| JIDKA DHEER EE AAN USOO MAREY MARKII AAN SOO 
 GALAYEY… 
 Qaybtii 3aad
 Qore: Al-Hassan | 
 
 abuzuhri1@hotmail.com 
   Summarkaas oo dhan markii aan xaafadii 
 kulaabtey ayaan sii waday barashada Diinta Islaamka. Makaatibta ayaan baaraa, 
 waxaana kala niqaashi jirey saaxibadey. Saaxibadey laftooda waxay ahaayeen dad diin 
 raadinaya. Badankooda waxaay raadinayey diimaha Easternka ah sida Budhism iyo 
 wixii lamid ah. Waxaay fahmeen inaan wax raadinaya. Waxaay kufarxeen inaan 
 heley wax aan kunasto maadama uu dheeraadey Diin raadinteyda. Waxay isweydiyeen 
 bal sida Islamku wax ugu taridoona noolasheyda kadumar ahaan iyo anigoo ah 
 gabar reer Californian ah iyo sida uu noqondoona xariirka naga dhexendoona 
 aniga iyo reerka naga oo ay u’arkayeen inuu xumaandoona haddii aan Diintaan 
 galo. Markii uu Islamku sifiican qalbigeyga ugalay 
 ayaan bilaabey inaan raadiyo Islamic Centers wax meelahaan kadhow; haseyeeshee 
 kii ugu dhawaa wuxuu noqday San Francisco. laakinse waan kabaaqdey gaari la’aan 
 iyo shaqadeyda iyo buseska meesha aada ayaan isku waqti aheyn. Halkii ayaan 
 kasii wadey baaritaankeygii. Marka ay timaado wada sheekeysi, waxan kala 
 sheekeysan jirey qoyska naga. Waxaan xasuusta maalin anagoo film daawaneyna 
 kusaabsan Eskimos ayaa waxaay yirahdeen: “ Eskimosku waxay leeyihiin in kabadan 
 200 erey oo kusaab kalibadaBaraf waayo barafku qaybweyn buu kuleeyahey 
 noolashooda”. Goor dambe oo habeynkii kamid ah ayaa 
 labilaabey in laga hadlo sida luuqadaha aduunku uleeyihiin ereyo badan sheyga 
 ugu muhiimsan nooshadooda. Aabahey ayaa soo booday oo sheegey inaay Mareyku 
 isticmaalaan kalimado farabadan marka ay kahadlayaan lacagta (money). Markaas 
 ayaan aniga soo booday oo ku iri: “Ma ogtahey Muslimiintu inaay Allah(God) 
 uyaqaaniin 99 magac; waxaan umaleynaya inaay muujineyso muhiimada ay uleedahey 
 noolashooda”. Markii iigu horeysay ee aan schoolka kulaabtey 
 waxaan xooga saarey sidii aan kula xariirilahaa masaajid kuyeela koonfur-bari 
 Portland. Waxaan weydiistey magaca gabar muslim ah oo aan laxariiro. Waxa 
 la’isiiyey gabar mareykan Muslim ah magaceeda. Isla usbuuciiba waxaan ugu tagey 
 booqasho gurigeeda. Markaan waxyar wada hadalneyba, waxay fahantahey inaan 
 horey u muslimay.Waxaan usheegey inaan raadinaayey oo kali ah qof igu hogaamiyo 
 Cibaadada camaliyan (practicalities) ahaan iyo waxyaabaha looga baahanyahey 
 gabarta muslimka ah, tusaale ahaan sida loo tukada. Book waan ka aqriyey 
 laakinse waan fahmi waayey sida loo sameeya. Dhowr jeer ayaan isku dayey oo aan 
 kutukuday luuqada Englishka, hadana waan ogaa inaaysan sax aheyn salaadaas. Gabadhii ayaa igu casuumtey meel lagulahaa 
 wanqal(Caqiiqaha).Waxaan wada aadney meeshii caqiiqada. Markaan arkey gabdhihii 
 muslimiinta ahaaba qalbiga ayaa ii dagay, aadna waay ii soo dhaweeyeen 
 habeynkaas. Shahaad ayaan kudhuwaaqey gabdha yar hortood. Waxay ibareen sida 
 loo tukada. Waxay kasheekeeyeen sida ay diinta kusoo galeen . Qaar badan oo 
 kamid ah waxay ahaayeen American soo muslimay sideyda oo kali. Habeynkaas waxaan meesha katagey anigoo 
 dareemaya inaan bilaabey noolal cusub. Wali waxaan daganaa college oo 
 muslimiinta aad bay iiga fogaayeen. Waxaan soo raaci jirey 2bus marka aan 
 doonaya inaan utago gabdhaha ama Masaajidka. Islamarkiiba waxaa kala go’ay xariirkii aan 
 lalahaa gabdhahii aan bartey. Waxaay dantu igu qasabtey inaan aniga isdabaro oo 
 aan wax isbaro. Dhowr jeer ayaan isku dayey inaan masaajidkii 
 kulaabto haseyeeshe waxaan garanwaayey saacadaha laysu yimaado. Marar badan 
 ayaan imaanaya bal inaan masaajidka kaqaato Book laakinse waxaan imaadaa ayadoo 
 ay rag kabuuxaan. Maalinbaan damcey inaan aado Salaadii Jumca ee iigu horeysey 
 haseyeeshe raggii ayaan kawaayey meel aan kamaro. Ugu danbeyntii waxaa la’ii sheegey inaay 
 dumarku kulmaan maalmo kooban sida galabta Sabtida ah. Runtii aad baan uyara 
 niyad jabay laakinse waxaan go’aansadey inaan samro oo aan kaligey wax isbaro. 6bilood kadib markii aan Islaamka soo galey, 
 ayaa waxaa yimid Ramadankii iigu horeeyey. Waxaan aad ugu fikirijirey arimaha 
 kusaabsan bal inaan xijaab xirto iyo inkale. Waxaay ila aheyd talaabo cabsileh 
 walow aan iska yara asturnaa .Garbaxa waxaan kuxirtey qimar(headscarf).Gabadhba 
 waxay igu tiri waxaad sameysaa: “Qimarka garbaha kuu saran madaxa saar”. Markii 
 iigu horeysey ma’aan jecleysan waayo Iimaankeyga ayaan heer hoose maraayey. Waxaan gadaal dambe kafahmey micnaha uu 
 leeyahey Xijaabka iyo sababta loo xirto. Waxaan jeclaaday gabdhaha xijaabka 
 qabo. Waxaan u’arkey inaay yihiin gabdho Diin iyo Alle-kacabsi leh. Waxaan ogaa 
 haddii aan xirto inaay dadku iweydindoonaan su’aalo farabadan oo aan kajawaabi 
 karin. Wax waliba way isbadaleen markuu Ramadan soo 
 galey. Maalintii koobaad ee bisha Ramadan waxaan schoolka kutagey Xijaab. 
 Alhamdullilaahi, wixii intaas kadanbeeyey iskamad qaadan Xijaab. Ramadankii 
 ayaa sii xoojiyey Islaamkeygii iyo inaan kufaano Diinteyda.Waxaan isu 
 diyaariyey inaan ujawaabo su’aal kasta oo la’iweydiyo. Waxaan dareemey cidlo iyo inaan ahey go’doon 
 Ramadankii iigu horeeyey. Qof muslimiinta kamid ah oo isoo wacey majiro. Afurka waxaan heshiis xaga afurka ahi lagaley 
 qolooyinka schoolka waayo xiliga aan afurayo ama saxuuranayo jikada mafurno. 
 Waxaa la’iga ogalaadey in cuntadayda kuqaato bac oo aan ku dhigto faranjeerka 
 schoolka oo aan waliba kala bixi karo xiliga aan doona. Markaan muslimay ayaan usheegey reerka nagii 
 haseyeeshe lama aaney yaabin waayo waay arkaayeen inaay taasi mar un 
 imaandoonta su’aalihii aan weydiiyey iyo saansaankeyga intaba. Way soo 
 dhaweeyeen go’aankeyga sidii ay usoo dhaweeyeen howlihii aan uqaban jirey 
 kaniisada, waxayna u’arkeen inaay daacad iga tahey. Waxay waxooga yara dideen markii aan Xijaabka 
 bilaabey,waxaayna ufahmeen inaan dadka iska xirxiraya oo ay taasi keenidoon in 
 lay midab sooca(discriminated) oo aan markaasi sii wadan waayo ujeedooyinkeyga 
 xaga mustaqbalka. Iyo in lagu ceebeeya marka la’arko anigoo lasocda. Xijaabka waxaay u’arkeen mintidnimo(radical). 
 Waxba kama qabaan inaan Diin kaduwan dooda gala laakinse aaney sidaasi usii 
 badalin noolasheyda oo dhan. Waxaa taasi ugu darneyd markii aan go’aansadey 
 inaan guursado. Waxaan dib ula xariirey Faris, yarkii Falestiinka ahaa ee 
 katirsanaa Conversation Group, islamarkaasna ahaa qofkii uhoreeyey ee Islaamka 
 igu dhaliyey.Wuxuu wali kusugnaa Portland oo college kasiiwadey. Dhowr jeer 
 ayaan wada kulaney.Wax yar kadibna waan isguursaney. Qoysnagii arintii ayey kabiyo diideen. Ayagoo markii horaba kacaga jiidaya 
 Xijaabka ayaa waxay u’arkeen inaan ceeb horleh usoo jiidey. Waxay kamurmeen 
 da’da aan ku guursadey inaay suurto gal aheyn. Sidoo kale waxay la’aheyd inaan 
 hooyo noqondoona oo aan schoolka kabixidoona oo taasi keeneyso mustaqbalkeygii 
 oo dhan inuu halis galidoona. Muran xun ayaa nadhexmarey kusaabsan arintaan. 
 Waxaan kabaqey inuu xumaada xariirkanaga oo uu gaaro heer aan kala go’ana.
 Aniga iyo Faris waxaan usoo gurney Corvallis, 
 Oregan. Waxaan ladegney bulsho muslim ah oo xoog badan.Sanadkii lasoo dhaafey 
 ayaan qalinjabiyey(with a degree in child development). Dhowr shaqo ayaan soo 
 qabtey walina ma’arag wax igu dhibo xijaabka. Ninkeyga Insha’Allah sanadkan ayuu qalin 
 jabindoona. Reerkanagiina dhowr jeer ayaan sanadkii booqana. Sidoo kale reerka 
 Farisna waan isbaray. Luuqada Carabigana waan bilaabey. Reerkanagii waxaas oo dhan ayey daawanayeen. 
 Waxay arkeen inaan noolasheydii burburin. Waxaay arkeen inuu Islaamka ii 
 kordhiyey farxad aan murugo iyo tiiraanyo midna laheyn. Xariirnagiina wuxuu ku 
 soo noqdey caadi. Bisha dambe ayaan doonaya Insha’Allah inaan soo booqda. Allah ayaan kumahadinaya Insha’Allah. Intaasna 
 waxaa kudhan jidkii dheeraa ee aan Diintaan usoo marey. Walaashiin C.Huda Dodge Asalaamu Aleykum? Al-Hassan. 
 abuzuhri1@hotmail.com
 -dhammaad- ISHA QORAALADAN:
 www.islammessage.com
 
  Kulaabo Qaybtii 1aad Faafin: SomaliTalk.com | Aug 10, 2003  .... 
 Copyright
 & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri  Kulaabo bogga hore ee 
 www.somalitalk.com     
 
 |