheeda kaga difaacayso dagaallada ay xukuumadda EPRDF soo cusboonaysiisay iyo tacaddi xuquuqeed iyo siyaasadeed ee ay dadwaynaha soomaalida Ogaadeenya u gaysato. 

Ciidammada Wayaanaha dad ku xasuuqay Addis Ababa.
 
Magaalada Addis Ababa waxaa maalmihii u denbeeyay ka dhacayay bannaabaxyo ay samaynayeen dadwayne ka gilgilanaya musuqmaasuqii ay xukuumadda Wayaanuhu ku samaysay doorashadii May.
Asakarta Wayaanaha ayaa iyaguna dagaal qallafsan kala hortegay bannaanbaxayaasha, waxaana dhawrkii maalmood ee etgay iska horimaadyadaas ku dhintay inta maydkooda isbitaallada la keenay in ka badan 50 qof, hase yeeshee warar aya ajira sheegaya in dhimashadu ay 100 kor u dhaaftay. Waxaa kaloo dhaawac ah in ka badan 300 oo qof.

Waxaa habaynimadii arbacadu soo galaysay xabsiga loo taxaabay 6 ka mid ah madaxdii xisbiga CUD oo ay ku jiraan guddoomiyihii iyo ku xigeenkiisii. Waxaa kaloo guriageeda laga afduubay qareenkii xisbiga CUD, iyadoo ay ciidammadu dileen shan qof oo gurigeeda difaacayay markii lala baxayay.
 

QAYBAHA KALE EE BARNAAMIJKA KA DHEGEYSO HALKAN... GUJI
 

 Radio Xoriyo
04 November.
2005                                                                        

Axmed Gaal-Eri 

radioxoriyo@ogaden.com 
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820  KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 4, 2005

Wararka Soomaalida Ku Hoos Nool Gumeysiga:
Dhacdooyinkii dagaal ee u denbeeyay Xorriyo Nov 1

DFKMG oo Ku Biirtay Dalalka Dagaalka ku la jira Hargabka Shimbaraha (Bird Flu)
»
Dowladda Talyaaniga oo baaritaan ku sameyn doona hub..
»
Isku soo dhawaansho:doodii maamul u sameeynta G/Hiiraan
»Haweenay ninkeeda ku dishay deegaanka Towfiiq..
»
C/laahi Sh. Ismaaciil oo AdisAbaba kaga qayb galaya shir
»Wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo booqanayo Bosaso
»Maxamed Dheere oo Xiray Taliye kuxigeenkii Ciidamadiisa...
»300 Boqol oo Maleeshiyoyin Oo lagu tababarayo Waajid
»DFKG oo Beenisey in Lacag Been Abuur ah Lakeenay Jowhar
Wararka oo dhan ka akhri halkan... GUJI...

Wafdigii uu hor kacayey Wasiirka Hormarinta Reer Miyiga oo ku sugan London
»Muqdisho: Ganacsatada Qaadka oo Walaac Muujiyey...
»
Beledweyne: Banaanbax Lagu taAgeray iscasilaadii wasiirada
»Kismaayo: 1 qof oo ku dhintay & 9 ku dhaawacmay shil gaari
»Wasiirada DFKGS Oo loogu Baaqay In Ay Yimadaan Jowhar
»Xildhiban Cumar Xaashi: Kenya Yeysan dhinac la safan...
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Oct 30

Indho-indheyashii doorashadii Baarlamaanka ee Somaliland
oo Seminar kuqabtey Pretoria.. Warbixintii Siciid Fuuraa

 


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD