SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Daaweynta Cudurka Dhimirka ee Qaranka oo ka bilowdey Dugsiyada Gobolka Banaadir... 

Waxaa si xowli leh uga socda Magaalada Muqdisho olole lagu doonayo in lagu ciribtiro cudurada dhimarka, Mashruucaan oo logu magacdaray DAAWAYNTA CUDURADA DHIMIRKA EE QARANKA (National Mental Healthy Treatment Program) ayaa waxaa iska kaashanaya Isbitaalka Xabeeb iyo Ardada wax ka barata Iskuulada Banaadir waxaana laga fulinyaa 11 Gobol oo ku yaalada koofurta Soomaaliya.


Gudiga Mashruucaan uu Gudoomiye u yahay Kalkaaliye sare C/raxman Cali Cawaale (Xabeeb) oo ah Maamulaha Isbitalka Xabeeb  oo maalmahaan ku jiray booqashooyin  ay ku doonayeen in ay taageero ugu helaan Mashruucaan ayaa shalay booqday Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee UMAL QURAA, waxaana  halkasi ku soo dhaweeyey Maamulka Iskuulkaas oo uu ugu horeeyey Carabow Ibraahim Nuur waxa uuna sheegeen Mamulka Iskuulku in ay amaan u ahayaan Isbitaalka Xabeeb sida uu gurmadka ula doonayo shacabka dhibaataysan ee Soomaaliyeed.

Kalkaaliye Sare Xabeeb oo halkaasi kula hadlay Ardada ayaa uga waramay dhibaatada ay lee yihiin cudurada dhimirka iyo sida looga baahan yahay ardadu inay gacan uga gaystaan. “ walaalayaal wadanka Indiya waxaa ka jira 41 Isbitaal oo dhimirka lagu daweeyo oo ay taalo 20000 kun oo sariirood oo ay ka shaqeeyaan 350  oo Dhaqtar halka wadankeena manta uu joogo hal Dhaqtar” ayuu yiri Kalkaaliye Sare Xabeeb. Mashruucaan oo soconya iyo ilaa December 2009-ka ayey ugu dambeyntii Maamuka iskuulka UMAL QURAA ogolaadeen in Arday walba uu bixiyo 5000 bishan kuwa dambena bil walba ay bixiyaan 2000.

Mashruucaan oo ay wadaan xeel dheereyaal Caafimaad oo uu madax u yahay Kalkaaliye Sare C/raxmaan Cali Cawaale  (Xabeeb) ayaa waxa uu socday mudo dhowr asbuuc ah waxa uuna ku socda si xowli ah waxaa intii ay howshaasi socotay ay booqdeen isla markaana si wan loogu soo dhaweeyey Iskuulaad fara badan oo ay ka mid ahaayeen Dugsiyada  Ablaal, Imnu Qusayma, Aqoon Bile, Albirri, C/raxmaan Binu Coof, Alqudus, Abuu Masri, Almacaarif, Cumar Binu C/casiis iyo Iskuula kale, howshaan oo wali socota ayaa maalmaha soo socda waxa ay booqan doonaan Iskuulo  dhowr ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 30, 2005



Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD