SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo

08 November. 2005 

Gaadiid badan oo gumaysiga lagaga gubay Ogaadeenya.

 Qalalaasihii Itoobiya oo meel xun maraya.

U.S.A  iyo Yurub oo xaalada Ethiopia kasoo saaray baaq wadajir ah.

 Barnaamij Ku saabsan Ciida (Farxaddii Dhicisowday)

======================   

Ciidammada gumaysiga Itoobiya ee caga-jiidka ah ee ku sugan dhulka Ogaadeenya ayaa toddobaadyadii denbe oo dhan la arkayay iyagoo runduda oo rafaadkii Ogaadeenya ka haystay uu ugu darsamay midka guryohoodii ka aloosmay iyo garadarrada uu taliska Zenawi ku weerarayo dalka ay deriska yihiin ee Eritereya. Dhinaca kale waxaa sidii wali ugu socda weerarradii naxariis la’aanta ahaa ee ciidammada geesiyiinta ah ee xoreynta Ogaadeenya ay u gaysanayeen. 

29/10/05 Koore-geere, oo Qabridaharre ka tirsan waxaa cadowga lagaga gubay baabuur Uural ah, kaasoo ay ku dhinteen 50 askari. 

29/10/05 Jeexdin waxaa lagu gubay baabuur Uural ah, waxaana ku bas-beelay 43 askari oo saarnaa. 

30/10/05 Uubataale, oo Wardheer ka tirsan waxaa sidoo kale lagu gubay baabuur Uuraal ah oo ciidammo ka buuxeen, waxaana halkaas ku bas-beelay baabuurkii iyo wixii saarnaa. 

27/10/05 magaalada Fiiq duleedkeeda wuxuu dagaal ku dhex-maray ciidammo gumaysiga ka tirsan oo halkaas ku sugnaa, iyagoo isu dagaallamay Amaxaaro iyo Tigree, waxayna iska dileen 21 askari, 15 kalana way iska dhaawaceen.

Qalalaasihii Itoobiya oo meel xun maraya. 

Qalalaasihii ka jiray dalka Itoobiya ayaa meel xun gaadhay, iyadoo xukuumada EPRDF ay awood miciin ka dhigatay, isla markaana ay xasuuq ba’an u gaysatay dadwaynihii bannaanbaxyada samaynayay muddada toddobaadka ka badan.  

Goobihii ganacsiga ee magaalada Addis Ababa ayaa wali albaabadu u xidhan yihiin, waxaa sidoo kale xidhan dugsiyadii, gaadiidkii dadwaynaha ayaan isaguna shaqaynaynin, waxaan sidoo kale aroornimadii isniinta ahayd soo shaqo tagin shaqaalihii oo dhan, ka dib markii toddobaadkii u denbeeyay oo dhan ay dalka Itoobiya ka soconayeen iska hor-imaadyo u dhexeeyay taageerayaasha mucaaradka iyo ciidammada keligii taliye Zenawi. 

Iska horimaadyada ayaa la sheegay inay ku faafeen magaalooyin badan oo Itoobiya ah iyadoo dadwaynaha iyo askarta Zenawi faraha isula tageen. Magaalooyinka ay iska hor-imaadyada noocan ahi ka dheceen waxaa ka mid ah Baxar-daar, Dessie, Debre Burhan iyo Gondar. Waxaa sidoo kale ay rabshado ka dheceen magaalada Nazerat, oo askarta Zenawi ay xabsiga u taxaabeen arday aad u badan. 

Ilaa iyo hadda ma jirto tiro xaddidan oo la odhan karo iska hor-imaadyadan way ku dhinteen. Waxaa la ogyahay oo kaliya intii dhawrkii maalmood ee u horreeyay la dilay oo kaliya, waxayse dadka xog-ogaalka ahi sheegayaan in dhimashadu boqollaal gaadhayso. 

Waxaa sidoo kale jeelasha loo taxaabay kumanaan qof oo lagu tuhunsan yahay inay xukuumadda Zenawi ka soo horjeedaan. Warbaahinta caalamka ayaa qortay in axaddii oo kaliya loo dhaadhiciyay xabsi ku yaalla meesha lagu magacaabi Dedesa dad ay tiradoodu ka badan tahay 11.000 oo qof, oo 4000 oo ka mid ahi ay dumar yihiin. 

Xisbiga CUD ayaa isniintii mar kale ku celiyay baaqiisii ahaa in shaqo joojin hal toddobaad ah la sameeyo, taasoo lagu muujinayo diidmada la diiddan yahay muqusmaasuqii uu Zenawi ku sameeyay doorashadii May. Baaqan cusub ayaa laga cabsi qabaa inuu sii kordhiyo dhibaatadii maalmahan ka aloosnayd Itoobiya. 

Xisbiga CUD wuxuu baaqan taageerayaashiisa u diray iyadoo 24 ka mid ah madaxdii sarsare ee xisbiga la horkeenay wax maxkamad loogu yeedhay, isla markaana lagu xukumay in xabsiga lagu sii hayo muddo 14 maalmood ah inta kayskooda laga baadhayo.

 Maraykanka  iyo Yurub oo xaalada Ehtiopia kasoo saaray baaq wadajir ah.

Dhinaca kale safiirrada Midowga Yurub iyo Maraykanka ayaa soo saray baaq wadajir ah, waxayna dawlada ugu baaqeen inay joojiso dilka ay u gaysanayso dadwaynaha bannaanbaxyada samaynaya, waxayna ugu baaqeen inay labada dhinac wadahadal ku dhammeeyaan dhibaatada siyaasadeed ee ay isku hayaan. 

Waxay sidoo kale walaac wayn ka muujiyeen siyaasiyiinta la xidhxidhay iyo dadwaynaha xabsiyada laga buuxiyay. Midowga Yurub iyo Maraykanku waxay bayaankooda ku sheegeen inay tacsi u dirayaan dhammaanba qoysaskii ay dadku kaga geeriyoodeen dilka ay askartu gaysatay, iyagoo sheegay inay si guud u canbaaraynayaan qalalaasahan.

BARNAAMIJKA XORRIYO DHEGEYSO HALKAN...

   Radio Xoriyo

08 November. 2005

Cabdinuur Sheekh Maxamed

radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820  KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 9, 2005

 

 


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD