SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOOSAASO


Wasiirkii hore Maaliyada Puntland oo Geeriyodey 
 
05.January.2006 somalitalk. Bosaso.somalia

Magaalada Boosaaso waxaa ku geeriyoodey marxuum Siciid Maxamed Maxamuud (Siciid Caduur), waxaana marxuumka lagu aasay magaalada Boosaaso. Warbixin ku saabsan tariikh nololeedkii marxuumka hoos ka akhri...


 
Taariikh Nololeedkii Marxuum Siciid Caduur::

Allaha u naxariistee marxuum Siciid Maxamed Maxamuud oo lagu naanaysi jiray (Siciid Caduur) oo saaka aroortii ku geeriyooday
Isbitaallka Puntland ee magaalada Boosaaso horayna xilal uga soo qabtay dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa isla maanta lagu aasay qabuuraha Biyo Kulule ee dhinaca Bari ee magaalada Boosaaso.

Aaska marxuumka waxa ka qayb galay sii hayaha xilka madaxweynaha ahna wasiirka arrimaha diinta iyo Awqaafta ee maamul goboleedka Puntland Barkhad Cali Saalax, wasiirka Dowlahadaha Hoose iyo horumarinta reer Miyiga Cali Cabdi Awaare, wasiir ku xigeenka Hawlaha Guud Maxamuud Bile Dubbe iyo madax kale oo aad u farabadan.

Sidoo kale aaska marxuum Siciid Caduur waxaa ka soo qayb galay issimo, dadweyne aad u farabada oo isugu jiray ehelladiisa iyo dad kale oo marxuumka si wayn aqoon ugu leh.

Marxuub Siciid Maxamed Maxamuud (Siciid Caduur) wuxuu ku dhashay magaalada tan Boosaaso sanadkii 1937-kii, hooyadii waxaa la oran jiray Saynab Maxamed.

1953-dii waxaa loo qaatay ciidamadii daraawiishta ee la oran jiray Wiilwaa oo saldhiggoodu ku yaallay magaalada Beledweyne

1960kii wuxuu noqday hogaanka maamulka lacagta ee ciidamada Booliska.

1968-dii wuxuu ka ruqsaystay ciidamadii booliska isagoo isku sharaxay inuu noqdo mudane baarlamaan isagoo iska sharraxay xisbigii la oran jiray Xisbiga Hawliga iyo Hantiwadaagga ee magaalada Boosaaso.

March 1969kii ayuu si rasmi ah uga mid noqday xildhibaannada baarlamaanka

Biishii may isla sanadkaasi waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada.

Isla sanadkaasi markii uu inqilaabku dhacay kama uusan mid noqon wasiirradii la xiray.

Sanad ka dib 1970-kii waxaa loo magacaabay agaasimaha madbacadda gobollada waqooyi galbeed.

1975-tii waxaa loo magacaabay agaasimaha waaxda ganacsiga ee madbacadda qaranka ee xamar.

1978-dii waxaa loo magacaabay ku xigeenka maareeyaha madbacadda qaranka ilaa iyo burburkii dhacay ayuu xilkaasi hayay isagoo welibana ahaa agaasimihii waaxda ganacsiga.

1991-dii -1992-dii markii ay burburtay dowladdii dhexe wuxuuka mid noqday guddiyadii ururka SSDF-ta ee gobolka Mudug.

Wuxuu ka mid ahaa dadkii markii C/laahi Yuusuf raacsanaa xiligii uu gudoomiyaha SSDF ahaa ayna isu raaceen magaalada Muqdisho iyo weliba dalka Itoobiya.

1993-dii wuxuu kamid noqday ergadii ka qayb qaadatay shirkii dib u heshiisiinta Mudug ee lagu qabtay magaalada Muqdisho.

1996-dii golihii dhexe ee SSDF isagoo gudoomiye ka ahaa golihii hanti dhowrka ee SSDF.

1998-dii wuxuu ka mid noqday aas aasayaashii dhismaha dowlad goboleedka Puntland, xilkii ugu horreeyay ee loo magacaabay wuxuu ahaa wasiirka maaliyadda ee dowlad goboleedka Puntland wuxuuna xilkaasi hayay ilaa bishii June 2003-dii.

Isla sanadkaasi 2003-da waxaa loo dhiibay xilka wasaaradda caafimaadka.

Wax xil ah ma uusan qaban marxuumka ka dib markii madaxweynaha Puntland loo doortay Jeneraal Maxamuud Muuse Xirsi.

Mudooyinkii ugu dambeeyay marxuum Siciid Maxamed Maxamuud Siciid Caduur xaaladiisii caafimaad waxay ahayd mid aad u liidatay. Wuxuuna dhowr jeer uu safar caafimaad u tegay magaalada Nairobi.

Marxuumka wuxuu lahaa hal xaas oo lagu magacaabo Cibaado Dhaadey Magan, wax caruur ahna ifka uguma tegin.

 

Iidle macalin omar
xaragouk60@hotmail.com

Waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyey:
Axmad ibrahim <xiirane84@hotmail.com>

Tacsida ehelka marxuumka waxaa loogu hagaajin karaa email: xiirane84@hotmail.com

Isha: GarooweOnline/SBC

Jan 5, 2006


C/Laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Kala Saxiixday Heshiis
Heshiisku waxa uu dhigayaa in la soo afjaro khilaafkii u dhexeeyey... Guji... Jan 5

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com





HTML CD