SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - DOXA, QADAR
JIDKA DHEER EE AAN USOO MAREY MARKII AAN SOO GALAYEY…

Qaybtii 1aad

Qore: Al-Hassan | abuzuhri1@hotmail.com

KAAH

Intii aan kusoo biirey ururka ama groupkan (New Muslims group) afar bilood kahor, waxaan arkey inaay dad badani xiiseynayaan sheekooyinka dadka diinta Islaamka soo galaya iyo sida uu Islaamka kusoo gaarey, waxa soo jiita inaay qaataan Islaamka, iyo sida ay nolashooda isubadassho marka ay muslimaan.

Qaybtaan waxaan kaga hadlidoona sida iyo sababta uu qof American ahi sideyda oo kale kusoo galey Islamka.

Sheekadu waa dheertahey aad baana ugu xumahey inaay dheeraato laakinse kuma fahmikartid dhowr sadar oo kali ah. Waxaanse isku dayidoona inaan soo gaabiyo intaan awoodi karo haseyeeshe sheekadu waxay ubaaahantahey faahfaahin mararka qaarkood waayo aad bay kuu caawineysaa inaad fahantid jidka dheer ee aan usoo marey Diinta adiga dhib la’aanta kugu soo gaartey (intiina islaamnimada kudhalatey, waa jiraan kuwa soo galey diinta sideyda oo kale oo dhib kasoo mutey sidii aan ku soo galeen Diintan).

Wax badan ayaan kaboodaya si’aan kugu sheego taariikh-noolaleydkeyga inta ugu humiimsan insha’Allah.

Aad bay ii cajiib galineysaa inaan noolasheyda dib umilicsado iyo sida ay isugu soo aadey. Mar Alle iyo markaan xasuustaba Allah ayaan ku mahadiya inuu ikeenay meesha aan iminka jooga(Islam). Mararka qaarna murugo ayaa iqabato inaan Islaamnimo kudhalan awgeed. Waxaanse kaxumahey kuwa islaamnimo kudhashey oo aan kumahadineynin Allah. Insha’Allah marka ay sheekadayda akhristaan, ayey Allah ku shukrin doonan. Nimcadu qofka kudhax jira mafahmo ilaa laga qaado.
Waxaa kale oo ay ka faa’ideysandonan siyaabaha kala duwan ee loo gudbiyo dacwada. Sidaas darteed waa wax meesha kujira inaay sheekadu dheeraato. Adinkuna waxaad mudantihiin inaad waqtigiina kulumisaan sheekadan.
Aniga ayey igu saabsantahey sheekadu laakinse dad badan ayaa iska dhax arkidoona insha’Allah gaar ahaan dadka hanuun doonka ama muslimka aheyn.

Waxaan kudhashey San Francisco, California kuna soo barbaarey tuulo yar oo layirahdo San Anselmo. Cadadka dadka dagan markii iigu danbeysey wuxuu ahaa 14000. Waxaay ahaayeen dad cadaan Christian dabaqada dhexe ah. Waa meel aad uqurux badan- waqooyiga San Francisco (waxaay dhanka kale kasaarantahey Golden Gate Bridge), waxay dhinaca kuheysaa buuraha(mountain Tamalpais) iyo bada Pacifc Ocean.

Aabahey wuxuu ahaa Presbyterian diin ahaan, hooyadeyna waxay aheyd Catholic. Aabahey Kaniisada sidaasi uma sii tagi jrin laakinse hooyadey ayaa isku dayday inaay Catholic ahaan nagu barbaariso. Kaniisada ayey nageyn jirtey mararka qaarkood laakinse aqoon uma laheyn waxa lasheegaya. Dadku way fariistaan, istaagaan, jilba joogsadaan ayagoo wax kadaba akhriyaan Priest (imaamka kaniisada). Kaniisadaan ayaa laygu christaameeyey(baptized) markaan jirey 8.
Wixii intaas kadanbeeyey sanadkii hal mar ayaan aadi jirney.
Waxaan daganaa wadada layirahdo Dead Street oo ay kuyeeleen 15 guri. Schoolka aan dhigtana wuxuu kuyeeley 4guri marka aad wadada hoos uqaadid,wuxuna kudhagana Kaniisad yar oo Presbyterian ah.
Markaan 10 jirsaday, dadkii Kaniisadaas joogey ayaa igu casuumay inaan kala qeyb galo ciyaalkooda ciida Christian day (Children’s charismas Day).
Wixii intaas kadanbeeyey maalinkasta oo Axad ah, subixii soo aadi jirey Kaniisada kaligey (cidkale oo guriganaga kasoo baxeyso majirin).
Dadka kaniisada ka tirsin oo dhan waxay ahaa yeen 30 ila 50 jir laakinse dad wanaagsan oo waligey kama aanan qaloon maadama aan kaligey ciyaal ka ahey. Waxaa kale oo kaniisada imaan jirey 3qoys oo ciyaal iga yaryar wata. Waxaan kanoqdey Kaniisadii xubin firfircoon. Markaan grade 6 gaarey waxaan bilaabey inaan ciyaarsiiyo ciyaalka iga yaryar inta lagu jiro Kaniisad (service).Grade 9 waxaan caawin jirey ninka Kaniisada heysta xaaskiisa oo dhigi jirtey Sunday School.
Dugsiga sare,ayaan kubilaabey Church youth group,waxaana tababarey 4 kamid ah saaxibadey si’ay iigu soo biiraan. Groupku sidaasi uma sii badneyn,waxaan aheyn aniga, saaxibadey iyo qoysaska ciyaalka yaryarka wata, haseyeeshe sidaas ayaan kurabney inuu waligiis ahaado.

Kaniisad weyn oo Presbyterian ah oo kutaaley magaalada hoose waxaay laheyd 100 ciyaal yaryar ah oo kujirey youth groupkooda, waxayna safaro ku aadi jireen Mexico iyo meelo kale. Lakinse groupkanaga waxaa ka go’neyd inaan wada kulano oo aan wada barano Biblka oo kali ah, kahadalno Allah(God) iyo inaan lacag u aruurino ururada samo-falka ah.

Aniga iyo groupkeygii meel baan fariisanaa markaas ayaan kahadalnaa arimaha kusaabsan Diinta. Waxaan kadoodnaa su’aalaha ku imaanaya maskaxdanada; sida meesha ay kudanbeyn doonan dadkii noolaa Ciisa Caleyhi salaam kahor (Naar iyo Jano meeshii ay galidoonan). Sideey kudhicikartaa dad wanaagsan inaay naar galaan haddii aysan rumeyn ciisa (waxaan soo qaadan jirney tusaale ahaan sida ninkii la’oranjirey Gandhi, India). Sidey kudhicikartaa inaay dad xun xun janada iska galaan Ciisa ayey rumeeyeen oo kali ah (Waxaan tusaale usoo qaadan jirney sida saaxibkey aabihiis oo ahaa qof aad u afxun ahaa) .
Sidey suurto gal utahey inuu Allah Rahmanka ahi dhiiga Ciisa ugu baahdey si’uu udhaafo danbiyada adoomadiisa? Sidey macquul kunoqotey in noola qabsado danbigii uu Adam caleyhi salaam galey?
Khilaafka ka dhex taagan Bibleka iyo Scientific proves. Ma runbaa inuu Ciise yahey Allah. Iyo sidee buu hal Ilaa kunoqdey 3 iyo wixii lamid ah ayaan isweydiin jirney!
Mawaadiicdaas ayaan kadoodna ,ugu danbeyntiina wax jawaab ah looma helo. Kaniisadii ayaan hordhignaa lakinse jawaab naqancisa nama siiso. Waxaay nagu dhahaan oo kali ah: “Imaan baa la idinka baahanyahey”

Waxaa la’ ii sheegeen inuu jiro Summar Camp ay Kaniisadu leedahey oo kuyeela waqooyiga California. Halkaas yaan aaday markii iigu horeysey anigoo 10 jir ah.7dii sano ee ku xigtayna,Summar kasta waan aadi jirey. Waqtiga intiisa badan waxaan kuqaadaney ciyaar,dabaal iyo wax lamid ah. Maalin kastana waan tukan jirney, akhrina jirney Bibleka, kuna heesi jirney heeso Diini ah.
Jawiga aad buu haadi u ahaa. Runti jawiga noocaas ah aad buu ii caawiyey. Nidaamka meesha waxaa ka mid ah inaad meel fariisatid kaligaa mararka qaarkood. Inta meel sare fuula, sida wiifow ama buundo ku sii jeeda wabiga ama bada ayaan fikiri jirey.Waxaan fiir fiirin jirey hareeraheyga,geedaha, buuraha, cirka iyo cayayaanada yaryarka ee dhulka kudul socda.Waxaan dhageystaa shanqarta biyaha& heesta shinbiraha. Waxaan dareemey amaan, aadna waan ujecleystey, Allahna ugu mahad celiyey Khalgiiisa quruxda badan ee kala duwan.

Sanadkasta markaan kasoo noqona , waxaan jeclaan jirey inaan kunoqdo oo aan kaligey inta meel fariisto oo aan kafikiro Allah, nafta iyo meesha ay iiga jirta.
Waxaa kordhay fahankeyga kusaabsan Ciisa Aleyhi Salaam. Waxaan fahmey inuu ahaa macalin Tusaale ah.Waxaan meel iska dhigey wareerkii Kaniisada. Waxaan jeclaadey waxbarida iyo in dadka kale lacaawiyo anigoon waxba karabin. In dadka loola dhaqmo sida aad dooneysid in lagula dhaqmo. Waxaan xooga saarey sidii aan dadka kale ku caawinlaha inta aan awooda.

Akhri Qaybta 2aad....


Al-Hassan.
abuzuhri1@hotmail.com


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Faafin: SomaliTalk.com | July 22, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD