SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARAYSI C/LAAHI AXMED CADDOW. 

SANAD BAA DHAMAADAY, WAXNA LAMA QABAN. ..... ..... TARTAN KALE HADDII LAQABTO, WAA U TAAGANAHAY. 

C/Laahi Axmed Caddow wuxuu kamid yahay ruug-cadaayada Siyaasada Soomaalida, taariikhdiisa intii badneyn wuxuu ahaa nin ku dhexjiray maamul dowladeed oo jagooyin kala duwan ka soo qabtay dowladihii dalka soomaray. Muddo dheerna wuxuu ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya Maraykanka, sidoo kale wuxuu soo qabtay dhawr Wasaaradeed.

Labadii shir ee loo qabtay dib-u-heshiisiinta Soomaalida wuxuu kamid noqday tartamayaashi u tartamay jagada Madaxtinimada Soomaaliya, taasoo uusan ku guuleysan inuu helo jagadaas.

Waraysigan oo aan ka qaadnay isagoo ku sugan Nayrobi wuxuu u dhacay sidatan.

SOMALITALK: Hal sano ayaa ka soo wareegtay xiligii la dhisay dowladkii kumeel-gaarka ahayd ee loo doortay Madaxweyniha kumeel-gaarka ahaa. Adigu maadama aad ahayd ninkii labaad ee tartankii Madaxti-nimada, maxaad ku qiimeyneysaa wixii u qabsoomay dowlada iyo waxaan u qabsoomin?

CADDOW: Bismilaahi Raxmaan Raxiim. Fahad Adeer waad mahadsantahay. Waa la ogyahay sanad ayaa dhamaaday, wax la taaban karo oo ummada loo qabtay oo  adeegii la rabay ahna ma’aysan dhicin, balse waxaaba abuurmay khilaaf weyn oo la’isku hor joogo oo lasii kala fogaaday, meeshii Baarlamaanka iyo xukuumada laga filayey iney ummada u bilaabaan wixii ay ka sugaysay, halkaas ayey u kala dhaqaaqeen, oo qaar Jawhar ayey dageen, qaarna Muqdhiso, kuwa kalena meelo kale ayey ku firirsan-yihiin, gudaha iyo dibada, halkaasna ayaan darro weyn ayaa ka soo baxday, waxaana rajaynayaa in danta ummada laga hor mariyo danta khaaska, maadaama iney ummada u sheqeeyaan loo doortay, hadana ummadii waa ay dhawreysaa, ilaa iyo hadana waxba kama naasa-cada.

SOMALITALK: Laba tartan oo hore ayaad ka qayb-gashay, si’ay ku dhacdayba kuma aadan guuleysan inaad gaarto hankaadii ahaa inaad noqoto Madaweynaha Soomaaliya. Maxay tahay sababta baad u malayneysaa?

CODDOW: Aniga waxaan sababteeda ka dhigayaa iney tahay Ilaahay maqaadiirtiis, wixii uu Ilaahay xukumo ayaa soconaya, sidaa soo ay tahay, dadkii halkan Nayroobi cid khasbaysay oo xabad dhafoorka uga haysay majirin, marka mudane C/Laahi Yuusuf codad aad u balaaran ayey ku doorteen, qofkuna marka uu magaca qorayo, isaga ayey u taalaa, waxaana laga rabay ama laga rabaa qofka wax dooranay inuu damiirkiisa wax ku doorto, aragtida uu arkayo inuu waajibkiisa gudanayana uu wax ku doorto, koley tii ilaahayna meesha waa ku jirtay.

SOMALITALK: Hadaba siday wax u dheceen waad aragtay, waxaadna ku qiimeysay inaan ummadii waxba loo qaban. Adiga barnaamij ayaa kuu dagsanaa, maxaad u malayneysaa haddii adiga lagu dooran-lahaa inaad qaban-lahayd?

CODDOW: Aniga haddii la idooran lahaa waxaan qaban-lahaa, waxaan sheegay markii anoo Ameerika jira halkan la’isku qabtay ciidamo wadamada dariska halaga keeno, iyo meeshii ladagi lahaa, aniga waxaan ka hadlay BBC-da waxaan ku geesi-galiyey Madaxweyne C/Laahi Yuusuf inuu xamar tago, Barlamaanka iyo dowladana ay Xamar tagaan. Sidoo kale dowladaha aan dariska nahay qaarkoodna iney jirto xasaasiyad taariikhi ah, marka in laga reebo in ciidamo dariska ah lakeeno, arintaasna waa mid qoran. Waxaana qabaa hadii Madaxweynuhu taladaas yeeli-lahaa in si balaaran oo xoog leh loo soo dhawayn-lahaa, sidii Mudane C/Qaasim loo soo dhaweeyey si lamid ah ayaa loo soo dhawayn-lahaa. Mudane C/Laahi Yuusuf colaad u tiilay ama utaala Muqdisho oo aan anigu ogahay majirto, marka xaaladu waxay ka qaloocatay aniga aragtiyada markii la’isku qabtay ciidamda safka hore hala keeno iyo lakeeni maayo, iyo meeshii ladagi-lahaa, meel kale oo la dagi karana majirto, caasimadu Muqdisho weeye, waligeedna wey ahayd, tasiilaadka iyo dhismaha ku yaala Muqdisho meel kale oo Soomaaliya ah oo ay ku taalo marjito, hay’adaha dowladana meel kale oo qaado lama’arko.

Koley aniga aad baan ugu dhiiriyey Baarlamaanka iyo dowladaba iney dagaan Caasimada.

Haddii taladaas lagu dhaqaaqi lahaa, maanta waxaan haysan-lahayn dowlada Caasimadii ku shaqaynaysa, aqoonsigii iyo shuruudihii aduunku ku xiray in dalka la tagana waxbaa ka soo bixi-lahaa.

Haddii aan anigu jagadaas ku guulaysan-lahaana murankaas oo dhan ma dhaceen, oo si toos ah ayaa Xamar loogu guuri-lahaa.

SOMALITALK: Sidee Xamar ugu guuri-lahayd adoo arkaya xaalada nabad-galyo-darro, iyo nimankii dagaal-oogayasha ahaa ee xariifiinta ku’ahaa in waxwalba la dumiyo, hadaba dowlada aad Madaxweyne u tahay sideed xamar u geyn-lahayd, sow wax sahal ah ma’ahan in sidii C/Qaasim laguula dhaqmo, ama Madaxweynahaba dhib loogu geysto?

CADDOW: Waxaa weeye dowladan halkan lagu dhisay kii Carta waa ka duwanaa. Xildhibaanada lasoo doortay waxaa ku jiray hogaamiye-kooxeed-yadii, waana dhaarteen, waxaana laga saxiixay iney u hoogan-samayaan dowladan cusub, hubka wareejinayaan, kadibna waxay noqdeen wasiirro, oo xukuumadii ayey kamid noqdeen, marka la’iskuma matali karo dowalada Nayrobi lagu dhisay, iyo tii Carta lagu soo dhisay.

Tii Carta hogaamiye-kooxeed kaqayb galay majirin, markii Xamar la yimidna,  anigu waan joogay Xamar, waxaan ogaa in hogaamiye-kooxeed-yadu ay diyaar u ahaayeen iney ka qayb-galaan xukuumadii mudane C/Qaasim, nasiib-daro waxaa dhacday inaan lagu casuumin iney ka soo qayb-galaan xukuumada.

Waxaan la socdaa bilowgiiba markii Cali Khaliif lagu magacaabay Jabuuti, kuligood waa wada yimaadeen, qaar kamid ahaa hogaamiye-kooxeed-yadii diyaar bey u ahaayeen iney xukuumada ka soo qayb-galaan, oo ay Wasiiro noqdaan, waana arin la’ogaa oo taariikh ahayd.

Marka adeerow labadaas shir wax la’isku matala ma’ahan, mid wuxuu ahaa shir loo dhamaa, kii cartana kama aysanba qayb-qaadan, kolkii xamar layimidna waa anigii ku iri intooda badan diyaar bay u ahaayeen, saad la socotona Mudane Maxamed Qanyare waa ka qayb-galay dowalada, marka hadii ay wax ka fashilmeen nidaamkii Carta lagu soo dhisay, waxay ka fashilmeen gudaha, laakiim lama oran karo sababta waxaa lahaa hogaamiye-kooxeed-yada, maxaayeelay kamaba aysan mid ahayn.

Khilaafka halkan wuxuu ku salaysnaa xagee la dagaa, iyo yaa ciidan-ahaan loo keenaa, ee ma’ahan khilaaf ku salaysan siyaasad oo kii Carta lamid-ahaa. Taas waa mid.

Tan labaad hogaamiye-kooxeed-yadu intooda badan waxay doorteen Madaxweyne C/Laahi Yuusuf.

SOMALITALK: Arrimihii aad la’isugu qabsaday waxaa kamid ahaa hub kadhigista, maadama ay dadkii is aamini waayeen, sideed u aragtay in ciidamo ajnabi ah wadanka lakeeno, si’ay dadka hubka uga dhigaan?

CADDOW: Ciidamo ajnabi ah in lakeeno dalka wax lagu ordo ma’ahan, marka hore adigu is tijaabi. Anigu waxaan qabaa habka ciidan qaran loo dhisi-lahaa sida hadda lagu bilaabay kii wax fududeyn-lahaa ma’ahan.


C/lahi Yusuf
Da': 71 jir

Doorashadii madaxweynaha Soomaaliya ee October 2004 lagu qabtay Nairobi C/lahi Yusuf waxa uu helay 189... Guji...

C/lahi Caddow
Da': 65 jir

Doorashadii madaxweynaha Soomaaliya ee October 2004 lagu qabtay Nairobi C/lahi Caddow waxa uu helay 79... Guji...

Doorashadii Madaxweyne C/lahi

Fahadoow anigu waxaan aqaanaa Wasiirka Gaashaan-dhigga Janeraal C/Raxmaan, aad ayaana u aqaanaa, markii aan Safiirka ka’ahaa Waashintoon, asna ku qaybsana arimaha milatariga ayuu ahaa, waa nin Soomaali ah, waa nin waaya-arag ah, sidoo kale ninka loo magaacabay taliyaha xooga dalka Soomaalida Janeraal Ismaaciil Naaji isna waa nin khibrad weyn u leh ciidanka, waana niman yaqaana saraakiisii qaranka Soomaaliyeed noocay rabaan ha’ahaadeenee, waxay ahayd inta aanba la bilaabin ciidamo dibada halaga keeno, ama kuwa kale meelo gaara halaga keeno, waxay ku habooneyd in labadaas janan Wasiirka iyo taliya ay abuuraan gudi saraakiil sar-sare ka kooban, oo dibada ayey joogaan, waana diyaar iney soo galaan, waana dad Soomaali oo dhan ka kooban, oo lama oran karo qabiil gooni ah ayey u dhasheen, iyagaas inta loo yeero oo gudigaas ladhiso Wasiirka iyo taliyuhuna ay madax u noqdaan, markaas raggaas waaya-araga ah la dhaho sidee baan u dhisnaa qarankii Soomaaliyeed, oo halkaas hawsha laga bilaabo.

Hawshaas in mar hore la bilaabo ayey ahayd, hadase dadkii irdho ayaa gashay, waxaana habooneyd in laga fogaada wixii dadka irdho galinaya, waxayna ahayd in wadanka oo dhan xeryo ciidan laga sameeyo, hadday tahay Bay iyo Bakool, hadday tahay Jubooyinka, hadday tahay Puntlad, iyo hadday tahay Banaadir.

Haddase waxaan maqlayaa in ciidan lagu uruurinaya oo lakeenay Jawhar, kuwa xamarna ay iyagu is diyaarinayaa, halkaasna ay dhici karto inuu dagaal ka dhaco, dagaalkaasna uu isu badali karo dagaal sokeeye, halkaasna ay wixii laba sano iyo barka lagu tacabba beelay ay meshaas ku fashilanto.

Waxaan qabaa anigu fikradaas aan kor kuugu soo sheegay, mana lihi wakhtigii waa dhamaaday, hada lafteeda waa loo dhaqaaqi karaa hawshaas, si loo dhiso wax ay dadku aamini karaan.

SOMALITALK: Hal sano ayaa ka soo wareegtay inta uu C/Laahi Yuusuf Madaxweynaha yahay, intaas marna mala xiriirtay, ama isagu makula soo xiriiray, maxaadse in dhahdeen hadaad wada hadasheen?

CADDAW: May. Wax hadal oo aniga iyo Madaxweyne C/Laahi Yuusuf na dhexmaray ma jirto, habeenkii doorashada dhacaysay waan is garab fadhinay, habeen-kaas ayaa aragiisana iiguu danbeysay, wax xiriir ah oo kadib na dhaxmarayna haba yaraatee ma jirto.

SOMALITALK:  Dad badan waxay kugu eedyaan inaad tahay nin iska maqan, oo safaro dibada ah isaga jira, markii doorasha lagaaro un lagu arko, inta ka horeysana aad maqan-tahay, marka eedaas ma’u aragtaas arin sax ah?

CADDOW: Maqabo eedaasu iney tahay mid meesha ku jirto, cidii eedaas wadana kama aqbalayo. Anigu dalka waan tagaa, hadana waan usocdaa, mudana waanba joogay. Muqdisho waa daganaan-jiray, dalka hadaan taganaya waa iyada meesha aan tagi-lahaa. Doorasho marka ay dhacaysana, aniga kaliya ma’ahee, ummada oo dhan ayaa meel kasta ka timaada, dibada ayaa laga yimaada, gudaha ayaa laga yimaadaa.

Marka xamar iska fadhi manco la’aan sax uma arko, anigu ganacsade ma’ahi, waligay shaqo dowladeed ayaa ku soo jiray. Haddii aan maqanahayna anigu dareen iyo xumaan kuma maqni. Anigu hogaamiye-kooxeed ciidan haysta ma’ahi. Laakiin dalka waan tagaa, eedaasna mid caqli ku fadhida ma’ahan.

SOMALITALK: Maadama aadan dawlada ka tirsanayn, dadka qaarkiis waxay qabaan inaad u istaagi-karto dhex-dhexaadinta labada garab ee dowlada, maxaa arintaas ka qabatay? Sideedse u aragtaa inaad hawshaas u istaagto?

CADDOW: Run weeye anigu dowladan kama mid ahi, labada qaybood ee is-hayana mid garab uma’ahi, laakiin baahidu waxay ka timaadaa cida markaas rabta in wax lala qabto, marka qoladan Gudoomiyaha Barlamaanka madaxda u yahay ee Xamar joogta, ama qolodan Jawhar joogta ee Madaxweynuhu madaxda u yahay midkoodna igama codsan inaan dhex-dhexaadiyo, markasta anigu waxaan u taagnaa wixii umadaan danteeda ah inaan wax ka qabto, haddiise aanan anigu nidaamkii ku dhex jirin, oo aan banaanka ka joogo, iyaguna aysan ila soo xiriirin, hade anigu sidii nin biyo isku tuuraya madax madax isuguma gani-karo, marka arin aanan la’iga codsanin magali karo.

SOMALITALK: Mudo waxaad joogtaa Nayrobi, cabaarna waad fadhidaa halkan, marka safarkaagan ma mid aad dhaq-dhaqaaq siyaasadeed wadaa? Mise waa safar shakhsi ah ?

CADDOW: Aniga hadda ma’arko dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo furan, dhibaatooyinna waaba taagan-yihiin, laakiin anigu siyaasada nin kaharay ma’ahi, waana u taaganahay, waana ku sii jiri-doonaa siyaasada inta aan noolahay oo aan fiyoobahay, siyaasada aan ku fakarayo waxay ku dhisantahay waxa ummadaas dan u ah, oo masaalix-dooda ku salaysan, marooqisana uma socono, qofku hadduu bislayl siyaasadeed gaarana waxaa waajib ku ah inuu dalkiisa wax u qabto, hase’ahaatee hada majiro dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo aan hayo.

Dhawaan inaan Xamar tago waan ku tala jiraa, haddii aan tagana wixii aan ka qaban-karo waan ka shaqaynaya.

Maanta uma taagni mansab siyaasadeed, maxaa yeelay ma furna, waagii ay furanto Allaha nagaarsiiyo.

SOMALITALK: Su’aasha u danbeysa. Hadalka aad tiri ee ah waagay furanto alaha-nagaarsiiyo, macnaheeda ma waxaaweeye haddii doorasho kale lagaaro waan u tartamayaa?

CADDOW: Haddii ay doorasho kale timaado oo aan fayoobahay dabcan waan u kutala jiraa inaan u istaago, hase’ahaate waa wakhtigeeda iyo munaasabadeeda waxa ku xiran.

DHAMAAD.

Waraysigan waxaa qaaday
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 18, 2005


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD