SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii Jan 29, 2006

Dadka u dhashay waqooyiga yurub oo laga codsaday iney ka baxaan  Marinka Qaza 

 
 
Xiisada ay dhalisay aflagaadada aan geed ku gabashada laheyn ee u geystay wargeyska lamagac baxay Jylland- Posten ee dalka Denmark ayaa la islahaa waa uun demi doontaa haddiiba ay madaxda wargeyskaasi ay cudurdaar aan rasmi aheyn jeediyeen warqad furana ay u direen dadka Sacuudiga islamarkaasina ay ku soo qoreen wargeys ku sheegooda iyagoo sheegaya iney ka xun yihiin wixii dhacay, ayaa hadana wararka laga helayo marinka Qaza ee dhulalka Falastiiniyiinta sheegayaan in kooxaha mujaahin- Al Aqsa ugu baaqeen dadka asalkoodu ku soo jeedo Denmark, Sweden iyo Norway iney 72 saac ee soo socota ay uga baxaan  Falastiin.Sidoo kale kooxaha Islaamik Jihaad ayaa iiyaguna ugu baaqay dadkaasi iney gebi ahaanba 48 saac gudahood uga baxaan haddii kale ay la kulmi doonaan cawaaqib xumo.
 
Saraakiil matalaya wasaarada arrimaha dibada dalka Denmark oo haatan ku sugan Raammallah ayaa iyagoo xaqiijinaya warkan dhiilada leh ku tilmaamay "Biriq si kedis ah uga soo dhacday cirka oo aan caad laheyn" Maanta wadooyinka Nablus waxaa lugu arkayey falastiiniyiin careysan oo gubayey calanka Denmark waxaana ay ku hanjabeen iney waxyeelo u geysan doonaan dadka Denish-ka ah.
 
Qoraalo looga dalbanayo Urrurada ugu waa weyn ee dunida muslinka ayaa laga codsaday iney gollaha amaanka Qaramada Midoobey ugu gudbiyaan baaq ah iney kasoo saarto qaraar ku saabsan ku xadgudubka ay Denmark ku sameysay ixtiraamka diimaha caalamka ka jira, Mas''uuliyiin ka tirsan Jaamacada Carabta ayaa dhinacoodana waxey u xaqiijiyeen wakaalada wararka ee AFP iney soo gaareen dhambaalo looga codsanayo iney u gudbiyaan gollaha Amaanka sikulankooda ugu horeeya kaga munaaqishoodaan.
Dowlada Liibiya ayaa wakaaladeeda wararka sheegtay in Liibiya ay xirtay safaaradeedii ay ku laheyd kopenhagen sidoo kale waxey xustay wakaaladu wax u eg cuno qabateyn lugu sameeyo badoocooyinka Damark inay dowladu qorsheyneyso.
 
Madaxweynaha Afgaanistaan Xamid Karzai oo haatan booqasho ku jooga dalka Denmark ayaa sheegay inuu ku rajo weyn yahay in loo helo xal arrintan walaaca leh waxaana uga digay wargeysyada Denmark iney ka foojignaadan waxyaabaha ay qorayaan gaar ahaan diimaha oo uu sheegay iney ixtiraam u muujiyaan.
Diblomaasiyiinta dalalka Iskaandaneefiyanka oo arrinta ku saabsan iney ka baxaan dhulalka Falastiiniyiinta u arag wax weyn ayaa hoosta ka xariiqay iney tahay arin qatarteeda leh, wasaarada arrimaha dibada Sweden ayaa saraakiil ku sugan waxey sheegeen ineysan howlihii diblomaasiyiintooda bariga dhaxe ka wadeen aysan wax iska badalin balse waxey ugu baaqeen shaqaalahooda iney taxadaraan.
 
Dalka Denmark ayaa iyadana wararka ka imanaya sheegayaan in "dadkoo dhan isku wada careysan yihiin" taasoo salka ku heysa cuno qaboteynta lugu soo rogay badoocooyinkooda. Axsaabta siyaasadeed dalkaasi ayaa qaba in wargeysyadu xadkooda ka baxeen waxaana ay ra'iisal wasaaraha dalkaasi ka codsadeen inuu si deg deg ah ku maareeyo xiisada taagan ee wargeyska Jylland- Posten abuuray.
Wargeyskan lugu magacaabo Jylland- Posten ayaa warqad furan oo u diray dadka sacuudiyiinta ah codsaday raaligareyn iyo waxa uu ku sheegay iney fahan darro keentay kartuun ay ku aflagaadeynayeen Nabi Muxamed NNKH oo tafaftiruhu ku sheegay iney timid xilli dood weyni ay jirtay oo wargeysku cabriyey fikirkiisa ku aadan xorriyada saxaafada.
 
Bishii september ee sanadkii hore ayuu wargeyskaasi sawiray kartuuno uu ku sheegay Nabi Maxamed NNKH kuwaasoo mid kamid ah muujiniya Rasuulka ay cimaamad bambo ah madaxa ugu xiran tahay. Sawiradaasi foosha xun ayaa muslimiinta dalkaasi iyo guud ahaan dunida Islaamkaba si weyn ugu careysiisay waxaana ay dowlada dalkaasi ka codsadeen iney talaabo ka qaado wargeyskasi balse jawaabaha dalkaasi ka imanayey ayaan iyagu habayaraatee qiimeyn codsiyadii loo soo jeediyey, balse haatan oo arrini farraha ka baxday ayey qasab ku tahay dowlada dalkaasi iney maareyso mushkilad ay sahashaneeyeen. 
 
Tafaftiriha wargeyskii aflagaadeyey Nabi Muxamed oo warqad furan u diray Sacuudi Careebiya
 
Haba soo daahdee ugu dambeyntii wargeyskii aflagaada darran u geystay Nabi Muxamed NNKH ee dalka Denmark ayaa wax u eg raali gareyn  iyo warqad furan u diray boqortooyada Sacuudi Careebiya waxaana lagu soo qoray wargeyska qeybtiisa internet-ka. Warqadan furan oo lugu sheegay "Sixid isfahan darro" ayaa lugu qoray afafka carabiga iyo denish-ka iyadoo weliba afka carabiga yahay mid la diray dadka Sacuudiga sida uu wargeysku sheegay. Hadaba nuqul kamid ah qoraalkaasi afka carabiga ku qoran oo aan soo akhriyey ayaa waxeyna u qorneyd sidan. [ARABIC VERSION]
 
"Ku: muwadaadiinita boqortooyada Sacuudi Careebiya.
Iigu ogolaada Munaasabadan (fursadan) si aan u saxo isfahan darrada jirta oo ka timid sawiro kartuun ah oo Nabiga Maxamed ah, taasoo keentay inaad goysaan alaabooyinkii Denmark.
Sawiradan kartoonka ah oo lasoo daabacay muddo afar bilood ka hor ah, waxey aheyd dood furan oo Denmark  ka jirtay kana tarjumeysay cabirka fikir iyo xuriyatal qowlka. Waana xaq aan ku cabireyno inuu muhiim u yahay Denmark.
Sawirkaasi lasoo bandhigay wuxuu u muuqday mid loogu danlahaa muslimiinta Denmark iyo guud ahaan caalamka Islaamka waana mida aan doonayo in la saxo. Ujeedadu wargeyskuna maaheyn mid  wax loogu dhimayo dadka diimahooda waan ka xumahay waana mida dhacday iyadoon ujeedadu  sidaas aheyn.
Annaga (bahda wargeyska) arrintaasi waan ku raali gareynay dhowr jeer bilihii ugu dambeeyey wargeyskeena, wargeysyada kale, talefeyshinka, raadiyaha iyo warfaafinta caalamiga ah. Sidoo kale waxaanu kulamo la yeelanay jaaliyadaha muslimiinta Denmark iyadoo jawi is garasho ku dhamaaday sidoo kalena ku baaqnay kulamo kale oo aan la yeelano muslimiinta Denmark guud ahaantood si looga doodo arrintan.
 
Hadaanu nahay bahda Jylland Posten waxaanu ka xunahay in mowduucu heerkaas gaaray, sidaas daraadeed waxaan (annagu) markale ku celineynaa (leenahay) in u jeedayadu aanu aheyn inaan qofna wax u dhino waxaanu ictiqaadsanahay hadaanu nahay mujtamaca guud ee Danmark in la ixtiraamo diimaha kala duwan ee xorta ah"
 
Carsten Juste
Tafatiraha wargeyska Jylland- Posten 
 
Hadaba raaligareyntaas laga waayey madaxda siyaasadeed ee dalkaasi ayaa u muuqata iney u sabab tahey xayiraadii ay dowlada Sacuudiga ku soo rogtay badeecooyinka ka yimaada dalka Denmark islamarkaasina lugu daminayo xiisada diimeed uu dhaxeysa Denmark iyo guud ahaan musliminta caalamka oo ay haatan Sacuudi Careebiya hormuudka ka yahay.
Wasiirka Arrimaha dibada dalkaasi Per Stig Möller oo ka hadlayey arrintan cawaaqib xumada ka imaan karto hadaan xal siyaasadeed laga gaarin ayaa warmurtiyeed uu soo saaray ku sheegay iney tahay mid dhibaatadeeda leh waxaana uu sheegay in maalinta isniinta wa (Jan 30)uu hordhigi doono kulanka ay wasiirada arrimaha dibada midowga Yurub iskugu imanayaan si looga munaaqishooda mowduucan oo uu u arko in Danmark dhaqaalaheeda saameyn ku yeelan karto. Sidoo kale war laga helay wasaarada arrimaha dibada ayaa lugu sheegay in wasiirku u socdaalayo dalka Kuweyt si bal mowduucan xasaasiga ah ugu munaaqishoodo madaxda dalkaasi.

Qoraalkii Tafatiraha wargeyska Jylland- Posten oo  Carabi ah: http://www1.jp.dk/indland/doku/jp_aabent_brev.pdf

 
 
     Dalka Polan oo dad ugu dhintay dhismo kusoo dumay
 
 
Lixdan iyo lix qof ayaa lugu soo waramayaa iney geeriyoodeen boqol lixdan kalena ay ku dhaawacmeen kadib madkii uu ku soo dumay dhismo laga daawado sawirada oo ku yiilay dalkaasi Polan maalintii shalay aheyd.
Dad badan ayaa weli la rusan yahay iney ku hoos jiraan dhismaas dumay kuwaasoo qaarkood uu qabow daran oo  jira waxyeelo u geystay. Halka waxyeeladaasi ka dhacday oo muuqaal ahaan u eg garoon lugu ciyaaro kubada cagta ayaa wariyeyaashu soo sheegayaan in badi dadka ku dhintay halkaasi ay yihiin dad dalxiiseyaal ah oo aan weli si rasmi ah loo cadeyn dalalkeey ka yimaadeen. Balse Ragga gurmadka oo ku sugan gaabtaas ayaa ka rajo dhigay iney dhismahaasi dumay hoostiisa ugu tagaan dad nool qabowga oo aad u sareeya oo ayeysan u sahlanaan iney helaan dad weli halkaasi baaqi ku ah.
 
Dowlada dalkaasi ayaa sheegtay sababta loo maleynayo dumista dhismahaasi iney tahay barafyo waa weyn oo dusha dhismahaasi ku rarnaa, balse mas'uuliyiinta dhismahas ayaa iyagu ku adkeysanaya iney ugu wacan tahay qaab dhismeedka oo aan aheyn mid sal adag ku fadhin oo si fiican loogu dhisin qalabka ka hortaga dumista.
 
         Angela Markel oo bariga dhaxe booqaneysa
 
Haweeneyda Ra'iisal wasaaraha ka ah dalka Jarmalka Angela Markel ayaa tan iyo markii ay dalkaasi madax ka noqotay booqashadeedii ugu horeysay maanta oo axad ku tageysa bariga dhaxe waxaana lugu wadaa in cagteeda ugu horeysa geliso dalkaasi Israa'iil oo ay wadahadalo leeyan lan doonto ra'iisal wasaare ku xigeenka dalkaasi Ehud Olmert oo ay kawadahadili doonaan barnaamijka Nukliyeerka dalka Iiraan oo muran weyni abuuray iyo guusha lama filaanka ah ururuka Xamaas kasoo hoyey dooroshooyinkii barlaamaaniga ahaa ee dhawaan dalkaasi dhacay.
Dhinaca kale afhayeen u hadalay dowlada dalkaasi ayaa u sheegay warfidiyeenada ka hor intii aaney dalkeeda kasoo duulan haweeneydaasi in Angela aaney la kulmeyn madaxda Xamaas balse waxa uu sheegay in Maxamuud Cabbaas (Abuu Maazin)  oo ah hogaamiyaha Falastiiniyiinta ay kula kulmeyso xaruntiisa ku taala Raammallah.
Angela Markel waxey fikirka guud ay lawadaagta dalalka ay bahwadaagta yihiin ee Midowga Yurub waxeyna ugu baaqday Xamaas in hubka ay dhigto islamarkaasina ay aqoonsato jirtaanka dhul iyo dowlad ahaaneed ee Israa'iil.

 

WARARKII CAALAMKA EE JAN 28, 2006

  • Olmert: Israa'iil wadahadal la gelimeyso Xamaas
  • Sacuudiga oo danjiraheedii Denmark u yeertay
Sacuudiga oo danjiraheedii Denmark u yeertay
 
Boqortooyada Sacuudi Careebiya ayaa u yeertay danjiraheedii u fadhiyey dalka Denmark kadib markii ay dowlada Kopenhagen ay tixgelinweysay codsigii ay u soo gudbisay ee ah iney raali gareyn ka bixiso aflagadaadii wargeyska denish oo Rasuulka aflagaadeyey warkan ayaa maanta waxaa qortay wakaalada wararka ee Rueters.

"Dabcan sacuudiga waxey u yeertay danjiraheedii sababtuna waxey tahay sawiro ay soo daabaceen wargeys kamid ah wargeysyada dalkan" ayuu yiri sarkaal sare oo u waramayey wakaalada wararka ee Rueters.

Idaacada Denmark ayaa sheegtay in culimada Sacuudiga ay ku baaqeen in la ciqaabo wargeyska JP oo ah kan aflagaadaada geystay u geystay Nabi Muxamed NNKH. Imaamyada dalalka Islaamka  qaarkood ayaa maanta qudbadii jimcaha si weyn u cambaareyey aflagaadooyinka is daba xiga ay ku kaceen wargeysyada xag jirka ah ee Denmark iyo Norway.

 

A shopper is seen in a supermarket next to a sign that reads: "No Danish products." (Reuters)... Read
Sacuudiga waxa uu gebi ahaanba bilaabay inuu joojiyo dhamaan alaabooyinka ka iman jiray Danmark maalin kadib markii Muftiga Sheekh Cabdul Caziiz Al Sheekh uu ka codsaday dowlada iney joojiyaan alaabaha ay ka soo iibsato Dalka Denmark. Danjiraha Denmark ee u fadhiya Sacuudiga ayaa markii ugu horeysay arrintan siyaasad ahaan kahadlay waxaana ku tilmaamay iney tahay khatar iyo waxa uu ku sheegay carada uga imaneysa dunida Muslinka, balse maanu bixin cudur daar habayaraatee.Vebjörn K.Selbekk oo ah tafatire ku sheega wargeyska Magazinet ee Norway ayaa sheegay ineysan howshooda u joojineyn cabsi iyo hanjabaadaha uga imanaya muslimiinta careysan. "Xorriyada saxaafada iyo hadalkaba maahan iney u god galaan cabsi diimeed" ayuu yiri ninkan wareersan ee xagjirka ah isagoo isla quman kana hadlayey sawirada ay soo bandhigeen ee murankii jiray sii kordhiyey.

Saameynta ugu weyn ee cuno qabanteytan ayaa qasaaro xoog leh waxey kasoo gaartay warshada caanaha ee Arla la yiraahdo oo ay Danmark iyo Sweden wada wadaagan 3 milyan ee dhaqaalaha ka soo gala ee bariga dhexe warshadaasi  ayaa 2 milyan oo kamid ah kasoo gashaa dalka Sacuudiga, waxaana muuqa in dhaawac weyni oo dhinaca dhaqaalaha ah ay Danmark ka soo gaari doonto haddii aysan raaligareyn buuxda ka bixin aflagadaada  wargeyska xag jirka ah ee Jylland Posten.

 
Maahan markii ugu horeysay ee ay dad sheegta iney aqoon siyaasadeed iyo mid kaleba leeyihiin ay ku kacaan aflagaadada diinta Islaamka iyo Nabi Muxamed NNKH. Salaam Rushdi oo ah nin asal ahaan kasoo jeeda dalka Hindiya heystana dhalsho ingiriis ah ayaa bilaabay inuu  bartamihii 80-meeyadii Quraanka ku sheego ayaado sheydaan wixii dambeeyey waqtigaasina waxaa soo baxayey shaqsiyaad kale oo howl ka dhigtay iney Islaamka aflagaadeeyaan waxaa xusid mudan Ayaan Xirsi Cali oo ah gabar soomaali ah iney ku biirtay kooxaha ka dhanka ah Islaamka meel walbana la taagan aflagaadeynta diinta muqadaska ah ee Islaamka.

Olmert: Israa'iil wadahadal la gelimeyso Xamaas

 
Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas Abuu Maazin waxa uu maanta jimcaha sheegtay inuu ka codsanaya in Xamaas ay soo dhisto dowlad hanaan wanaagsan ku shaqeyneysa oo Falastiiniyiintu leeyihiin.
 
Ninka isagu ah ra'iilsal wasaare ku xigeenka Israa'iil Ehud Olmert ayaa isagoo maanta qadka taleefanka kula hadlay Xusni Mubaaraka Masar iyo Boqor Cabdalaha Jordan u sheegay inaanu dowladiisu wadahal u fureyn kooxda Xamaas ee ku guuleysatay doorashooyinkii Baarlaamaniga inta ay dagaalka hubeysan kula jirto Israa'iil islamarkaasina dafirsantahay jiritaankooda. Guusha Xamaas ee dooroshooyinkaas ayaan caalamka laga soo dhaweyn Binyamin Natanyahu oo isagu ah hogaamiyaha xisbiga Likut ayaa is barbar dhigay doorashooyinkii ay ku soo baxeen Xamaas iyo mid la sheegay in Hitlerkii Naaziga ahaa ku guuleystay sanadihii 30- meeyadii. Waxaana uu ku tilmaamay iney labaduba ahaayeen kuwo faquuqayey Yahuuda.
 
Madaweynaha Mareykanka Goerge W Bush ayaa sheegay inaaney laxaajooneyn koox uu ku sheegay iney siyaasada dhinac kaga jiraan dhinacna ay argagaxiso ka yihiin. Bush oo aqalka cad ka hadlayey ayaa la weydiiyey in nabadii laga filayey bariga dhaxe dhimatay iyo inkale isagoo taas ka jawaabaya ayuu sheegay in nabadu tahay mid dadku u baahan yihiin, wuxuuse dhinac ka muujiyey rajo uu ka qabo in labada dhinac ay arrinta bariga dhexe quseyso ay nabad iyo deris wanaag iskula joogaan.
 
Dunida Carabta ayaan madaxdooda ilaa haatan wax hadal ah kasoo saarin guusha Xamaas ee ay ka gaartay doorashooyinkii ka dhacay Falastiin marka laga reebo Xusni Mubaaraka Masar oo isagu sheegay inaanu soo dhaweyneyn dowlad Xamaas garwadeen ka tahay, Israa'iil lafteeda ayaa maanta goor dambe sheegtay iney nabada bariga dhexe cidkasta kala hadleyso taasoo muujineysa in dabacsanaan yari jirto. Isku soo wada duubo Xamaas guusha ay gaartay waa midaan niyadsan lugu soo dhaweyn waxaana beesha caalamka ay eegeysa talaabada Xamaas qaadeyso ee ay wax kaga badaleyso hanaankii ku dhifo oo ka dhaqaaq ahaa ee lugu yaqiinay.
Xoghayaha guud ee Jaamacada Carabta Caamir Muussa ayaa maanta codsaday in Xamaas ay aqoonsato Israa'iil haddii ay dooneyso iney soo dhaweyn ka hesho beesha caalamka, sidoo kale wuxuu Israa'iiliyiinta ugu baaqay iney dhulalka ay ka qabsatay falastiiniyiinya  kabaxdo.
 
         

WARARKII CAALAMKA EE JAN 27, 2006

Xamaas oo dooroshooyinka ka dhacay Falastiin ku guuleysatay 

 
Urrurka Xamaas ee halgan hubsan kula jira Israa'iil ayaa cod aqlibayad leh maanta ku guuleystay doorashadii baarlamaaniga ee ka dhacay dhulka Falastiiniyiinta. Guushan uu urrurka Xamaas ayaan laga soo dhaweynin dalal badan oo reer galbeedka ah maadama ay u arkaan urur isagu xag jir ah oo lugu xirriiriyey kooxaha loogu yeero argagaxisada. Xamaas ayaa maanta 76 kursi heshay ururka talada haya ee Fatax uu helay 43  kursi.
Ninka la yiraahdo Maxamuud Alzahar waxa uu sheegay inuu soo dhaweynayo wada shaqeyn dhexmarta labada xisbi ee Fatax iyo Xamaas islamarkaasina ay doonayaan iney dowlad la soo dhisaan xisbiga Fatax.
 
Guud ahaan beesha caalamka ayey arrintani fajiciso ayey ku noqotay
guusha lama filaanka ah ee Xamaas oo lugu xirriiryey inuu yahay urrur argagaxiso. Madaxweyne Maxamuud Cabbaas (Abuu Maazin) ayaa laga soo weriyey inuu sheegay inuu is casili doono haddii geedi socodka nabada aysan horan u socin karrin. Xamaas oo awalba horey hubka u qaaday dagaal aan dhamaana kula jirto Israa'iil ayaa iyagu ku cel celiyey ineysan aqoonsaneyn dowlad  Israa'iil ah oo ay deris yihiin inta ay dhulka falastiiniyiinta heystaan.
Hogaamiyaasha caalamka ayaan soo dhaweyn guusha ay maanta gaartay Xamaas. Xusni Mubaaraka Masar ayaa sheegay wadaxaajood la galeyn. haweeneyda xoghayaha uga ah Mareykanka Condoleezza Rice ayaa sheegtay in Israa'iil ay tahay qaran jira muhiimna tahay in la dhowro qaranimadeeda. Hogaamiyaha Iiraan Axmedinijaad ayaa soo dhaweeyey guushaas wuxuuna ku booriyey in halgankii ay kaga soo horjeeday Yahuuda. Israa'iil ayaa iyaduna reer galbeedka kaga codsatay iney guushaas qaadacaan halka Bush inuusan soo dhaweyneyn Xamaas. 
 
Michael Jackson oo la sheegay inuu xirtay dharka dumarka xilli uu dhex meereysanayey suuqyada Manaama ee dalka Baxreyn.
 
 
Waa dhici karta in muuqalka ay soo bandhigtay wakaalada wararka AP ee iyadu sawir ay qaaday ku sheegtay inuu yahay Machael Jackson oo xiran dharka dumarka xirtaan ee carabta ay tahay arrin aan muran ka taagneyn oo jiri karra balse ma dhabaa arrinkaaasi in Jackson uu ku kacay? Waa mida ay isweydiinayaan dad badan oo caalamka.
 
Wakaalada wararka AP ayaa sheegtay in Machael Jackson oo ay weliso haweeney carruurta u heysa uu soo xirtay dharka madow ee ay xirtaan dumarka carabta gaar ahaan niqaab (indho shareerka) xilli uu dukaaman ku yaala magaalo madaxda boqortooyada Baxreyn ee Manaama uu ka adeeganayey. Sawir qaadayaasha haatan halkaasi ku sugan ayna kamid tahay wakalaadan aan ka soo xigtay warbixin ayaa sheegtay in Jackson uu gebi ahaanba isku ekeysiiyey muuqalka dumarka carabta cabsi uu ka  qabo iney sawir qadayaasha daba kacaan. Haweeneyda carruurta u heysa  Jackson oo xilliga weriyayaashan sawirka ka qaadayeen  la socotay ayaa ka codsaday ineysan carruurta ka nixin, dabadeedna waxaa la sheegay in gaari Luxes ah ku baxsadeen oo aanan la ogeyn halkey meel cirib iyo jaan dhigeen.
 
 Lama garanayo sababta heesaagaasi ku kaliftay inuu xirto dharka dumarka xirtaan iyo indho shareerkaba balse waxaa la runsan yahay inuu sidaas u yeelay cabsi uu ka baqayo ragga sawir qaadayaasha ah ee shaqada ka dhigtay.Wixii ka dambeyey tan iyo intii Jackson lugu soo eedyey inuu farxumeeyey carruur yar yar ayaa isagu noloshiisa waxaa hareysay buuq badan oo kaliftay inuu haatan ku noolado mid kamid ah dalalka ku yaala gacanka carabta
 
 
      Norway oo dalalka carabta raaligeyn weydiisatay 
 
Dalalka qaarkood ee Iskaandaneefiyanka oo maalmahan u muuqda wargeysyadooda iney shaqo ka dhigteen aflagaadeynta Nabi Muxamed NNKH.  ayaa wargeys ku hadlka afka maxiisiyiinta dalkaas  horaatii bishan soo bandhigay sawiro kartuuno oo uu ku sheegay in Rasuulku yahay.Balse af hayeen u hadlay dowlada dalkaasi ayaa dhamaalo loo diray safaaradaha dalkaasi ee dalalka carabta kaga dalbaday raali gareyn la xirriirta sawiradaasi. Afhayeenka oo sheegay in sawiradaasi kartuunka ah aysan aheyn kuwo dalka gudihiisa looga arko caadi ayaa xusay iney yihiin kuwo wax u dhimayo qowmiyado kale diin ay aaminsan yihiin kana tarjumeyn siyaasada dowaladiisa.
 
Tafatiraha wargeyskan xag jirta ah ayaa sheegay in ka badan 1000 waraqood oo hanjabaado ah soo gaareen wargeyska balse ay xor u yihiin fikirkooda iyo waxa ay ku tilmaamay xorriyada saxaafada.
Wargeys kale oo kamid ah kuwa kasoo baxa dalkaasi Denmark lana yiraahdo JP ayaa isagu sanadkii hore dabayqaadiisi soo bandhigay sawiro kartuun ah oo ay ku sheegeen rasuulka sharafta badan ee Muxamed NNKH taasoo ay cimaamad madaxa saaran ka dhigeen iney tahay BAMBO. 
 
Arrintan ayaa guud ahaan dunida Islaamka siweyn uga careysiisay, mufti kamid ah culimada Sacuudiga ayaa dalalka carbeed ugu baaqay iney xirriirka ganacsi u jaraan haddii dowlada dalkaasi ay raaligareyn ka bixin. Mana jirto raaligeyn buuxda oo ay ilaa iyo xukuumada Kopenhagen ay ka bixisay wargeysyada Norway iyo Danmark ee xajirka ah ayaa ku dhiirada aflaagadeynta ummada Islaamka iyagoo u arka iney adeegsadeen waxa ay ku tilmaaman had iyo goor saxaafada xorta ah.

WARARKII CAALAMKA EE JAN 23, 2006:

Suudaan oo dib ula laabatay musharaxnimadeeda midowga Afrika 
 
Iyadoo magaalo madaxda wadanka Suudaan ee Khartoum uu maanta ka furmay shir madaxeedii lixaad ee wadamada Qaarada Afrika ayaa hadana lataliyaha xagga siyaasada madaxweynaha Suudaan Mustafa Cismaaciil Cismaan, maanta shaaca ka qaaday in dowladiisa ay dib ulal laabaneyso mashasharaxnimadeeda  ku aadan jagada gudoomiyenimo ee M Afrika oo uu ku sheegay iney sidaasi u yeeleen soo afjirada muranka hareeyey arintaasi oo beesha caalamka ay ku dhaliilayaan in Suudaan ay ku tumatay quxuuqda aadanaha.
Beesha caalamka ayaa Midowga Afrika  uga digtay in Suudaan ay siiyaan ogolaanshaha ay ku dooneyso iney isku soo sharaxdo jegada gudoomiyinimo ee haatan muranka weyni ka taagan yahay waxaaana ay ku tilmaameen iney arrintaasi wax u dhimeyso sumcada qaarada baxdamaa ay Suudaan lugu eedeynayo arrimaha ay kamid yihiin xuquuqda aadanaha iyo dimoqraadiyada. Waxey sidoo kale ku eedeyeen in xasuuqa ka dhacay gobolka Daarfuur ey xukuumada Khartoum lug ku leedahay.
Shirkan oo mudda uu socdo ay horyaaliin madaxda qaarada  arrimo dhowr ah oo ay ku jirto dhobaatada daba dheertay ee Soomaaliya ayaa la filayaa iney ka soo saaraan qodobo muhiim ah oo ay ugu horeyso ciidamo nabad ilaalnineed iyo ka qaadista xayiraada hubka. 
 
                     Dhulgariir ka dhacay Kolombiya
 
Dhul garriir xoogan oo quwadiisa lagu sheegay 6.0 oo ah halbeega lugu cabiro dhul gariirada ayaa waxa uu ka dhacay deegaano ku yaala bartamaha iyo waqooyi galbeed ee dalkaasi Kolombiya.
Ma jiraan dhimasho iyo dhaawac laga soo sheegay iyadoo goor dambe la filayo iney gar gaarka deg dega ah ee halkaasi tagay ay ka warbixiyaan qsaaraha uu dhulgariirkaasi geystay inta uu la eg yahay. Hey'ada u qaabilsan cabiraada dhul gariirada iyo saadasha hawada ee dalkaasi ayaa ku tilmaamay dhul garriirkani inuu yahay mid ka xoog badan kii kal hore dalkaasi dhaamaadkii sagaashameeyadii ku dhiftay dad lugu gaaraya 240 qofna ay ku dhinteen.
 
Odayaal dhaqameeydo Pakistaan ka cosaday iney eriso danjiraha Mareykanka u fadhiya dalkaasi
 
odeyaal dhaqameedyo ka tirsan deegaano ku yaala dhulka waqooyi galbeed ee dalkaasi Pakistaan ayaa ka codsaday xukuumada IslaamAbad iney eriso danjiraha dowlada Mareykanka u fadhiya dalkaasi.
 
Odyaalkan ayaa arrintan ku tilmaamay mid ay ku doonayaan ineysan Mareykanku xirriir noockasta ah la yeelan dowladooda kadib markii dhawaan diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee ku sugan Afgaanistaan duqey xoogan u geystay deegaano ku yaala gudaha dalka Pakistaan oo ay ku dileen 13 ruux kadib marki ay ku sheegen in halkaasi ay ku dhumaaleysanayaan kooxaha argagaxisada loogu yeero gaar ahaan Ayman Alzawahiri oo ah ninka labaad ee urrurka Al qaacida oo isagu la runsana yahay inuu joogtay waqtigii duqeyda dhaceysay
 
Waxey sido kale codsadeen in dowlada Mareykanka raali gareyn buuxda ka bixiso gumaadkii ay dhawaan halkaasi ka geysatay. Codsigan odey dhaqameedyadan ayaan la ogeyn in dowladu ay eegi doonto iyadoo Pakistaan ay kamid tahay saaxiibada dunida muslinka ee sida weyn ku taageeray dagaalka uu kula jiro waxa loogu yeeray argagaxisada.

WARARKII CAALAMKA EE JAN 18, 2006

Mehmet Ali: "Waxaan jecelahay inaan soo qabto Binlaadin Mareykankana aan geesi ka noqdo"

 
Mehmet Ali Agca waa nin u dhashay dalka Turkiga iskuna dayey hada ka hor inuu dilo baaderigii ugu weynee diinta Masiixiga ee Johannes Paulus II, haatan ninkani wuxuu codsanayaa in la siidaayo si uu soo qabo hogaamiyaha Al qaacida ee Usaama Bin Laadin. Ninkani sanadku markuu ahaa 2000-da ayuu warqad uu gacantiisa ugu qoray booliska wadankaas maanta lugu soo daabacay wargeyska Horriyet eeTurkiga.
 
"Waxaan jeclaan lahaa si kagacaltooyo ku jirto inaan fuliyo howgalkan taariikhiga ah haddii xitaa nafteyda halis gelineyso.Hadaan Mareykanka ka noqonayo halyey waa mid u wanaagsan dowlada iyo dadka Turkigaba" ayuu sidaasi ku yiri  warqadiisa Mehmet Ali oo wargeysku daabacay maanta oo talaado ah.
"Mareykanku waxey noo soo gudbiyeen Cabdalla Öcalan, anaguna waa inaan Bin Laadin u soo qabanaa xitaa hadey tani keeneyso dhul garriir i wax yeeleeya waan sameyn" ayaa hadaladii warqadaasi ku qorneyd wargeysku daabacay isagoo intaasi ku daray in si toos ah fariintaasi Bush loogu gudbiyo.
Ninkani waa dambiile weyn oo isku dayey inuu dilo baaderiga ugu weyn diinta masiixiga sidoo kale wuxuu laf ahaantiisa qirtay in dhamaadkii 79 ilaa 80-kii uu isku dayey inuu dilo Xaafidal Assad-kii Suuriya. Sanado badan oo xabsiga ku jiray aawgeed soo deyntiisa dadka Turkida ah siweyn bey uga qeyliyeen waxaana ay u arkaan inuu yahay nin wax walba ay ka suurowdo aan caafimaadkiisa kaamil aheyn. 
 
Ciyaaraha: Dumarka Sacuudi oo daawasho garoonka ugu tegaya ciyaar dhexmereysa Sacuudiga iyo Sweden.
 
 
Waa cajaa'ib mana yara! nin baa laga weriyey, dalka Boqortooyada Sacuudiga waa la filaayey tan iyo intii argagaxisonimo lugu shaabadayey ama dalkaasi looga hayo taageero kooxaha galbeedka looga yaqaano argagaxisada in isbadalo kala duwan ay ka imanayeen.
 
Ciyaar saaxiibtinimo oo ay dhex mari doonto xulalka dalka Sacudiga iyo Sweden maalinta berito ah luguna qaban doono garoonka Amiir Feysal ee magaalada Riyadh ayaa warar ay saxaafada Sweden maanta shaacisay ku sheegtay in dumarka dalkaasi ay berito ciyaartan dhexmareysa Sweden iyo  Sacuudiga ay u soo daawasho tagayaan iyadoo ay taasi bar bar socoto dumar kale oo Iswidhish ah ay codsadeen in ciyaartaas daawasheeda loo fasaxo.
Arrintani oo ah mid calaamatu su'aal saaran tahay ayaa la isweydiinaya sababta ay ku dhacday iyo ciddii ka dambeysayba. Tababaraha Sweden oo arrintan wax laga weydiiyey ayaan laftiisa fahmin meesha sartu ka qurunsan tahay. Balse waxa uu sheegay in haddii ay jiri laheyd mamnuucis caalami ah oo dumarka loogu diidayo daaawashada ciyaaraha kubada cagta ineysan ogolaadeen ciyaar lugu qabto Sacuudiga.
Sweden oo qodobta arrintan ku saabsan u gashay juhdi badan si dowlada dalkaasi looga dhaa dhacsiyo in dumarka Swedhish-ka ah ee daneynaya daawashada ciyaartan loo ogolaado ayaa tababare Roland Andersson ku sheegay in jawaabtu noqotay "Dumarka waa ka mamnuuc daawashada ciyaaraha" Cadaadis badan oo dhinaca siyaasada dhabarka ku heyso ayaa loo maleynayaa iney ka dambeysay ogolaanshaha dumarka sacuudiga ee ay ogolaatay dowladu. Safaarada Sweden ee magaalada Riyadh oo haweenkooda keliya u doodeysay ayaa wakaalada wararka Sweden ee TT maanta u sheegay in goor dambe ay Sacuudiyiinta ogolaadeen xitaa dumarkooda iney u soo daawasho tagaan ciyaarta berito Sweden iyo Sacuudiga ku dhex mareysa garoonka Amiir Feysal ee magaalada Riyadh.

WARARKII CAALAMKA EE JAN 17, 2006:

Sharon oo indhaha kala furay

Tan iyo intuu bishan horaanteedii hogaamiyahaasi cimrigiisa tagay ee Ariel Sharon ee cisbitaal loo dhigay dhiig maskaxda uga furmay waxaa wararka ka imanaya cisibtaalka uu ku jiro ay sheegayaan inuu markii ugu horeeysay maanta indhaha kala furay. Balse ilo lugu kalsoon yahay oo cisbitaalka jooga ayaa u sheexay saxaafada iney xaaladiisa caafimaad ay rajo xumo laxirriirta inuusan koomadaasi ka soocin  ka muujiyeen. 

Qabiiro caafimaad ayaa sheegaya in Sharon oo labo jeer qaliin kala duwan lugu sameeyey ay dhaqaatiirtu isku dayeen in koomada kasoo kiciyaan balse ay arkeen ineysan arrintaasi dhab ahaan u suuragelin.

Wakaalada wararka AP ayaa iyadoo xiganeysa dad ku sugan cisbitaalka ay sheegtay in Sharon indhaha kala furay balse ay dhici karto iney tahay mid daawooyinkii lugula tacaalayey ay u sabab tahay walow aan la hubin.

Radio-ga Melateriga ee ay dowladu leedahay ayaa isagoo soo xiganaya dad ku dhow dhow Sharon u sheegen inuu yiri waxaan haatan aqoonaya dadka hareeraheyga jooga, taasoo ay leeyihiin waa astaan kamid ah inuu indhaha kala furay rajana  laga qabo in koomada kasoo baxo.

Hargabka Shimbaraha oo markale dad ugu dhinteen dalka Turkiga

Gabar 12 jir ah ayaa markale dalka Turkiga ugu dhimatay hargabka naxdinta leh ee shimbiraha maalintii axada aheyd waxaana ay noqotay gabadhani ruuxi afaraad ee cudurkaasi ugu dhinta dalka Turiga oo ay wasaarada caafimaadku maanta daboolka ka qaaday amuurtaasi.

Gabadhan ayaa markii hore baaritaan lugu sameyey sheegeen inaaney cudrkaasi qabi balse mardambe la ogaaday iney qaaday  cudrka haragbka Shimbiraha ee H5N1 loo yaqaano. Lix iyo toban qof ayaa guud ahaan dalka Turikiga lugu soo waramayaa iney cudurkaasi qaadeen oo ku jiro wiil shan jir ah oo la sheegay inuu la dhahay gabadhan geeriyootay.

Hey’ada caafimaadka u qaabilsan Qaramada Midoobey WHO iyo hey’ada kale ee cuntada adduunka marka la soo gaabiyo loo yaqaano FAO, ayaa labaduba walaac ka muujiyey cudurka haatan Turkiga lugu arkay waxaana ay dowlada dalkaasi ugu baaqeen iney arrintani si weyn ula tacaasho  xakameyntiisa. Balse ay jiraan fursado badan oo arrintaasi looga hortagi karro.

Dhinaca kale qabiiryahan xagga xoolaha ku taqasusay ayaa dhawaan socdaal uu ku tagay dalka Turkiga sheegay in haatan dalkaasi sidii loo maleeynayey  aanu aheyn ee loo baahan yahay dhaqaale xoog leh iyo dad arrintaasi xakameynteeda dhab ka tahay. Sarkaal kale oo ka tirsan FAO ayaa sheegay ineeney jirin farqi u dhaxeeya dalalka Yurubta bari ee cudurkan laga halay iyo Turkiga oo uu sheegay in cudurkan laga heli karro shimbaraha caadiga ah ama kuwa lugu xanaaneysto guryaha. Dalalka ay ka mid yihiin Armeeniya, Joorjiya, Iiraan iyo Suuriya oo cabsi weyni ay soo food saartay ayaa bilaabay iney laayaan shimbiraha si ay cudurkaasi ugu hortagaan. Halka Gariiga uu saaray talo ku saabsan in la hakiyo isu socdka dadka Turkiga iyo garriiga sababo lagaga baqayo in cudurkaasi soo gaaro.

 Iiraan oo dalkeeda ka mamnuucday CNN-ta

Dowlada Iiraan ayaa waxey soo saartay go’aan ay gebi ahaanba ku mamnuuceyso  dalkeeda telefeyshinka CNN-ta kadib markii ay wasaarada dhaqanka dalkaasi sheegtay iney ku xadgubeen qawaaniinta saxaafada iyo qalad xaga tarjumaanimada ah oo ay ku kaceen intii lugu guda jiray shirkii jaraa’id ee Axmedinejaad ku qabtay dalkiisa maalintii sabtidii aynu soo dhaafnay.

Iiraan waxaa kale oo ay ku andacootay in shirkaasi Jaraa’id oo si toos ah looga soo deynayey in CNN-ta sheegtay madaxweynaha dalkaasi inuu yiri ” Wadankasta xaq ayey u leedahay iney Nukliyeer hesho ee aanay galbeedka oo keliya ku ekaan” balse uu isagu laftiisa sheegay in dowladiisu ay xaqu leedahay. CNN-ta kasowkow dagaalka xaga afka ah ee u dhaxeeya Washington iyo Tehraan hadana kuma laha xafiis ay wararkeeda si rasmi ah uga soo tebiso marka laga reebo iney weriyeyaal u dhashay dalkaasi ay ka iibsadaan wararkooda qaladka dhacayna waxey ka bixisay raali gareyn  balse mamnuucida CNN-ta ayaa ah mid gebi ahanba lugula dirrirayo waxkasta oo Mareykanka quseeya maadama loo arko dowlad cadow ku ah Iiraan iyo dunida Islaamkaba.

WARARKII CAALAMKA EE JAN 16:

  Liibiya oo dib u dhigtay wadahadal ay la yeelato Bulgaariya
 
 
Mas'uliyiin ka tirsan dowlada Liibiya ayaa maanta oo axad ah sheegay in dowlada dalkaasi ay dib u dhigtay wadahalo ay la yeelan laheyd Bulgaariya sababo ay ku sheegeen in dowladu ay qorsheyneyso sanduuq dhaqaale oo luugu arruurinayo dadkii ku dhacay cudur-ka dilaaga ah ee AIDS-ka.

Maanta oo axad ah ayaa lugu waday in caasimada wadankaasi Tripoli uu wadahal ku dhexmaro Bulgaariya iyo Liibiya oo ay goob joogeyaal ka ahaan lahaayeen Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobey si loo bixiyo lacago wax loogu qaban qabanayo carruurtii la sheegay in kal kaaliyaa u dhashay Bulgaariya ay ku talaaleen cudurka halista ah si loo daryeelaato.
 
Dowlada Liibiya ayaa shan kal kaaliso oo u dhashay Bulgaariya iyo dhaqtar Falastiini ah ku xukuntay dil ay markii dambe kaga laabatay taasoo la xirriirta iney carruur gaareyso 500 ay cudurkaasi ku talaaleen 50 kamid ahina ay ugu geeriyoodeen. Bulgaariya waxey gaashanka u daruurtay dilka lugu xukumay dadkaas dalkeeda u dhashay waxaana ay sheegtay inusan aheyn xukun caadil ah balse ay soo dhaweysay go'aankii ay maxkamada dib ugu dhigtay. Liibiya ayaa arrinta dib u dhigasha go'aan lugu macneynayaa kalsooni ay kaga raadsaneyso reer galbeedka gaar ahaan Mareykanka oo barnaamijka Nukliyeerka si weyn iskugu maan dhaafsiisanaayeen. Ninka lugu magacaabo Idiris Algaa oo madax ka ah hey'ada carrurtii cudurkaasi dilaaga ah ku dhacay ayaa sheegay in wadahalada Bulgaariya iyo Liibiya ee maata dhici lahaa aan la ogeyn sababta ay u iman waayeen wefdigii Ameerikaanka ahaa ee shirkan i lugu waday iney yimaandaan, sidoo kale mas'uuliyin kale oo Liibiyaan ah ayaan wax tafaasiil ah ka gaabsaday.
 
  Madaxweynaha Iiraan oo booqanaya Suuriya toddobaakan
 
 
Madaxweynaha dalka Iiraan Axmedinejaad ayaa toddbaadkan dhalanaya lugu wadaa inuu booqasho labo maalmood qaadaneysa ku tago dalka Suuriya oo labaduba cadaadis caalami ah oo kala duwan saaran yihiin. Booqashada Axmedinejaad ayaa wakaalada wararka Iiraan sheegtay inuu casumaad ka helay Bashaaral Assad-ka dalkaasi oo ay ka wadahadli doonaan xirriirka labada dal ee u dhaxeeya waxaana booqashadani ay noqoneysaa tii igu horeysay ee ku tago dalkaasi tan iyo intii bishii ogoosto sanadkii hore ku guuleystay doorada madaxtanimada Iiraan,dhinaca kalena Xafiiska madaxweynaha ayaan laga soo saarin war ku saabsan sidii lugu helay warbixinta booqashadaasi.
 
Iiraan waxey gaashaanka u darruurtay barnaamijkeeda Nukliyeerka inuu yahay midey ku dooneyso hubka wax gumaada balse waxey sheegtay iney u dooneyso soo saarita tamarta. Toddobaadki hore ayaa dalalka Ingiriiska, Jarmalka iyo Faransiiska Mareykanku ka codsaday in arrinta dalkaasi xal dublomaasiyadeed laga gaaro ka hor intii aan loo gudbin gollaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey oo ay dhici karto in cuno qabanteyn lugu soo rogo. Iiraan lafteeda waxaa ay sheegtay ineysan howlaheed Nukliyeerka aysan uga tanaasuli karrin cadaadiskasta oo beesha caalamka uga yimaado.
 
Tan iyo intii la doortay Axmedinejaad booqashada uu haatan ku tagayo Dimish waxey noqoneysaaa booqashadiisa saddexaad ee dalka dibadiisa uga baxo kal hore wuxuu booqasho ku tagay daarta Qaramada Midoobay oo bishii september qudbad ka jeediyey sidoo kale waxa uu ka qeybgalay kulankii dalalka Islaamka ee dalkaasi Sacuudiga lugu qabtay dabayaaqadii bishii November ee sanadkii hore.
 
Isku soo wada duuboo Iiraan haatan waxey sugeysaa go'aanka ay qaadan doonan hey'ada quwada caalamiga ah ee Atoomikada oo laga codsaday iney shir looga munaaqashoonayo arrimaha Iiraan u gudbiso gollaha amaanka. Suuriya lafteeda oo aan Iiraan waxba dhaamin ayaa mushkilada dilkii Xarriiri dusha loo saaray waxaana labaduba lugu eedeyey iney faraha kula jiraan arrrimaha dalka Ciraaq.
 
Lura Bush iyo Condoleezza Rice oo ka qeybgalaya caleemo saarka Madaxweynaha Leybeeriya
 
Marwada madaxweyne Bush-ka dalkaasi Mareykanka iyo xoghayaha arrimaha dibadaba Condoleezza Rice ayaa maalinta berito ah waxey ka qeybgalayaan caleemo saarka madaxweynaha dalkaasi Leybeeriya  Ellen Johnson- Sirleaf oo loo dhaarin doono jagadaasi. Booqashada labadan mas'uul ee Mareykanka ee ay ku tagayaan dal ku yaala afrikada galbeed ayaa macnaheedu tahay sida dowlada Washington ay diyaar ugu tahay iney taagero dhankasta ah u fido dalkaasi Leybeeriya oo dagaalo sokeeye aafaayeen.
 
Madaxweynaha Leybeeriya waxey noqotay haweeneydii ugu horeysay ee qaarada Madow madaxweyne ka noqoto iyadoo bishii Julay doorashooyinkii dalkaasi ka dhacay ay kaga adkaatay ciyaaryahankii musharaxa ahaa ee Goerge Weah ee la tartamayey walow uu sheegay in doorashadaasi noqotay mid lugu shubtay oo aan cadaalad u dhicin. 

WARARKII CAALAMKA EE JAN 15, 2006

Xaaskii hogaamiye mucaarid ah oo Neyjeeriya lugu dilay...

Nayjeeriya: Sida ay ku waran gabadha la dhalay xaaskii hogaamiye muraacid ku ah xisbiga talada dalkaasi haya ayaa sheegtay in walaasheed maanta oo sabti ah ay faas ku dileen ragg ay ku sheegtay in la soo kireystay.
 
Dilkan loo geystay xaaska hogaamiyahaas ayaa timid markii is qab qabsad iyo baratan xoogan oo quseeya soo saarista shidaalka dalkaasi u dhaxeeya xisbiga talada haya iyo axsaab ku kacsan oo qolo walba dooneyso iney ku soo baxdo doorashada la filayo dalkaasi ka dhacdo sanadka soo socda .
 
Ciidamada booliska oo goobtaas tagay ayaa xabsiga dhigay lix nin oo kamid ahaa waardiyeyaashii hoygii haweneydaasi mana aaney ka bixin tafaasiil dheeri ah oo dilkaasi la xirriira waxaa ay sheegeen iney goor dambe ay soo saari doonaan warbixin amuurtaas ku saabsan.
Saadata Abubakar Riimi ayaa lugu dilay qolkeedaa jiifka waxaana odeygeeda Abubakar Riimi ahaa ninkii baratanka kala dhaxeeyey tartanka jagada madaxweynimada wadankaas oo uu madaxweyne Obasanjo oo markale doorashada ku soo baxay. Waxaana uu dhawaan ka baxay xisbiga talada dalka haya isagoo noqday mucaarid ku kacsan dowlada.
Walaasha haweeneydaas geeriyootay ayaa u sheegtay saxaafada in baranda da guriga ay ku arkeen walaasheed oo dhaawac ah kadib markii ay maqleen qeylo iyo buuq dadkii falkaasi geystayna aysan waxna ka qaadan guriga haddii la oran lahaa tuug bey ahaayeen taasina cadeyn u tahay bey tiri in dilkaasi ahaa mid qorsheysan.
 
               Iiraan oo Nukliyeerka muran ka taagan yahay
 
"Iiraan cadaadiska beesha caalamka uga imanaya uma joojin doonto barnaamijkeeda Nukliyeerka ee ay ku howlan tahay" Hadalkaasi waxaa maanta yiri madaxweynaha dalkaasi ee Axmedinejaad oo shir jaraa'id ku qabtay dalkiisa, waxaaana uu ku adkeystay in aaney ka laaban doonin haddii arrinta dalkiisa loo gudbiyo Q M si cuno qabateyn loo saaro.
 
Axmedinejad oo intuu hadlayey laga dareemayey sida uu u doonayo in dunida muslinka ka dhaa dhacsiiyo in loo dooneyn hormar xagga nukliyeerka ah ayaa ku tilmaamay dalalka reer galbeedka qaarkood kuwo wejiyo badan oo uu sheegay iney doonayaan iney iyaga gacanta ku dhigaan barnaamijka nukliyeerka si buu yiri ay qiimo jaban uga iibiyaan dalal kale.
Dhinaca kale hey'ada quwada caalamiga ah ee Atoomikada ayaa reer galbeedku waxey ku cadaadinayaan iney shir ku qaabsan malafka Iiraan u gudbiso gollaha loo dhan yahay si looga munaaqishoodo.
Aqalka cadna ee dalkaasi Mareykanka waxaa ku kulmay madaxweyne Bush-ka dalkaasi iyo Angela Markel oo ah ra'iisalwasaaraha Jarmalka oo socdaalkeedii ugu horeysay ku tagtay tan iyo intey hogaanka Jarmalka qabatay ayaa labaduba u sheegay saxaafada iney rajeynayaa in muranka nukliyeerka Iiraan lugu dhameeyo xal dublimaasiyadeed.

WARARKII CAALAMKA EE JAN 13, 2006

Xujeey markale ku geeriyootay Sacuudi Careebiya  

 
Waxaa markii labaad dalka Sacuudi Careebiya ku geeriyooday xujeydii xajka sanadkan gudaneysay kadib markii dadkaasi ay isbuurasho iyo is dhexyaac uu ku yimid. Dadkan geeriyooday ayaa tiradooda lugu sheegay 345 xujey ah in ka badan 200 oo kalena ay ku dhawaacmaneen. Warkan waxaa maanta u xaqiijiyey saxaafada mas'uliyiinta wasaarada caafimaadka ee dalkaasi Sacudiga. Dhimashada xujeeydani waxey tamid markey maanta isku buurteen  xaga hoose bariijka ee Jamraat oo ah goob sheydaanka uu uga soo baxay Nabi Ibraahim NKH, islamarkaasina la dhagaxeeyo saddex jeer.
Sidoo kale wakaalada wararka AP oo soo xiganeyso sarkaal sare ayaa sheegay in dadku iska daba dhaceen oo is buurteen kadib markii boorso la sheegay iney kasoo dhacday bas taagna halka laga galo bariijkaasi oo sababtay in dadku boorsadaasi ay turaanturoodeen.
 
Tan iyo toddobaataneeyadii dalka Sacuudi Careebiya waxaa shan iyo labaatankii sane ee ugu dambeeyey ka dhacay shilal kala duwan oo dhaawac iyo dhimasho leh soo gaara xujeeyda waajibaadkooda diiniga ah gudanayey.
 
 Shilalkii ka dhacay Sacuudi Careebiya xilliga gudashada Xajka

Sanadku markii ahaa 1979 waxaa dad gaaraya 153 ku geeriyoodeen gudaha xaramka sharafta badan kadib markii ciidamada dalkaasi ay gudaha u galeen koox mayal adag oo afduub dad ugu heysatay gudaha masaajika muddo labo toddobaad, in ka badana 500 oo qof ay ka soo gaareen dhaawacyo kala duwan.

Sanadku markuu ahaa 1987, dad gaaraya 402 ayaa geeriyooday xilli lugu jiray gudaha Xajka 275 kamid ah dadkaasi waxey ahaayeen Iiraan, arrintanina waxey dhacday markii ciidamada ka hortaga rabshada ay isku dayeen iney kala yaaciyaan dad banaan baxayey.
 
Sidoo kale sanadku markii 1990-kii dad gaaraya 1426 xujeey ah ayaaa geeriyooday kadib markii buundo ku taala Mina iyo Makka uu ka go'ay ogsijiinkii kadibna dadkaasi ay is dhex yaac iyo isbuurasho haleeshay.
Sanadku marku ahaa 1994-tii ayaa sidoo kale waxaa geeriyootay xujeey gaareysay 270 kuwaasoo ku dhintay magaalada Mina oo shil halkaasi ku haley.
Misna sanadku markii ahaa 1997-dii xujeey tiradooda gaareysay 347 ayaa ku geeriyooday isla magalaadasi Mina oo ah goobaha ugu badan ee shilalka iyo dhaawacu ka soo gaaro xujeeyda halkaasi timaada sanad walba.
Xujeeydan ayaa dhintay markii teendho kuwo la harsado ah oo ku yiilay Muna uu dab qabsaday 1500 kamid ah xujeeydaasina dhaawac ayaa kasoo gaaray dabkaasi 
Qarniga 21aad iyo sanadka 2004-ta waxaa sidoo kale ku geeriyooday Mina dad lugu qiyaasay 244 kuwaasoo iyagana is buurtay oo is dhex yaacay.
Xaj sanadeedkan 2005-t/2006-da waxaa magaalada barakeysan ee Makka ku geeriyooday dad kor u dhaafay 70 neeyo kadib markii hoteel u dhawaa xaramka uu ku soo dumay. Maantana sidoo kale waxaa geeriyooday 345 xujeey ah oo dhimashadooda timid isbuurasho iyo is dhexyaac xilli ay dadkaasi ku guda jireen dhagax tuurka Jamraad-ka ee Mina.
 
 
                  Mareykanka oo Norway canaantay
 
Haweeneyda xoghayaha arrimaha dibada uga ah dalka Mareykanka Condoleezza Rice aya si carro lehi ku jirto u weerartay uguna hanjabtay dalka Norway, kadib markii wasiirka dhaqaalaha dalkaasi Kristin Halvorsens hadal taageero ah oo lugu cuno qabateynayo alaabooyinka ka yimaada dalka Israa'iil ay tiri. Hadalkan carrada leh ayaa la sheegay in loo dhiibay danjiraha Norway u fadhiya Washington, warbixintan ayaa maanta waxaa qoray wargeyska Verdens Gang oo intaas ku daray in hadalka Condoleezza yahay mid mujinaya fikir ku kala duwanaashaha xagga siyaasada la xirriira ee arrimaha caalamka.

Sidoo kale wargeysku waxa uu qoray labo warbixin oo la sheegay iney yihiin fikir ay qabaan siyaasiinta dalkaasi lagana codsaday in dowlada qorshayaasheeda ay fulineyso ku darto taasoo ay ugu horeyso cuno qabateyn badeecooyinka ka yimaada Israa'iil, taasoo ah qodob aad xasaasi u ah oo dood kulul dhex dhigi doonto Washinton iyo Oslo.
 
Ficilka kulul ee Mareykanka iyo Israa'iil ka bixiyeen cuno qabteynta alaabaha Israa'iil ayuu wargeysku ku sheegay iney kaliftay in Kristin Halvorsens lugu qasbo iney warqad shaqsi ahaaneed qorto si ay arrinkaasi sharaxaad uga bixiso.
Dowlada iyo xisbiga talada haya ee shaqaalaha waxey aad uga soo horjeedaan fikirka noocaas ah ee cuno qabateyn lugu soo rogayo alaabaha ka yimaada Israa'iil, balse wasiirada iyo xisbiga shaqaalaha waxaa ka dhex jira dareen xoogan oo lugu doonayo inuu dhaqangalo fikirkaasi.
Siyaasiin dhowr ah ee dalkaasi ayaa aaminsan in Israa'iil ay ku xadgudubto xaquuuqda aadanaha ee dadka Falastiiniyiinta sidaasina ay jeclaan lahaayeen dal ay u arkaan inuu xuquuqda aadanaha meel uga dhacay aan xirriir ganacsi lala yeelan.
 
          Taariq Caziiz-kii Ciraaq oo xanuunsanaya 
 
Wasiirkii hore ee arrimaha dibada ahaana ra'iisal wasaare ku xigeenkii dowladii Saddaam Xuseen ee la afgambiyey ee Taariq Casiis ayaa aad u xanuunsanaya kadib markii xinjiro dhiig ah ay maskaxda meel kaga guntameen." Sugi mayo inuu noolaado hadaaneyba noqonba geeridiisa bil kadib" ayuu yiri Badi Cizat Carif oo ah qareenka u doodaya isagoo waramayey wargeyska Alxayaat ee kasoo baxa magaalada London.
Qareenku ma aanu sheegin goorta jiradaasi ku soo booday Taariikh Casiis balse waxa uu sheegay iney ugu wacan tahay xabsiga lugu hayo ee aanba waxba dhaamin halka eeyuhu hoydaan.
 
Tariikh Casiis waxa u kamid ahaa saraakiishii sida aadka ah ay Mareykanku u doon doonayeen kuwaasoo kamid ahaa maamulkii Saddaam Xuseen, waxaa sidoo kale la sheegay inuu isaga iskiis isku dhiibay ciidamada Mareykanka waxaana uu muddo kadib balan qaaday inuu k marqaati furi doono Saddaam Xuseen kula la soo taago maxkamad, lamase oga waxa dib u dhigay marqaati furkaasi la sheegay.

WARARKII CAALAMKA EE JAN 12, 2006

Amnesty: "Weli tacadiyo baa loo geystaa maxaabiista Guantanamo bay" 

 
Iyadoo ilaa iyo hada aysan jirin sharci rasmi ah oo maxkamada ugu sareysa ee Mareykanka aaney qaadin talaabo maxkamad dambiyadeed lugu soo taagayo dadka ku xiran xabsiga Guantanamo bay ee jasiirada Kuba ayaa hadana xaalada qeylo dhaaneed ee halkaasi kasoo yeereysa tahay mid la iska indho tirayo. Labo kamid ah maxaabiistaas ayaa loogu yeeray iney yihiin "cadow dagaal"
Amnesty iyo qareeno u doodaya maxaabiista halkaas ku xiran ayaa soo saaray warbixin cusub oo la xirriirta sida loogu geysto tacadiyo iyo jirdil.
Wiilka la yiraahdo Cumar Khadar oo heysta dhalasho kanidiyaan ah ayaa lugu hayaa xabsigaasi, da'diisana waxey aheyd markii lugu qabanayey dalkaasi Afgaanistaan 15 jir isagoo haatan ah 19 jir. Cumar waxa uu qirtay inuu dilay mid kamid ah askartii halkaasi u joogtay caafimaad ahaanta ee ciidamada Mareykanka, balse qareenkiisa waxa uu sheegay in hadalkaasi Cumar yiri markii si ka baxsan bani'aadnimada loo cadibay. "Xabsi aan sharciyeysneyn iyo silic dilyeyn ayaa la tagtay dhalinyaranimadii Cumar" ayuu yiri Muniir Axmed oo ah qareenka u doodaya wiilkaasi ku xiran jasiirada Kuba ee Guantanamo bay. Qareenka Cumar Khadar wuxuu haatan codsanayaa in wiilkaasi maxkamad la soo taago si uu helo cadaalada uu tabanayo.
Sagaal maxaabiis oo kamid ah 500 ee halkaasi lugu hayo ayaa la sheegay iney dambiile dagaal yihiin, balse Amnesty iyo ururada kale ee u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeynaya xabsigaasi inuu yahay mid dadka si xun loola dhaqmo iyadoo meeshaasi ay ku taalo maxkamad ay leeyihiin qolyaha halkaasi jooga oo dacwada iyo cadeymaha maxaabiista ku soo oogaan ay yihiin kuwo albaabka loo xirtay.
 
Maanta oo arbaca ah warbixin ay soo saartay Amnesty ayey kaga hadashay tacadiyada loo geysto maxaabiistaas, waxeyna cadeyn u heysataa mid kamid ah maxaabiistii halkaasi ku xirneyd oo la yiraahdo Jumca Al doosari oo u dhashay dalka Baxreyn inuu sheegay in halkaasi silic dilyeyn iyo kufsi loo geystay uu kala kulmay. Sidoo kale wuxuu sheegay in reerkiisa loo hanjabay Quraanka Kariimka ahana lugu riday musqulaha iyo inuu ciqaab dheer oo darran lugu sameeyey.
 
Hey'ada u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International waxey beesha caalamka ka codsaday iney xukuumad ku sheegta Washinton ay cadaadis adag saaran in xabsigaasi la xirro ama dadka halkaasi lugu hayo la horkeeno cadaalad oo markaasi helaan xaquuqda maxbuusnimo.
Maamulka Washington waxey gaashaanka u darruuren eedeymaha loo soo jeedinayo ee la xirriira maxaabiistaas balse waxey sharciyeysatay ku sii heynta maxaabiista Guantanamo iney qeyb ka tahay dagaalka ay kula jirto waxa ay ugu yeereen Argagaxisada.
 
Pentagon oo wax ka badaleysa hanaanka dhaqaale ee ay ku bixiso saxaafada Ciraaq.
 
Mas'uul sare oo ka tirsan wasaarada gaashaandhiga dalkaasi Mareykanka ayaa maanta oo arbaca ah sheegay in wasaaradu ay isbadal ku sameneyso lacagihii faraha badnaa ee ay ku qarash gareyn jirtay saxaafada wadanka Ciraaq si ay u daabacaan fikirka ameerikaanka ee ku saabsan dagaalka Ciraaq. Mas'uulku waxa uu sheegay in xubnaha kongeresku ay ka wel welsan yihiin lacagaha tirada badan ee arrintaas, balse mid ciidamada halkaasi jooga ayaa ku andoocoonaya in wargeysyadu ay qoreyso waxa ay ku sheegeen Xaqiiq ka horteygsa beenta iyo barabogaando ay wadaan kooxaha ka soo horjeeda.
Ninkan ka tirsan wasaarada gaashaandhiga oo diiday in magaciisa la xuso ayaa sheegay in wasaarada ay isbadal weyn sameyneyso balse waxa uu  xusay inuusan war u aheyn in arrintani tahay mid laxirriirta shaac bixin ku timid howlaha meletari ee ay Mareykanku adeegsadeen saxaafadaas dalkaasi iyo inuu yahay isbadal iskiis ah oo lugu doonayo in hanaanka saxaafadeed ee howlgan la badalo. Kongreskúna wuxuuy gudi u diray soo baari arrintan hadal heynteeda badatay.
 
Ma runbaa in la weysan yahay hogaamiyihii Kuuriyada Waqooyi?
 
Xageebuu ku sugan yahay hogaamiyaha kuuriyada waqooyi ee Kim Jong-Il? Waa su'aal ay maanta beesha caalamka isweydiisay kadib markii la soo sheegay in hogaamiyahaasi uu tareen qaas ah ku aaday dalka Shiinaha. Balse mas'uuliyiinta Bikin ee shiinaha waxey sheegen in ninkaasi aanu soo gaarin laakin ay illo xog ogaal ihi xaqiijiyeen in ninkaasi safarkiisa u weeciyey dalka Ruushka. Cajiib!!
Wakaalada wararka ee kuuriyada koonfureed ee Yonhap waxey werisay in hogaamiyaha kuuriyada waqooyi uu ku sugan yahay Shanghai oo ka tirsan dhulweynaha Shiinaha isagoo u jooga bey leedahay wakaaladu daraaso uu ku sameynayo dhismayaasha casriyeysan ee magaaladaasi.
Mas'uuliyiinta Shiinaha iyo Ruusha arrintan kama aysan soo saarin tafaasiil oo la xirriirta halka saraakiisha kuuriyada koonfureed ay dooneyso iney xakameyso saxaafada oo lafteeda baadi goob u jirto sidey ku ogaan laheyd halka uu cirib iyo jaan dhigay hogaamiyaha kuuriyada waqooyi ee tan iyo maanta la weysan yahay.
Dhinaca kale diblomaasiyiinta kuuriyada koonfureed ayaa sheegaya ineysan aheyn arrin cajiib ah haddiiba ay dhacday in ninkaasi ku baxay safar xagga tareenka ah. Balse ay tahay arrin dhaxal ah oo aabihiis ka dhaxlay kaasoo aan weligiis jeclaan bey lee yihiin inuu safar xagga hawada ah adeegsado.
 
Sanadkii 2004 ayuu Kim Jong-II socdaal aan la shaacin ku tagay dalka Shiinaha taasoo la ogaaday markuu dalkiisa ku soo laabtay. Sidoo kale dalka Ruushka ayuu socdaal isna qaatay 24 maalmood sanadkii 2001-da ku tagay. 
 
Ilaa iyo iminka ma jirto warbixin rasmi ah oo la xirrirta socdaalka qarsoodiga ah ee ninkan lugu ogaanayo meeshuu jaan iyo cirib dhigay balse waxaa la leeyahay haddey dhacdo inuu tago Ruushka waa mid uu ku doonayo inuu dhex dhexaadiyo xirriirka Bikiin iyo Mosko aan wanaagsaneyn. Haddiise sida la sheegayo uu tagay Shanghai waa mid uu iyadana ku darsayo qaabka dhaqaale iyo xadaaradeed ee magaaladaasi, haddiise misna socdaalkiisa u weeciyey dhankaa iyo Bikiin waa mid uu taageero kaga raadsanayo maamulka wadankaasi oo xukuumada Washington iyo dowladiisu dagaal kala dhaxeyso kadib markii lugu eedeyey iney sameysteen hubka wax gumaada ee Nukliyeerka.

 

WARARKA CAALAMKA EE JAN 11, 2006:

Sheekha C/raxmaan Sudeys oo weeraray reer galbeedka

 
Iyadoo guud ahaan muslimiinta caalamka ay si weyn u ciideen ciidal Adxaa ee tobanka bisha Carafo oo ku beegneyd maanta oo talaado ah ayaa imaamka labada xaram ee sharafta badan Sheekh C/raxmaan Al Sudeysi waxa uu weeraray reer galbeedka isagoo ku sheegay iney buun buuniyeen waxa loogu yeeray argagaxisada si buu yiri loo cabsigeliyo dadka islaanimadoodana la badalo.
Sheekh Sudeysi oo arrimaha murugsan ee Ciraaq ka taagan ka hadlayey waxa uu sheegay in Islaamku bari ka yahay waxa lugu tilmaamayo ee argagaxisada ah weerarada ay had iyo goor Yahuudu ku qaadeyso dhulalka falastiiniyiintana lugu sheego mideey ku difaaceyso nafsadeeda. In ka badan labo malyan iyo bar xujeyda ku sugan dhulka barakeysan ayuu maanta qudbadaas u jeediyey salaada ciida dabeed, waxaana uu aad ugu dheeraday in muslinka waxeysan aheyn loogu tilmaamay lana doonayo in shaki laga geliyo diintooda taasoo uu ku tilmaamay Fidno ummadda loo soo diray.
 
        Sharon oo xaaladiisa caafimaad soo hagaageyso
 
Mas'uuliyiinta ku sugan cisbitaalka Haddasa ee dalkaasi Israa'iil ayaa sheegaya in ra'iisalwasaaraha dalkaasi Ariel Sharon ay xaaladiisa caafimaad soo hagaageyso kadib markii maanta oo talaado ah dhaq dhaqaajiyey gacanta biddix iyadoo xaaladiisa maskaxdeed ay tahay mid mashquulsan.Afar iyo labataanka saac ee inugu soo fool leh ayaa dhaqaatiirtu waxey doonayaan iney kasoo bixiyaan koomada uu jiro,
Sharon oo muddo toddobaad cisbitaalka ugu jiro dhiig maskaxda uga furmay ayaa loo aaneynayaa sida ay soo sheegayan dhaqaatiirta halkaasi joogta  daawooyin qaldan oo bishii september ee kal hore lasiiyey ay u keentay inuu ku dhaco xanuunka la yiraahdo stroke.Inkastoo  ayey leeyihin dhaqaatiirtu uu neefsanayo dhaq dhaqaajiyena gacantiisa biddix hadana weli maahan mid xaaladiisu wanaagsan tahay cabsidii jirtayna ay halkeedii tahay.
 
Muslimiinta Denmark oo dacweynaya haweeney siyaasi ah oo u dhalatay dalkaasi.
 
Xaalada aan geed ku gabashada laheyn ee dowlada Denmark had iyo jeer ku dooneyso iney wax u dhinto sumcada muslimiinta dalkaasi iyo guud ahaan Islaamka ayaa heerarkeedii ugu xumaa maraya, Dalkaasi marka la eego ilaha dhaqaale ee kasoo gala dalalka Islaamka iyo sida ay siyaasad wadankaasi ula dhaqmeyso muslimiinta ayaa ah kaaf iyo kala dheeri ah.
 
Muslimiinta dalkaasi ayaa dacwad ka dhan haweeney iyado madax ka ah urrur la yiraahdo "Danks folk partiet" oo ah urrur gacan saar laleh kuwa faquuqa qaba ee shisheeyaha neceb magaceedana la yiraahdo Pia Kjærsgaard ku soo oogaya kadib markii mid kamid ah urrurada halkaasi ka jira ay aflagaado u geysatay.Warqad toddobaadle ah oo ay dhawaan qortay ayey ku sheegtay urrurada denmark ee muslimiintu yihiin kuwo aan xishood leheyn oo wasaqeynaya dalkaasi.
Urrurkan oo dhawaan xubnihiisa shir ay ku yeesheen dalka Masar ku camaabreeyey aflagaadadii wargeys lugu sheegay Jylland Posten u geystay Rasuulkeena Muxamed ah NNKH.
Safaaxada wadanka Masar ayaa si weyn uga hadashay aflagaada geed aan loogu soo gaban Muslimiinta iyo diintooda ay tahay mid lugu doonayo in wax loogu dhimo sharafta qowmiyadeed ee dadka muslinka ah. Sidoo kale waxey daboolka ka qaadeen qorshe ay dowlada dalkaasi ku dooneyso iney been abuurto buuug ay ku sheegtay inuu yahay Quraan iyo filin isagana lugu aflagadeynayo muslimiinta. Urrurkan ka dhisan dalkaasi Denmark ayaa lugu eedeyey iney adeegsadeen saxaafada Masar oo si weyn u dhaleeceysay siyaasada Denmark balse urrurka ayaa tilmaamey eedeyntaasi mid kamid ah daacayadaha had iyo goor laga fidiyo urrurada muslimiinta.
 
Dhinaca kale ra'iisal wasaare ku sheega dalkaasi Anders Fogh Rasmussen ayaa sheegay in waxa u ku tilmaamay cadaalada lasoo taagi doono kuwa beenta ka faafey dalkaasi, wuxuuse difaacay hadalka haweeneyda madaxa looga jiro ee ay ku aflagaadeyneyso urrurada muslimiinta dalkaasi. Dhawaan ayaa jariirad kamid ah kuwa ugu xag jirsan ee dalkaasi daabaceen safir kaartoon ah oo ay ku sheegeen in Nabi Muxamed NNKH yahay, taasoo guud ahaan muslimiinta dalkaasi iyo caalamka si weyn uga careysiisay, basle dowlada dalkaasi ayaan iyadu wax talaabo ah ka qaadin wargeysyada xag jirka ah ee muslimiinta iyo Islaamkaba wax u dhimaya. Dalka Denmark haatan wuxuu yahay dal ay cadaawada Islaamka u qabaan soo bandhigay oo qarsan karri waayey balse la arki doone halkey geyso.

 

WARARKA CAALAMKA EE JAN 9, 2006:

Safaaradaha Kanada iyo Australia oo loo xiray hanjabaado awgeed

 
Wararka imanaya magaalada Cammaan ee xarrunta wadanka Jordan ayaa sheegaya in saafaradaha Kanada iyo Australia la xiray sababo la xirriiro hanjabaado uga yimid kooxo lugu sheegay argagaxiso warkan waxaa maanta qoray wakaalada wararka faransiiska ee AFP.
 
Sidoo kale waxaa maanta albaabada la iskugu dhiftay safaaraddii Ingiriiska ee magaaladaasi kadib markii iyadana la shegay in halkaasi soo gaareen waraaqo loogu hanjabayo in la qarxin doono. Naceyb xoog leh oo loo qaady ayey tiri wakaaladu dadka reer galbeedka ayaa keentay safaarado kale oo dhowr ah la xirro. Bishii November ee sanadkii hore ayaa hotel Radisson SAS ee ku yaalay magaalada Cammaan nin naftiisa isku soo xiray miino qarxiyey  kadib markii halkaasi lugu sheegay iney ku shirayeen saraakiil u dhashay Yahuuda oo wadahalo halkaasi kula hadlaa mas'uliyiin kale oo u dhashay dalkaasi Jordan sida ay sheegeen kooxdii Abuu Mascas- sarqaawi oo qaraxaasi ka dambeeyey.
 
 
  Diyaarad helikopter oo Mareykanka uga soo dhacday Ciraaq
 
Diyaarada kuwa nooca qumaatiga u kaca Helikopter-ka ee Black Howk ayaa xalay saqdii dhaxe ku qaraxday waqooyiga dalkaasi. Guud ahaan dadkii saarnaa diyaaradaas oo 12 qof ka kooban ayaa ku qur baxay halkaasi. Ciidamada aagaasi jooga ayaa sheegay in diyaaradaas oo howlaheeda aheyd gar gaarka deg dega ah ay qaraxday kadib markii isgaarsiintii ka dhaxeysay duliyaasha iyo xarrunta diyaaradaasi kasoo kacday ay dhuntay islamarkaasina ay baarayaan sababta keentay in diyaaradaasi loo maleynayo in la qarxiyey ay soo dhacdo.
 
Dhinaca kale shan kamid ah ciidamada Mareykanka ayaa shalay iyo maanta siyaalo kala duwan ug dhintay dalkaasi. Tan iyo intuu dhashay sanadka cusub ee 2006-da waxaa aad isu soo tartaya dilalka iyo dhaawacyada loo geysanayo ciidamada Mareykanka ee dalkaasi xooga ku qabsaday.
 
     Sharon oo xaaladaasii caafimaad soo hagaageyso
 
Ra'iisal wasaaraha wadankaasi Israa'iil ee Ariel Sharon ayaa xaaldaasiisa caafimaad la sheegay iney kasoo hagaageyso kadib markii labo qaliin xagga maskaxda looga sameeyey toddobaadkii hore dabayqaadiisa.
Rajada laga muujiyey soo roonaanshaha Sharon ayaa ah mid ay ku guul tilmaameen dhaqaatiirka cisbitaalka Haddasa, balse waxey aad uga deyriyeen inaanu ku soo laaban karrin howlihii siyaasadeed uu hayey.
Sharon oo 78 jir ayaa waxaa maskaxda kaga dhacay cudurka shalal-ka ee sababa in maskaxdu dhiig ku furmo qeybo kamid ahana ay dhiig ku guntamaan. Xaalada caafimaad ee Sharon waxa mugdi badan geliyey hanaankii nabada bariga dhaxe ee lugu doonayey in lugu soo af jaro muskilada Israa'iil iyo Falastiin oo nus qarni jiitameysay.
 
Ra'iisal wasaare ku xigeenka dalkaasi Ehud Olmert ayaa jagadii Sharon si kuleem gaar ah u wada tan iyo inta ay arrintiisa ay meel u dhaceyso.
Dhinaca kalena wadahal xagga isgaarsiinta ah kula yeeshay madaxweyne Mubaaraka dalkaasi Masar iyo Condoleezza Rice oo ah xoghayaha arrimaha dibada ee Mareykanka oo u rajeyeey caafimaad Sharon.

WARARKII JAN 8, 2006:

Angela Markel oo codsatay in la xiro xabsiga Guantanamo bay 
 
Haweeneyda ra'iisal waraaha uga dalka Jarmalka Angela Markel ayaa xukuumada Washingon ka codsaneysa in gebi ahaanba albaabada loo laabo xabsiga ku yaal jaziirada Kuba ee Guantanamo bay. Angel Markel oo haatan booqashadeedii ugu horeysay tan iyo intey noqotay ra'iisal wasaaraha dalkaasi ku tagi doonta dalka Mareykanka ayaa wareysi ay la yeelatay majalada la yiraahdo Die Welt sheegtay in haddi Mareykanku aaney dooney iney xiraan ay haboon tahay waxa loogu yeeray kooxaha argagaxisada ay halkaasi ku hayaan meel kale oo ka wanagsan la geeyo.

"In si deg deg ah lugu xirro codsanmayo balse meel kale oo ka hagaagsan halka haatan laga deyrinayo ay habeen tahay in loo fekaro,aragtidana waa mid aan is weydaarsanay madaxda kale ee Yurub" ayey tiri Mrs, Markel oo dooneysa iney xabsiga Guantanamo bay kala hadasho Bush-ka dalka Mareykanka kolka ay aqalka  cadkula kulanto toddobaadka soo socda . Warbixino kale duwan oo la xirriira aragtida dadka Jarmalka ahi ka qabaan xabsigaasi ku yaala kuba ayaa muujineysa in si wen loo taageersan yahay, balse hey'adaha u dooda xuquuqda aadanaha ee dalkaasi si weyn ayey u dhaleeceynayaan.

Dowlada Jarmalka waxaa haatan ka muuqata dabacsanaan la xirriirta argagaxisada iyo sida Mareykan ula dhaqmayo, tanina waxey soo baxday markii kooxaha sirdoonka Mareykanka ee CIA-da si qarsoodi ah u adeegsadeen garoomada diyaaradaha dalka Jarmalka oo ay saxaafada wadankaasi shaacisay. Mrs Markel waxey sheegtay iney Bush kala hadli doonto arrimo badan oo ka dhaxeeya labada wadan tan iyo intii xirriirkii saxiibtanimo ee dagaalka Ciraaq mugdi geliyey, waxaana ay hadalkeeda intaas ku dartay in wadahalkooda uuusan aheyn oo keliya Ciraaq iyo argagaxisada balse ay jiraan arrimo kale oo quseeya. Xirriirka Midowga Yurub iyo Ruusha ee dalkeeda kala dhaxeeya ayey sheegtay iney tahay mid ahmiyad leh, waxeyse muujisay in xirriirka Mareykanka kala dhaxeeya uusan aheyn mid la qiimo ah tan kala dhaxeysa ruushanka. 

       Madaxweynaha Bolivia oo labiskiisa dadka yaabshay

Madaxweynayaasha dunida kolka laga reebo nimanka qamiisyada dhaa dheer ee carabta badi waxaad arkeysaa iyagoo jaakado suudad ah ku labisan. Lebiskaasi waxa uu noqday mid hanaanka qurux badan ee dadka madaxda sheeganaya muujisa waxa ay yihiin, balse madaxweynaha dhawaan doorashada dalka Boliva ku soo baxay ee Evo Morales waxa uu noqday madaxweynihii ugu horeeyey ee qaarada laatiin Ameerika ka socda aan ku labisan suud iyo taay. Socdaal uu afara bishan ku tagay dalka Spain ayaa labiskiisa waxey ahaayeen kuwo caadi ah oo aan ka duwaneyn kuwa ay xirtaan ragga cayaara ciyaarta Golf la yiraahdo.Arrintani waxey keentay in saxaafada wadanka Spain ay si weyn uga hadasho iyagoo siyaalo kala duwan ku tilmamaay.

Wargeyska la yiraahdo Larazon ayaa cinwaan uga dhigay cadad kamid qoraaladiisi ku soo baxay" dhar fiican haloo raadsho madaxweynaha Boliva" wargeysku wuxuu si weyn uga hadlay sida aan asluubsaneyn ee madaxweyne dhan u labisan yahay taasoo uu ku sheegay mid wax u dhimeysa karaamada dadka Boliva ee Spain waa hore gumeysan jirtay.

Nin ka tirsan wafdiga madaxweynaha la socday oo u waramayey wakalada wararka ee Reuters ayaa sheegay in madaxweyne Morales oo dhaqankiisa beeraley ahaan jiray uu door bidayo inta taay iyo suud isku xiri lahaa inuu xirto dharkii uu watay markuu ku jiray ololihii doorashada ee ku soo baxay.

Madaxweynaha Boliva oo ah ninkii ugu horeeyey ee u dhasha dadka Hindida ah ee dalkaasi ayaa ku guuleystay doorashadii dhawaan dalkaasi ka dhacday dalkaasi, waxaana uu haatan safaro kala duwan ku kala bixinayaa meelo kamid ah qaaradan Yurub, Shiinaha iyo Koonfur Afrika.


WARARKII JAN 7, 2006

Sharon oo qaliin labaad maskaxda looga sameyey

 
Iyadoo dhowrkii maalmood ee tagay ay guud ahaan saxaafada dunida si weyn ula socotay xaalada caafimaad ee ra'iisal wasaaraha dalkaasi Israa'iil ee Ariel Sharon, ayaa hadana wararka laga helayo cisbitalka Haddas ay sheegayaan in maanta oo jimcaha qaliin labaad oo deg deg ah looga sameeyey maskaxda kaasoo dhiig la sheegay inuu fumay loogu joojinayey.
Sharon waxa la sheegay inaanu haddii jiradan uu ka bogsoodo uusan ku soo laabaneyn siyaasada guud ahaanteed sida hadalkaas u xaqiijiyey saxaafada madaxa cisbitaalkaas ninka la yiraahdo Shlomo Mor-Yoosef.
 
Shlomo waxa uu sheegay in sawir (raajo) laga saaray madaxa lugu ogaaday in dhiig cusub ku furmay maskaxda oo ay qasabtay in qaliin qaatay afar saacadood deg deg loogu sameeyo si aaney buu yiri wadnaha u wax yeeleyn islamarkaasina laga soo saaray xijiro dhiig ah oo guntamay. Inkastoo qalinkaasi lugu guuleystay hadana waxaa ay dhaqaatiirta halkaasi joogtay muujiyeen in jirada Sharon hadduu ka roonaado uu ahaanayo nin maskaxda naafo ah. Waxaa lugu wadaa in ka badan 48 ilaa 72 saac inta u dhaxeysa uu suuxsanaan doono, si loo eego isbadalada ay sameeyeen qaliinadii lugu sameeyey. Guud ahaan hogaamiyaasha dunida intooda gacan saarka la leh Sharon waxey u rajeynayaan caaafimaad iyo in cudurka hayo uu ka bogsado balse siyaasada barriga dhaxe ayaa isbadal weyni ku yimid waxaan la ogeyn sida ay ahaaneyso xaalad bariga dhaxe iyo heshiishaydii Falastiin iyo Yahuuda laga waday.  
 
Rice oo dib u dhigtay booqashadeedii Aasiya iyo Australia
 
Socdaal lugu waday iney ku tagto qaarada Aasiya iyo Australia haweeneyda xoghayaha uga ah arrimaha dibada Condoleezza Rice ayaa dib u dhac ku yimid sababo la xirriira xaalada caafimaad ee soo wajahday Sharon-ka Israa'iil oo haatan cisbitaalka u yaala dhiig maskaxda kaga furmay.
 
Afhayeenka wasaaradda Arrimaha Dibada  Sean McCormack, ayaa sheegay in gebi ahaanba safarkaasi labaajiyey sababo lugu doonayo in Rice ay la socoto hadba xaalada uu ku sugan yahay Ariel Sharon si ay wargeliso buu yiri afhayeenku madaxweyne Bush iyo mas'uuliyiinta sar sare ee arrimaha siyaasada ka taakuleeya. "Wax qalad ah kuma jirraan labada arrimood hadey dhacaan" buu yiri Sean McCormack oo ka jawaabayey su'aal aheyd " malaga yabaa safarkan ay maanta ka baaqatay Rice in macnaheeda tahay iney ka qeybgasho aaskaa Sharon haddii uu geeriyoodo"
 
Maamulka Bush ayaa xanuunka Sharon waxa uu ku keenay jahawareer siyaasadeed oo ay runsan yihiin in haddii hogaamiyaas meesha ka baxo aaney si deg deg ah ku imanayn nin hanan karra howshaas oo leh qibradihii Sharon iyadoo ay Rice afar jeer booqasho ku tagtay bariga dhaxe si ay dhinacyada arinta barriga dhaxe quseysa uga dhaac dhacsiiso in maamulkeeda ay taageerayaan heshiishyada nabada lugu doonayo in lugu af jarro dhibaatada u dhaxeysa Falastiin iyo Israa'iil.
 
Mas'uul mareykan ah oo diiday magaciisa ayaa sheegay in waxa keliya  ay doonayaan ay tahay "in si cadaalad" ah lugu soo dabaalo barriga dhaxe.
Afhayeenku waxaa kale uu sheegay in Rice ay maanta qadka taleefanka kula xirriirtay ninka haatan la wareegay howlihii Sharon waxaana ay u sheegtay  in xukuumadda iyo shacabka Mareykan ay garab taagan yihiin Israa'iil waxkasta oo soo wajaha, dhinaca kalena sheegay booqashada Condoleezza ee Australia dib loo dhigay ilaa bisha Maarso halka socdaalkii Indoonisiya aan weli si rasmi ah loo shaacin.
 

WARARKII JAN 6, 2006

Sharon oo nolol iyo geeri u dhaxeeya

 
 
Wararka laga helayo cisbitaalka uu haatan ku jiro ra'iisal wasaaraha Israa'iil Ariel Sharon ayaa sheegaya in xaaladiisa caafimaad ay aad u liidato islamarkaasina qaliinkii saacadaha badan qaatay ee maanta lugu sameeyey aan la ogeyn inuu kasoo kacayo.Sharon waxa uu haatan la xarbinayaa dhibaatada culus ee dhiiga maskaxda kaga furmay sababay, iyadoo  labo cishana lugu heyn doono cisbitaalka. Balse madaxa Cisbitaalka Hadassah ninka la yiraahdo Shlomo Mor-Yosef waxa uu warfidiyeenada u sheegay in uu haatan suuxsan yahay Sharon cabirka dhiigiisana uu aad u hooseeyo. Wakaalada wararka ee AP ayaa soo sheegtay in telefishinada carabta qaarkood ay soo weriyeen in Sharon geeriyooday. Maantana shir deg deg ah ayey iskugu yimaadeen golaha wasiirada Israa'iill oo ka wel welsan xaalada Sharon ku sugan yahay.
 
"Xaalada Sharon oo is bad badaleysa marwalba waxaan anigoo ah madaxa Cisibitaalka balan qaadaya inaan hadba xaaladiisa meeshey mareyso muwaadinka israa'iilka ah u soo gudbiyo" ayuu yiri Shlomo Mor- Yosef oo warfidiyeenada u sheegayey xaalada caafimaad ee Sharon oo ah mid aad looga deyriyey.
 
Sharon ha geeriyoodo ama ha noolaado isbadal weyn ayaa laga filayaa in Israa'iil gasho marba haddii hogaamiyahaasi cimrigiisa tagay uusan shaqadiisa gudan karrin. Balse xisbiga cusub ee Sharon aasaasay ee Kadima ayaa ah mid aaney heysan fursad weyn oo siyaasada wadankaasi kaga qeyb qaadan karaan. Laakin waxaa ragga siyaasada kala rog roga ay leeyihiin inkastoo uu yahay nin dambiyo badan galay hadana waxaa la hubaa inaan la ogeyn aayaha dalkaasi haddii Sharon geeriyoodo geedi socodkii nabada iyo guud ahaan xaalka bariga dhexe ay soo wajihi doonto deganaansho la'aan.
 
Dhinaca kale Axmedinejad-ka Iiraan waxa uu rajeynayaa in Sharon geeriyoodo warkan ayaa laga soo xigtay wakaalada wararka ee aan rasmiga aheyn ee Iran ISNA,"Waxaan rajeynayaa in ninkii ku xadgubay xeryihii qaxootiga ee Sabra iyo Shatila inuu helo ciqaabtiisa" ayuu yiri Axmedinejad oo ay soo werisay wakalaadaasi. Sebra iyo Shatila waxey ahayeen xeryihii qaxootiga ee ku yiilay caasimada Lubnaan ee Beyrud oo Sharon la sheegay inuu amray in la gubo sanadkii 1982-dii.
 
 
Xujeey ku geeriyootay Magaalada Makka ee Sacuudi Careebiya
 
Ugu yaraan 23 qof ayaa lugu soo waramayaa iney maanta ku dhinteen Hoteel  ku soo dumay  Xujeey  ku sugan magaalada barakeysan ee Makka Al Mukarama. Hoteelkan maanta dumay ayaa waxaa u ku yaala meel aan sidaasi ugu fogeyn masjidka barakeysan ee Xarameynka markii qaardkoo la sheegay iney soo guteen salaadoodi diiniga ah oo ay doonayeen iney nastaan la kulmay dumista hoteelkaas oo galaaftay dad kor u dhaafay labaataneeyo qof.
 
Xukuumada Sacuudiga ayaa maalyiin doolar lacag garaya ku qarash gareysay in halkaasi aaney dhibaato xujeyda kasoo gaarin kadib markii sanado badan ay xujey is buurtay iyo kuwo siyaalo kala duwan ugu dhntay ay halkaasi ku naf waayeen.  Dadka hoteelkaasi ku geeriyooday ayaa la sheegaya badidooda iney ka kala yimaadeen dalalka Masar tuunisiya iyo Imaaraadka Carabta.
 
Weriyaha Somalitalk ee Fahad Xaaji Daahir iyo muslimiin badan oo soomaali ah oo halkaasi haatan ku sugan ayaan filayaa iney nabad qabaan oo aan dhibaato soo gaarin.
 
             Ciraaq oo ay maanta dad badan ku dhinteen
 
 
Maanta Ciraaq waa u maalin madow marka la eego maalmihii tagay ee qaraxyada ismiidaaminta ah sanadkan cusubi u la kowsaday. Dad kor u dhaafay 130 qof ayaa siyaalo kala duwan maanta qaraxyo is daba joog ah ugu dhintay dalkaasi.  Badi dadka maanta qaraxyadaasi kala duwan ku dhintay ayaa toddobaatan kamid ahi waxey ahaayeen shiicada Ciraaqiyiinta oo masaajid ku yaala magaalada Karbala lala beegsaday.
 
Halka magaalada Ramaadi oo dhinaca galbeed ee caasimada Bakhdaad kutaal lugu dilay askar ciraaqiin ah kadib markii nin naftiisa halkaasi isku qarxiyey. Magaalada Bakhdaad ee xarunta ah ayaa saddex kamid ah askarta Ameerikaanka ah lugu dilay kadib markii kolonyo baabuurta askartaasi oo jid marayey loo dhigay miino, sidoo kale labo kamid ah shantaasi ameerikaanka ah ayaa iyagana qarax lamid ah kuwa Bakhdaad ku dhintay ay ku qaraxday. Guud ahaan askarta Mareykanka ee Ciraaq kaga dhimay ayaa tiradadooda noqoneysaa 2200 oo askari tan iyo markii ay duulaanka gardarada ah ku qaadeen dalkaasi sanadkii 2003-da oo ay xukunka kaga tuureen xukunkii Saddaam Xuseen-kii ee muddada dheer ka talinayey.

 

WARARKA: JAN 5, 2006


  Sharon oo dhiig maskaxda uga furmay awgeed cisbitaal loola cararay 
 
Ra'iisal wasaaraha Israa'iil ee Areal Sharon ayaa habeenimadan caawa ah loola cararay cisbitaal kadib markii la sheegay in dhiig maskaxda uga furmay. Sharon ayaa dhaqtarkiisa sheegay in si deg deg ah qaliin loogu sameeymayo xagga maskaxda ah.
 
Shlomo Mor-Yosef oo isagu ah dhaqtarka Sharon ayaa markii cibitaalka la geeyey isagoo u waramayey warfidiyeenaddii halkaasi joogtay u sheegtay in maskaxada dhiig uga furmay awgeed qaliin deg deg ah lugu sameynayo isagoo ku hadlayey afka ingiriisiga sida ay soo warisay wakaalada wararka ee AP.
Xaalada caafimaad ee Sharon oo aad u liidatada awgeed waxaa howlihii dowlada si ku meel gaar ahaan loogu wareejiyey Olmert oo sii heyn doona jagadaasi tan iyo inta xaalada caafimaad ee Sharon ka soo reyneyso.Saxaafada wadankaasi ayaa werisay in Sharon habeenimadan caawa ah uu dareemay liidasho sidaasna loogu qaaday ambalaas, waxaa sidoo kale lugu waday meelinta berito ah inuu dhaqtarkiisa oo uu la balansanaa la kulmo balse ay soo wajahday xaalad aan caadi aheyn oo keentay in dhiig maskaxda ku furmo.
Afhayeen u hadlay aqalka cad ee Mareykanka ayaa sheegay in madaxweyne Bush lugu wargeliyey xanuunka deg dega ah ku soo booday Sharon, waxaana uu afhayeenku hadalkiisa ku daray intaas in Bush hadba isbadalada ku dhaca Ariel Sharon la socon doono.
Sharon waxa uu dhawaan ka baxay xisbigii uu ka tirsnaa Likud isagoo sameystay mid kale oo siyaasi ah kuna jiraan in badan oo saaxiibadiis ah, Dhiiga maskaxda uga furmay Sharon waa mid isbadel hor leh ku keeneysa hanaankii geedi socodka nabada bariga dhaxe ee awal aan sal mugeed ku fadhin waxaase la isweydiinaya sida uu xaalka ahaan doono haddii Sharon aanu kasoo kicin xanuunka haatan loo geeyey cisbitaalka ee ah in maskaxda dhiig kaga furmay.
 
            Hal qof oo hargabka shimbiraha ugu geeriyooday dalka Turkiga
 
Ugu yaraan labo qof ayaa lugu soo waramayaa dalka Turkiga iney qaadeen cudurka halista ah ee haragabka shimbiraha ee H5N1 loo yaqaano halka wiil kale oo afar iyo toban jir ah isna u dhintay cudurkaasi hargabka shimbiraha sida uu caawa hadalkaasi u xaqiijiyey saxaafada wasiirka caafimaadka dalkaasi Recep Akdag, waana markii ugu horeeysay ee hargabkaasi shimbiraha meel ka baxsan qaarada Aasiya  dad ugu geeriyoodo.
Shir jaraa'id oo uu qabtay wasiirku ayuu sheegay in sadex walaalo ah  oo la dhashay wiilkaasi geeriyooday la baaray dabadeedna laga helay cudurkaas. Warkan naxdinta leh ee haatan laga soo sheegay dalka Turkiga waxaa u wel wel ku qabatay dalal badan oo ku yaala galbeedka Yurub.Hey'ada Qaramada Midoobey ee u qaabilsan caafimadka adduun ee WHO ayaa kal hore shaacisay in cudurkani yahay kan ugu xun ee aadanaha ku dhaca una baahan in si deg deg ah wax looga qabto.
Dalal ka ay kamid yihin Turkiga, Ruusha iyo Romeeniya ayaa baaritan laga sameeyey ay sheegen in harabka shimbaraha uu ka jiro balse warkan caawa bariga turkiga laga soo sheegay uu yahay mid naxdin dad badan ku abuuray islamarkaasina tahay markii ugu horeeyey eey dad ugu dhintaan meel ka baxsan qaarada Aasiya oo cudurkani kasoo if baxay.
 
Suuriya oo ogolaatay in kooxda Meles ay la kulmaan Faaruuq Al sharac
 
Inkastoo Suuriya ay gaashaanka u daruurtay iney ogolaansho siiso gudiga qaramada midoobey ee baaritaanka ku haya dilkii Rafiiqal xarriiri ee ra'iisal wasaarihii hore Lubnaan iney la kulmaan madaxweyne Bashaaral Assad. Hadana waxey dowlada Dimishiq ogolaatay in wasiirkeeda Arrimaha dibada ee Faaruq Al sharac ay la kulmi karaan oo markaasi su'aalo weydiin karaan sida ay maanta sheegen diblomaasiyiin sar sare. Warbixin la soo saaray sanadkii hore dabayaaqadiisi ayaa lugu sheegay in saraakiil sar sare oo Suuriya iyo Lubnaan u dhashay ay ku lug leeyihiin dilkii ras'iisal wasaare Xariiri, taasoo keentay in arrintaasi Suuriya lugu cadaadiyey in ciidamadeedii joogay dalkaasi 29 sanno kadib kala soo baxdo. Suuriya waxey gaashaanka ku dhiftay eedeymaha dusha loo saaray ee la xirriira dilkaasi iyadoo ay taasi hareero socdeen qaraxyo is daba joog ah oo lala beegsanayey shaqsiyaadka loo arko iney ka soo horjeedaan siyaasada Suuriya.
 
Toddobaadkii hore ayaa madaxweyne ku xigeenka dalkaasi Suuriya Khadam oo wareysi siiyey telefeyshinka Al carabiya sheegay in madaxweyne Assad uu hadalo kulul weydaarsaday Xariiri dabadeedna sheegay inuu ka hor tegi doono cidkasta oo is hortaagta waxa uu doonayo. Hadalkan ayaa markale dhiilo colaadeed ka dhex dheliyey labada dal, waxaana madax sare oo ka tirsan Suuriya dalbadeen in maxkadmad la soo taago Al Khadam oo ay ku sheegen in qiyaano qaran galay.
 

WARARKII TALAADADA: JAN 3, 2006

Safaarada Mareykanka ee Maleysiya oo hanjabaado awgeed u xiran

 
Safaarada Mareykanka ee ay ku leedahay magaalada Kualambur ee dalka Maleysiya ayaa weli xiran kadib markii toddobaadkii hore albaabada la isku dhiftay hanjabaado soo gaaray awgeed. Afhayeenka safaarada  haweeneyda la yiraahdo CatrinaTeylor ayaa sheegay ineysan arrinta hanjabaadaha soo gaareysa safaarada aysan weli wax go'aan ah ka qaadan goorta ay dib u furayaan. Booliska ayaa sheegay inaaney hada kadib si weyn u sugi karim amniga safaarada oo ku taala bartamaha magaalada Kualambur oo muddo toddobaad ah cabsi awgeed u xiran.
Sanadkii hore ayey aheyd markii safaaradaasi soo gaartay warqad ay ku jirto maado sun ah taasoo kaliftay in safaarada si kumeel gaar ah loo xirro markii dambane la ogaaday in maadadii ku jirtay bashqadii soo gaartay aysan aheyn mid sumeysan.
 
 
Midowga Afrika oo baajiyey shir looga hadlayey Suudaan iyo mushkiladaha deriskeeda
 
Midowga Afrika ayaa maanta oo talaada ah dib u dhigay shir lugu doonayey in looga hadlo muskilada gobolka Daarfuur iyo Muranka u dhaxeeya Suudaan iyo Tjad kadib markii ay Tjad ku eedeysay maamulka Kharduum iney kooxaha mucaaridka ah hubeeyneyso. Madaxweynaha dalka Tjad Idiris Dibie ayaa sheegay in kooxaha hubeysan ee jooga xudduda labada wadan ay Suudaan taageerto si halkaasi looga abuuro buu yiri fowdo dhinaca kalena codsaday in kulanka ay Midowga Afrika kaga hadlayaan arrimaha labada wadan oo lugu waday in lugu qabto magaalada Kharduum loo weeciyo meel kale. Suudaan ayaa iyadu dhamaan eedeymaha uga imana dalka Tjaad gaashaanka u daruurtay kuna tilmaantay waxaan jirin.
 
Dhinaca kale wuxuu Dibie diiday inuu ka qeybgalo kulan kale oo isna lugu wado in berito oo arbaca ah looga hadlo muskilada gobolka Darfur, wuxuuna sheegay inuu wadahal la yeelan doon lix madax oo ka tirsan Afrika dhaxe kuwaasoo ku shiraya magaalada Injimeyna ee xarunta wadankaasi Tjad.
Wakaalada wararka Liibiya ayaa iyadoo soo xiganeysa wasiir ku xigeenka Arrimaha dibada sheegtay in hogaamiyaha dalkaasi Libiya ku baaqay maalinta berito ah shir looga arrinsanayo gobolka Darfur, laakin afhayeen u hadlay dalka Neyjeeriya oo iyada la wareegeysa madaxtanimada sanadkan ee midowga Afrika ayaa sheegay in shirkaas baaqday mana jirto warar la xirriira sababta shirkaasi loo baajiyey.Bishii september ee sanadkii hore ayaa Tjad kooxo hubeysan oo ka yimid sidey sheegtay dhanka Suudaan ay falal kala duwan ka geysteen deegaano ku yaal xadkeeda waxaana ay arrintan dusha u saartay dalka Suudaan oo ay ku eedeysay iney taakuleyneyso kooxaha ku kacsan madaxweyne Idiris Dibie.
 
 
                      Rice oo booqan doonta Indoonisiya iyo Australia
 
Xoghayaha Arrimaha Dibada ee dalka Mareykanka Condoleezza Rice ayaa lugu wadaa iney dhawaan booqasho ku kala bixiso dalalka Indoonisiya iyo Australia oo ay xulufo ku yihiin dagaalka ka dhanka ah argagaxisada.Afhayeen u hadlay wasaarada arrimaha dibada Mareykanka ayaa sheegay in booqashada ugu horeysa ee haweeneydaasi ku tegi doonta dalka Indoonisiya oo ah dalka ugu badan ee muslimiinta qaarada koonfur bari ee Aasiya waxaana lugu wadaa buu yiri afhayeenkaasi iney wadahal la yeelato madaxweynaha wadankaasi oo ay kawada hadli doonaan waxyeeladii kasoo gaartay mowjadahihii Tsunami iyo hargabka shimbiraha ee gobolkaasi ka jirta. Sidoo kale labada wadan ayaa ika hadli doona skaashiga xagga meletariga ee ka dhaxeeyey oo dhawaan hakad ku yimid ay sabab u tahay la dagaalanka argaagxisada.
 
Rice oo socodaal ku tegi doonta dalka Australia ayaa kula kulmi doonta dalkaasi wasiirada arrimaha dibada Australia iyo Japan oo ay yeelan doonaan shir saddex geesood ah oo ay kaga hadli doonaan "Istaraajiyad cusub" iyo sidey iskaga kaashan lahaayeen dhinacyada kala duwan oo ay ugu weyn tahay la dagaalanka argagaxisada.
 
Dhanka kale waxaa isna dhici doona kulan ay ka qeybgeli doonto Condoleezza Rice oo ay yeelanayaa shan wadan oo ku yaala Aasiya iyo dalalka ku teedsan badda dhaxe kaaso la sii shaaciyey bishii julay ee sanadkii hore, iyadoo ayna kaga hadli doonan baa la leeyahay arimaha ay kamid yihiin xiisada gaaska ee haatan u dhaxeeya Rushka iyo Yukureyn iyo isbadalka cimilada dunida oo aad u soo kululaanayo iyo axdigii Kyota oo waayadan dambe muran ka taagnaa .

Wararkii : Isniin Jan 2, 2006

 
 
   Ankara oo beenisay in Mareykanku weydiistay saldhig uu ka weeraro Iiraan
 
Dowlada Ankara ee dalka Turkiga ayaa maanta oo isniin ah beenisay warar ay saxaafadu qortay oo ay ku sheegtay in Mareykanku ka codsaday in dalkeeda ka sameysto saldhig uu duulaan kaga soo qaado dalka Iiraan. Amuurtan oo maalmihii tagay ay saxaafada wadankaasi si weyn u hadalheysay ayaa dowladu gebi ahaanba beenisay wararkaas, waxaana ay ku tilmaamtay war aan sal iyo raad toona laheyn. Saxaafada ayaa iyadu arrimahan ku sheegay bilihii tagay booqashadii isadaba jooga ahaa ay madax sare eeAmeerikaan ahi ku tageen dalkaasi loo maleynayo iney arrinkaasi kawada hadleen si Turkiga saldhiyadiisa duulaan kaga soo qaadaan goobaha Nukliyeerka ee Iiraan.
 
Hadal laga soo saaray wasaarada Arrimaha ee Tehraan ayaa lugu sheegay in"Tukriga kamid tahay mushkiladaha ka jirta gobolka una baahan tahay iney wadahal iyo wada xaajood ku dhameyso mushkiladahaasi islamarkaasina aan u baahneyn dhibaato kale oo halkaasi ka ooganta"
Mareykanka ayaa maamulka Tehraan waxa uu ku eedeynayaa iney doonayaan iney Nukliyeer sameystaan ama ayba haatan ku howlan yihiin hirgelinta barnaamijkaasi.
 
Dhinaca kale illaha warkan laga helay oo ay ugu horeeyaan wargeysyada Jurasalem Post iyo Sabah oo Turkiga ah ayaa qoray sida Mareykanku ugu rajo weyn yahay in dalabkaasi ay turkiga u gudbiyeen aqbasho haddii go'aankaasi  qaato maamulka Bush. Wargeysyada ayaa warbixinadooda ku daray in madaxda ugu sareysa ee sirdoonka wadanka Mareykanka ku tageen booqasho dalka Turkiga sidoo kalena lugu wado in bilaha soo soca ay xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Condoleezza Rice ku tegto dalkaasi Turkiga si ay uga qanciso madaxda Turkiga in dalabkaasi ay aqbalaan.
 
Turkiga iyo Mareykanka ayaa haatan xirriirkooda sidii hore ka soo hagaagayaa kaasoo xumaaday markii sanadkii 2003-da baarlamaaka Turkiga go'aansaday inaan ciidamada Mareykanku dalkooda adeegsan duulaankii ka dhanka ahaa dalka Ciraaq. Turkiga wuxuu kamid yahay dalalka ku jira gaashaanbuurta Nato xudduudna la leh Ciraaq iyo TIiraan, balse madaxda Ankara waxey si weyn u mucaaradeen hadalkii Axmedinejad uu ku sheegay in Yahuuda laga tir tiro qariirada caalamka.
Dhawaan ayaa lugu wadaa in mas'uuliyiinta Nukliyeerka Iiraan iyo Midowga Yurub kulmaan si halkaasi looga sii wado wadahaladii Nukliyeerka dalkaasi Iiraan iyo Midowga Yurub u dhaxeeyey.
 
Wararkii Axadi: Jan 1, 2006: Denmark oo ka jawaabeysa wareygeyskii aflagaadeeyey Nabi Muxamed
 
 
Dowlada copenhagen ayaa haatan waxey diyaar u tahay iney kasoo jawaabto eedeymo  horey uga yimid dalalka Islaamka taasoo la xirriirta aflagaado u wargeyska Jylland Posten ugeystay Rasuulka Muxamed ah NNKH oo kartuun uu ku sheegay sawiray.
Ra'iisal wasaaraha wadankaasi ayaa sheegtay inuu diiday isagoo isla qumaan inuu wadahal layeesho 12 wadan oo dalalka Islaamka ee danjiraha uga ah dalkaasi, kuwaasoo doonayey iney kala xaajoodaan sida aysan dowladiisa uga hadlin sawirka meelka dhaca ah ee wargeysku ku sheegay inuu yahay kartuun ay sawireen Nabi Muxamed NNKH. Balse waxa uu sheegay inuu eegayo codsiga uga yimid wasiirada Arrimaha Dibada Jaamacada Carabta oo dhawaan shir ay ku yeesheen magaalada Khaahira ku cambaareeyey wargeyskaas iyo sida ay dowlada dalkaasi uga aamustay arrin aad u ah xasaasi.
Bishii september ee sanadkii hore ayaa wargeyska lugu magacaabo Jylland Posten sawiray kartuun uu ku sheegay Nabi Muxamed NNKH, taasoo muslimiinta dalkaasi ku dhaqan iyo guud ahaan dunida Islaamkaba aad uga careysiisay. Urrurada Islaamka ee Denmark ayaa ugu baaqay dalalka Carabta iney cuno qabteyn xagga ganacsiga ah ku soo rogaan dalkaasi haddii aysan dowlada Copenhagen ka jawaabin arrinka wargeyskaasi ku aflagaadooy Rasuulka Muxamed ah NNKH.
 
                Madaxweynaha Bolivia oo ku fikir noqday Fidel Castro
 
Madaxweynaha dhawaan tartankii doorashooyinka dalka Bolivia ku soo baxay ee Evo Morales ayaa durba kamid noqday madaxweynayaasha qaarada laatin Ameerika ee sida weyn uga soo horjeeda siyaasada guracan ee Mareykanka. Booqasho uu ku tagay maalintii sabtida aheyd dalkaasi Kuba ayuu wadahal gaaban oo luu a yeeshay Fidel Casrto-ha dalkaasi si weyn uga hadlay siyaasada Mareykanka ee ku wajahan la dagaalanka ka ganacsiga maandooriyaha oo uu sheegay in maamulka Washington ay ku guul darreysatay iney wax ka qabato dhibaatada dalkiisa ka heysata arrintaasi.
"Aniga iyo maamulka Washington xirriir wanaagsan weli nama dhexmarin, balse shacabka waanu leenahay" ayuu yiri Morales oo hoosta ka xarriirqay in arrimahaasi aysan aheyn wax sahlan una baahan tahay iskaashi xoog leh si looga hortago ka ganacsiga maandooriyaha loo yaqaan Kookaayinta oo qaaradaasi caan ku tahay.
 
Dhinaca kale wuxuu sheegay iney tahay wax lugu guul darreysto haddii talaabo noocaas ah oo la qaado dhiig badana ay ku daadaneyso, isagoo ka jawaabayey su'aal aheyd sida uu arko haddii Mareykanku taageero siiyo inqilaab dalkiisa ka dhaca.
 
"Inta aysan ku fekerin maamulka Washington inqilaab noocaksta leh waxaa haboon iney ciidamadooda kala soo baxaan dalka Ciraaq islamarkaasina xiraan saldhigyada meletari ee ay ku leeyihiin qaarada Laantin Ameerika" ayuu yiri Morales oo maalinta talaadada ahi booqashadii ugu horeysay tan iyo intuu noqday madaxweynaha dalkaasi ku tagi doono qaarada Yurub iyo Afrika oo wadahalo la yeelan doono dalal dhowr ah oo ay ku jiraan Faransiiska,Spain, Belguim, Shiinaha, Koonfur Afrika iyo Baraasiil si dowladiisa ay u hesho taageerada uu dalkaasi iyo iskaashiga ka doonayo.

 


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com





HTML CD