SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ururka dhalinyara YDA ee fadhigisu yahay magaalada Kismayo oo shahaadooyin gudoosiyay 40 arday

Xaflad balaaran oo shahaadooyin lagu gudoosiinayo 40 arday oo ka qalin jabisay barashada xisaabaadka iyo computerka iyo waliba luuqada englishka ayaa Khamiistii (Jan 19) waxaa shahaadooyin gudosiiyay ururka dhallinyara ee marka magaciisa la soo gaabsho loo yaqaano Y.D.A ee fadhigiisu yahay magaalada Kismayo.

kismaayo kismayo

Xafladaan shahaadada lagu gudoosinayay 40 arday ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan maamulka Isbahaysiga Dooxada Jubba, ururada bulshada gaar ahaan ururka haweenka iyo masuuliyiin kale oo ka socotay heyada maxaliga ah ee AFRIKE ayadoo masuuliyiintii halkaas isugu timid ay aad ugu hanbalyeeyen ururka dhalinyarada Y.D.A ee suuro galiyay in ay 40 arday ee isugu jira rag iyo dumar ay ka qalin jabiyaan maadooyinka aan kor ku soo sheegnay waliba ayadoon ardaydaas aanan laga qaadin wax lacag ah oo  ay ku dhigaynayeen si mutadawacnimo ah taasoo ay ku sheegeen masuuliyiintii halkaas isugu timid guul u soo hoyatay shacabka reer kismayo ayadoo masuuliyiinta sidoo kale ku sheegeen ardaydaan shahaadada la gudoosiiyay kuwo u qalma lagana doonayo in ay wax qabad mujiyaan .

Intii ay xafladaas socotay ayaa waxaa halkaas khudbado kala duwan ka soo jeediyay masuuliyiin kala duwan oo uu ugu horeeyo gudoomiye ku xigeenka labaad ee maamulka Isbahaysiga Dooxada Jubba Cabdi Raxmaan xaaji Axmed Waldiire iyo waliba gudoomiyaha ururka haweenka marwo Xaawo ugaas Faarax ayagoo dhamaanba ardayda iyo macaliminta ururka Y.D.A ku amaanay waqtiga iyo wanaaga ay wada wadaageen waxaa sidoo kale halkaas khudbad ka soo jediyay gudoomiyha ururka Y.D.A Cabdi Naasir Axmed Aadan isagoo sheegay in uu ururkoodu uu damacsanyahay hirgalinta course- yooyin kale oo loogu faa,iideynayo bulshada reer kismayo ayadoo ugu danbeyntii xafladaas ay ku soo gabagabowday jawi aad u heer sareeya ayana farxadi ku dheehantahay.

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismayo somaliya
cabdiqadar84@hotmail.com

Madaxweynaha DFKMG oo Transit Ku Maray magaalada Boosaaso Isagoo kusii Jeeda Jowhar...

SomaliTalk.com | Boosaaso

Madaxweynaha DFKG Soomaaliyeed Col: Cabdulaahi Yuusuf ayaa Khamiistii (Jan 19) Garoonka Diyaaradaha Magaalada Booosaaso Taraansid. Madaxweynaha oo ay ku soo Dhaweeyeen Garoonka Madax kala Duwan ayaa waxaa ka mid ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska DGPL Yuusuf Xaaji Khayr, Gudoomiyaha G/Bari Muuse Geele (Faroole) iyo Duqa Magaalada Boosaaso, Waxaa Madaxdii Golaha Xukuumada DGPL ka Joogay Wasiiru Dowlaha Amniga DGPL Seefta Banaanka iyo Wasiiro ka socda DFKG Soomaaliyeed.


yuusuf
Yusuf

Madaxweynaha ayaa Safarkiisa waxaa ku weheliyay madax ka tirsan DFKG Soomaaliya iyo Afdiisa, Madaxweynaha oo Saxafada u waramaayay ayaa u sheegay in uu ku sii socdo Magaalada Jowhar oo ah Xarunta Kumeelgaara ah ee Dowlada FKG Soomaliyeed ay ku shaqeyso, Madaweynaha ayaa ka hadlay mar uu Booqasho ku tagay Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso in Horumar ay tahay uu soo saa'idiyay Madaxweynaha DGPL Gen: Cade Muuse uuna ugu hambalyaynayo lakiin Dadka ayuu u sheegay in ay la shaqeeyaan oo ay ka hor imaan si loo gaaro Guusha Horumarkaas.

Madaxweynaha DFKG Soomaaliya Col: Cabdulaahi Yuusuf ayaa ka waramay safarkiisa uu ku tagat Dalalka Carabta iyo Afrika in ay ku soo Dhamaadeen Guulo ayna ka filayaan Guulo.

###

Xaflad Dhiirigelin ah oo loo qabtey  ardeyda Dusiga Indhoolyaasha ee Al- Nuur

Xalad si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa lagu qabtey Xarunta Dusiga Indhoolayaasha ee Al-Nuur ee Magaalada Muqdisho  waxayna Xafladaas ku saabsaneyd gabagabada wejigii hore Imtixaanaadka  oo socdey muddo Lix bilood ah , waxaa ka qayb galey Mas’uuliyiin, Madaxda Dugsiga.

 

Waalidiinta iyo ardeyda wax ka barata Dugsiga oo gaarayey ilaa labaatan ardey  iskuna jira Gabdho iyo wiilal  waxaana ugu horeyntii halkaa ka Hadley Macalin Maxamed  oo sheegey in ardey waxa ka barata Dusiga ay wax barashadooda ay aad u wanaagsan tahay  ayna wax soo baranayeen muddo lix bilood ah  iyagoo wax ku baranayey Farta Indhoolayaasha ay wax ku bartaan ee Breilla  , waxa kale uu sheegay  in ardeyda wax loo barayo sidii ay ula jaan qaadi lahaayeen ardeyda kale asaagooda ah ee wax ka barta Dugsiyada caadiga ah

Intii ay xaflada socotey ayaa ardeyda wax ka barata Dugsiga Al-Nuur soo bandhigeen Riwaayad  loogu magacdarey “ Xaq bey indhoolyaasha u leeyihiin in wax la baro  si ay wax ula qaybsadaan dadka kale “ waxaana Riwaayadaas soo alifey mid ka mid ah ardeyda wax ka barata dugsigaas oo lagu magacaabo Cabdi Raxmaan Maxamed Xaashi , waxaa kaloo xaladaas ka Hadley Fardowsa Cabdi Ciise oo ku hadleysey magaca ardeyda waxaynaa sheegtey  in shacabka soomaaliyeed looga baahan yahay in ay gacan siiyaan dadka indhoolayasha ah oo aan la takoorin mar ay ka hadleysey Dareenkeeda  maanta iyo markii ay guriga iska joogtey waxay tiri ‘ Aad bey u kala duwan tahay waayo maanta waxaan ogaadey in aan wax baran karo oo aan wax la qaybsan karo dadka igu filka ah “

 



 waxaa kale oo ka Hadley Cismaan Cilmi Cabdi Raxmaaan oo ku hadlayey magaca Waalidiinta wuxuuna ugu hareyntii  u mahadceliyey intii isku soo dubaridey dugsigaas , wuxuu kaloo sheegay in loo baahan yahay in bulshadu  garab istaagaan kuwa aas -aasey  Dugsiga oo uu sheegay  in ay qabteen howl muhIIm ah maadaama ay wax barayaan caruur indhoolayaal ah

xafladaas waxaa kaloo ka hadley  Saciid Muxamuud Xuseen ( Saciid Indhoole ) oo ka yimid Cariga Ingiriiska  wuxuuna  u mahadceliyey intii aas –aastey Dugsiga  gaar ahaan wuxuu u mahad celiyey Maamulaha Dugsiga Cabdiraxmaan Maxamed Faarax (Luunge ) oo uu sheegay intii uu wax bartey uu uga faaideynayo walaalihiisa kale ee waayey waxbarashada  gaar ahaan kuwa indhaha la’ wuxuu kaloo sheegay in qaybaha kala duwan ee bulshada looga baahan yahay in ay  hiil iyo hooba siiyaan caruurta indhoolayaasha ee ku jirta Dugsiga Al-Nuur  Maadaama waxa wax la barayo ay yihiin caruur indhoolayaal ah  oo loo doonayo imustqbalka Ifaya iyo isku filnaan dhinac walba

sidoo kale  waxaa xafladaas ka Hadley Maamulaha Dusiga Al- Nuur Cabdiraxmaaan Maxamed Faarax (lLuunge ) wuxuuna  si qota dheer uga hadlay sababihii loo aas aasey Dugsiga wuxuuna sheegey in ay doonayaan in ay wax baraan Caruurta Indhoolyaasha ah si ay u helaan nolol iyo mustaqbal wanaagsan   wuxuu kaloo sheegay in ujeedada ay u qabteen xafladaan ay tahay sidii ay ugu dhiirigelin lahaayeen waxbarashada caruurta dhigata dugsiga  , wuxuu u soo jeediyey waalidiinta in ay markasta la socdaan heerka waxbarasho ee caruurtooda  , wuxuu u mahadcliyey intii gacanta ku siisey furida dugsiga wuxuuna si gaar ah ugu mahadceliyey Shirkadaha isgaarsiinta  ganacsatada 

wuxuu si gaar aha ugu mahadceliyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Brinmingham oo uu sheegay in laa’antooda ay furi lahayn Dusiga

gabagabdii xafladaas ayaa abaalmarin lagu gudoonsiiyey ardeydii kaalimaha hore galey  iyadoo labada fasal ee uu dugsiga ka kooban yahay  min laba ardey ay galeen kaalimaha haddi aan soo qaadano fasalka (A) waxaa kaalinta 1 aad galey  Sowda Shiikh Cali kaalinta 2aad waxaa galey Ifraax Maxamed Aadan

sidoo kale fasalka B  waxaa kaalinta 1 aad galey Ifraax Axmed Maxamed  kaalinta 2aad waxaa galey Shukri Axmed Maxamed

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 20, 2006

 

WARARKII SHALAY:: JAN 19, 2006

  • Madaxwenaha DGPL oo Booqday Islaan Ciise Islaan Maxamed.

  • Shariif Xasan oo fara marnaan kala soo laabtay kulankii Wasiirada hubeysan.

  • Gawaari rasaas ka soo qaaday Itoobiya oo la kulmey Dagaal…

  • Gaari ku socday Cabudwaaq oo dadkii saarnaa lagu xasuuqey mar ay ay marayeen …

  • Wasaarada Caafimaadka oo soo dhaweysya dhismaha ururka Sheybaariistayaasha…


Madaxwenaha DGPL oo Booqday Islaan Ciise Islaan Maxamed.

SomaliTalk.com | Soomaaliya

Madaxweyaha DGPL Gen: Maxamud Muuse Xirsi (Cade) ayaa intii uu Garoowe ku labtay kormel ku sameyey sida ay u Shaqeeyaan Wasaaradaha DGPL iyo Ciidamada waxaa ka mid ahaa Meelahuu Kormeerka ku tagay Xerada Tababarada Ciidanka Daraawiishta ee 54aad, Wasaarada Caafimaadka, Wasaarada Qorshaynta iyo Hay,da Wadooyinka Nesha.

Waxaa uu Madaxweynaha DGPL ka dhageystay Warbixin Madaxdii halkaa Joogtay.

Waxaa kalo madaxweynaha DGPL uu Booqosho ugu tagay Islaan Ciise Islaan Maxamed oo mudo aad u dheer ay shir wada galeen ayadoo loo diiday Saxaafada oo aan la shaacin waxa ay ka wada hadlayeen ayaa hadana waxaa uu madaxweynuhu waday wada Tashi Waxgaradka iyo Isimada si uu u helo Talo midaysan oo lagu soo xulo Wasiiro Waxqabad leh.

Sawiro la xiriira booqashadii Cadde Muuse ee Garoowe hoos ka eeg.

 

 


Madaxweynaha DGPL Gen Cade Muuse iyo Islaan Ciise Islaan Maxamed

WajigaHoreeeWasaaradaCaafimaadka.

Madaxweynaha DGPL oo Warbixinka dhagaysanaya Wasiirka Caafimaadka Xafiiska Wasaarada Caafimaadka

Madaxweyaha oo Booqanaya Wasaarada Caafiaadka oo Warbixin ka dhagaysanaya Wasiirka Caafimaadka DGPL

Madaxweynaha DGPL oo Warbixinka dhagaysanaya Taliyaha Ciidanka DGPL Col.Carays