SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

 Gabagabada kulan cilmiyeedkii koowaad ee Muqdisho 

Waxaa caawa oo ay  taarikhdu tahay 1/shacbaan 1426 Hijriga oo ku began 5/09/2005    Lagu Soo gabagabeeyay masjidka weyn Alraxiim  ee  xaafada Towfiiq Kulan cilmiyeed diini ah oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo muqdisho lagu qabto, xafladdii gabagabadana waxaa ka soo qayb galay culimo salaadiin ganacsato qalabka warbaahinta iyo qeybo kale oo ka tirsan bulshada reer muqdisho. Kulan cilmiyeedkaan oo Socday Mudo 10 cisho ah waxaa lagaga hadlay duruus cilmi ah oo ay ka mid ahaayeen 

  • 1-    Ujeedooyinka shareecada

  • 2-    Dilka qofka  muslimka ah

  • 3-    Tawxiidka

  • 4-    Xumaanta Dulmiga

  • 5-    Raacista Nabiga

  • 6-    Xumaanta qabyaaladda

  • 7-    Xiriirka bulshooyinka( al walaa walbaraa)

  • 8-    Ku dhaqanka shareecada

  • 9-    Ka fogaanshaha fuxshiga

Waxaa kale oo dhinac socday duruusta fataawo ay culimadu kaga jawaabayeen su’aalaha dadweynaha oo qaarkood ay ka imanayeen gobolada paltalkga iyo waliba masaajidda muqdisho oo dadweynuhu ay si toos ah ugala socdeen duruusta ka baxaysay kulan cilmiyeedka.

Culimada duruusta iyo fataawaha ka qayb qaadatay waxay ahaayeen:

  • 1-    Sh. Max’ud M. Nuur

  • 2-    Sh. C/raxmaan Sh. C/laahi

  • 3-    Sh. Max’ud Ciise Max’ud

  • 4-    Sh. Yuusuf Max’ed Cilmi

  • 5-    Sh. Axmed max’ed Suleymaan

  • 6-    Sh. Cumar Iimaan

  • 7-    Sh. Max’ed Yaasiin C/waaxid

  • 8-    Sh. C/qaadir yuusuf Cismaan

  • 9-    Sh. C/raxmaan Max’ud Faarax( janaqow)

  • 10-   Sh. Max’ud Axmed Xasan (abuusheyba)

  • 11-   Sh C/llaahi Maxed Cali (hiiraan)

  • 12-   Sh C/llaahi Maxud Ciise

  • 13-   Sh C/llaahi Cumar Nuur

Ujeedooyinkakulan cilmiyeedkan waxaa ka mid ahaa :

  • 1-    In ay gudato culumada waajibka ka saran faafinta cilmiga

  • 2-    Wacyi galinta bulshada iyo koru qaadida aqoontooda diineed.

  • 3-    Ladagaalanka dhaqanka iyo anshaxa xun.

  • 4-    Sixintaanka Waxyaabaha ka qaloocan bulshada diin ahaan.

Kulan Celmiyeedkan Waxay dadweynuhu Si Toos  Socdeen Ideecadaha Magaalada Muqdisho Sida ,Ideecada Quraanka ,Ideecadda Shabeele ,Ideecada Codka Caasimada ,Ideecadda Iqra  sidoo Kale waxay Kala Socdeen Ideecadaha Gobolada sida  idaacadda Darban  ,iyo Hiiraan oo ka hawl gala magaalada baladweyne iyo buule barde,Baydhabona waxay kala socdeen Idaacadda  D m C. Khadaka Teleefanada  waxaa Lagala Socday magaalooyinka: Kismaayo ,Markan ,Cadaado ,Gaalkacyo.Dhuusa Mareeb ,Jalalaqsi. Khadka Internetkana waxaa lagala socday qolka Cinwaankiisu Yahay Somaali Islaamic  Ahlu Sunnaha Waljamaaca. 

Socodsiinta kulancilmiyeedka waxaa ka qayb qaatay oo gacan ka geystay  Shirkadaha Isgaarsiinta Gaar’ahaan shirkadaha  Hormuud Telcom ,iyo Telcom Somalia,iyo shirkadaha xawaaladaha,waxaa iyana ka qayb qaatay shirkadda ganacsiga union, iyo dadweynaha reer muqdihso qaybihiisa kala duwan 

 Kulancilmiyeedkan oo hal ku dhaggiisu ahaa aayadda qur’aanka ah :             (Åä Çááå áÇ íÛíÑ ãÇ ÈÞæã ÍÊì íÛíÑæÇ ãÇ ÈÃäÝÓåã) waxaa soo qaban qaabiyay xafiiska dcwada iyo tarbiyada soomaliya.



Gabagabadii kulanka culimadii ka qaybqaadaty waxay soo saareen bayaankan hoos ku qoran: 

Bayaanka kulan cilmiyeedka  sharciga ah ee Muqdisho 

Annaga oo ah culimada Soomaaliyeed ee ka qayb qaadatay kulan cilmiyeedka diiniga ah ee koowaad oo ka dhacay Muqdisho             23/7 – 1/08/1426H oo ku beegan  27/08 – 04/09 2005 waxaan gebagabada kulankaan ugu baaqaynaa bulshada Soomaaliyeed arrimahaan soo socda:

1.                     Inay ku toosnaadaan oo ay ilaashadaan Tawxiidka Alle ku sharfay, ayna ka fogaadaan shirkiga, isla markaana ay si buuxda u raacaan Rasuulka (NNKH), oo ay ka fogaadaan  bidcada iyo waxyaabaha diinta lagu kordhiyay.

2.                     In Alle loo noqdo, si dhab ahna looga toobad keeno dhammaan dambiyada.

3.                     In ay ku dhaqmaan diinta islaamka, taas oo saldhig u ah horumarka bulshada iyo xallinta dhibaatooyinka haysta.

4.                     In laga fogaado shirkiga,bidcada , dulmiga , fisqiga, fuxshiga iyo anshax xumada horseedday in ummadda diinteedii iyo akhlaaqdii wanaagsanayd la garab maro.

5.                     In ummadda Soomaaliyeed ay ka hortagto cid kasta oo xumaan iyo fasaad ku dhex wadda meelna looga soo wada jeesto ka hortegidda dulmiga iyo xumaanta noocay doonto ha ahaatee , kaas oo waajib diiniya ah.

6.                     In la xoojiyo xiriirka walaaltinimo iyo qaraabannimo ee ka dhexeeya shacabka soomaaliyeed lana adkeeyo iskaashiga iyo wax wada qabsiga , waana in si deg deg ah loo joojiyo colaadaha iyo dagaallada xaaraanta ah ee halakeeyey ummadda soomaaliyeed.

7.                     In culimada , odayaasha iyo waxgaradka ummaddu ay u guntadaan nabadaynta iyo dib –u -heshiisiinta shacabka soomaaliyeed .

8.                     In la joojiyo xaalufinta dagaanka iyo dhirta la jarayo iyada oo loo badalayo dhuxul la dhoofinayo , taas oo khasaare ku ah nolosha dadka iyo dalka.

9.                     In laga hortago si wadajir ah gardarada iyo xad gudubka shisheeyuhu ku hayo ummadda laguna baraarugo shirqoollada dahsoon iyo kuwa muuqda ee la maleegayo waana inaan loo dheg taagin dacaayadaha iyo kutiri ku teenka lagu bannaysanayo dadka iyo dalka soomaaliyeed .

10.               In laysku tashado loona istaago dayactirka iyo hagaajinta adeegyada bulshada iyo danta guud sida : isbitaalada, wadooyinka, iskuulada , jaamacadaha, dekedaha iyo ayriboorrada.

11.               Waxaan si gaar ah u soo jeedinaynaa in la furo dekeda iyo garoonka Muqdisho iyadoo la fiirinayo baahida bulshada Soomaaliyeed , dadkuna arrinkaas meel uga soo wada jeestaan ,waayo lama garowsan karo in kuwii caasimaddu xannibnaadaan  iyadoo dekadihii iyo airaboorada dalkoo dhan furan yihiin   .

12.               xorriyatul qawlka habka reer galbeedku qabo waa mid khilaafsan mabaadi’da iyo akhlaaqda ummadda muslimka ah , wuxuuna la macna yahay in qofku diinta islaamka  ka bixi karo oo gaaloobi karo , tiisa inuu ku dhaqmana loo oggolayn ,  waxaana mawduucaas naga kaafinaya ku dhaqanka shareecada islaamka .

 

Waxaa Saxiixay Bayaankan Culumada Soo socoto:

  • 1-Sh. C/llaahi Maxamud Ciise  _____________

  • 2- Sh. C/llaahi Cumar Nuur_______________

  • 3- Sh. Maxamuud Ciise Maxamuud_________________

  • 4- Sh. Maxed Yaasiin C/waaxid____________

  • 5- Dr. Yuusuf Maxamed Cilmi___________________

  • 6- Sh.  Maxamuud Macalin Nuur__________________

  • 7- Sh. C/raxmaan Faarax Maxamud (Janaqow)_______________

  • 8- Sh. Axmed Maxamed Sulaymaan _____________

  • 9- Sh. C/laahi Maxamed Cali (Hiiraan)-----------------

  • 10-Sh. C/raxmaan Sh. C/laahi Cumar---------------------

  • 11-Sh. Maxamuud  Sh. Axmed Xasan Abuu Shayba--------------

  • 12- Sh. C/qaadir Yuusuf Cismaan.

  • 13- Sh. Axmed Bile Xasan         _________________________

  • 14- Sh. C/fitaax Xasan Axmed_________________

Wabillaahi-Tawfiiq  
Muqdisho –somalia     
5/09/2005   
xafiiska dacwada iyo tarbiyada soomaaliya

dacwah@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |Sept 6, 2005


Kulankii Soomaalida Woqooyiga Ameerika oo Lasoo Gabagabeeyey

Kulan diineedkii 5aad ee W/Ameerika oo saddexdii beri ee uu ka socdey Minneapolis ay kasoo qayb galeen kumayaal Soomaali ah ayaa xalay kusoo gabagaboobey guul, warbixin guud ee ku saabsan sidii uu u dhacay kulankaasi 
Ka Akhri halka Sept 5

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD