SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CODSI

Codsi Bini'aadamino oo ku socda Ummaadda Soomaaliyeed....

Naciimo Cusmaan Sabriye

Telefoon: 00967734215196
Yemen

Walaalayaal waxaan idinka codsanayaa in aad  xaaladaydana gaarsiisaan dhamaan qof walba oo soomaaliyeed oo daafaha dunida jooga oo icaawin karaaya, waana kan codsigaygu:

asalaamu calaykum warxmatullahi wabarakat.

Waxa mahad iska leh Allah, Nabad gelyo iyo naxariisina korkiisa ha ahaato Nebigeeni Muxamed iyo saxaabadiisii iyo qofkii hanuunkiisii raaca.

Walaalayaal marka hore waxa aad iga gudoontaan salaan .

Magacaygu waa Naciimo Cusmaan Sabriye. Gabadh Somaaliyeed oo Qaxoonti Ku ah Dalka Yemen oo eey ku Heysto Dhibaato Caafimaad Darro. Waxa aan dalool kuleeyahay wadnaha gudahiisa, alxamdulilaah. Daloolkaasi waxa uu kuyaalaa wadnaha gudahiisa . Waxa aad iyo aad umuhiim ah sida ugu dhakhsiyaha badan qalitaan wadnaha gudahiisa ah si loo xiro daloolkaas kuyaala wadnaha gudahiisa. Daawo maleh qalitaan mooyee. Qalinkaas aan ubaahanahay maaha mid fudud ,oo halkan Yemen laygu sameen karo . Waxa aan u baahanahay in aan helo isbitaalada u gaarka ah qalitaanka wadnaha iyo dhakhaatiir khibrad u leh qalitaanka wadnaha gaar ahaan qalitaanka aan u baahanahay.


Eeg sawirka raajada wadnaha oo weyn... Guji

Waxa aan kacodsanayaa walaalahayga Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan in ay icaawiyaan ,waxa aan ahay gabar soomaaliyeed oo walaashiin ah jiran una baahan in aad ikaalmeesaan ,idiinkoo igu caawinaya dar Alle, Muslinnimo iyo Soomaalinimo. Maanta waa markii labaad ee aan idinka codsanaayo in aad icaawisaan. Codsigaygii hore waxa aan idinka codsanaayey in aad igu caawisaan fiise caafimaad , dadkii wanaagsanaa ee ila soo xiriiray waxa ay igu iraahdeen makuu awoodno fiise caafimaad ama in aanu kuu soo ashtakoona ,waxa kaloo  kamid ahaa  dad ila soo xiriiray dad ahli kheer ah oo lacag igu soo caawiyey .aad iyo aad ayey umahadsanyihiin ,ilaahay kheyr hasiiyo hana ka abaal mariyo dhamaantood, lacagtaasina maaha mid aan kuwada heli karaayo:

1. fiise aan kaga soo bixi karo yemen
2.tikit+isbitaalka qalitaan+dawo.iwm


Kaarka qaxootiga wajiga hore.. Eeg sawirka oo weyn

Walaalayaal qof iyo laba  waxba iima qaban karaan .waxa aan dhamaantiin idinka codsanaya in aad icaawisaan oo qof walba wixii uu ii heli karo igu caawiyo caafimaadkayga maalinba maalinta kadanbeesa waan sii tamar dareenayaa . Wadankan aan joogno ee Yemen waa wadan faqiir ah oo aad uga liita Isbitaalada gaar ahaan qalista wadnaha. Dawlada Yemen waxba kuma caawiso qaxoontiga Soomaaliyeed , qofkii raba in uu akhristo codsigaygii hore waxa uu kaheli karaa websitka SomaliTalk.com.

Sidda aad Wadda ogtihiin  Caafimaad ayaa ah Sheeyga uguna Muhiimsan Noloosha Qofka Marka laga Yimaado Cibaadadda Alle oo Wax Walba Ka Horeeysa Hadana Xubnaha jirka ayaa Sii Kala Daren oo Kala Muhiimsan Shaqada eey Qabtaan Awgeed ama Doorkoodaba, Wadnaha ayaa ah Xubin Qaali ah Xanuun Iyo Cilad ku Timaadaana Dhaawac weyn oo Halis ah ku Tahay Noloosha Qofka Iyadoo aan Laga Tegeen Xukunka iyo Qadarta Alle.

Walaalayaal qofwalba wixii uu igu caawin karo ha'igu caawiyo .jazaa allahu kheer, waxa aan kacodsanayaa walaalahayga soomaaliyeed ururada haweenka iyo qof walba soomaaliyeed in ay icaawiyaan,  walaalayaal i caawiya ilaahay ha idin caawiyee .

Walaalayaal wax wayn baad ii qaban kartaan, waxaan idinka codsanayaa in aad  xaaladaydana gaarsiisaan dhamaan qof walba oo soomaaliyeed oo daafaha dunida jooga oo icaawin karaaya. Amarka ilaahay ayaa iska leh. Waxa aan ilaahay kabaryaayaa in aad kunoolaataan caafimaad qab iyo nabad gelyo dhamaantiin ,waalalayaal waxa aan idinka sugayaa jawaabtaan. hadii alle iraahdo. wabilaahi wabilaahi towfiiq.

kaarka qaxoontiga dhinaca danbe


laba warqadood ee dakaatiirta wadnaha


isbitaalka Altowrah ee dawlada Yemen

Naciimo Cusmaan Sabriye

Telefoon: 00967734215196
Yemen

Codsigii hore ee Naciimo hoos ka akhri::::

 
"Waxaan Codsanayaa Caawino Soomaalinimo" Naciimo Cusmaan Sabriye
Waxaan ka Murugaysanhay dhamaan ummadda Soomaaliyeed ee Cudurada halista ah ku habsadeen oo kusoo badanayey waayadaan shabakadaha, gaar ahaana mida hada na hortaala ee Nicmo Cusmaan Sabri.
 
Waxaa marti inoo ahayd oo shalay inoo bilaabatay Bishii Barakaysneed ee Ramadaan, maantana waxaa inoo soo martiday gabar Soomaaliyeed oo ka fursan wayday inay nala qaybsato dhibaatada haysata, Nimco Cumaan Sabri waa gabar Soomaaliyeed oo Soomali kacodsanaysa inay ka caawiyaan Xanuun wadnaha ka haya oo ay u baahan tahay dhakhtar caalami ah, iyo daawayn aysan ku haysan meesha ay hada ku nooshahay ee dalka Yemen.
 
Waxaa hubaala sida Soomaalida lagu yaqaan qofkii heli kara si uu dhibkiisa ku xaliyo ha noqoto ehel u maqan ama qabiil guudba inuu ka sariigto inuu Soomaaliwayn soo dhex dhigo dhibkiisa, balkawarama Nimco iyadoo gabara haday soo raacisay Sawirkeeda iyo Cadaymihii dhakhtarka si ay ugu xoojiso codsigeeda nooga waranto dhibaatada nolosheeda halista ku ah, taas waxay noo caday naysaa in Nimco ay san haysan cid aan inaga ahayn, hadaba miyeysan haboonayn inaan Caawino Nimco inagoo ka faa'iidaysanayna Bishaan Ramadaan oo sida ay bilaha uga duwan tahay khayrkii lagaystaana uga duwan yahay bilaha kale?, dabcan haa anagoo ku hadlayna magaca Soomaalida, hadaan nahay Bahda Somalitalk anaga waxaan idin ka codsanaynaa inaan caawino Nimco si kasta oo suura gala aadna noo soo gudbisaan akhbaarta cidii ku guulaysata inay ajiibto codsiga nimco, anana waxaan balan qaadaynaa inaan baahin doono insha allaah, hada nala arag hadaladii Naciimo.

Naciimo Cusmaan Sabriye
Telefoon: 00967-1-324491
E-mail: naemoosman@yahoo.com
Sanca, Yemen


Asalaamu calaykum ku socota walaaladayda Soomaaliyeed meelkasta ay joogaan waxa aan idinka codsanayaa in laycaawiyo oo layga caawiyo sidii aan uheli lahaa isbitaalada wadnaha qala iyo dhakaatiirta aqoonta khibradeed u leh qalista wadnaha.

Waxa aan ahay gabar Soomaliyeed oo kamid ah qaxootiga Somaliyeed ee Yemen jooga waxa la iyiraahdaa Naciimo Cusmaan Sabriye 27jir,card qaxoontiga lambarkiisu yahay 2545 kasoo baxay xafiiska UCHCR ee Yemen, waxa aan kudhashay anigoo wadnaha dalool kuleh waxa aan jiraday muddo laba sano kahor ah markii laybaaray ayaa layga heley dalool kuyaal wadnaha gudahiisa waxa ay dhakhaatiirtu igu yiraahdeen waxa aad ubaahan tahay in laguu sameeyo qalitaan wadnaha gudihiisa ah, wadnaha ayaa lajeexayaa siloo xiro daloolkaas kuyaal wadnaha gudahiisa.

Waxa ay dhakaatiirtu igu dhaheen waxa aan kugulatalinaynaa ama aad ubaahantahay in aad heshid isbitaal ugaar ah wadnaha qalitaankiisa oo haysta qalabka qalista casriga ah iyo dhakhaatiirtu khibrad uleh qalitaanka wadnaha.

Wadankan aan joogno ee Yemen waa wadan faqiir ah oo aad uga liita Isbitaalada gaar ahaan qalista wadnaha. Dawlada Yemen waxba kuma cawiso qaxoontiga, waxa aan mudo laba sano ah udacwoonayey xafiiska UNHCR-ta ee kuyaal Yemen oo aan kacodsanaayey in ay iiga caawiyaan sidii aan u heli lahaa isbitaalada ugaarka ah wadnaha, ashtakooyin badan ayaan ugud biyey UNHCR-ta Yemen lakiin waxba wey iiqaban waayeen.

Waxa aan ashtako udiray xafiiska UNHCRT-ta ee kuyaal Geneva waxa aan ka codsanayey in layqaado bananka Yemen oo lay gudbiyo wadan leh isbitaal wadnaha qalitaankiisa khibrad uleh ,lakin xafiiska UNHCRT-ta ee kuyaal Yemen waa iga diiday waxa ay igu iraahdeen waxa aan kaa bixinaynaa qarashka Isbitaalka iyo qalista lacagteeda hadii aad rabtid in aad isku qasho Yemen ,waxa ay igu iraahdeen hadii aan nahay xafiiska unhcr makuu qaadi karno debedaha yemen.

Waxa jiray dad hore oo jiran uu xafiiska UNHCRT-ta uqaaday Isbitaalo kuyaal yurub ,kadibna ay dadkii ay iskaga yaceen Isbitaaladii oo qofna soo noqon wayey sidaa daraadeed qofdanbe uma qaadi karno Isbitaalada kuyaal debadaha Yemen, siwalba waan u baryey xafiiska UNHCRT-ta in ay arintayda ugudbiyaan Isbitaalada wadnaha ee kuyaal dawladaha kale laakiin waa iga diideen

Xaaladayda cafimaad maalinba maalinta kadanbaysa weysii xumaanaysaa, sidaa daradeed waxa aan ka cod sanayaa walaladayda Soomaaliyeed ee kunool qurbaha meelkasta ay joogan in ay icaawiyaan ,waxa aan idinka codsanayaa in arintayda loo gudbiyo dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee kunool debadaha ,ururada Soomaaliyeed waxa aan kacodsanayaa in ay igacaawiyaan sidii aan kuheli lahaa Isbitaal iisameeya qalista wadnaha waxa aan sigaar ah codsi uwediisanayaa jaaliyada Soomaaliyeed ee kuyaala yurub iyo aduunka kaleba dadka somaliyeed ee leh websityada in ay sawirkayga iyo codsigayga in loo soobanaan dhigo bulshada somaliyeed si la ii caawiyo.

Waxa aan idinka codsanayaa in aad ii ogolataan website-ka oo aad arintayda loo bandhigo jaaliyadaha ama ururada Soomaalida ee kunool debadaha, waxa aan idinka codsanayaa in layraadiyo Isbitaal iisameeyo qalista aan ubaahanayhay, qofkii icaawiyo ilaahay haka abaal mariyo, waxa jira isbitaalo hadii loosheego arintayda ii ogolaanaya in ay iisameeyaan qalis lacag la'aan ah ,walalayaal magalooyinka aad degantihiin isbitaalada kuyaal iiraadiya jawaab ayaan idinka sugayaa hadii ilahay idmo,wabilaahi towfiq.

Halkaan ka akhriso kana daabaco Cadaynta iyo Sawir Computer looga qaaday Nimco Cusmaan Sabriye.

Naciimo Cusmaan Sabriye
Telefankayga
00967-1-324491
E-mail: naemoosman@yahoo.com
Sanca Yemen

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 5, 2005


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD