SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

Minnesota: Xaflad Loogu Mahad Celinayey Dadkii ka Qayb-qaatay iibkii Dhismaha loo iibiyey Masjid Dar-al-Hijra oo lagu qabatay Minneapolis.......

(SomaliTalk.com: July 2, 2006): Galabnimadii Sabtida (july 1) waxaa magaalada Minneapolis lagu qabtay xaflad aad u ballaaran oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka Masjid Dar-al-hijra (Minneapolis), xafladdaas oo loogu talo galay in loogu mahad celiyo dhammaan dadkii ka qayb qaatay iibinta dhismihii loo iibiyey Masaajidka iyo la soo wareegida dhismahaas oo ku yaal xaafada Cedar ee ay Soomaalidu u badan yihiin.


Dadkii ka soo qayb galay xafladii mahad celinta

Culimadii iyo waxgaradkii halkaas ka hadlay waxa ay dadweynihii soo buuxiyey xarunta shirarka ee dugsiga Sare ee South High School u sheegeen muhiimada ay leedahay in dhismahaasi ku soo wareegey masjidka si muslimiintu halkaas ugu cibaadaystaan, uuna ahaado dhisme dhaxal u ah Muslimiinta reer Minnesota. Waxana la xusay in dhismaha hadda masjidka ku soo wareegey in ilaa 1998 la kiraysnayey oo bishiiba qiyaastii ay Masjidka ku bixijirtey $4000. Laakiin Allah mahadiis hadda dhismahaasi waxaa masjidka loogu iibiyey $400,000. Arrintaas oo ay ka qayb qaateen Muslimiinta reer Minnesota. Sidaasna Xaflad mahad celin ah loogu sameeyey.

Waxaa Soomaalidii halkaas isugu timid lagu guubaabiyey in ay carruurtooda baraan luqada Afka Soomaaliga, waayo luqadda Soomaaliga oo gabaabsi ku ah dhallaanka Soomaaliyeed ee qurbaha ku barbaaray. Waxaaba la xusay in haddii xaaladu sida ay hadda tahay ku socoto in muddo 50 sano gudohood ah uu suuli doono Afka Soomaaligu ama uu ku milmi doono luqado kale. Waxaa kale oo lagu guubaabiyey in ay wax bartaan, gaar ahaana carruurta ku dhiiri geliyaan in ay wax bartaan, kana faa'iidaystaan fursadaha ay haystaan.

Waxaa xafladda lagu soo bandhigay barnamij isugu jirey taariikhda masjidka, wacdi, duco iyo kedis dhex maray arday da'yar.

Sheikh C/Raxmaan Shariif, oo ah iimaamka Masjidka AlHijra, ayaa gabagabadii xafladda waxa uu dadkii ka soo qayb galay uga mahad celiyey imaatinka ay yimaadeen xafladda. kaddibna halkaas ayaa lagu cunay casho sharaf loogu tala galay dhammaan intii xaflada ka soo qayb gashay. (Warkii la soo wareegida Masjidka hoos ka akhir)...


Minneapolis: Masjidka Dar-Alhijra oo $400,000 kulasoo Wareegey Dhismihii Beeca ahaa...

SomaliTalk.com | April 8, 2006

Waxaa farxad u ah maamulka Masjidka Dar-Alhijra ee magaalada Minneapolis, USA in ay idinla socodsiinayaan in dhismihii beeca ahaa uu si rasmi ah ugu soo wareegey Masjidka maalintii Jimcadii oo Taariikhda Islaamku ahayd Rabiicul-Awal 9, 1427 (oo ku beegnayd April 7, 2006). Waana Allah mahadiis in arrintaas lagu guuleystey.

Sh. C/Raxmaan Shariif oo ah iimaamka Masjirka Dar-Hijra ayaa SomaliTalk.com u sheegay: in bishii Agoosto ee sannadkii 1998 Masjidka laga furay dhismaha hadda sida rasmiga ah ugu soo wareegtey . Waxaana dhismahaasi uu beec ama iib noqday May 29, 2005. Markaas ayaa muslimiinta deggan Minnesota bilaabeen sidii ay dhismahaas ugu iibin lahaayeen Masaajidka. Waxaan arrintaas lagu guuleystey Jimce April 7, 2006 oo dhismihaasi uu si rasmi ah ugu soo wareegey Masjidka.

Sh. C/Raxmaan Shariif waxa uu intaas ku daray in lacagta dhismaha masjidka lagula soo wareegey ay tahay $400,000 doollar. Lacagtaas oo ay tabarucaad u bixiyeen Muslimiintu.

Sh. C/Raxmaan Shariif waxa uu hambalyo iyo duco u diray dhammaan intii gacan ka geysatey soo ururinta iyo deeqda lacagta masjidka loogu iibiyey dhismaha.

Sawiradii Xafladii masjidka loogu soo wareejiyey dhismaha ee la kala saxiixday Jeega masjidka loogu iibiyey dhismaha hoos ka daawo:

 
Sh. Casalaam oo jeegii ku wareejinaya mulkiilihii dhismaha.
 




Masjidka Dar-Alhijri waxaa lagala xiriiri karaa Tel: 612-339-4235.

Cinwaanka Masjidku waa:

Dar Al-Hijrah Cultural Center
504 Cedar Ave. S
Minneapolis, MN 55454
(612) 227-3933
(612) 558-5389
www.daralhijrah.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 8, 2006



WARARKII HORE EE KA QAYB QAADASHADII IIBINTA MASJIDKA DAR-ALHIJRI

Minneapolis: Ka Qaybqaadashada Iibinta Dhismaha Masaajidka.. Warbixintii C/salam