SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ogeysiis Muhiim ah oo ku jeeda Soomaalida Minnesota

Anergy Assistance/home heating assistance 

Ciid Mubaarak 

Sida aan la soconno sicirka oil iyo gaska dabiiciga ahba sanadkan circa ayay isku shareereen.  Xilligii qaboobihii hore iyo xilligan qaboobaha ee hadda bilwday farqiga waa kaaf iyo kala dheeri.  Sicir bararka ayaa la  filayaa dadka ku nool gobolka qabowga badan ee Minnesota gaar ahaan kulaylinta guryaha inuu dhaqaalahooda dhabar jab ku noqdo.  Sanator Coleman oo kaashanaya senatoorrada kale ee laga soo doorto gobolada qabowgu ku badan yahay ayaa horsed u noqday sanadkan ka soo dhicinta  sii badinta dawladda federaalka miisaaniyadda lagu taageerayo dan yarta Minnesota.   

Haddaba dan yarta Minnesota waxaa la gudboon inay ogaadaan raacaanna qorshaha caawinaadda ee loogu talo galay. 

1        Sicirka awoodda kulaylinta guryaha sanadkan waxaa uu kor u kacayaa in ka badan 50% ilaa 80% taasoo ah lacag aad u badan gaar ahaan ardada, waayeelka iyo dhamaan dadka dan yarta ah.  Waxaa kale oo uu saameynayaa dugsiyada aanan dhaqaalaha badan haysan

2        Dadka u baahan in laga taageeri xagga dhaqalaha ku baxaya kulaylina guryaha oo aan weli codsan waa inay si dhaqso ah u codsadaan (apply) kaalmo.  Waxaa kale oo fiican inay la xiriiraan shirkadaha adeegaas bixiya.

3        Waxaa haboon in ay ku dhaqmaan xeeladaha loo beeqaamiyo (energy saving) isticmalka kulaylinta guryaha. 

4        Qofka danyarta ah asagaa laga rabaa inuu raadiyo meelaha uu ka heli karo hay’adaha  ka caawinaya qarashka kulaylinta guryaha iyo xogtoodaba.

5        Hay’adaha qaabilsan taakulaynta dan yarta ee xagga kulaylinta guryaha waxaa kale oo ay bixiyaan duruus ku saabsan sida qofku u beeqaamin karo energyga  si lacag ugu baaqato.  Hay’adahan kuma koobna lacag  bixin iyo tababar keliya ee waxay qabtaan hawlo intaas ka badan sida deeq  qalab ku fiican beeqaaminta energyga iyo samaynta wixii farsamo yaqaan u baahan 

Maxamuud Nuur Wardheere

mnwardere@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 5, 2005


Nin Soomaaliyeed oo Laga Tarxiilayo New Zealand
  • Tarjumadii: SomaliTalk.com | Nov 4, 2005
Abdikarin Ali Haji
Cabdikarin Cali Xaaji| Sawirka: TVnZ
Cabdikarin Cali Xaaji, oo 26 jir ah, oo dalka New Zealand ku noolaa ilaa sannadkii 1988 waxa uu yiri haddii Soomaaliya la igu celiyo waa la i dili doonaa. Laakiin wasaarada shaqadu waxa ay tiri waa in la tarxiilo waayo waxa uu qariyey fal-dembiyeed uu ku galay New Zealand, waa sida warku u dhigay Telefishanka NewZealand.

Waxaa hadda ka hor Cabdikarin Cali Xaaji lagu xukumay dembiyada kala ah:  haysasho Mindi, tuuganimo iyo dembiyo la xiriira waddooyinka (traffic).

Hay'adda Qaramada midoobey taladeeda waxaa kamid ah in aan dad loo tarxiilin Soomaaliya waayo ma aha meel amaan ah, ayaa Telefishanku yiri.

Wasaarada shaqadu laba-jeer oo hore ayey isku dayday in ay Tarxiisho Cabdikarin. Waxay ahayd November 2003 markii uu iska tuuray gaari soconaya oo loogu sii wadey garoonka diyaaradaha ee Auckland International Airport  si loo tarxiilo. Sannadkana waxa uu ka fakaday qof ka ka socdey ilaaliyayaasha maxaabiista kaddib markii uu ka boodey derbi musqul ku taal garoonka diyaaradaha ee "Wellington airport", markaas afar maalmood ka dib ayuu isu dhiibey dawlada.

Cabdikarin Cali Xaaji ayaa yiri "Haddii ay dib ii ciliyaan, waan dhiman doonaa.". Wasiirka Socdaalka (Immigration-ka) NewZealand waxa uu yiri "Cabdikarin waxa ay ahayd in uu ka fekero xaalada Soomaaliya markii uu jebinayey sharciga NewZealand". TV-ga NewZealand oo waraysanaya Cabdikarin HALKAN KA DAAWO.

ISHA: NZTV & NZHERALD

Tarjumadii: SomaliTalk.com | Nov 4, 2005


MINNESOTA::: Ciyaarihii Ramadaanka....

Zakariya (Xaayow)
zakihaji@yahoo.com 

cayaarahii ka sacday magaalada Minneapolis, Minnesota ayaa waxay soo gaaranay heerkii ugu danbeeyay waxaa cayaarahaas soo qabanqaabiyay dhalinyarada ku nool magaalooyinka mataanaha ee st. pual iyo Minneapolis. cyaarahan oo lagu soo dhaweenayay koobka rabadaanka.waxay bilaameem bishii Octobar afarteedii 10/4/05 waxaa kasoo qaybgalay kooxo aad ufarabadan oo gaarayay 12 kooxood oo dhamaantood ka kalasocday gobolka minnesota.

Hadaba waxaa lasoogaaray qaytii semifinalka waxaana lasugayay oo maalmahaan oo dhan salaadii taraawiixda ka bacdi lagu sheekasanaayay cayaar dhaxmaraysay labada koox ee ugu fiican magaalooyinka mataanaha ee minnesota (commonality iyo somali tigers)waxaa cayaartaa ka soo qaybgalay dadwayne aad u fara badan iyo gudiga sportika ee minnesota oo uu hugaaminaayay yaasiin barafuun oo aahan jiray gudoomiyihii naadigii madbacada qaranka (MBC). hadaba waxaa bilabatay cayaartii markay sacotay 10 minit ayaa waxaa goolkii ugu horeeyay dhaliyay somalitigers sawaxan iyo qaylo ayaa cirka isku shareeray kadibna hab u sacodka cayaarata waxaa la wareegay somalitigers.

kooxada commonality weer iyo weer celis ayay ku qaaday waxaana u suurtoowday in cayaarayahanka ismail uhubiyo kooxdiisa goolkii bareejada kadibna taageeraayaashii commonality ayaa qaylo joojinwaayay. hadaba qeebtii hore waxaa lugu kalanastay hal iyo hal (1-1).

Markii koox walba lasoo tashatay tababarayaashooda ayaa durba waxaa cayaartii lawareegay habusacodkeeda kooxda commonality waxaana u suurtowday in ay helaan goolkii ugu horeeyay ciyaarta qaybteeda dambe, waxaana u saxiixay cayaaryahan lambarka sideedaad 8 Mustafa jarmal. kooxda tigers moralkii hoos ayuu u dhacay balse waxay dhaliyeen goolkoodii labaad waxaa u saxiixay maxamed siyaad, waxay sacatoba cayaartu goolkii afraad ayay haleen commonality waxaa u dhaliyay mustafa.

Hadaba gagabadii waxay cayaartaas ku dhamaatay 4-2 ay kuguulasatay commonality. inkastoo laga badiyay kooxda somalitigers waxay halkaa ku soo bandhigeen cayaar aad iyo aad u wanaagsan waxay gacanta galiyeen dhalinyaradii ka badisay. macalinka kooxada somalitigers abdicasiis biixi waxa uu ii sheegay kooxda somalitigers ay yihiin dhaliyaro yaryar oo da'dooda udhaxayso 16-20jir, waxayna yihiin cayaartooy aad iyo aad u asluub fiican. kooxda commonality waxaa habeenkaas ugu firfircoonaa cayaarahay labarka 4 gardheere oo ka cayaara difaaca iyo mustafa jarmal ismaciil iyo kuwakale oo badan

Zakariya (Xaayow)
zakihaji@yahoo.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 3, 2005


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD