SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Salkeedii waa la soo xaaray : Quurisgu qiil ma uu lahan!
Guji...

Guur
guurka Saxafiyiinta Idaacadaha Muqdisho
. Guji...

XAFLADII GUNAADKA KOOBKII NABADA 
Guji...

Codsi ku socda Maamulka iyo shacabka Soomaaliland oo
 GUJI..
Daabaco Boggan | Print


Doorashada Canada, Soomaalidu ma ka qaybqaadan doontaa?? 

Qaybtii 2aad::

Gogoldhig:

Cali Odowaa, Toronto, Canada
email: odowaa3@yahoo.ca
Jan 14, 2006

Maqaalkani wuxuu akhristaha u iftiimindoonaa arimo ka caawindoonaa in aad si aqoon ku dhisan uga qaybqaadato una barato xisbiyada ku tartamya doorasha Canada, ee dhici doonta January 23, 2006. Mawaadinaka Somali-Canadianku waa inuu maanka ku hayo, in xiligan hada la joogo uu wadanka dhaqaalihiisu aad u fiican yahay, laakiinse uu isbedelidoona  sanadaha soo socda. Aqoonyahanadda dhaqaalaha (economists) u dhuundaloola  waxay sheegeen in ay dhicidoonta in dhaqaalaha gobolada dhexe sida Ontario uu hoos u dhicidoono. Halka gobolada galbeedka (Alberta) iyo qaar ka mid ah bariga (Newfoundland) uu sare u kicidoono. Waxaa dhaqaalaha kicin doona waa shidaalka, gaar ahaan labada gobol ee Newfoundlan and Alberta. Guud ahaan saadaalintu waxa weeye, in dhaqaalaha Canada samayn doono hoos u dhac yar.  Sidaa daraadeed marba haday siyaasaddu tahay Who Gets What and How?, waxaa lagama maarmaan ah in daraasad kooban lagu sameeyo  xisbiyada talaa wadan ku tartamayaa.  Maqaalkani wuxuu is barbar dhigidoonaa labada xisbi ee ugu cad cad tartanta  talada Canada. Su’aashu waxa weeye maxay tahay sababta aan ugu soo koobay labo xisbi, iyadoo ay in kabadan AFAR xisbi ka qaybgalyaan tartanka doorashada sanadkan? 

Akhristow inkasta oo ay adagtahay in layiraahdo xisbigaa baa talada qabandoona, hadana waxaa jira taariikh so jireen ah oo u baahan in diiradda lagu ifiyo. Marka aan dib u jaleecno, taariikhda xukunka Canada, xaqiiqdu waxay tahay, waa tartan ka dhexeeya labo xisbi oo qudha, Liberalka iyo Conservative.  Nasiibdaro New Democratic Party (NDP) inkastoo uu yahay xisbi leh muhiimaddiisa, weligii maqaban talada wadanka; mana aha, mid waxbadan ka qabankara doorashada sanadkan. Sidoo kale Xisbiga Block Quebecua (BQ) waa xisbi ku kooban gobol qudha. Sidaa ayay uga baxayaan tartanka sanadkan. Oo uu  unoqday tartan ka dhexeeya lbao xisbi oo keliya, Conservative Party of Liberal Party. 

Sidaa daraadeed waxaa muhiim ah  inaan ogaano waxa ay ku kula duwan yihiin labadaa xisbi ee Conservative iyo Liberal? Gaar ahaan dhinaca arimahada bulshada (social policy), dhaqaalaha (economic policy), siyaasadda debedda (foreign policy), IWM.

1.

Marka hore waxaa lama huraan ah inaan cadeeyo in xisbiga Concervative Pary of Canada (CP) uusan ahayn kii Soomaalidu ku taqaaney, Prime Minister Brian Mulroney, ee talada wadanka hayey ilaa 1993. Xisbigaasi suuqa wuu kabaxay, marka laga reebo dhowr xubnood oo ku biirey Reform Party xisbigii la oran jirey, oo hada lamagac baxay Conservative-ka. Xisbigan cusub ee la yiraahdo Conservative Party of Canada xubnihiisa ugu tirada badan waa  xisbigii la oran jirey Reform Party, oo uu aabaha u ahaa Preston Manning. Dadka sida weyn loogu yaqaano waxaa ka mid ah Presten Manning iyo Stockwell Day. Sidoo kale wuxuu aad ugu dhaqan eg yahay (magacana ay wadaagaan), dowladii ka jiri jirtey gobolka Ontario ee uu madaxda u ahaa Mike Harris. Xisbigani wuxuu xooga saaraa in suuqa dhaqaaluhu ahaado mid aysan dowladu fara geli, amaba hela xoriyadda buuxda.  Waxaa Prime Minsiter ugu sharaxan Stephen Harper, oo ka mid ahaa aasaasayaashii Reform Party. Qibrad ahaan jagada ugu sareysa ee ee uu soo qabtay waa madaxnimada xisbiga mucaaradka, waxaana baarlamaanka Canada ugu horaysay 1993.         

Arimada bulshada (investing in Social programs): waa xisbi aaminsan in suuqa dhaqaaluhu noqdo mid ka leh muhiimadda ugu weyn. Sidaa daraadeed muhiimad badan masiiyo arimaha bushada. Isla markaana wuxuu aaminsan yahay inuu yahay masuuliyadda qofka u baahan, marka laga reebo dhaqamo soo jireen ah. 

a. Tusaale hadaan usoo qaato caafimaadka guud.  Xisbigani wuxuu aaminsanyahay in suuqa gaarka ah (private sector) uu uga banaanyahay kaalin weyn, sidaa daraadeed dadka awoodi karaan fursad u helaan iney iibsadaan. Taa macneheedu waxa weeye, in dhaqaale badan ay gelindoonaan Privatization of the Health Care. Dhaqaalahaas wuxuu ka iman doona hantida guud (Public money), ka dibna wuxuu gacanta u gelidoonaa dad gaar ah (private hands). Dadka degen gobolka Ontario, gaar ahaan magaalada Toronto waxaa tusaale ugu filan Hyway 407. Dariiqaa 407-ka, waxaa asalkiisa dhistay dowladda Ontario, markuu Mike Harris haystay gobolkan, ka dibna wuxuu ka iibshay sharikad gaar ah, oo weliba laga siiyey lacag aad u jaban. Maanta waa dariiqa keliya ee Toronto ee markaad doonto inaa marto aad lacag bixinaysid!  

b. Tusaale kale hadaan usoo qaato dhinaca canshuurta (oo ah waxa ugu weyn ee xisbigan lasoo shir tego) inta badan waxaa ku dhaqan sharikadaha waaweyn iyo dadka sameeya lacagta aadka u faraha badan.  Bal adiguba samee isku celcelinta xisaabta. Kasoo qaad inuu mushaharkaagu yahay sanadkii $60 kun. Hadii laguu balan qaado in canshuurta 1%-3% lagaa yareeyo, maxaad heshay? Waxaa lagayaabaa ugu badnaan inaad heshid wax ka yar 1,800 sanadkii. Bal ka waran hadii lagu yiraahdo caafimaadka waxaad ku bixisaa $400 sanadkii, mar walba oo aad dhakhtar u tegtona bixi $30 oo lagugu qaabilo. Waa sidii aan oran jirney “jug-jug meeshaad joog”.  Maskaxda ku dhisan canshuur yaraynta waxaa faaiidada ugu badan ka hela waa dadka uu soo galo dhaqaale aad u balaaran.  Tusaale, qofkii sameeya $300 oo kun sanadkii, waxaa dhacaysa in canshuurta laga joojiyo markuu $100 kun kor u dhaafo, ugu yaraan waxaa u baaqanaysa ku dhowaad $10,000 sanadkii! Sidaa daraadeed bal is weydii yaa faaiiday, yaase khasaaray?. Waxay kaloo dadka dhaqaalaha fiican soogalaa marwalba isha ku hayaan doorashooyinka, wayna ka qaybgalaan si ay u ilaashaan jeebkooda. 

c. Dhowrida Ba’yadda (Environment), Xuquuqul insaanka (Human Rights), shuruucda Iskaashatooyinka (Unions), dhamaantood wuxuu xisbigan u arkaa, inuu dhaqaalauhu ka muhiimsan yahay.  Tusaale hadaan usoo qaato, gobolka Ontario,  markuu Mike Harris talada la wareegay wuxuu tirtiray Ontario Employment Equity Act, wuxuu yareeyey shaqaalaha dowladda, wuxuu dhuunta qabtay Ontario Human Rights Commission, wuxuu soo rogay sharciyo sahlaya in laga takhaluso Unions (Union decertification policy

Waxaa laga yaabaan inaad akhristow istiraahdid waxaasi macquul maaha. Ama aad istiraahdid, arimhani maaha kuwo khuseeya dowladda dhexe ee Canada.  Hadaba waxaan jeclaan in akhristow aad ogaatid in ay Conservative Party wataana rimhaasa iyo kuwo la mid ah. Sidoo kale, bal u fiirso gobolka Alberta, oo ah saldhiga xisbigan.  Gobolka Alberta, waxaa heerkaa gaarsiiyey waa siyaasadda uu aaminsanyahay aabaha Conservative Party, Ralph Klein o ah Premier-ka gobolkaa. Sidoo kale waa gobolka ugu tirade badan ee laga soo doorto xubnaha xisbigan talada wadanka looga baqanayo inuu qabto. Waa gobolka lagasoo doorandoono Stephen Harper, gaar ahaan magaalada Calgery! 

Dhinaca siyaasadda debedda (foreign policy) wuxuu ku dhow yahay tan Maraykanka. Wuxuuna taageersan yahaa dagaalada Maraykanku ku qaaday, Ciraaq iyo Afghanistan. Taa macneheedu waxa weeye, haduu xisbigani wadanka qabsado, uu isku dayi doono inuu aad ugu dhowaado siyaasadda Bush, si uu u xoogaysto tijaarada ka dhaxaysa labada wadan. 

2.

Liberalku waa xisbi dhex-dhexaadnimo aaminsan inta badan waxaa lagu yaqaan siyaasad isu dheeli tiran, dhinaca dhaqaalaha iyo arimaha bulshada. Waxaa Prime Minister ugu sharaxan Paul Martin. Khibrad ahaan wuxuu baarlamaanka Canada soo galay1988, wuxuuna noqday, Prime Minister-ka Canada laga soo bilaabo  May12, 2003 ilaa November 2005. 

Arimada Bulshada (Investing Social Programs): Liberalku, waxaa saldhig u ah dhexdhexaadnimo. Waxay aaminsanyihii dhaqaaluhu koro, laakiinse ay dowladdu xakamayso, isla markaana ay kobciso wax qabadka arimaha bulshada (Investing Social Programs).  Xisbigani intuu talada dalka hayey, wuxuu ku guulaystay inuu sadex arimood is barbar wado. Dhaqaalihii kasoo hara (Surplus) wadanka wuxuu u qaybshaa sadex meelood: 1. Qayb lagu bixiyo daynta wadan lagu leeyahay (debt reduction). 2. Qayb lageliyo arimaha bulshada (social programs). 3. Qayb loo celiyo canshuur ahaan.  Sidaa daraadeed waxaan oran karnaa waa xisbi dhexdhexaad ah. 

a. Tusaale hadaan usoo qaato Caafimaadka (oo ah midka dadku isku wada waafaqeen inuu yahay kan ugu muhiimsan) Liberalku wuu aaminsanyahay  inuu ahaado mid isu dheelitiran wadanka oo dhan (Universal Health Care System/Canada Health Act), sidoo kalena wuxuu aaminsanyahay, in qofkii awood dhaqaale u helikaraa, helo mid uu suuqa ka iibsan karo. Intabadan shuruudo adag ayuu ku xiraa gobolada si uu Canada Health Care u ahaado mid siman. 

b. Dhinaca Bay’ada (Environment) xisbigani wuxuu aaminsanyahy The Kyoto Protocol, sidaa daradeed ayaad arkaysaa iney isku dhacaan wadanka Maraykan-ka iyo gobolka Alberta oo aad uga soo horjeeda arimo dhaqaale ku salaysan darteed. 

c. Dhinaca xuquuqul insaanka marka la eego, xisbiga Liberalku wuxuu aaminsanyahay inuusan The Canadian Charter of Rights and Freedoms (oo qayb ka ah dastuurka dalka) uu ahaado mid aan gor-gortan gelin. Asalkiisana waxaa keenay Prime Minsiter Liberal ahaa. Sharcigii la doono inuu socdo waa inuusan kasoo horjeedsan Charter-ka, uuna ahaado midka iska leh go’aanka ugu dambeeya. Inta badan Chartherku wuxuu ilaaliyaa qofka xoriyaddiisa, wuxuuna qeexaa waxa aysan dowladu kugu samayn karayn (freedoms). 

Siyaasadda Debedda (Foreing Policy): xisbigani wuxuu aaminsanyahay inuu Maraykan ka duwan yahay, weliba ay yihiin labo wadan oo isu baahan. Sidoo kale, xisbigani wuxuu leeyahay siyaasad soo jireen ah oo cad. Waxaa tusaale kaaga filan, inuu xisbigani meel cad ka istaagay dagaalkii Ciraaq uu Bush ku qabsaday. 

Gunaanad: 

Waxaan shaki ku jirin inuu isbedel siyaasadeed ka dhici karo wadanka. Isbedelkaasi wuxuu la iman doonaa siyaasado cusub, dhinaca dhaqaalaha, arimaha bulshada, arimaha debedda iyo siyaasadda wadanku  ku dhaqmidoonto shanta sano ee soo socota.   Hadaba Somali-Canadian-ku waa in ay ogaadaan in doorsahadani ay tahay, doorasho ku dhisan siyaasad iyo dano kala duwan oo soo jireen ah, sidaa daraadeed ay si toos ah u taaban doonto. Hadaba ma aha arin layska daawadan karo, ee waa in laga qaybgalaa doorashada dhicidoonta Monday, January 23, 2006. 

Waxaa soo diyaariyey iskuna soo dubaridey: 

Cali Odowaa, Student of Public Administration and Governance

Toronto, Canada:

Cadayn: Qoraagani xubin kama aha xisbi siyaasadeed. Macluumaadka uu soo aruurshay waxay ku dhisan yihiin aqoontiisa,baaritaan  uu ku sameeyey qaabka loo maamulo wadanka, waxay soo bandhigeen xisbiyada ku tartamaya talada dalka. Wuxuuna wadankan ku nool yahay ku dhowaad 16 sano.


Doorashada Canada, Soomaalidu ma ka qaybqaadan doontaa?? 

Qaybtii 1aad:

Wadanka Canada waxaa ka dhici doonta doorashada baarlamaanka bisha January 23, 2006.

Tirada  xubnaha barlamaanka ee lasoo dooran doono waxa weeye 308, oo kala imaandoonaa 10 Provinces iyo 3 Territories.   Tartanka doorashada Canada waxaa loo qaybgalaa qaab xisbiyeed. Waxaana ku tar tama in ka badan 4 xisbi, oo mid walba leh qorshe degan, oo ay dalka ku hogaamindoonaan hadii la doorto. Sida caadada ah Afar keliya ayaa ah kuwa baarlamaanka laga aqoonsanyahay, ama ku leh kuraas Xisbi. 

Sadex ka mid ah waxaa laga soo doortaa wadanaka dhan.  Waxayna kala yihiin: 

1.      Liberal Party oo ah kii talada hayey

2.      Conservative Party.

3.      New Democratic Party (NDP)

4.      Block Quebecois Party (BQ), (oo laga soo doorta 1 gobol oo keliya; kan Fransiiska looga hadlo) 

Markale laga reebo xisbiga gobolka Quebec, 3da kale waxay kala matalayaan siyaasado kala duwan oo soo jireen ah.  

A. NDP,  waxaa inta badan lagu magcaabaa inuu yahay, Xisbiga Danyarta. Inta badan wuxuu u doodaa xuquuqda ay ka midka yihiin xoojinta caafimaadka, waxbarshada-sare, xuquuuqda shaqaalaha, dhowrida bay’ada, daryeelka caruurta, dadka da’a weyn..IWM.  

B. Conservative Party, inta badan wuxuu u doodaa qofka hantida leh oo la dhowro, canshuurtoo la yareeyo, dowladda oo xoogeeda lasoo kobo, sharikadaha wax soosaarka oo canshuurta laga yareeyo, waxbarashada-sare waxay u arkaan arin gaar ah, ….IWM. 

C. Liberal Party,  waa xisbi dhex-dhexaad ah waxaana orankaraanaa waa mid u dhexeeya labadaa xisbi ee aan soo sheegnay. Xubnihiisuna waxay u kala janjeeraan labadaa fikradood. 

Tusaale hadaan usoo qaadano hal arin oo keliya sida: Daryeelka Carruurta yar yar (Day Care:)

NDP wuxuu aaminsanyahay in ay dowladdu dhaqaale badan ku bixiso, si qof walba oo  u baahadakhidmadaa uu  u helo. Waxaana shicaar u ah, Universal Day Care program. Liberalku waxa uu balan qaaday inuu kordhin doono  daryeelka caruurta, meesha uu Conservative Party ku ka balanqaaday inuu  waalid walba oo Canadian ah  siindoono $200  bishii si ay u geystaan meesha ay doonaan. 

***Akhristoow waxaa xusid mudan in daryeelka caruurta marka laysku cel celiyo uu HALKII CUNUG  ku baxo $1000 bishii ama ka badan!!! 

Dadka Soomaaliyeed ee u soo haajiray Canada, waxaa lagu qiyaasaa iney tiradoodu kor u dhaaftay 80, 000.  Waxayna ku kala baahsanyihiin 13 meelood. Gaar ahaan gobolada (Province) ugu waa weyn, sida, Ontario, Quebec, British Columbia iyo Alberta. Gobolka (Province) Ontario, oo ah midka ay degen yihiin Soomaalida ugu tirada badan ee ku dhaqan Canada, waxaa laga  soo doorandoonaa 106 MP’s. Sidoo kale marka laysu geeyo Ontario iyo Quebec [106+75 = 181/308 = 59%] ayaa matalaya ku dhowaad 60%, baarlamaanka Canada.   Waana meelaha ay Soomaalidu aad degen tahay.    

Tartamayaashu waxay tix gelinyaan codbixintaa, markay noqoto dhinac wax u qabadka bulshada iyo la xisaabtankooda.  Nasiibdaro umaddeena waa xoog aan is ogayn. Akhristoow, waxaad xasuustaa inuu xubin ka mid ah barlamaanka Canada tegey wadankeenii hooyo, weliba waqti caalamka intiisa kale aysan isu quurin inay cag dhigaan.  Waxaan la inkiri karin, inay qayb ka ahyd tegitaankiisa codbixintii Soomaalida degenayd meesha laga soo doortay. Hadaad dib u jaleecdo dhacdooyinka bilihii tegey, waxaa wadankan isaga dabo yimi Wasiiro ka socday dawladda ku meelgaarka ee Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayey, mudanaha haysta barlaamka ku meelgaar ah ee Soomaaliya.   Nasiibdaro, inkastoo ay kala socdeen, hadana, waxay la kulmeen soo dhoweyn qadarin mudan. Waxaan loo fidiyey, karbetkii casaa ee lagu maamuusi jirey diplomasiyiinta matalaysa qaran. Taasi waxay tusaale ka tahay, doorashada oo laga qayb qaato, iney albaabo badan u furayso danaha dalkeenii hooyo. 

Soomaali-Canadianka waxay fursad u leeyihiin iney doorashada ka qayb galaan, bixiyaan codkooda si jiritaankooda loo ogaado ama lagu xisaabtamo 

Xisbigii ku guulaysta talada wuxuu inta badan dhaqan gelindoonaa siyaasadii lagu soo doortay. Sidoo kale doorashadu waxay ka turjumi doontaa jihada ay qaadan doonto siyaasadda dowladda Canada 5 sano ee fooda nagu soo haysa.  Inta badan dadka waxay u codeeyaan dantooda gaarka ah iyo danta guud. Sidaa daraadeed waxaa lagama  maarmaan ah inay codeeyaan dadkeena ku nool Canada. Sadex sababood dartood: 

1.      Waxaad sugaysaa jiritaankaaga qof ahaaneed, waxaadna ka turjumaysaa shakhsiyaddaada mawaadineed.

2.      Waxaad xoojinaysaa dantaada iyo midda dadka kula mid ka ah.

3.      Waxaad ha hortegeysaa siyaasadda dantaada iyo tii wadankaaga wax u dhimaysa. 

Sidaa daraadeed waxaan walaalahayga Somali-Canadian ka ah ku boorin lahaa, iney aad u dhegeystaan wararka, akhristaan joornaalada, ayna kala bartaan xisbiyadda ku tartamaya talada wadanka.   Waana lagama maarmaan in lasoo baxo maalinta 23ka bisha January, 2006.  Codkaagana aad dhiibato, adigoo weliba siinaya xisbigii ama qofkii aad doontid.  Weliba waxaa intaas sii dheer, in goobaha doorashu ay aad ugu dhow yiihiin deegaanka aad ku nooshahay.  Qofkii shaqeeya ama arday ahna wuxuu xaq u leeyahay 3 saacadood oo fasax ah, si aad u dhiibatid codkaaga. 

Cali Odowaa, Toronto, Canada
Student of Public Administration and Governance
Contact email: odowaa3@yahoo.ca

ama la xiriir: amohamed@LinkUp.ca

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 15, 2005

READ MORE ABOUT CANADA ELECTION...........

 


Isku aadka Koobka Adduunka 2006::: Akhri (PDF) ama Akhri (.DOC)

Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com


Dr Galaydh"Arrintan argagixisada ee markale la wadwado (la hadal hayo), Soomaaliya kama jiraan kooxo argagixiso ah, arrintan waa mid la dhoodhoobeen kuwa u malaynaya in ay isku maldahaya 'la dagaalanka argagxisada,' si loo maqlo oo loo taageero. Soomaalidu waa dad Muslim ah, Waxaana ku faraxsanahay in aan nahay dad Muslim ah. Haddii ay jiraan Argagixso, Ciidamada Maraykanka ee jooga Jabuuti, Nairobi iyo Muqdisho qudheeda ayaa heli lahaa. Sidaas daraadeed waxaa haboon in inta la hawl galo, la isku dayo in dadka la hawlgeliyo oo xaqiiqo ahaa la keeno wax ka bedelan xaalada hadda jirta ee laga yaabo in ay dad ka fa'iidaysanayaan." Sidaas waxaa yiri Cali Khaliif Galayr | Dhegeyso:  Dec 8, 05 Dr Elmi Duale"Waxa uu sheegay (Galaydh) in aan argagixiso jirin (Soomaaliya), laakiin waa jiraan. Waa la xaqiijiyey, waa ladaabacay. Koox qaramada Midoobey aha ayaa soo saartay warbixin - waxaa jir warbixin qaramada midoobey oo shegeysa in ay argagxiso ka jirto (Soomaaliya). Taas waxaa ka horeysey Markii la qarxiyey safaaradaha Maraykanka ee Kenya iyo Tansaaniya iyo markii la qarxiyey Hotelkii Mombasa, waxaa la muujiyey in qaar kamid ah kuwii ka dambeeyey falalkaas in ay soo mareen Soomaaliya ama waxay ku carareen Soomaaliya. Sidaas daraadeed waxaa jira cadaymo ku filan." Sidaas waxaa yiri Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Ambassador Dr. Elmi Ahmed Duale | Dhegeyso:: Dec 8, 05 "Wadanka (Soomaaliya) waa ubucda ay ku kobcaan argagixisada caalamiga ah" sidaas waxaa yiri Cabdullahi Sheekh Ismaaciil oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dawlada Federaalka KumeelGaarka ah ee Soomaaliya, isagoo sida warku u dhigay, Soomaaliya ku eedeeyey in ay Xarun u Tahay Ururada Argagaxisada, sida ay qortay AFP, oo intaas ku dartay in wasiirka Arimaha dibada ee Soomaaliya uusan faahfaahin magaca, tirada iyo nooca xarunta argagxisada ee ka jirta dalkiisa, waa sida warku u dhigaye. Soomaaliya oo ah dal ku yaal bariga afrika oo 14-kii sano ee ugu dambeysey aan lahayn dawlad si rasmi ah u shaqaysa, ayey tiri AFP AKhri Halkan:::: Aug 26,05 menkhaus.jpg (26533 bytes)"Waa in aynaan kuxiraan in aan akhbaarta keliya ka qaadano Itoobiya kuwaas oo inkasta oo ay saaxiibadeen yihiin haddana waxay wataan qorshe iyaga u gaara oo aan caddayn, waxayna kabadbadiyaan khatarta." sidaas waxa yiri Ken Menkhaus, oo professor sare ka ah Davidson College, USA, kaas oo ku takhasusay Soomaaliya iyo dhaqdhaqaaq yadeeda Islaamiga ah, islamarkaana  lataliye xagga siyaasadda uga ahaa hawlgalkii Qaramada midoobey ee Soomaaliya, marka uu hadalkaas yiri waxay ahayd talaado November 27, 2001 asagoo ka hadlayey kulanka Carnegie Endowment for International Peace symposium (Washington, D.C.). GUJI...
 
Kalluumaysatadii Soomaaliyeed wax lug ah kuma  kulahayn Qaraxii Mombasa
Booliska Kenya waxa ay markey taariikhdu ahayd 13/12/2002 caddeeyeen in sagaalkii kalluumaysatada ahaa ee isugu jirey Soomaalida iyo Pakistan ee loo xirxiray qaraxii Mombsasa aysan wax lug ah ku lahayn qaraxaas, isla markaana la siideynayo, loona dhoofinayo dalalkoodii
AKhri Halkan....

Xaggee ku dambaysay eedeyntii ahayd in Shimbiraale ay deggan yihiin urur argagixiso?




HTML CD