SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Shariif Xasan oo si weyn loogu soo dhoweeyay London Saaka oo Jimca ah. 

30.09.2005

Ridwaan Xaaji Cabdiweli, London. 

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aden iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Saaka kasoo dagay Garoonka Caalamiga ah ee Heathrow ee ku yaala Magaalada London isagoo ka yimid socdaalo uu kusoo kala bixiyay Dalalka Maraykanka iyo Canada oo maalmahan uu kula kulmayay Mas'uuliyiin iyo Soomaalida ku nool dalalkaasi.

Socdaalka Shariifka waxaa si weyn ugu soo dhoweeyay London Soomaali aad u fara badan iyo Xubnaha Ururka Somali Concern Group oo ay kamid yihiin Gudoomiyaha Ururkaasi Eng Yariisoow iyo Xoghayaha Guud ee Ururkaasi Cabdulaahi Taleefan. 

Shariifka waxaa socdaalkiisa ku wehelinayayWafdi uu kamid yahay Xildhibaan Cabdiraxmaan Ibbi , waxaa kaloo iyana la sugayaa in ay isla London soo gaaraan qaar kamid ah Wafdigii horay usii raacay Shariifka oo wafdiga Gudoomiyaha aan la soconin maanta. 

Mar aan khadka Taleefanka kula xiriiray Shariif Xasan mudada ay joogayaan Magaalada ayaa waxaa uu ii sheegay in ay u qorshaysantahay ilaa maalinta Talaadada ah in ay joogayaan london isla markaana ay la kulmi doonaan mudadaasi Siyaasiyiin ajnabi iyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool London. 

Horay waxaa Magaalada London u sii joogay Xildhibaanada kala ah Md. Maxamed Xassan Daryeel, Md. Sakariye Maxamud Xaji Cabdi iyo Mustafe sheikh cali dhuxulow. Waxa kale oo ku sugan xildhibaan Maxamed Cabdi Yusuf oo isna maalmahan ku sugnaa london.

ridwanhaji@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 30, 2005

UNHCR oo Qaar ka tirsan Qoxootiga Xerooyinka Dhabaab dib u celisay Soomaaliya
Qaxootigaas oo maanta dib loogu celiyey  Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso... Guji... Aug 16,2005

WARBIXINADII HORE EE XERYAHA QAXOOTIGA EE SOOMAALIDU KU JIRAAN EE KUYAAL KENYA


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD