SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Cabdi Cali Siyaad “Argagixiso ayay igu tilmaameen, laakiin waxaan ogaaday in argagixisadu ay tahay  Dadkii falkaas ku kacay.

 (Dhacdonaxdin leh) 

Qore: Amiin Yuusuf | Muqdisho | Faafin: SomaliTalk.com | May 2, 2006
__________________________________
__________________


Cabdi Cali Siyaad

Waxaa suurta gashay in aan wareysi la yeelano Cabdi Cali Siyaad oo ka mid ahaa rag dhawaan doonayay in ay waan waan ka galaan Wiil mudo 45 cisho ah la la’aa oo uu raadinayay Aabihii, wiilkaas oo markii dambe lagu sheegay deegaanka Arjantiin ee Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho, halkaas oo la sheegay in ay ku haysay Habaryartii, wuxuuna hadalkiisii ku bilaabay sidatan:-

 Waxay ahayd, goor subax ah oo bishu tahay 7-dii Maarso anagoo ka kooban afar qof oo uu ku jiray Aabbihii dhalay wiilka aan raadineyney oo lagu magacaabo Cusmaan Max’ed Guuleed waxaana ku soconay xiligaasi balan ay noo dhigtay wiilka Habaryartiis oo tiri waa idinla baadi goobayaaye wiilka ee ii imaada, markii aan tagnay gurigeedii ayaa nala geliyay qol waxaa noo yimid dhowr qofood oo mar kasta nagu oranayay ma waxaad dooneysaan oo aad raadineysaa wiilkii yaraa, mar kasta waxaa u jawaabayay odeygii dhalay Wiilka ee Cusmaan oo ku lahaa “wiil baa naga maqan”, “oo wiilka magaciis” markaas ayuu u celiyay “Shuceyb” “oo meeqa cisho ayuu idinka maqnaa wiilku” markaas ayuu ku jawaabay “45 cisho”.


Wajiga Meydka ayaan qarinay anaago xusmeyneya eheleda marxuumka..

Markii uu dhamaaday wareysigaasi yarka ah ayaa waxaa noo soo galay rag kale, waan shakinay, waxaana na gashay dareen ah tolow sidee wax u jiraan xaaladdu ma wanaagsanee, markiiba waxaan maqalnay “Tol beelayeey waxaa la doonayaa in ay afduubtaan wiilkii shuceyb ahaa”, Waxaa hadaladaas ka soo yeerayeen Gabar la dhalatey wiilka hooyadii oo  ah Gabdhii lagu tuhmayey in ay Qarisey Wiilka,  aad bay naxdintii noogu sii badatay, markiiba labo nin oo Qoryo wadata ayaa noo soo gashay markaasay Qoryihii nagu qabteen  mid baa waxa uu yiri “Isbaara”, markaan is baarnay ayaa odeygii wiilka dhalay waxa uu yiri “war anigu Bastooladdaas ayaan wataa cid aan wax ku yeelayana ma jirto, markii uu hadalkaas ka soo baxay ayaa waxaa si darandoori ah rasaas loogu furay Odeygii halkiibaa naftii uga baxday rasaastii fanfaniinkeedii  iyo qiix ayaa na soo galay, dhulka ayaan wada seexanay, naxdin iyo anfariir ayaa nagu dhacay, waayo waxaa akteena yaala Cusmaan oo Meyd ah, waxaana kaloo faniinkii rasaasta dhaawac u gaystay mid ka mid ah kooxdii maleeshiyada ahayd ee na soo weerartay.

Saddexdeenii kale inta garba-duub naloo xiray ayaa bannaanka na loo saaray oo meel qorax ah nala jiifiyay, dadkii deegaanka ayaa nagu soo xoomay, waxaa dhagaheyga ku dhacayay ereyo ay ka mid ahaayeen “waa argagixiso raggaan”, “raggaan anaa aqaana shan nin ayay horey u dileen” “waa Al-Qaacido” “waa rag la soo diray oo doonaya in ay xaafadda argagixiyaan”, aad baan u naxsanahay waxaan is weydiinayay goormaa lagu boobsiin doonaa, anagoo yaaban ayaa waxaa noo yimid taliyaha ciidamada Muuse Suudi waxa uuna nagu yiri “ragga la sheegayo ma raggaanaa”, intii aan meesha ku garba-duubneyn ayaa waxaa yimid kooxo weriyaal ah oo iyana lagu soo wargeliyay in la qabtay kooxo argagixiso ah midna laga dilay, waxayna sawiro ka qaadeen ninkii Maydka ahaa ee Cusmaan oo dusha laga saaray Bastooladdiisii, anagana waxaa nala geliyay shabaq oo waxaa na daawanayay dadka oo xitaa carruurta yaryarka ah dhagxaan iyo ciid ayay nagu firdhinayeen. [Eeg sawirka dhanka bixid].

Intaa kaddib waxaa naloo qaaday Xabsi uu Muuse Suudi ku leeyahay deegaanka Mariina ee Degmada Kaaraan, xabsigaasi oo ahaa mid aad u ciriir ahaa ayaa haddana ka quraac ka quraac ayaa afka wax na loo geli jiray oo xitaa cuntada na loo keeni jiray waxaa cuni jiray ragga ilaalada ka ah xabsiga, anagoo ciqaabtaas ku jirna ayaa waxaa xiriir wada sameeyay Muuse Suudi iyo Eheladeena waxaana Muuse loo sheegay in aan  si gardaro ah ku xiran nahay, waxa uuna sheegay in uu baaritaan ku sameyn doono.

Muuse markii uu ogaaday in aan si gardaro ah ku xiran nahay isla markaana aanaan ka mid ahayn "kooxaha argagixisada" ayaa waxaa bilaabatay in dabacsanaan naloo muujiyo, ciriirigii xabsigana nalaga soo saaro, waxaana bilowday wada hadal oo aakhirkii keenay in nala soo daayo, inkastoo Eheladeena ay bixiyeen wixii lagu dabiibi lahaa ninkii ka dhaawacmay Maleeshiyada.

Waxay qaar ka mid ah Saxaafada horey shaaca uga qaadeen in rag argagixiso ah la qabtay doonayeenna inay howlgalo ka fuliyaan dalka, “arritaasi waxay ahayd mid aan aad uga naxay”  ayuu yiri Cabdi Cali oo sheegay in Saxaafadda looga baahan yahay in ay mar kasta warka ka fiiriyaan xaqiiqda.

Ugu dambeyntii raggaasi waxaa la soo daayay 14-kii Bishii Maarso, dhanka kale cunigii yaraa ee dartiis dhibaatadu u gaartay raggaasi meel uu ku dambeeyay ma la garanayo, walaalkii oo ka weyn ayaa loo qaaday Magaalada Hargeysa maadaama uu Cismaan ka soo jeedo Deegaanka Hargeysa sidoo kale hooyadii dhashay wiilka Shuceyb  oo ku nool cariga Mareykanka ayaa waxay ku calaacashay “aad baan uga xumahay in carruurteeda la agoonteeyo”. , waxaana Cabdi Cali Siyaad weydiinay waxa uu haatan ka aaminsan yahay in dalka ay ku sugan yihiin argagixiso, waxa uuna yiri  “waan aaminsanaa laakiin markii aniga qudheeda la yiri argagixisaa tahay waxaa ii soo baxday in dadkoo dhami sida anoo kale loo eedsanayo”.


Cabdi Cali Siyaad oo u waramaya Amiin Yuusuf (Muqdisho)


Cabdi Cali Siyaad oo ka waramaya dhibkii loo geystey

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 2, 2006


Qoraalkan hoose waa kii laga faafiyey dhibanayaasha uu kamid yahay Cabdi Cali Siyaad. Sidaas ayuu qoraalkaasi u qornaa.

Afar nin oo wajiga u duuban yahay ayaa maanta weerar ku qaaday guri ku yaala Deeganka arjantiin ee Degmada Kaaraan ee M/Muqdisho. 07/03/06


Sawirkani waa: Cabdi Cali Siyaad
 
Afrtan nin oo Magacyadoodu lagu sheegay:- Cabdi Cali Siyaad oo 36 Jir ah, Xasan Jaamac Warsame oo 22 Jir ah, Axmed Xusen Xasan, (Axmed Sheelaro) oo 21 Jir ah iyo Cismaan Maxamed Guuleed oo isagu dhintay.
 
Nimanka ayaa soo weraray guri ay leedahay Safiyo Xaaji Cabdi waxayna Safiyo Afrikada Bari u sheegtay in ninka dhintay uu soo wacay Xalay iyo habeen hore, isagoo ugu hanjabay in u soo weerari doono ayna diyaar unoqoto ayna isdifaacdo sidaasna uu u fuliyey weerarka isagoo weheshanaaya Sedxnin oo iyagu oo ku xiran Xabsiga Mamulka Degmada Kaaraan.
 
Wararku waxay intaa ku darayaan in ninka dhintay uu dhaawacay nin safiyo daris la ahaa oo u so gurmada gabadha, ninkan dhaaca ah ayaa lagu magacaaba Caraay Cija Cadde isagoo dhaawacisa la geeyay Isbitaalka Keysaney ee Duledka Magaalada Muqdisho.


 
Taliyaha Ciidamada Amaanka ee Maamulka Muuse Suude Cali Afrax Maxamed (Cali Dalable) ayaa Idaacada Afrikada Bari u xaqiijiyay in ay nimankan yihiin ninman Argagixiso ah Mudooyinkana ay ku raad joogeen, wuxuuna cali Dalable intaa ku daray in sadexda xiran Maxkamad la keeni doono.
 
Cali dalable oo arrintaasi kahadlayey ayaa shacabka uga digay inay iska ilaaliyaan kuwa wajiga soo duubanaayo ayna soo war geliyaan Maamulka iyo dhamaan isbahaysiga Nabadeybnta iyo ladagaalanka Argagixisada.

AFeef: Sawirkii meydka waan ka reebnay ama wajiya ayaan ka qarinay,laakiin websitekii warkaas faafiyey ee kor ku xusan wajiga meydka ma qarin.

  • Cabdi Cali Siyaad oo ka mid ah raggas argagixisada lagu tilmaamay, muxuu hadda argagixisada lagu sheego Soomaaliya ka aaminsan yahay: waa tan jawaabtiisii:  “waan aaminsanaa laakiin markii aniga qudheeda la yiri argagixisaa tahay waxaa ii soo baxday in dadkoo dhami sida anoo kale loo eedsanayo”.

Xaggee ayuu ku Dambeeyey Madhoodhow Sannadkii 2004 waxa uu ku Casheynjirey Ciidda, Haddase..