SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRADKA DABIICIGA


Geeddi ma Raalli Gelin doonaa Puntland 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 


Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Waxba kama Jiraan kasoo Qaaday Heshiiskii Puntland La Gashay Shirkado Shisheeye ee Kusaabsanaa Baaritanka Khayraadka Dabiiciga ah.... Guji...

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

London, UK | Aug 29, 2005

Siday na bartay khibradaha laga helay Soomaaliya sanadihii u dambeeyey ayaa tusay in reer Puntland toodu socoto. Reer Puntland markaan leeyahay waxaan ka wadaa dadka horbooda ileyn  Soomaaliya ma jirto meel shacab laga ixtiraamee. Si kastaba ha ahaatee, aqoonta lagu tuhmayo Geeddi, weynaanta arrinta la isku heysto iyo tuhun ay qabaan qabiilka Geeddi ayaa keenaya inaan jawaabta arrintaas lagu degdegi karin. 

Iyadoon daqiiqado ka soo wareegin shirkii-jaraa段d ee Geeddi ku qabtay Nairobi ee uu ku xusay ineysan Puntland xaq u lahayn iney keligood la galaan heshiisyo shirkado ayey madaxda Puntland shir u fariisteen. Iyagoo cuskanaya qoddobo dastuuri ah ayey sheegeen inuu Geeddi khaldanyahay oo uusan fahmin dastuurka; kana codsadeen inuu raalligelin ka bixiyo! 

Su誕ashu waxay tahay janan ciidan ahi ma ka badin karaa dastuurka macallin jaamacadeed? Haddii Geeddi raalligelin bixiyo waxay noqoneysaa in jananka loogu talogalay inuu dad (ciidan) la xaalo halka Geeddi loo tabobaray inuu xoolaha daaweeyo oo uu ka tirsanaado wasaaradda xanaanada xoolaha! 

I  I  D  H  E  H


GUJI HALKAN.......

Laakiin waxaa arrintaas shaki gelinaya, degdegga reer Puntland. Maxaa u diiday iney arrinta cagta u dhigaan oo la tashadaan qareemo ku xeeldheer arrintaas? Ma qab baa mise maba qiyaasi karaan dhumucda iyo xajmiga ay arrintu leedahay? Madaxda Puntland waxay ka dabaakhikaraan hadalka Geeddi hadday hubaan iney100% gar leeyihiin. Hadday gar helaan, waxay keenaysaa inuu Geeddi horay iska casilo maxaa yeelay macquul maaha in ra段isul wasaare uu moogyahay arrintaas oo kale. Bal ka warran haddii Geeddi gar leeyahay? 

Horay wuxuu Geeddi gacanta ula galay arrimo uusan shuqul ku lahayn sidii magacaabiddii Guddoomiyayaasha Hiiraan iyo Banaadir. Qabiilka Geeddi waxay mar horaba dhaheen oo ma annaga keliyaad na xukuntaa! Waxaa intaas dheer iyagoo jileec ku tuhmay Geeddi, oo leh waxaa howshaadii wada korneylka. 

Inkastoonan aqoon u lahayn dastuurrada iyo xeerarka u degsan laakiin waxaan maskaxdeyda ka helayaa in Puntland tahay gobol Soomaaliya ka mid ah. Waxaa la sheegaa in ay jiraan madaxweyne, ra段isal wasaare, afhayeen baarlamaan, wasiirro iyo xildhibaanno. Soomaalidu waxay tiraahdaa: dheri ninkii u dhow baa laf kala baxa. Haddii shidaal iyo barwaaqo ka dilaacdo Puntland, dadka ugu horreeya oo ka faa段idaya waa dadka degaanka degan. Laakiin taas micnaheedu maaha in waxa ka dhacaya Puntland ay ka qarsoonyihiin dowladda iyo xildhibaannada Soomaaliyeed. Tusaale ahaan, muxuu qabanayaa wasiirka macdanta/shidaalka/tamarta/kheyraadka dabiicigaa hadduusan ogeyn waxa wasaaraddiisu qabaneyso? Weli taariikhda ma maqal cid u hadleysa sida madaxda Puntland u hadlayaan. Waxaad mooddaa iney u qaateen in la yiri shidaal lagama qodi karo degaankaas.  

Anigu waxaan aamminsanahay in dastuur ahaan iyo caqli ahaanba uu Geeddi saxsanyahay. Waxaa kaloo tuhun keenaya iney jiraan shirkado aan la aqoon cid leh iyo meel laga leeyahay oo  sheegtay iney mar horaba laga gaday deegaanno ka mid ah Puntland iyadoon la soo marin baarlamaanka Soomaaliyeed (waa intuu jiray). Waraaqihii shirkaddaasi soo bandhigay waxaad ka helitaan: Hafza.com iyo Somalitalk. Waraaqaha shirkaddaasi soo bandhigtay waxaa ku yaal saxiixa Maxamed Cabdi Xaashi intuu Puntland xukumey iyo korneyl C/hi ka dib markii loo doortay madaxweyne Soomaaliyeed. Qarinta qorshaha heshiisyadaas ee Puntland ka qarineyso ra段isul wasaaraha ayaa keeneysa tuhun ah in dhac iyo boob lagu hayo dhulka Puntland. Fiiri maqaal ay dhowaan qortay shabakadda somalitalk.com. 


Warqada ay HAFZA sheegtay in ay ka heleen Cabdullaahi Yuusuf


Warqada ay HAFZA sheegtay in ay ka heleen Maxamed Cabdi Xaashi

Waxaa shabakadaha Soomaaliyeed qaarkood horay u sheegeen in mar Cadde Muuse iyo madax kale oo Puntland ka socota ay damceen inay Geeddi ka saxiixdaan inuu u ogolaado inay Puntland keenaan shirkado shisheeye laakiin Geeddi ka diiday. Waxay shabakaduhu xuseen in meeshaas uu korneylku joogay. Waxaa la sheegaa in madaxda Puntland qaarkeed ay Geeddi aflagaadeeyeen. Haddii warkaasi jiro, khalad bey ahayd inuu Geeddi qariyo. Waxaan filayaa iney saxaafaddu weydiin doonto arrintaas Geeddi maalmaha soo socda haddii Ilaah idmo. 

Geeddi wuxuu waqti badan ku lunshay inuu badbaadsho dowladda C/hi hormuudka ka yahay. Waxay keentay inuu ka abaado magaaladuu ku dhashay, Muqdisho isagoo raalligelinaya korneylka. Wuxuu weerar hadallo ah ku qaaday hogaamiyayaasha kale ee qoladiisa ah marka sina macquul iilama muuqato inuu hadda raalligelin kale ugu dari karo reer Puntland. 

Anigu waxaan aammisanahay, cidda raalligelinta laga rabaa waa madaxda Puntland dhowr sababood dartood. 

  1. Weynaanta arrinta leedahay darteed waxay keeni kartaa in dowladda C/hi soconweydo taasina keento inuu Puntland dib ugu noqdo. Arrintaasi ma faraxgalineyso madaxda Puntland.
  2. Waxyaalihii laga sheegijiray reer Puntland oo ahaa iney yihiin dad qab weyn oo raba iney tooda keliya socoto oo la sii iftiimindoonno.
  3. Geeddi ood mooddo inuu u adkeystay xamuul badan oo korneyl C/hi laakiin uusan diyaar u ahayn inuu aqbalo xarigan qalloocan ee Cadde Muuse.
  4. Geeddi oon helayn af kale oo uu qoladiisa ula tago.
  5. Aqoonyahannada Soomaaliyeed, qolo kasta ooy yihiin oon raalli ka noqondoonin inuu Geeddi arrintaas uga haro madaxda Puntland.
  6. Geeddi oo u muuqanaya inuu galayo khiyaamo qaran haddii uu arrintaas uga haro reer Puntland.
  7. Iyo iyadoo la aamminsanyahay in shirkadaha la sheegayo aysan ahayn kuwo la yaqaan ooba laga baqayo iney keenaan masiibooyin dabiici ah sidii ay qortay Somalitalk.

Isku soo duuboo waxaad mooddaa in reer Puntland ay feylogoynayaan korneylka iyo dowladdiisa iyo iyagoo dadkooda magaca ka dilaya. Ma filayo iney jirto cid diideysa in Puntland laga qodo shidaal maxaa yeelay waa arrin u dan ah Soomaali oo dhan laakiin waxaa fiican in loo maro waddo sax ah ee aan qudbo-siro lagu jirin.

Cabdulwaaxid Khaliif 
 cabdulwaxid@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusa xiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 29, 2005



Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD