SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print
AFSOOMAALIGA OO QARKA U SAARAN IN UU KASUULO LUQADAHA AFRIKA
usheeg waraabow baa igu dhacaye waxaa loo tarjumey...
 
Af-qalaad Aqoontu Miyaa?
Maxaa keenay in dadka Soomaaliyeed ay afkoodii hooyo kadoor bidaan afaf qalaad? [Cibaar]
 
WAA IN LAYAREEYA HORMARINTA AFSOMAALIGA!
Waxaan filaya in laga doodi karo fikrada ah “Afsoomaliga maxaa loo yasayaa?”
 
Qofkii aanan garanayn afka Ingiriisiga waa jaahil
Arrintaasi ma dhabbaa? Inteese- in la’eg ayaa lagu gumaystaa?
 
WAA IN LAYAREEYA HORMARINTA AFSOMAALIGA!
Waxaan filaya in laga doodi karo fikrada ah “Afsoomaliga maxaa loo yasayaa?”
 
.Sunta ku duugan Soomaaliya

.Macdanta ku duugan Soomaaliya

 
Qoraalkaaga oo aad Loo Fahmo Waa Muhiimadda Koowaad [A.Sheikh]
 

Qaamuuska maamaahyada Soomaaliyeed
 
DHAWRITAANKA XUQUUQDA QORAALKA  

 



  • C/Laahi Yuusuf oo ku soo laabtay Jawhar
  • Wasiir Soomaaliyeed oo Soomaaliya ku eedeeyey Argagixiso
  • Haya'd ka dayrisay Xaalada Soomaaliya (Caafimaad & Ammaan)
  • Qaramada Midoobey oo Weli Wada Dhexdhexaadinta Soomaalida:::

Tarjumadii SomaliTalk.com | Wararkii Aug 26, 2005

Wasiirka Arimaha Dibada DFKMG: "Soomaaliya waa Ubucda ay ku kobcaan Kooxaha Xagjira ee Caalamiga ah"...

Cabdullahi Sheekh Ismaaciil oo ah Wasiirka Arimah Dibada ee Soomaaliya ayaa Soomaaliya ku eedeeyey in ay Xarun u Tahaya Ururada Argagaxisada...


Cabdullahi Sheekh Ismaaciil , Wasiirka Arimaha dibada ee DFKMG. Sawirka: AFP | Nairobi Aug 26, 05

NAIROBI (Aug 26, 2005): Soomaaliya oo ah dal ku yaal bariga afrika oo 14-kii sano ee ugu dambeysey aan lahayn dawlad si rasmi ah u shaqaysa, waa meesha ay ku kobcaan kooxaha xagjira ee lagu eedeeyey in ay argagxiso ka wadaan daafaha adduunka, sida uu sheegay wasiirkeeda arimaha dibada. Waxaa sidaa warka ku bilabay hay'adda wararka u faafisa dalka Faransiiska ee loo yaqaan AFP.

Wasiirka arimaha dibada ee DFKMG ee Soomaaliya oo warsaxafadeed ku qabtay magaalada Nairobi ayaa yiri "Waxaan ognahay in xarumo argagxiso ay ka hawl galaan Soomaaliya."

"Wadanka (Soomaaliya) waa ubucda ay ku kobcaan argagixisada caalamiga ah" ayuu yiri Cabdullahi Sheekh Ismaaciil, wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliya.

Wasiirku waxa uu hadalkaas yiri mar uu ku hakaday Caasimada Kenya ee Nairobi asagoa ka soo laabtay Sucuudiga, safarkaas Sucuudiga oo uu ku weheliyey madaxweynaha Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo booqasho rasmi ah oo afar maalmood ah uu ku tegey.

Saraakiil sare oo ka tisan DFKMG ayaa sheegay in ay soo xaqiiq sadeen dhaqaale ay ugu deeqday boqortooyada qaniga ku ah Saliida ceeriin, dalkaas oo xiriir sokeeye la lahaan jirey Soomaaliya ka hor intii aan Soomaaliya burburin 1991 xilligaas oo xukunka laga tuuran Maxamed Siyaad Barre, ayey tiri hay'da wararka ee AFP.

Waxayna hay'addu intaas ku dartay in wasiirka Arimaha dibada ee Soomaaliya uusan faahfaahin magaca, tirada iyo nooca xarunta argagxisada ee ka jirta dalkiisa, waa sida warku u dhigaye.

Waxa kale oo hay'addu soo xigatey war ay bishii July soo saartay koox xarunteedu tahay magaalada Brussels oo lagu magcaabo ICG (International Crisis Group) kuwaas oo sida ay sheegeen ka digey "Jihaadka Cusub" oo ay sheegeen in ay tahay koox cusub oo xiriir la lah eAl-Qacida oo ka sida ay sheegeen ka jira caasimada rasaastu halakaysey ee Muqdisho, waa sida warku u dhigaye.

C/Laahi Yuusuf oo Ku Laabtay Jawhar:::

Jawhra: waftigii uu hoggaaminayey Madaxweynaha DFKMG ayaa gaarey magaalada Jawhar kaddib markii ay ka soo laabteen safarkoodii. C/Laahi Yuusuf intii uu joogey Sucuusiga waxa uu la kulmay boqorka dalkaas, Cabdallah bin Cabdul Casiis.


Sawirada MSF : [Eeg halkan... (English)]

Hay'ad ka dayrisay Xaalada Soomaaliya:::

Soomaaliya: Waxaa kale oo beryahay si xiriir ah qoraalo dalka Soomaaliya uga qortay hay'adda lagu magaabaaco MSF, oo loo yaqaan Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn, waxayna si weyn wax uga qortay gaajada iyo ammaan darada ka jirta Soomaaliya. Qoraal aad u dheer oo ay hay'addaasi ka qortay meelo badan oo dalka Soomaaliya ka tirsan ayey ka muujisay arimo mururgo leh oo muujinaya Carruur Soomaaliyeed oo gaajo la il daran, hooyooyin Soomaaliyeed oo saf dheer ku jira si ay bal u helaan wax ay quutaan. Waa arimo argagax leh waxyaabaha ay hay'addaasi muujisay. [Eeg halkan... (English)].

Qaramada Midoobey oo Weli Wada DHexdhexaadinta Soomaalida:::

UN: François Lonsény Fall oo ah egeyga gaarka ah ee xoghayaga guud ee Qaramada Midoobey Kofi Annan u qaabilsan arimaha Soomaaliy aayaa waxa uu kusii jeedaa dalalka Masar iyo Ethiopia, arin lagu macneeyey si uu wax uga qabto arimaha la isku mari waayey Soomaaliya ee la xiriira halka caasimada u noqoneysa DFKMG iyo keenida ciidamo nabad ilaalin ah oo la geeyo Soomaaliya.

Mr. Fall waxaa la filayaa in uu maalinamada Sabtida Qaahira kula kulmi doono wasiirka arimaha dibada ee Masar, Ahmed Aboul Gheit iyo xog-hayaha guud ee ururka Carabta, Camar Muusa.

Maalinta Axadana waxa uu u safri doonaa Ethiopia si uu ula kulmo Alpha Omar Konare oo ah madaxa ururuka Midowga Afrika. Waxa kale oo la filayaa inta uu Addis Ababa joogo in uu la kulmo madax ka tirsan xukuumada Itoobiya.

Madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisul wasaare Cali Maxamed Geedi waxay taagan yihiin in Muqdisho aysan nabad ahayn, sidaas darteedna inta ay nabad ka noqoneyso in dawladu sii deganaato Baydhabo iyo Jawhar. Laakiin Afhayeenka Baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aaden iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo in badan oo ka tirsan Baarlamaanka FKMG waxay taagan yihiin in ay dawladu Muqdisho hadda degto maadaama ay rumaysan yihiin in ay caasimadu hadda nabad tahay.

Tarjumadii SomaliTalk.com

Isha: AFP | MSF| UN | Aug 26, 2005

Faafin: SomaliTalk.com


Ururka Crisis Group oo Qoraal Dheer Ka Qoray Soomaaliya iyo Sida la Isugu Cayrsanayo.....

Qoraal ka kooban 29 bog oo bishan July 11, 2005 uu soo saaray ururka lagu magcaabo Crisis Group ayuu ku falanqeeyey Soomaaliya iyo ururada ka jira iyo sida dalka gudihiisa la isugu cayrsanayo, qoraalkaas oo aad u dheer oo ku qoran luqadda Ingiriiska waxaa laga soo rogan karaa Halkan... Guji... [PDF-- waxaad u baahan tahay "Adobe Acrobat Reader" si aad qoraalkaas u daalacatid]


Midowga Yurub oo waxba kama jiraan ka soo qaaday doorashadii Ogaadeenya
Ka akhri wararkii radio xoriyo... Guji... Aug 26

Khamri laga keenay Itoobiya oo saakay lagu gubay Fagaaraha Tarabuunka
iyo Xuseen Caydiid oo yiri “Waxaan saddex sanno idin kaga maqnaa sidii aan uga takhalusi lahaa C/Qasim" Guji.. Aug 25

Khayraadka Puntland oo Loo Iibsanayo Si Qarsoodi ah
Wararka ka imanaya gobolada hadda loo yaqaan Puntland ayaa tibaaxay in uu jiro heshiis dhigaya in gebi ahaanba khayraadka Puntland ay... Guji.... Aug 25

Dr. Ghanim Alnajjar oo Kusii Jeeda Soomaaliya
Ergayga madaxa bannaan ee Qaramada midoobey u qaabilsan arimaah xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya ayaa.. Guji.. Aug 25

Saraakiil booliis Soomaaliyeed ah oo weli uu tababar uga socdo dalka Ugandha
Saraakiisha Soomaaliyeed oo ku labisan dharka lagu yaqaano ciidamada Booliiska Soomaaliya, oo uu ka dhex muuqday Taliyaha...
Guji... Aug 25

Beesha Cayr oo Madaxweyne Cabdulaahi Gudoon siisey Gaari aan Xabaddu karin
»Beelo Soomaaliyeed oo ku dagaalamaya degaanka Feer-feer
»Cabdulaahi: Sacuudiga waxaan ka dooneyna sidii....
»Warbaahinta Carabta iyo Safarka Madaxweynaha DFKMG
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Guji... Aug 24

C/laahi Yuusuf oo la kulmay Boqorka Sacudiga
»Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo u dhoofay Talyaaniga...
»Xuseen Caydiid: Haloo tanaasulo xubnaha jooga Jawhar
»Qanyare: Waa caddaalad darro hadalka kasoo yeeray xusen
Warka oo dhan ka akheri halkan... Aug 24

Maxkamadaha Islaamiga ah oo la wareegay isgoyska Lambar Afar
»Soo laabashadii Barre Hiiraale Kismaayo oo sababay iska...
»Wajigii kowaad ee tadobadka xorriyada Hadalka oo la soo...
»Waxgarad iyo aqoon-yahano ka tirsan Beesha Tunni oo..
»Guddi qabanqaabo oo loo magacaabay shirweynaha SNU..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Aug 23

Sucuudiga oo Ballaarinaya Masjidka Nebi Muxamed (scw)
Boqor Cabdullaahi Bin CabdulCasiis ayaa lacag dhan 1.25 billion oo dollar u qoondeeyey in lagu ballaariyo dhismaha Guji Aug 23

Kismaayo: Barre Hiiraale oo kasoo laabtay Ceelwaaaq..
»Shariif Xasan: Haloo yeero Hogaamiyayaasha Muqdisho
»Bosaso: Cadde Muuse oo kasoo laabtay Jarmalka
»Qardho: Warbixin Shirkii nabadda ee kasocdey Qardho...
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Aug 23

Jaaliyadda Sweden oo deeq soo gaarsiiyey Deeqa Maxamed Muuse
Jaaliyadda soomaaliyeed ee ku dhaqan  wadanka Isweden ayaa dhawaan deeq lacageed soo gaarsiisay gabar soomaaliyeed oo ku dhibaateysan Magaalada Muqdisho laguna magacaabo Deeqo Max’ed Guji Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD