SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

Ficilada Jaahilnimada Soomaalida samayso waxaa ka mid ah:

Maxamed Maxamuud
korwaayeel@yahoo.com

Hore waxaan u soo sheegnay saf gelid la'aanta iyo isku tumashada Soomaalida, gudniinka fircooniga, garaaca haweenka, dagaalka qabiilka, dawlad aqoon la aanta,

  1. New Otleans dadkeeda oo lala simay qashin tuuridda Soomaalida. Sida Soomaalida ayey qashinkii meel kasta ku tuuraan.
  2. nadaafad xumida iyo qashin oo lagu tuuro jidka. Meel qashinka lgu rido ma yaqaanaan hadday jirtona ma qaadi karaan.
  3. Kaadida iyo xaarka oo ku soo badanaya wadooyinka Soomaalida.
  4. Jardiinooyinka ama beeraha dadweynaha ma dhaqaalayn yaqaanaan. Ma laha beero guud waayo ammaankooda iyo nadaafadiida ma ilaalin karaan. Beeraha dadweynaha waa qashin qub.
  5. Musqulo guud ma yaqaanaan in la sameeyo haddii la msameeyona ma nadiifin karaan.
  6. Cayda oo ku soo badatay bulshada Soomaalida. gaar cayda hooyada iyo aabaha. Waxaase dhowaan soo baxay kuwa ku yiraahda ragga waxaas ayaan kugu samaynayaa. Qofkii maqla sida suuqyada magaalada la isugu caayo gaar ahaan dhalinyarada xataa gaalada sidaas isuma caydo.
  7. Ardayyda adduunka waxaa la siiyaa discount ama qiimaha ayaa wax laga dhimaa ilayn waa ardaye. Soomaaliya arday ma dhaqaalayso.
  8. Qofkii xubin la ama curyaan ah waa lagu caayaa oo maba yaqaanaan abuurista ilaahay. Dadka waalan iyo xoolahaba looma naxariisto.
  9. Si xun bay xoolaha ugu guuraan. Waxaase u sii daran kuwa biyaha ku dhaamiya ama dameeraha ku shaqaysta.
  10. Sharci ilaaliya xuquuqda dadka iyo xoolaha ma qabaan.
  11. Qofkii maskiin ah doqon bay u yaqaanaan. qofkii wax dila ama dhaca geesi la qadariyo waaye. Sicirka qofkii maskiin ah oo aanan garanayn xirfadda gorgortanka waa la dhacaa nahaabkana waxaa uu bixiyaa lacag yar. Soomaalia waa maskiin u daran
  12. Goobaha dadweynaha waxaa la isugu faanaan qabiilkayga ayaa kaa fiican ama kaa adag. waxu ma ciyaal baa.
  13. Jahli badan xaasidnimo badan, naxariis la'aan wadaninimo xumo ayaa iskugu darsantay.
  14. Waa dad duurjoog ah. Soomaalia waxaa ka jira law of jungl kii kaa xoog yar cun.

Qaybtii hore k aakhri halkan....

Maxamed Maxamuud
korwaayeel@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 8, 2005

»Baaqa Baarlamaanka Puntland Ma Mid Wadaniyadeedbaa| kaashawiito
»Qoraal uu London kasoo saaray Inj. Sayid Axmed Sh. Daahir....
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD