SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Agaasimaha Isbitaal Madiina  oo Soo Saaray Warsaxaafadeed

 
Dr. Sheekhdoon
Agaasimaha Isbitaal Madiina  

Sumcadda Isbitaal Madina iyo maamulkiisa way ka culus tahay mid ay gilgili karto dacaayad raqiis ah oo uu curiyay wariye faashil ah.”

Agaasimaha isbitaalka madiina  Dr sh doon  ayaa soo saaray qoraal  oo uu ugu tala galay saxaafada  ka dib  markii  ay qoreen wab sidyada  iyo jaraaidyada  qaarkod war  ku saabsan Isitaalka Madiina   qoraalka dhaqtarkana waxa uu ku bilamayay sidatan

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan doonayaa inaan jawaab kooban ka bixiyo hadallo eedayn iyo ceebayn isugu jira oo maalmahaanba ay qorayeen qaar ka mid ah bogagga internet-ka af-soomaaliga ku qoran ( Somali websites) iyo jara'idka maxalliga ah. Wararkaasoo tibaaxayey in maamulka Isbitaal Madiina uu ku takrifalo daawada isbitaalka deeqda loo siiyo; iyadoo suuqa laga gorgoriyo laguna gado sida ay ku andacoodeen.

Waxaan dadweynaha soomaaliyeed u caddeynaynaa in hadalladaasi yihiin wax-kama-jiraan aan giddigood sal iyo raad lahayn. Daawada Isbitaal Madiina lama beecgeeyo, beecna ma aha, cid laga gadaana ma jirto. Bukaanka isbitaalka jiifa lagama iibiyo, bukaan- socod lagama iibiyo, ganacsatana warkoodaba daa. Ciddii xaqiiqadaas wax ka badalan haysa waxaa la rabaa inay caddeyn iyo marag muuqda oo lagu qanci karo soo bandhigto, qofkaan xishooneynna wuxuu rabo ayuu sheegi karaa !!

Haddaba waxaa isweydiin leh yaa fidiyey beentaan? Yaa ka dambeeyey? Sida aad bogagga internet-ka ama jara'idka ku aragteen waxaa warkani ka soo askumay nin isku magacaabay Xujaale Jaamac. Xujaaloow ayaad tahay? Idinku ma taqaanaan saxafi la yiraahdo Xujaale jaamac? Ma filayo inaad taqaanaan? Aniguse waa aqaan; magacaasnna waa ku gambadaaye kiisa dhabta ah ma aha. Waa magac fulaynimo. Haddaan idiin qeexo magacaas: Xujaale waa saxafi- ku –sheeg mooryaan ah qalin ku hubaysan oo isbaaro dhallah dhigtay bogagga internt-ka, una samaystay inuu ku caayo ciddii baad u diidda.

Waa Xujaale-yare  - magaca uu la baxay haddaan u daayo - wuxuu ku soo caanbaxay shirkii Mbagathi ee Kenya lagu qabtay oo uu  war been ah ka soo tebin jiray markii lagu bartay beentaasna ay saxaafaddu iska joojisay in warba laga qaato . Kadibna wuxuu samaystay website magaca ku habooni malaha uu ahaan lahaa: BEENTACUSUB.COM  ama BAADDACUSUB.COM. Waxaana kiraysan jiray ciddii doonaysa inay caydo qof siyaasad ay isaga horjeedaan. Iyadoo had iyo jeer loo dhiibo wararka laga xishoodo. Haddana wuxuu u dallacay inuu dadka ku baado. 

 Talefoon ayuu igu soo wacay Xujaale-Yare subaxnimadii sabtida 19/11/05 anigoo jooga qaybta bukaan-socod-eegta Isbitaal Madiina oo dad xanuunsan baaraya qaar badanna ii horan yihiin. Wuxuu igu yiri " Waxaan taaganahay xafiiskaaga hortiisa waxaanan rabaa inaan ku arko" Waxaan ugu jawaabay " walaal bukaan baan fiisitaynayaa, qaar badanna way i isugayaan, waa maalin Sabti ah oo shaqo badan , ballan horana ma aanaan lahayn, waan ka xumahay kuma qaabili karo " Hadalkaas kuma uusan qancin, waxuuna hadalkiisi ugu dambeeyey si caro ah iigu yiri "Isbitaalkaaga waan kaaga tegay, waana inoo tahay" Hadalkaas oo handadaad ay ka muuqatay.

Waxaa intaas iigu xigtay in Xujaale-yare uu website-ka uu tafatiraha ka yahay ku soo qoray maqaal uu cay iyo cambaareyn uu  ku samaynayo Isbitaal Madiina iyo maamulkiisa. Waxaan qiyaasayaa inuu  baad deg-deg ah iga rabay. Si kastaba ha ahaatee, sumcadda Isbitaal Madina iyo maamulkiisa way ka culus tahay mid ay gilgili karto dacaayad raqiis ah oo uu curiyay wariye faashil ah. Waa isbitaal samafal bulsho oo u adeega dhamaan gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Haddii uusan daawo fiican iyo adeeg hufan lahayna ma yimaadeen dadka uu isba sheegay inay Isbitaalka ku soo qulqulayaan, xaqiiqdana bulshada ayaa ka markhaati ah.

Lama yaabin Xujaale-Yare iyo damaciisa waalan, wax kastaaba way ka suurtoobaan isaga iyo aynigiisa. Waxaanse la yaabay in website-yo kale iyo jara'id iska soo guuriyaan war daleecaynaya hay'ad iyo maamul bulshada  dhexdeeda magac ku leh, iyadoon la hubsan in warkaasi jiro iyo in kale; isla markaasna aan wax laga weydiin ciddii ay khuseysay; ama ugu yaraan aan la siin xaqa ay u leeyihiin inay ka jawaabaan eedaha loo soo jeediyey inta aysan warkaa shaacin.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan idinka codsanayaa inaad jawaabtayda oo buuxda ku qortaan bogaggii dhaleecaynta xaq-darrada ah loogu  soo qoray Isbitaal Madiina iyo maamulkiisa .

Waad mahadsantihiin.

Dr. Sheekhdon Salaad Cilmi
Agaasimaha Isbitaal Madiina  

Waxaa soo tebiyey
amiin yuusuf
amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 29, 2005



Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD