SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA DABIICIGA


Puntland iyo Terry oo Kala Saxiixday Heshiis Ku Saabsan in uu Baaran karo Khayraadka Dabiiciga ah ee Puntland:::


Dubai, Hilton Hotel

... Baarlamaanka/XeerBeegta Puntland oo aan ka doodin Heshiis lala galo shirkado aan caymis kooda la oqoon... hadana heshiiskaas la galay...

(SomaliTalk.com | DUBAI, UAE, Aug 31, 2005): Warar caawa oo Arbaco soo geleyso SomaliTalk.com kasoo gaarey magaalada Dubai ayaa sheegay in halkaas ay dawlada Goboleedka Puntland heshiis ugu saxiixday ninka reer Australia ee Puntland looga yaqaan Terry. Heshiiskaas oo ku saabsan arrimihii maalmahan laga hadal hayey Soomaaliya ee la xiriira baaritaanka khayradka dabiiciga ah ee Puntland gebi ahaanteeda in lagu wareejiyo ninkaas reer Australia.

Madacweyne kuxigeenka DGPL Maxamed cali Yuusuf Gaagab
Dr.Gaagaab


Gen.Cade


Mr. Terry

Wararka ugu horeeya waxay tilmaameen in Hotel ku yaal Dubai lagu qabtay xaflad loo dhigay heshiiskaas oo uu goob joog ka ahaa Madaxweynaha DGPL, Maxamuud Muuse Xirsi (Gen. Cadde Muuse). Waxaana halkaas joogey dilaaliin Soomaali ah oo la socdey ninka Puntland looga yaqaan Terry oo ah kan heshiiska loo saxiixay, ninkaas oo aan la aqoon shirkada uu sheegano meesha ay deggan tahay.

Ilaa hadda (caawa) ma jiraan wax war ah oo rasmi ah oo ka soo baxay DGPL oo ku saabsn hiiskaasi waxa ku qoran, mudada loo saxiixay ninkaas in uu qaadan karo khayradka dabiiciga ah (Macdan iwm), immisa boqolkiiba ayuu qaadan doonaa, iwm. Sidoo kale lama oga in arrintan ay DFKMG la socoto iyo in ay DGPL keligeed heshiiska ku dhiiratey.

Wararka ugu horeeya ee heshiis kaas Dubai lagu gaarey ka soo baxaya ayaa muujinaya in sababta loo dedejiyey ay tahay si ninka reer Australia uu shirkado/shakhsiyaad kale ugu bandhigo in uu haysto heshiis uu la galay dawlad, heshiiskaas oo u baahan maal gashi, sidaasna ay ku iibsadaan saamiyo si uu halkaas uga helo lacag, maadama aan la ogeyn shirkada uu sheeganayo meel ay ka diiwana gashan tahay, miisaaniyadeeda, dakhrigeeda iyo cida qabta caymiskeeda.

Heshiiskan waxa uu Madaxweynuhu la galay Terry ayadoo aan faa'iidado, khasaaro iyo in maslaxada ugu jirto reer puntland iyo in kale toona aysan ka doodin baarlamaanka iyo xeer beegta Puntland.

Waxaana reer Puntland sugaya in ay dawladoodu  u soo bandhigto waxa uu yahay heshiiska dal saddexaad lagula galay shirkad aan la aqoon saldhigeeda iyo in heshiiskaasi dan u yahay reer Puntland.

Arrinta xagga sharciga ee la xiriirta in ay Puntland heshiis caalami ah geli karto ayadoo aan soo marin DFKMG, waa mid jawaabteeda mar labaad sugayo DFKMG.

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 31, 2005


Dalwad Gobleedka Puntland oo ka Jawaabtey Hadalkii Ra'suul wasaraha DFKMG....

  • ...DGPL oo ra'iisul wasaaraha DFKMG ee Soomaaliya ka dalbatay in uu si deg-deg ah raalli gelin uga bixiyo hadalkisii ku aafdanaa  Puntland....

(SomaliTalk.com | Boosaaso | Isniin, Aug 29,2005): Kulan degdeg ah oo ay saakay isugu yimaadeen golalaha Dawlad Gobleedka Puntland oo lagu qabtay madaxtooyada Boosaaso ayaa looga dooday sidii looga jawaabi lahaa hadalkii ra'iisul wasaaraha DFKMG uu shalay (Aug 28) ka soo saaray magaalada Nairobi, hadalkaa oo ahaa in dawlad goboleedka Puntaland aysan wax heshiis caalami ah la geli karin shirkado shisheeye.

Kulanka mas'uuliyiinta Puntland ka dib waxaa la soo saaray war saxaafadeed loogu jawaabayo Cali Maxamed Geedi. Warsaxaadeedkaasi waxa lagu sheegay: kaddib markii ay shir degdeg ah isugu yimadeen golaha xukuumadda DGPL oo guddoominayey madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse, in lagu go’aamiyey qodobbada ah:.

1. In Dawlad Goboleedka Puntland la dhisay sannadkii 1998 ayna leedahay dastuur u gaar ah, gole shacab iyo gole xukuumadeed.
2. In dastuurkaasi uu awood u siinayo in madaxweynaha DGPL uu la gali karo heshiisyo caalami ah cid kasta oo ay dani ugu jirto DGPL, taas oo waafaqsan shuruucda u dhigan adduun weynaha.
3. in aan wasiirka koowaad (ee DFKMG, Cali Maxamed Geeddi) uusan hoos u eegin axdiga lagu magacaabay ee uu dhigan DFKMG ee Soomaaliya.

Waxaaana war saxaafadeedku xusay qododban:

Qaybta 4-aad, qod. 19-aad, farqaddiisa 4-aad.
[Eeg Axdiga DFKMG Draftiga: www.somaliatalk.com/2003/axdi/axdi4.html)
Qaybta 13-aad qod. 88-aad, farqaddiisa 3-aad.
[Eeg Axdiga DFKMG Draftiga: www.somaliatalk.com/2003/axdi/axdi11.html]
Qaybta 12-aad qod. 89-aad, farqaddiisa 14-aad.
[Eeg Axdiga DFKMG Draftiga: www.somaliatalk.com/2003/axdi/axdi11.html]

"Dowladda Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Ku Meel Gaarka waa inay oggolaataa qodobada xeerarka caalamiga ah iyo heshiisyada caalamiga ee Soomaaliya ka socon kara... " Dastuurka Federaalka Kumelgaarka ah...

Waxaana war saxaafadeedku ku daray in qodobadaas "ay intuba qeexayaan in laba sano iyo bar (21/2) gudahood lagu soo dhiso dawlad goboleedyada dhiman, iyadoo markaas kadib, la qeexi doono habka wax wada qaybsiga iyo awoodaha ka dhexayn doona DFKMG ee Soomaaliya iyo Dawlad Goboleedyada dhismi doona."

War saxaafadeedku waxa uu sheegay in "Dawlad G/Puntland ay caalamka u caddayneyso in aysan cidna marti ugu ahayn horumarinta dadkeeda iyo dalkeeda." iyo in "DGPL ay ka dalbayso wasiirka koowaad ee DFKMG ee Soomaaliya in uu si deg-deg ah raalli gelin uga bixiyo eedayntii meel ka dhicii warsaxaafadeedkii aan ka fiirsiga lahayn" waa sida war saxaafadeedku u dhigaye.

Waxaa warsaxaafadeedka la faafiyey ku saxiixnaa Axmed Cabdi Xaabsade oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga ee DGPuntland.

Shirkaas kaddib waxa uu madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse ka dhoofay Boosaaso asagoo la sheegay in uu kusii jeedo Dalka Imaaraadka Carabta, warara kalena ay shegayaan in uu kasii aadi doono dalka Jarmalka oo uu u tegayo arrin la xiriirta caafimaad ahaan.

Su'aasha ay shacabka reer Puntland hadda is weydiinayaan waxay tahay: dawlad Goboleedku waa tan durbadii u jawaabtey DFKMG ah'e goormey reer Puntland si faah-faah-san ugu soo bandhigi doontaa heshiisyada qarsoodiga ah ee ay la geleyso shirkadaha aan la aqoon ee uu wato ninka markii hore Puntland kusoo galay sidii hay'ad Carruurta caawisa (Kids In Need), markii dambena u xuub siibtey in uu keeno shirkado waaweyn, safarada caalamiga ahna u raco madaxda maanta warsaxaafadeedka kasoo saartay Boosaaso.

Waxaa kale oo xusid mudan in markii madaxweynaha DGPL iyo xubno ka tirsan dawladiisu ay dhowaan Boosaaso tageen kaddib markii ay kaso olaabteen DUbai, in shir la isugu yeeray golaha wasaarada ee DGPL, waxaana loo soo bandhigay arrinta ku saabsan heshiiska khayradka dabiiciga ah ee la rabo in lala galo shirkad aan la aqoon. Markaas golaha wasiirada DGPL waxay ku taliyeen in arrinta loo xil saaro dad khibrad u leh maadaama ayey yiraahdeen aysan war u ahayn shirkadaha ninkani uu sheeganayo in ay dalka khayraadkiisa baari doonaan. Waana golaha maanta war saxaafadeedka soo saaray.

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 29, 2005.


Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Waxba kama Jiraan kasoo Qaaday Heshiiskii Puntland La Gashay Shirkado Shisheeye ee Kusaabsanaa Baaritanka Khayraadka Dabiiciga ah.



Haydariij-Kaarboon (Hydrocarbon):::
waa kelmed laga soo gaabiyey isku dhafka labada curiye ee Carbon (C) iyo Hydrogen (H), kuwaas oo ah curiyaasha ubucda u ah samaysanka saliida ceeriin iyo gaaska dabiiciga ah oo ah khayradka dabiiciga ah ee ku jira dhulka hoostiisa. Isku dhafka labadaas curiye waxaa looga qiyaas qaataa tayada iyo baxada inta shiidaal/gaas ah ee dhulka hoostiisa ku jira. Waana labada curiye ee uu ka hadlayo ra'iisul wasaaruhu in loo sameeyo xeer ama sharci inta aan wax heshiis ah lala gelin shirkado shisheeye.

Si aad wax uga ogatid qaab dhismeedka, iyo dabarkaisku xira labadaas curiye, akhri linkigan (english).
http://en.wikipedia.org/wiki/Hydrocarbon


Si aad wax uga ogaatid Batroolka iyo khayradka dabiiciga ah ee kujira Soomaaliya, akhri waraysigii SomaliTalk.com Sep 28, 2000 la yeelatay Dr. Cusmaan
http://www.somalitalk.com/drosman/

  • Heshiiska shirkada Australia iyo Puntland waa "Sharci darro, aan la aqabali karayn" Geeddi ayaa sidaas yiri.

Tarjumadii: SomaliTalk.com

NAIROBI, Axad, Aug 28, 2005 - Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa waxa uu shirkadaha shisheeyaha uga digey heshiis ku saabsan baaritaanka saliida ceeriin in ay la galaan maamulada maxalliga ah, asagoo sheegay in heshiis yadaasi ay yihiin waxba kama jiraan, sharci darro ah.

Cali Maxamed Geedi waxa uu sheegay in heshiis yadaas aysan aqoonsan doonin Dawlada Federaalka Kumeel gaarka ah (DFKMG), waxana uu sheegay maamulada maxalliga ah ee is magacaabay in aysan sharciyan geli karin qandaraasyo ku saabsan khayraadka dabiiciga ah.

Geeddi waxa uu yiri:  Ilaa ay dawladda (FKMG) soo agaasinto sharci ku saabsan maaraynta khayradka dabiiciga ah, sida sharciga Haydariij-Kaarboonka (hydrocarbon law), haba-yaraatee suurta gal ma noqon karto in la galo wada xaajood (Heshiis xagga khayradka dabiciga ah). Sharcigaas oo uu sheegay in diyaarintiisa iyo dhaqan gelintiisu ay qaadan karto dhawr bilood.

"Sidaas daraadeed waa in shirkadaha shisheeyuhu ay ka fogaadaan heshiis yada ay la gelayaan maamulada maxalliga ah, ayagoo aan qoraal rasmi ah ka haysan Dawlada FKMG ee Jamhuuriyadda Soomaaliya" ayuu yiri Geeddi.

"Xad gudub kasta oo arintaas ku saabsan wuxuu sababi doonaa cawaaqib xun, waxaana mas'uuliyada qaadi doona kuwa ku xad gudbey." ayuu digniin ku bixiyey Cali Maxamed Geeddi, asagoo intaas ku daray in dawladiisu ay qaadeyso tallaabooyin ay ku difaaceyso khayradka dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Waxaa war ay werisey hay'adda AFP uu intaas ku daray in hadalka Ras'iisul wasaaruhu uu soo baxay kaddib markii toddobaadkii hore ay qandaraas lagu barayo saliidda ceyriin kala saxiixdeen shirkad reer Australia ah iyo dawlad goboleedka Puntland.

Geedi waxa uu sheegay in heshiiskaasi uu yahay "Sharci darro, aan la aqabali karayn".

Hay'adda wararka ee Reuters waxa ay sheegtay in ra'iisul wasaare Geeddi uu xusay in shirkad aan la magcaabin oo reer Australia ah ay sheegatay in ay ogolaansho ka haysato dawlad goboleedka Puntland si ay shirkadaasi u baarto batrool (oil) iyo Gaaska dabiiciga ah. Waxana uu yiri "Shirkadaha/maalgashadayaasha ajnebiga ah waa in ay joojiyaan isku daygooda heshiiska ay la gelayaan maamulada maxalliga ah sida Puntland ayagoo aan ogolaansho ka haysan Dawladda Federaalka Kumeel Gaarka ah."

Geeddi waxa uu yiri: "Waxaan ugu baaqeynaa dalalka aan saaxiibka nahay ee adduunka iyo beesha caalamka in ay Soomaaliya kacaawiyaan xafidada khayraadka dabiiciga ah si aysan ugu xad gudbin kuwa sharci darada wada."

Soomaaliya waxay ku taal dhulka u dhexeeya gacanka cadmeed (Gulf of Aden) ee jasiirada carabta iyo dhulka loo yaqaan Ogaden ee Soomaalidu leedahay ee ay hadda xoogga ku haysato Itoobiya, kuwaas oo lagu cadeyey gaaska dabiiciga ah.

Waxaa jira shirkado ila muddo hore (ilaa 1980-tamaadkii) xiisaynayey baaritaanka shidaalka Soomaaliya, sida Total, Amoco, Chevron iyo Conoco & Phillips (ConocoPhillips).

Geeddi waxa uu xusay in DFKMG ay si 'xiriir' ah u helaysey codsiyo ku saabsan baaritanka khayradka dabiiciga ah ee Soomalaiya, asagoo sheegay ilaa la dejiyo xeer ku saabsan khayraadka dabiiciga ah, sida xeerka Haydarojiin-Kaarboon aan wax heshiis la geli karin oo ku saabsan khayraadka dabiiciga ah.

Dhowaan ayey ahayd markii madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland uu sheegay in uu heshiis ku saabsan baaritanka khayraadka dabiiciga ah la soo galay shirkado shisheeye. Warka arrintaas ku saabsan hoos ka akhri.

ISHA WARKA:: AFP Reuters | Tarjumadii: SomaliTalk.com | Aug 28, 2005


Puntland oo Mar Labaad Loo Iibsanayo Si Qarsoodi ah....

SomaliTalk.com | August 25, 2005

  • Reer Puntland oo inta ay Xagaabaxa Ku Maqan Yihiin Larabo in Lagato Khayraadka Dabiiciga ee Dhulkooda...

(SomaliTalk.com Aug 25, 2005): Warar cusub oo SomaliTalk.com soo gaarey ayaa shaaca ka qaaday in uu beryahan socdey qorshe aad u ballaaran oo la rabo in lagu iibsado khayraadka dabiiciga ah ee dhulka hoostiisa kujira ee gobolada hadda la isku yiraahdo Puntland, laguna wareejinayo shirkado aan haybtooda la aqoon. Arintaas oo xaqiiqadeeda rasmiga ah aan shacabka Puntland waxba kala socon, dawlad goboleedka Puntland aysan shacabka ku nool geyigaas iyo ummada Soomaaliyeed midna u sharxin heshiiskaas qarsoodiga ah ee wada hadalkiisu mudda sida hoose ugu socdeen madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland iyo shirkadahaas aan la aqoon.

Wararka SomaliTalk soo gaarey waxaa kamid in ninka magaciisa Puntland looga yaqaan Terry iyo dillaaliin Soomaaliyeed ay wada hadal qoto dheer la yeesheen madaxda ugu saraysa DGPL. Khayraadka dabiiciga ah ee laga hadlayo waa macdanta, gaaska dabiiciga ah iyo batroolka ama shiidaalka, waa gebi ahaan waxa khayraad ah ee kujira carrada (Sub-soul natural resources). Wadahadalkaas waxaa sal u ah mr. Terry oo doonaya in shirkado aan la aqoon ay qaataan qandaraaska dhammaan Khayraadka dabiiciga ah ee kujira dhulka hoostiisa ee gebi ahaan gobolada hadda loo yaqaan Puntland. Waxa uu rabaa in dhulka Puntland ay shirkadaha uu sheeganayo in ay baaritaan (Exploration) ku sameeyaan muddo toban (10) sano ah, waqtigaas ay baaritaanka samaynayaana ay qaadan karaan dhammaan wixii khayraad ah ee ay helaan ugu yaraan 80%. Mudadaasna (ama ugu yaraan 20 sano) aan cid kale tartan kula geli karin dhulkaas in ay baaraan, wixii mudadaas ka dambeeyana ay baaritanka sii wadi doonaan muddo aan la cayimin, taas oo loo qaatay weligeed.

Wararka aan helay waxay tibaaxeen in markii uu ninkaasi uu arintaas u soo bandhigay madaxda sare ee DGPL, sida madaxweynaha, wasiirka Maaliyadda a iyo wasiirka qorsheynta, in markiiba arrintaas loo bandhigay qareeno Talyaani ah si ay arrinta talo uga keenaan, qareenadaas oo sida la sheegay ah kuwo khibrad u leh shirkadaha sida degdega ah ku taga dalalka ay ka dhacaan dagaalada qabaliga, oo inta ay dadkii dhulka lahaa is laynayaan ay si degdeg ah ugala baxaan wixii macdan ama khayraad ah sidaasna hadhow u dhuuntaan. Qareenadii waxay DGPL madaxdeeda sare kula taliyeen in aysan haba yaraatee wax heshiis ah la gelin ninkan waayo ayey yiraahdeen shirkadaha uu sheeganayo ma ahan kuwo meel loo raaco leh, mana ahan shirkado haddii lala xisaabtamo dal lagala xiriiri karo leh, suurta galna ma ahan in heshiis noocaan oo kale ah lala galo shirkad aan la aqoon, waayo ayey yiraahdeen waa in mark ahore shirkada wax baareysa ay tahay mid khibrad u leh arrimaha baaritaanka, ogna cawaaqibka xagga degaanka dhibka ka iman kara baaritaankooda, isla mar ahaantaasna leh meel loo raaco haddii ay ku dhaqaaqaan arrin xad gudub ku ah deegaanka ay baarayaan iyo dadka deegaanka degganba.

Kaddib waxaa wararku sheegenin qareeno kale oo aan Talyaani ahayn in arrinta ay DGPL madaxdeedu kala tashadeen, sidii oo kale ayaa qareenadan oo aan jawaabtii qareenada hore ogey waxay talo ku siiyeen in DGPL madaxdeda sare ay san heshiis la saxiixan ninkaas iyo shirkadaha uu sheegano maadaama aanba la aqoon meesha ay deggan yihiin shirkadahaasi.

Warar kale ayaa tibaaxay in ninkan markii cadaadis lagu saaray in uu sheego meesha xarunta u ah shirkadaha uu sheegay in ay baaritaanka ku samaynayaan Puntland, ayuu sheegay in ay deggan yihiin Jasiiradaha Maldives ee ku yaal badweynta Hindiya ee bariga kaga aadan dalka Soomaaliya, kana hooseeya dalka Hindiya (eeg khariidada midigta).


Dr.Faroole

Madacweyne kuxigeenka DGPL Maxamed cali Yuusuf Gaagab
Dr.Gaagaab


Gen.Cade


Mr. Terry

Waxaa warku tibaxay in heshiiskaas ay si dheer uga wada munaaqashoodeen madaxda sare ee Dawlad Goboleedka Puntland, gaar ahaan Madaxweynaha DGPL Maxamuud Muuse Xirsi (Gen. Cadde Muuse), Wasiirka Maaliyada DGPL Maxamed Cali Yuusuf (Dr. Gaagaab) iyo Wasiirka Qorshaynta & Xiriirka Caalamiga ee DGPL Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud "Dr. Faroole", wada hadalkaas oo ka dhacay magaalada Dubai. Waxaana warku sheegay in Dr. Faroole yiri waa in laga fiirsado oo aan heshiiskaas lagu degdegin ama la saxiixin gebi ahaantiisaba. Arrintaas si loogu qanqiyo wasiirka Qorshaynta waxay madaxdii joogtey Dubai u safreen Boosaaso.

Markii ay Boosaaso tageen waxaa shir la isugu yeeray golaha wasaarada ee DGPL, waxaana loo soo bandhigay arrinta ku saabsan heshiiskaas. Markaas golaha wasiirada DGPL waxay ku taliyeen in arrinta loo xil saaro dad khibrad u leh maadaama ayey yiraahdeen aysan war u ahayn shirkadaha ninkani uu sheeganayo in ay dalka khayraadkiisa baari doonaan.

Madaxweynaah DGPL, gen. Cadde Muuse oo markii uu dhowaan ka soo laabtay Jarmalka la hadlayey warbaahinta Puntland waxa uu sheegay in uu heshiis la soo galay shirkado uu ku sheegay reer Galbeed iyo reer Bari (bariga fog) kuwaas oo uu ku sheegay in ay Macdan iyo Saliid ceeriin ama shidaal ka baari doonaan Puntland. Waxana yiri ma ahan in aan khayraadka dhulkeena ku jira ka gaajaysnaano. Waxa kale oo uu sheegay in Puntland ay ka buuxdo khayraad dabiici ah oo farabadan uuna sheegay in laga heli doono shaqooyin iyo barwaaqo. Asagoo intaas kusii daray in heshiiskaas uu shirkadaha la soo galay uu socon doono muddo afar sano ah, waxana uu sheegay in la baari doono laba-iyo-toban nooc oo macdano ah. Laakiin madaxweynuha DGPL ma cadayn khayraadka ay soo saaraan inta boqolkiiba ay shirkadahaasi qaadan doonan. Sidoo kale ma uu cadayn in arrinta heshiiskaas ay ansaxiyeen golaha wasiirada iyo baarlamaanka Puntland iyo in kale.

Ma ahan markii ugu horeysey ee Madaxweyne reer Puntland ah uu heshiis la galo shirkado aan la aqoon ayadoo aan weliba arrimahaas shacabka loo sheegin ilaa heshiiskaas uu soo shaac baxay mooyee. Waxay ahayd dawlad goboleedkii uu hogaaminayey Maxamed Cabdi Xaashi oo heshiis hal qarni ah la saxiixday shirkad lagu magcaabo HAFZA si ay mudadaas u qaataan Xaafuun. Heshiiskaas oo sida markii dambe soo shaacbaxday socon waayey markii ay shacabku ku baraarugeen.

Arrinta aan weli shacabku ku baraarugin waa shirkadahan cusub oo aan la aqoon ee uu wato Terry. Terry taariikh ahaan waxaa la ogyahay in uu gobolada Puntland kusoo galay asagoo la socdey dhakhaatiir reer Australia ah. Wax yar kaddib waxaaba la arkay asagoo kamid ah waftiga madaxweynha DGPL, sheegtayn ain uu yahay ganacsade. Arrintaas markii ay SomaliTalk.com daabacday bishii June ee sannadkan waxaa durbadiiba lasoo xiriiray nin magaciisa layiraahdo Maxamed Saciid Maxamuud oo sheegay in uu wakiil u yahay urur uu sheegay in uu samafal yahay oo la yiraahdo "Kids in Need", kaas oo uu sheegay in uu madax ka yahay Terry. Asagoo arrintas ka hadlaayana waxa uu yiri: "Terry waa Gudoomiyaha (Chairman of Executive Officers (CEO)) urur caalami ah oo Western Australia (Perth), Australia ka rejis-gareesan. Ururkaan waxaa la yiraahdaa KIDS IN NEED (KIN). Terry wuxuu soo raacay dakhaatiirtii reer Australian-ka ahaa ee Bosasso Hospital timid February 2005 ka dib markuu barnaamijkooda ka daawaday idaacada (TV-ga) ABC ee Australia."

Waxaase muuqata in ninkani uu u xuubsiibtey in uu soo waarido shirkado aan weli haybtooda la aqoon.

Terry hadda waxa uu ku sugan yahay Dubai oo la sheegay in ay la joogan dilaaliin Soomaaliyeed oo ka war sugaya hadalada rasmiga ah ee DGPL. Ninkan meel xafiis ku leeyahay lama yaqaan, aan ka ahayn xafiiska la sheegay in uu ku leeyahay Garoowe.

Waxaa muhiim ah in marka shirkad lala gelayo heshiis in marka hore daraasad madax bannaan lagu sameeyo meesha shirkadaas qandaraaska lagula gelayo, si loo ogaado waxa khayrad ah ee kujira, iyo cawaaqibka xagga degaanka ah ee ka imanaya marka la bilaabo in meeshaas la qodo. Tusaale waxaa int abadan loo soo qaata labada dal ee Nigeria iyo Ecaudor oo ay dhibaatooyin ad u farabadan soo gaareen shacabka dalalkaas markii la bilaabay qodida saliida, ayagoo weliba shirkadaha qodayey ay ahaayeen shirkado la yaqaan, hadaan xagga caafimaadka waxaa la sheegaa dadkii ku dhaqnaa aagga shidaalka laga qodayo, gaar ahaan dalka Ecaudor, ay soo food saartay caafimaad darro.

Waxyaabah ka dahsooon mujtamaca Soomaaliyeed waxaa kamid ah: in aysan ka war hayn halista ka iman karta shirkado aan wax khibrad ah habayaratee u lahayn baaritaanka khayraadka dabiiciga ah in ay sababi karaan arrimo halis ku ah deegaanka Soomaaliya.

Xagga caafimaadka iyo dikhowga deegaanka marka laga soo gudbo, waxaa mudan in la is weydiiyo marka heshiis caalami ah lala gelayo shirkado shisheeye yaa xaq u leh in uu u saxiixo Soomaaliya: ma Dawlad Goboleed, mase Dawlada Federaalka Soomaaliya. Arrintaas si jawaab loogu helo waxaan eegi doonaa dhawr qodob oo ah Axdiga Federaalka kumeelgaarka ah oo ka hadlaya khayraadka dabiiciga ah iyo qodobo ka mid ah axdiga DGPL. Balse inta aynaan taas u gudbin aan in yar ka xusno warbaahinta caalamka oo beryahan ka hadlay arimaha khayraadka dabiiciga ee Soomaaliya.


Abdullahi Yusuf Ahmed 

Waxaa beryahayn dambe soo shaac baxayey hadalo ku aadan shirkadihii heshiiska la galay dawladii Soomaaliya, kahor burburkii dagaalka ahliga ah, waxaana la xusay in Maxamed Siyaad Barre uu heshiis ku saabsan baaritanka saliida ceeriin la galay shirkadaha Conoco, Chevron, Phillips, iyo Amoco.

Dhowaan (Aug 21, 2005) mar ay hay'adda wararka ee Reuters arimaha baaritaanka saliida wax ka weydiisey madaxweynaha DFKMG C/Laahi Yuusuf waxa uu sheegay in uu soo dhoweynayo shirkadaha Saliida baara , asagoo arintaas ka hadlayana waxa uu yiri: "Shirkada kasta oo xiisayneysa khayradka daabiciga  ee Soomaaliya way imaan karaan si ay dawlada Soomaaliya ula hadlaan, wadankii doonaan haka yimaadeene." waxa uu intaas ku daray "Waxaan fiirsaneynaa wixii dani noogu jirto, ha-tartameen shirkadahaasi waxaana guulaysan doona tan ugu wanaagsan".

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya markii la weydiiyey waxa uu ka yeelayo heshiisyadii ama qadaraasyadii hore ee ku saabsanaa baaritaanka khayraadka dabiiciga ah ee lala galay dawladii hore waxa uu ku jawaabey: "Weligay ma akhrin qandaraasyadaas, mana ogi in ay jiraan qandaraasyo horay loola galay dawladii hore iyo in kale, waa in aan arko dukumiinti. Haddii ay shirkadahaasi hayaan dukumiinti, waa in ay na tusaan". Waxana uu isla waraysigaas madaxweyna DFKMG uu beeniyey hadal kusaabsanaa wadahadal la sheegay in uu socdo shiinaha iyo soomaaliy asi saliid looga baaro Soomaaliya, taas oo uu madaxweynuhu yiri waxba kama jiraan.

Waxaa xusid mudan in dhibaatada ugu weyn ee dawlada Soomaaliya soo food saari doonta ay kamid tahay in ay hesho nuquladii hesiisyadii caalamiga ahaa ee dawladihii hore ee Soomaaliya ay la galeen shirkadaha caalamig ah iyo dawladaha shisheeye waayo gebi ahaanba Soomaalidu waxay gubeen ama burburiyeen diiwaankii dawladahii soo maray Soomaaliya iyo gebi ahaanba taariikhdii tiil matxafyada iyo kaydka diiwaanka Soomaaliyeed. Waxaana adkaan doonta in la rumeysto shirkad kasta oo keensata dukumiinti muujinaya qandaraas oo tiraahda waxaa heshiis nala galay Siyaad Barre ama Aaden Cadde ama C/Rashiid Cali Sharmaarke, ileyn nuqulkeenii waa gubneye.

Aan usoo laabano Axdiyada DGPL iyo DFKG dhawr qodob oo kamid ah:

Axdiga kumeelgaarka ah ee DFKMG ma ka hadlay dhawrista khayraadka dabiiciga ah? Jawaabtu waa haa, waxana uu ka yiri: Waxaa Waajibadka Muwaadinka kamid ah Ilaalinta deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah. Axdiga Soomaalida loogu soo qoray Kenya ee KMG inkasta oo uu yahay mid aan si fudud loo heli karin waayo DFKMG xil iskama saarin in ay shacabka u sahasho sidii ay ku heli lahayeen axdigaas si loo tixraaco la iskuna xisaabtamo. Laakiin Draftigii hore ee Axdiga lagu qoray Eldoret anagoo tixraaceyna ayaan helay qodobada hoose oo ka hadlaya Khayraadka dabiiciga ah iyo cidda leh saxiixa heshiisyada caalamiga ah:

QODONKA 66aad: SIYAASADDA DHULKA

  1. Dhulka waa kheyraadka Soomaaliya ee ugu muhiimsan iyo saldhigga nolosha ee dadka waana in lagu hayaa isticmaalaa loona maareeyaa si caddaalad ah, wax .. , wax soo saar leh oo joogtayn karo.
  2. Dowladda waa inay caddeysaa sameysana siyaasadda qaran ee dhulka, isla markaana habeysaa dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya. Loona sameeyaa diiwaangelin, ku dhaqan, lahaanshaha, isku …, degidda, maareynta xuquuqda nabadgelyada, dooda iyo milkiyadda dhulka.

QODOBKA 67aad: KHEYRAADKA DABIICIGA AH IYO ILAALINTA DEEGAANKA

  1. Kheyraadka dabiiciga ee dalka sida macdanta, biyaha, dhirta iyo xayawaanka waa hanti Qaran. Sharci ayaana caddeynaya qaabka ugu wanaagsan oo loogu manaafacaadsanayo.
  2. Dowladda waa inay siisaa mudnaan ilaalinta, keydinta, dhowrista deegaanka wax kasta oo waxyeelayn kara
  3. Qof kasta oo ku sugan Jamhuuriyadda Soomaaliya waxa ku waajib ah inuu dhowro hagaajiyana deegaanka
  4. Dowladda waa inay dhiirigelisaa sahashaana ka qeyb galka caam ah dhinaca horumarinta, fulinta, maareynta, keydinta iyo ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah Jamhuuriyadda Soomaaliya.
  5. Dowladda waa inay qaadaa tallaabooyin lagu nadiifinayo haraaga wasakhda lagu soo qubo xeebaha Soomaaliya. Waa in la weysiistaa magdhow kuwa lagu helo inay ka dembeeyaan dembiyadaas.

QODOBKA 69aad: XIRIIRKA CAALAMIGA IYO LABO GEESOODKA IYO SHURUUCDA CAALAMIGA

  1. Dowladda Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Ku Meel Gaarka waa inay oggolaataa qodobada xeerarka caalamiga ah iyo heshiisyada caalamiga ee Soomaaliya ka socon kara... 

Halkaas waxaa ka cad dadkii qorayey Axdiga FKMG in ay ka fekereen khayraadka dabiiciga dhawritaankiisa, su'aashu waxay haddaba tahay DGPL oo ka mid ah Dawlada dhexe diyaar ma u tahay in ay shacabka gobolada Puntland iyo gebi ahaanba Soomaalida u cadeyso waxa uu yahay heshiiska uu wado ninkan markiisii hore dalka kusoo galay hay'ad samafal, markii dambena u xuubsiibtey in uu sheegto in uu khayraadka Puntland baari doono, waa mr. Terry.

In yar haddii aan jalleecno Axdiga DGPL, waxaa kamid ah:

Qodobka: 10aad: Qaybtiisa koowaad oo dhigaya: Puntland waxa ay ka mid noqonaysaa Dalwad Soomaaliyeed oo habka Federaaliga ah ku dhisan.
Su'aal: Maxay hadda dawlad GPL u garab mareysaa qododbkaas, una geleysaa heshiis caalami ah oo aysan ansaxin Dawlada Federaalka.

Qodobka 10aad: Qaybtiisa labaad oo dhigaya: Waxyaalaha dawlad-goboleedka Puntland ay ku wareejin doonto dawlada Federaalka ah waxaa kamid ah: Arrimaha socdaalka, difaaca, arrimaha siyaasada dibada, istaambada boostada, lacagta, habka cabbiraadda.
Su'aal: Arrimaha Siyaasada dibadda sow kamid ma ahn heshiisyada caalamiga ah?

Qodobka 11aad: qaybtiisa labaad oo dhigaysa: Dawlad goboleedka Puntland waxay dhawreysaa heshiisyadii ay dawladihii hore ee Soomaaliya la galeen shirkad shisheeye, haddii heshiiskaas/heshiisyadaas aysan ka hor imaamayn danaha iyo maslaxadaha Puntland?
Su'aal: Heshiiska cusub ee lala gelayo shirkada aan la aqoon maslaxadi ma ugu jirtaa dawlada iyo shacabka.

Isku soo xoorinta labadaas Axdi waxaa ka muuqda in dawlada Federaalka Soomaaliya ay leedahay saxiixida heshiisyada caalamiga ah.

Qaybtan waxaan kusoo gabagabeyneynaa xusuusin reer Puntland (Xukuumad & Shacab) in axdiga Puntland qodobka 25aad uu dhigayo: (1) Qof kasta xor buu u yahay figraddiisa iyo soo bandhigideeda. (2) Qofku waxa uu fikraddiisa ku cabbiri karaa qaab hadal, saxaafadeed, qoraal, baahineed, muuqaal, suugaan iyo hab kale oo xeerka waafaqsan faragelin la'aan.

Haddab waxaa la gudboon xukuumada in ay dhawrto qaanuunka xorriyada, isla mar ahaantaasn ay shacabka si xor ah ugu soo bandhigto wixii ay u aragto in dani ugu jirto si waadax ah oo aan qarsoodi lahayna looga doodo. Shacabkana waxaa waajib ku ah in ay xuquuqdooda gartaan, ogaadaana in laga gudbey xilligii dhawrka madaxda ah oo keliya ay ku amar ku taaglayn jireen malaayiinka shicibka ah. Saxaafada Puntland waxaa la gudboon in aysan goroda hoos uga rogan sheegida wixii maslaxad u ah shacabka.

Gobolada hadda loo yaqaan Puntland oo keliya ma ahan meelaha ay saxaafadu cabursan tahay, xagga koonfureed waxaa si bareer ah ay in yar oo dadka xoog ku muquuninaya ay ugu beeraan daroogo xaaraam ku ah Diinta Islaamka, daroogadaas oo halligtey dhallaanka da'da yar ee soo koraya, balse ay dad yari lacag xaaraan ah ka ururusadaan, taas oo ay warbaahinta goobah joogaa ay indhaha ka rogtaan ilayn si xor ah uma hadli karaane. Waxaa taas dheer sida loo xaalufiyey degaanka. 

Ugu dambayn; Waxaan ugu baqeynaa muwaadin kasta oo Soomaaliyeed oo xog ka haya heshiisyada qarsoodiga ah ee laga yaabo in ay halis gelin doonaan ammaanka iyo caafimaadka shicibka, dhibaato garsiin karaan deegaanka, in ay noo soo tebiyaan si aan shacabka ugu baahino. Waxaad SomaliTalk.com kala soo xiriir kartaa halkan: www.somalitalk.com/feedback/

Haddii aad rabtid in aad wax k aogaatid khayradka kujira Soomaaliya akhri Halkan.... GUJI...

Faafin: SomaliTalk.com | August 25, 2005

WARARKII HORE EE TERRY HOOS KA AKHRI::::


Waa Kuma Terry, Muxuuse Puntland u Joogaa?

  • Xog soo gaartey SomaliTalk | June 12, 2005

Terry | Reer Australia aan la garanayn sababta uu u jooga Puntland

Tan iyo markii ay SomaliTalk daabacday sawir nin u dhashay dalka Australia oo kamid ahaa waftigii madaxweynaha DGPL ee June 10-keedii u ambabaxay UAE iyo Kenya, waxaa SomaliTalk ka soo gaarey dalka Soomaaliya guduhiisa warar ku saabsan ninkaas.

Waxaa wararkaasi tibaaxeen in ninkaas oo Puntland looga yaqaan magaca Terry in gobolka lagu arkay sannadkan 2005 horraantiisii ilaa hadda, waxana uu sheegtaa in uu maalgashi ku samaynayo Soomaaliya. Taas oo sida wararku sheegeen uu ninkaasi u muuqdo nin aan ganacsade ahayn marka la eego qaab socodkiisa uu ku joogo Puntland.

Mid kamid ah dadka la soo xiriiray SomaliTalk ayaa yiri: "Ninka reer Australia ee mudadan ku wareegayey Puntland uma muuqdo ganacsade, balse waxa uu u muuqdaa nin dano kale u jooga gobolka, waa nin xiriir aad u dhow la leh madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse, waa nin dawlad Goboleedka Pubtland aad ugu dhex jira si shaki gelin karta shacabka, DGPL ilaa hadda ma ay cadayn waxa ninkani gobolka u joogo, waa nin Soomaalida aad u soo dhex galaya, gaar ahaan wuxuu aad u dhex galay dhallinyarada, uma eka nin maal qabeen ah oo gobolka u jooga maal gashi, muddo ayuuna gobolka ku gaaf wareegayey mana jiraan wax mashruuc muuqda oo uu qabtay. DGPuntland shacabku waxay ka qabanaan shaki wixii ka dambeeyey ilaa markii uu soo shaac baxay heshiiskii halka qarni loogu saxiixaday Xaafuun in lagu wareejiyo shirkad reer Australia ah, taas oo ilaa hadda aan xaqiqadeeda dawlada Dhexe iyo dawlad goboleedka toona aysan war cad ka soo saarin..  haddaba tolow ninkani muxuu Puntland u yimid.." ayuu akhristahaasi ku soo gabagabeeyey hadalkiisa.


Madaxweynaha oo Safarkiisa uu_ku weheliyo Terry.. Guji

Wararkaasi markii ay akhristayaasha ka soo gaareen SomaliTalk ayaa waxaan baaritaan ku samaynay arinta la xiriirta ninkan, waxaana ilaa hadda SomaliTalk u suurta gashay in ay ogaato arimahan:

Ninkan (Terry) waa reer Australia, waxana uu Boosaaso yimid bishii Febraayo ee sannadkan 2005, xilligaas waxa uu la socdey dhakhaatiir reer Australian ah oo Puntland u yimid in ay caawinaad gaarsiiyaan dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartey bad-gariirka (Tsunami). Markaas waxa uu Terry sheeganayey in uu ka socdey hay'ad samafal ah oo magaceeda la yiraahdo "Kids in Need" (taas oo marka la macneeyo ah: carruurta caawinaada u baahan - ilaa hadana funaanada uu wato sidaaas ayaa ugu qoran). Kaddib waxa uu Terry ku laabtay Australia, laakiin durbadiiba waxa uu Puntland kusoo laabtay asagoo aysan la socon hay'adihii samafalka ee markii hore uu la socdey. Waxana uu hadda ka mid yahay waftiga DGPL, sida ka muuqata sawirka midigta xiga, oo ah sawirka ay akhristayaashu jawaabaha naga soo gaarsiiyeen kaddib markii aan daabacnay.

Waxaa kale oo SomaliTalk u suurta gashay in ay ogaato in haya'adihii samafalka ee uu Terry la socdey in dadkii la socdey uu kamid ahaa Ciise Dhoolawaa, markiiba SomaliTalk waxay la xiriirtay Dhoolwaa si wax looga weydiiyo waxa uu kala socdo arimaha ninkaas, waxana uu Dhoolwaa ku jawaabey : "Ninkaas Boosaaso markii aan tagnay asagoo aan u malaynayo in uu ka socdey hay'ad samafal ayaa iigu war dambeysey, waxaana arimhiisa wax laga weydiin karaa Dawlad Goboleedka Puntland".

Isku soo duuboo waxaa dad badani is weydiinayaan sida uu nin dalka ku yimid magac hay'ad samafal ah uu durbadiiba ugu xuub siibtey ganacsade dalka maal gashanaya, ayado aysan muuqaan maalgashigaasi,. Waxa kale oo la is weydiinayaa sida xiriirka degdeg ah uu ula ayeeshay DGPL, iyo sida uu dhallinyarada u dhexgalay.

Warar kale oo dhowaan SomaliTalk soo gaarey ayaa sheegaya in uu jiro dadaal la isku deyayo in arinta ninkaas lagu war geliyo wasaarada arimaha dibadda ee Austarlia iyo booliiska dalka Australia.

Ugu dambayntii SomaliTalk waxay ku casumeysaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan  reer Puntland, in qofkii xog ka haya ninkaas uu nasoo gaarsiiyaan si aan shacabka ugu soo bandhigno.

SomaliTalk waxa lagala soo xiriiri karaa halkan: www.somalitalk.com/feedback

Faafin: SomaliTalk.com | June 12, 2005



Waraysi: Maxamed Cabdi Xaashi
SomaliTalk oo Madaxweynihii hore ee Puntland ka waraysatay waxa uu kala socdo sheegashada shirkadda Hafza ee ah in ay ijaaratey Xaafuun muddo dhan hal Qarni..
ka Dhegeyso halkan...


XAAFUUN::: 00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08

JAWAABIHII HORE EE AKHRISTAASHA HOOS KA AKHRI:::
June 17, 05


»»Waa Kuma Terry, Muxuuse Puntland u Joogaa?
»»
Jawaab: Waa Kuma Terry? Muxuuse Puntland u joogaa? | M.S.Max'ud
»»HAY'DDA UNICEF OO MARLKALE DIB HOWLAHEEDII UGA BILOWDAY BOOSAASO.
Jawaabo ay Akhristayaashu Ka Bixiyeen Qoraalkii "Waa Kuma Terry"

Jawaab: Waa Kuma Terry

  • Dr. Graham Forward ayaa Hogaaminayey Dhakhaatiirtiii Timid Boosaaso Feb 2005, ee Terry ma ahayn ninka keenay dhakhaatiirta...

Salama Caleykum,

 
Salaan ka dib waxaan doonayay inaan idiin soo diro qoraal ku saabsan arinta ninka la yiraahdo Terry oo ayaamahanba jahwareer ka jiray. Runtii aad ayaad ugu mahadsantihiin inaad u soo gudbisaan arintan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka degan gobolada Puntland si loo ogaado xaqiiqada runta ah oo aan la qarin wixii xun iyo wixii wanaagsanba oo saameyn ku lahaan kara shacabkeena.
 
Sida uu Maxamed Saciid ninka la yiraahdo idinku soo qorayba warqadiisii jawaabta aheyd waa qeyb ka mid ah runta. Maxamed Saciid ma wada dhameystirin sheekada intii kale ee ka harsaneyd. Midi waa run in uu Terry ku yimid gobolada Puntland isagoo sheeganaya magaca urur NGO ah (urur samafal) si uu u caawiyo dadkii waxyeelada ka soo gaartay Tsunami - hadalkaas gadaal ayaan u eegi doonaa.  Sida uu Maxamed Saciid sheegayba waxaa cad sababaha U.N iyo Puntland isu dirireen inuu ka danbeeyay Terry ka dib markii uu Terry yiri "mucaawinada U.N waxaa lagu iibiyaa suuqyada Boosaaso" oo xitaa sawiro laga soo qaaday la keenay casuumadii cashada ee Gen. Cade uu sameeyay.  Waxaa jiro siyaabo badan oo ay dowlada Puntland kagala hadli karto U.N wixii dhib ah ee jiro ee laga sheeganayo shaqaalaheeda, ee ma ahan in koox dana gaar ah wadata ay isku dirto dowlada Puntland iyo madaxda U.N.
 
Maxay tahay sababta keentay Terry inuu sii raaco Madaxweenaha Puntland oo ka qeybgalayey xafladii Nairobi ee loo suubiyay dowlada Federaalka?  Sida wararka nagu soo gaarayaan waxa ay tahay in Terry iyo kooxdiisii ay ka dhaadhiciyeen Madaxweenaha Puntland in Terry keeni karo gobolada Puntland company ka qodo shiidaalka goboladaas. Sidaad ogtihiinba shidaal laqodayo waxaa ku baxo dhowr Bilyan oo doolar oo ma ahan wax fudud oo cid waliba iska sameyn karta.  
 

Dr.Faroole


Gen.Cade


Col.C/lahi


Prof.Gedi

Sida wararku sheegayaan waxaa la isku dayay in Madaxweenaha iyo Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya laga saxiixo contract la siinayo kooxda Terry wato. Taasina ma aysan suura gelin waxaana halkaasi ku kala xanaaqay Gen. Cade Muuse iyo Madaxweene Cabdulaahi Yusuf. Sida la sheegayo waxaa halkaasi fadhiyay Wasiirka Qorshayn ee Puntland oo xitaa aflagaadeeyay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya markay arintu noqon weysay sida uu rabay.
 
Sida dad lagu kalsoon yahay sheegayaan kooxdan aan kor ku sheegay waa koox u horkacayo Wasiirka Qorshaynta ee Puntland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud "Faroole".  Maxamed Saciid Maxamuud oo ah ninka qoraalka soo qoray oo deganaan jireyAustralia waxa uu qoraalkiisa ku cadeeyeyna in Terry ka yimid Western Australia (Perth). Warar aad loogu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Terry loo adeegsadey arimaha ah Xumaan ka dhex abuurida Madaxweynaha dowlada Puntland iyo U.N ayadoo la adeegsanayo Terry. Hadana mar labaad xumaan ka dhex abuurida Madaxweenaha Soomaaliya iyo Madaxweenaha Dowlada Puntland ayadoo la adeegsanayo Terry.

Haddaan gadaal u eegno hadalkii Maxamed Saciid Maxamuud, waxa uu qoray sidan "Terry wuxuu soo raacay dakhaatiirtii reer Australian-ka ahaa ee Bosasso Hospital timid February 2005 ka dib markuu barnaamijkooda ka daawaday idaacada (TV-ga) ABC ee Australia. Terry wuxuu safarkiisii ugu horeeyey Puntland (February) waday deeq ururkiisa (KIN) ugu soo deeqday Tsunami-da." - bal hadaba arintan hoose eega.

Qoraalkii Mohamed Said Mohamud: Waa Kuma Terry? Muxuuse Puntland u joogaa?

Waxaa Internetka lagu soo qoray bishii January 2005 in dhakhaatiir ka kooban afar qof ay woqooyi bari Soomaaliya u safri doonaan bisha Febraury (waxaad interka ka baartaa "Medical team ready to assist Somalia"). Dhakhaatiirtii Boosaaso wey yimaadeen. Afarta dhakhtar magacyadoodu waxay kala yihiin: Graham Forward (orthopaedic surgeon), Wayne Pennington iyo Mark Salib (A & E physician & anaesthetist) and Debbie Wilson (Nurse) (Waxaad eegtaan www.wocuk.org). Sida ku cad websiteka www.wocuk.org dhakhaatiirtaas waftigooda si rasmi ah ugama mid aha magac layiraahdo Terry, wuu soo  raaci karaa asagoo kasocda NGO, laakiin waxaa been cad ah in uu Terry ahaa kan keenay dhakhaatiirtaas, su'aashaas hada waxay tahay goorma ayuu ganacsade dhulka maal gashanaya noqday ninkani oo maalgelinaya arimaha uu taxay Maxamed Saciid Maxamuud, haddii ay jiraanse maxay dawladu u cadayn weydey wixii faa'iido shacabka u ah.

Sida ay ku qoran websiteka www.wocuk.org, Kooxda dhakhaatiirta ah waxaa hogaaminayey Dr. Graham Forward kaas oo sawiradii uu website kale www.sjog.org.au ka qaaday ay ka muuqdaan hoos (Qofkii raba wuxuu Dr. Graham Forward kala xiriiri karaa emailkan: gforward@iinet.net.au emailkaas oo ku qoran website www.wocuk.org).


Dr. Graham Forward  oo jooga cisbitaalka Boosaso Feb 2005
. Sawirka: www.sjog.org.au


Maxwell Gaylard

".... (Terry) Wuxuuna xoogsaday ka dib markii Madaxwaynuhu ku casumay casho sharaf loo sameeyey wafti balaaran oo UN Somalia ka socday oo uu ku jiray Maxwell Gaylard (ninka haysta UNta Somalia) 5tii April 2005. Terry cashadii buu habeenkii ka hadlay isagoo dhaleeceenaya waxtar-yarida iyo musuqmaasuqa ku dhexjira UN hay'adaheeda Somalia ka shaqeeya. Wuxuu Terry ka waramay in gaajo danyarta reer Puntland wada haysato raashinkii UNtu keentayna (hay'ada WFP) ay bakhaaro iib-uga buuxaan magaalada Bosasso.... - oo ay qaarkood leeyihiin shaqaalaha UNta u shaqeeya." Qore:  Mohamed Said Mohamud, Acting Country Director, KIDS IN NEED, Garoowe


Waraysi dheer oo uu Telefishanka ETN Boosaaso la yeeshay madaxweynaha DGPL, Jeneral Cadde Muuse, ayuu wuxuu shaaca kaga qaaday in hay'adaha ajnabiga ah ay rabaan uun in ay dalka maamulaan, waxana uu intaas ku daray hay'adahaasi aysan dadka wax u qaban. Daawo....

Arinta kale oo dadka ka yaabisay waxay tahay kaddib markii uu Maxamed Saciid Maxamuud yiri "Terry xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo dawlada Puntland wuxuu ka dhashay arintaas. Wuxuuna xoogsaday ka dib markii Madaxwaynuhu ku casumay casho sharaf loo sameeyey wafti balaaran oo UN Somalia ka socday oo uu ku jiray Maxwell Gaylard (ninka haysta UNta Somalia) 5tii April 2005. Terry cashadii buu habeenkii ka hadlay isagoo dhaleeceenaya waxtar-yarida iyo musuqmaasuqa ku dhexjira UN hay'adaheeda Somalia ka shaqeeya....". Taas waxaa jawaab u ah erayadii hore.

Qore: Nuur Geedi | ngeedi@yahoo.com
& G.L.


Terry ma basaas baa?

 

ascww
Waxaan marka hore idinku amaanayaa inaad tihiin shaqsiyaadkii ugu horeeyey ee soomaali ah ee isku shuqliya khabaar helida ajnebiga wadankeena u yimaada inay ka fuliyaan arimo khatar ku ah diinteena, dadkeena iyo dalkeena. waxaana idinku baraarujinayaa inaad ilgaar ah ku eegtaan arimaha noocan oo kale ah.

Hadaan mowduuca usoo laabto ninkaan anigu aqoon uma lihi waxaanse rabaa inaan fikirkayga ka dhiibto anoo adeegsanaya aqoonta aan u leeyahay arimahan. ninkani ururka uu magaciisa wato waxaa xaruntiisu ku taal magaalada Chicago ee wadanka Maraykanka cinwaanka ururkuna waa: www.kidsinneed.org. Waxaad aragtaan in Mohamed Said Mohamud oo sheegtay "Acting Country Director - Kids in need" garoowe,  uu yiri "Terry waa Gudoomiyaha (Chairman of Executive Officers (CEO)) urur caalami ah oo Western Australia (Perth), Australia ka rejis-gareesan."  Laakiin haba yaraatee ma uu qorin cinwaanka hay'addaas ee Australia iyo lambarka diiwaankeeda.

Ururkan (www.kidsinneed.org) ma aha mid ay diiwaanadiisa ku qoran yihiin inay ka hawlgalaan Puntland, hadaba waxaa caado noqotay in laga soo bilaabo 1980kii inay Soomaaliya ka hawl geli jireen hay'ado ku magacaaban bani'aadanimo laakiin ahaa kuwo hoos taga sirdoonka qarbiga waxaana ka mid ahaa hay'adii tooska u hubaysay kacdoonkii usc ee Muqdisho ka bilowday 1990-naadkii.... (Isla hay'addaas mudo qiyaastii laga joogo bil iyo bar ilaa laba bilood ka hor ayay tageen puntland waxaana hogaaminayey qof dumar ah sababta ay u tageena waxay ahayd inay xafiisyo Bosaso ka furtaan Puntland mase la socdo meesha arimohoodu ku dameeyeen)...

Sida aad la socotaan waayadan dame waxaa aad ugu adkaaday sirdoonka qarbiga inay si toos u tagaan wadamada Islaamka siiba meelaha dhaqanka Islaamka laga dareemayo Soomaaliyana ay ka mid tahay, marka masiibooyin dhacaana fursada ugu horaysa ee reer galbeedku ka faa'iideysteen waa siday informer meeshaas u geyn lahaayeen.

Ninkaan hadda Puntland ku meeraysanaya shaki igagama jiro inuu ka socdo hay'adaha sirdoonka, hadaad u fiirsataan ookiyaalaha uu sito waa nooca ay qaataan dadka shiishyahanka ah laguna rakibo qalabkaan: spy wireless ccd color camera, 3,4 ghz. Qalabkan habeen iyo maalinba isku si ayaa loo isticmaali karaa, wuxuuna khabaarta u gudbin karaa dayaxgacmeedyada meeraysanaya hawada sare sida nooca loo yaqaan titan 4b ee fadhiya hawada dhexe.

Waxaana aaminsanahay inay ninkaan hawlgalkiisa ay qaybweyn kasoo qaateen hay'adda sirdoonka dalka uu ka yimid. Sida la sheegay ninkani maleh qaab ganacsade waxaana cadayn idiinku filan mudada yar ee uu Puntland joogey iyo inuu marna sheegtay inuu ka socdo hay'ad bani aadanimo marna uu yahay ganacsade. dadka da'diisa oo kale ah uma ogola wadamada reer galbeedku inuu maalgelin ku sameeyo wadan aan wadankiisa ahayn arimo sireed waa u sameeyaan. ninkaan qaabkiisu veteran soldier, sida caadada ah dadka kasocda hay'adaha kaalmada waa laga yaabaa inay qaataan koofiyad calaamadoodu ku qoran markay wadan imaanayaan, laakiin markay ka baxayaan ma qaataan, hadaba ninkaan funaanada uu sito waa mid uu ku jeedinayo attentionka dadka waxaase u qarsoon hawlo rabigeen ogyahay.

Waxaan idin xasuusinayaa in sanadkii 2002dii uu nin ingiriis ahi uu ku tegey wadanka Lubnaan inuu UN u shaqeeyo ka bacdina uu dhexgalay dhalinyaradii reer Lubnaan wuxuuna ku guuleystey inuu soo ogaado halka ay ku sugan yihiin rag badan oo maanta ku xirxiran wadamada reer galbeedka.


Weriyayaal isugu Jira Ajnabi iyo kuwo ka yimid Muqdisho oo Booqday Boosaaso iyo Shimbiraale. Kuma arag wax urur argagixiso oo xarun ku leh Shimbiraale.. Xataa kuma arag raad shimbireed.. Akhri warbixintii Ingiriisi / Sept 2002


Sida aad losotaan waqtigii dagaalka sokeeye ka socdey Puntland dhowr jeer ayuu C/lahi Yuusuf ku sheegay inay joogaan ururka alqaaciida, waana meel reer galbeedka u calaamadsan, dhowr sheekhna waa lagu diley Bosaso dilkaas oo la sheegay inay ka dameeyeen hay'adda PIS oo ah sirdoonka Puntland ayna maalgeliyaan hay'adaha sirdoonka qarbiga.

Waxaan ka codsanayaa dhalinyarada reer Puntland inay ka feejignaadan dadka ajnebiga ah ee usoo suxulo duubtay baabi'inta diintiina, dadkiina iyo dalkiina isla markaana ay la shaqeeyaan booliska deegaanka lana socodsiiyaan khabaaraha ajnebiga. waxaan kaloo ka codsanayaa culimada reer Puntland inay aad u feejignaadaan wixii ay ka shakiyaana ay report ka qoraan lana socodsiiyaan saldhiga booliska ee ugu dhow.

1997 / 1998 - Jariidad kasoo baxda dalka Talyaaniga oo lagu magcaabo Famiglia Cristiana ayaa daabacday qoraalo xiriir ah oo si waadax ah u faahfaahinaya eedaymo la xiriira sunta lagu duugay Soomaaliya oo ay jariidadu magcawday labada shirkadood ee kala ah Achair Partners (Swiss),  Progresso (Italian). Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay. Heshiiskaasi wuxuu dhacay December 1991, waxaana Cali Mahdi Maxamed "maamulkisii" u saxiixay "Wasiirkiisii Caafimaadka" Nur Elmy Osman. Waxaana qorshuhu ahaa in sannadkiiba Soomaaliya lagu duugo sun miisan keedu dhan yahay 500,000 tons. Guji...

"Heshiis Saddex Geesoole ah oo Lagu Gatay Xaafuun Muddo 99 sanadood ah"
HAFZA oo ah shirkada sheegtay in ay ijaaratay Xaafuun muddo 99 sanadood ah ayaa shaaca ka qaaday waraaqo ay ku saxiixanyihiin Madaxweynaha DFKMG, madaxweynihii hore ee DGPL iyo wasiirkii Hawlaha Guud ee PL.. Guji..

Ogaadana jaajuus keliya haka fekerina ee xataa xusuusta sidii sunta loogu duugey dalka in ay shirkado magac qarbi wata ay heshiis la galeen dad sheegta Soomaali laakiin aad dalkooda wax dan ah ka lahayn si ay sun ugu aasaan wadanka Soomaaliya, taasna yaan loo dayma la'aan.

Qore: X.H.


FEEDBACK (Waa Kuma Terry, Muxuuse Puntland u Joogaa?)

Asalaamu Alaykum,
 
Waxaan akhriyey qoraalkii cinwaankiisu ahaa  Waa Kuma Terry, Muxuuse Puntland u Joogaa?
Marka hore waxaan idinkaga mahadcelinayaa howsha wanaagsan aad qabateen, sida aan aamin sanahay waa howl muhiim ah oo u baahan in la helo dad u istaaga mushtamaca reer Puntland.
 
Haddii ninkani uu dan uu isugu uu leeyahay u joogo Puntland ama uu jiro dad reer Puntland oo dano ayaga ugaar ah u ah uu ninkani u joogo wadanka waa arin muhiim ah oo u baahan in la ogaado, looga digo mushtamaca.
 
Waxaa nasiib xumo ah in maamulka uu dhaqmayo sidii maqaayad oo kale, taasoo aaysan mudnayn in meeshu ay noqota meel ay dadku iska soo dhexgalaan ayadoo qofkasta uu ku andacoonayo inuu katirsan yahay urur wax caawiya ama uu yahay nin wax maalgashan kara.

Qore: H.S.


Haa aniga ayaa Terry la kulmay::

Haa aniga ayaa Terry la kulmay oo u kuur galay arinta dhambta ah ee uu meesha u joogo waxbaana idinkaga sheegi karaa hadii alle idmo.

Qore: F. C.


Mahad Celin::

asalaamu caleykum
Waxan hal kaan ooga mahad celinayaa SomaliTalk sida ay oogu dadaalaan diinta islamka iyo soo ban dhigideeda wax ala wixii khayr ah oo ay qabteen dadka diinta jecel ama ka shaqeeya, waxan idin kula talinayaa in iina ka caajisin diinta islamka soo ban dhigeeda ayada aya ina an facaysa aakhiro iyo aduunba. 

Qore: A. C.


Bogaadin iyo dhiirri galin::

 as.wr: War aan idiinkaga hayo haatan ninkaas xaaladdiisu shakiga xoogga badan abuuri karto balse waxaan idinku bogaadinyaa tahniyadna hawada idiinkugu soo dirayaa iyo salaan sida aad isaga xilsaaraysaan , ilaalinta qaranimada ummadda idinka oo bulshada u bandhigaya si hufan khataraha jira waana inaad u yeelataan sabir dadka in badani ma oggola in xaqiiqda la sheego, taariikhda ayaana dadka kala saaraysa tii ilaahna way dhimmantahay , ilaahay ha idin barakeeye.

Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah
Waxaa diyaariyey: Prof. Yusuf Hersi Ahmed  Guji...

Qore: M.O.

Afeef: Dhammaan aragtiyada ku qoran boggan waa aragtida dadweynaha kana tarjumi maayaan aragtida SomaliTalk

Afeef: Qaar kamid ah qorayaasha maqaaladan waxay codsadeen in aan la qorin magacooda oo buuxa arimoxagga  nabadgelyadooda la xiriirta

Faafin: SomaliTalk.com | June 16, 2005 | Updated: June 17, 05

Qoraalkii Mohamed Said Mohamud: Waa Kuma Terry? Muxuuse Puntland u joogaa?


CILMI BAARIS MA KA SAMAYNEYSAA DHIBAATADA AY YEELAN KARTO SALIIDA DABIICIGA AH OO BAARITAANKEEDA SI KHALDAN LOO ISTICMAALO, IYO TAARIIKH GUUD OO KUSAABSAN SALIIDA CEERIIN: eeg linkiga hoose:

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD