SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - UK

Kaalmo loo raadinayo Jamciyadda “Somali Cultural Watch” ee Waqooyiga London.

London oo aad dukaamada daaqadahooda ku arkayso “Halal food” laakiin hoyga salaaduhu ay ku yaryihiin!

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

July 23, 2003

Asalaamu calaykum.

I  I  D  H  E  H

KAAH

 

Ilaah baa mahad leh Caalamiinta Rabbigood ah. Nabadgelyo iyo Naxariis Nabi Muxamed dushiisa ha ahaato.

Aayadda seddexaad ee Suurat Al-Maa’idah oo ka hadlaysa xoolaha hilibkooda waqtiga aan la cuni karin sida bakhtiga, tii neeftu ku dhegto (ceejin say rabto ha ahaato), tii halgaad (wax lagu dhuftay) ku dhimata, tii meel kasoo dhacda ama ku dhacda (sida ceel, god, IWM) iyo tii hardi ku dhimata, sidoo kale doofaarka, wixii ay dugaagu cunaan waxa ka hara ee aan bisinka loo qaban, wixii asnaamta lagu kor qalo, ilaa dhamaadka aayadda. Aayaddu intaysaan dhamaan waxa Ilaah ku leeyahay, maalintan gaaladu waa ka quusteen diintiina ee ha ka baqina ee Aniga iga baqa; maanta waxaan idiin kaamilay diintiina waxaan ku dhameeyey nicmadayda korkiina, Islaamka ayaanan diin ahaan raali idiin ka noqday. Ilaahay wuxuu aayadda ku soo xiray inuu qofkii gaajo darteed loo dhib geliyo isagoon xumaan usoo banbixin uu cuni karo baqtiga xayawaanadii lasoo xusay, Allaahna uu yahay Ilaah dambi dhaafe ah oo Naxariis badan.

Labada aayadood ee kusii xiga waxay ka hadlayaan waxyaalo ku saabsan cuntada sida ugaarsiga lagu ugaarsado eeyda, iyo shimbiraha iyo cuntada dadka Ehlu Kitaabka ah.

Suuradaha ugu dhaadheer oo axkaamta aad uga hadla waxay wataan magacyo waxyaalaha dadku jecelyahay oo ay ka mid yihiin xayaawanada cunto ahaan loo dheefsado, cunto, dumarka sida Al-Baqarah, An-Nisaa, Al-Maa’idah, iyo Al-Ancaam. Suurat Al-Cimraan kuma arag axkaam badan waliba iyada iyo Al-Baqrah waxay imaan doonaan aakhiro iyagoo Qur’aanka hor kacaya

Ilaah waa Xaakim. Waa arrintaas darteed wixii Nabi Muxamed u lahaa markii uu arkay Ansaar oo subax salaadii masaajidkii soo buuxisay markii Abuu Cubayda oo xoolo ka keenay Baxrayn yimid. Markuu Nabigu (SCW) waydiiyey in ay arrintaas u yimaadeen waxay sheegeen inay saas uyimaadeen. Nabigu (SCW) wuxuu yiri bishaaraysta. Nabigu (SCW) wuxuu sii yiri: Wallaahi inaan fakhri idiin ka baqayn ee waxaan ka baqayaa in adduunyo la idiin fidiyo oo aad ku tartantaan sidii kuwii idin ka horeeyey oo ku halaagsantaan. Ama sidii Nabigu (SCW) yiri. Waa xaddiis saxiix. Bukhaari wuu wariyey.

Xaddiiskii kale ee labada Sheekhba wariyeen markii Nabigu ka hadlayey muhiimadda ay leedahay in raggu ay salaadaha faradka ku tukadaan masaajidaa waatii Nabigu (SCW) lahaa waxaan damcay inaan inta xaabo dalbado oo aan qof kale dhaho salaada tuji oo u qasdo guryaha nimanka aan jameecada imaan aan guryahooda dab saaro. Nabigu (SCW) wuxuu ku sii daray haddii masaajidka loogu sheegi lahaa in laf hilib ku haray ama minjo ari yaal way imaan lahaayeen.

Ilaah iyo Nabigiisu way yaqaaneen xoolo jacaylka binu Aadamka. Abu Hurayra mar uu rabay niman suuqa dhooban inay masaajidka aadaan wuxuu ku yiri war dhaxalkii Nabigaa (SCW) masaajidka lagu qaybsanayaaye qaybtiinii kasoo qaata. Iyagiina masaajidkii bay isa sii taageen iyagoo adduunyo doon ah oo aan iswaydiin in Nabigu (SCW) maal ka tagey iyo in kale.

Ka warran haddii masaajid la aadaaba uusan jirin? Waa wax aan qof muslim ah maskaxdiisa kusoo dhici karin.

Waxaan xasuustaa kawaankii hilibka ee Xamar Weyne meeshii hortiisa ahayd ee dadku tagsiyada iyo basaska ku sugi jireen in uu mar nin indho la’ uu ka qisayn jiray. Qisooyin munkar ah laakiin uu diin ka dhigi jiray ayaan ka xasuustaa. Marku marayo meesha ugu fiican buu inta istaajiyo ayuu wuxuu dhihi jiray waxaan rabaa 10 nin oo mid toban shilin isiiya. Markaasuu yiraahda yaa koow noqday oo Ilaahay saas yeelaa, ……….. yaa shan ka dhigay oo shanta tiir oo Islaamka Ilaah waafajiyaa, Yaa lix ka dhigay oo Lixda tiir,………, IWM. Ninkaan tuugsigiisa ayaa u darnaa. “Halka Nabi Yuusuf markii ay labadii nin ka dalbeen inuu riyadii u fasiro wuxuu bilaabay dacwo ah inuu Tawxiidka iyo diinta saxda ah u dhexgasho”.

Markay TV-yadu wax xayeysiinayaan waxay sheegaan in waxa aad u baahantahay subaxii sida rumayga, tigidhada basaska iyo tareenka “ bus Passes and travel cards” aad ku ridatid “cereals” waa quraacdaada. Maxaa yeelay qofku quraacda ma iloobo xittaa hadduu uu waqti u waayo waxaad maqlaysaa isagoo leh saaka ma soo quraan oo waqti baan u waayey marna ma dhaho quraacdii baan soo ilaaway. Kawaanada hilibka xalaasha lagu gado iyo makhaayadaha cuntada xalaasha lagu gado aad baan ugalnaa markii qurbaha la joogo laakiin imisa jeer baan asbuucii masaajid galnaa. Kii Jamcaha gala waa nin nasiib leh.

Marka walaalayaal adduunyadu waa saas oo ma dayn karno laakiin waa in aan diinteenii dhexgashanaa.

Haddii meel kasta oo magaalooyinka waaweyn ee reer Galbeedka ay Soomaalidu ku leeyihiin kawaano, dukaamo, carwooyin, dhar, dukaamo telefoon, IWM. Waxaa kaloo loo baahna in la helo xarumo ay diintu leedahay.

Soomaalidu kala dadaal badan. Maraykanka oo kale Soomaalida kheyr Allaha siiyo waxay ku dadaaleen in ay wax ka qabtaan.

Waxaa aad loola yaabay magaaladan London oo ka mid ah meelaha Soomaalidu ugu badan tahay lama hayo masaajiddo badan oo Soomali. Waxaan aqaan hal mid oo inta uu qaatay furitaankiisu lala yaabay.

Mar ay damceen Jamciyadda “Somali Cultural Watch” in ay qabtaan shirweynahoodii labaad waxay waayeen meeshii ay shirka ku qabsan lahaayeen. Jamciyaddu waxay ku taal waqooyiga London. Shirkii koowaad waxaa jiray masaajid ay xor u ahaayeen oo ay waxay rabaan ku qabsadaan laakiin nasiib darro masaajidkii waa la xiray. Waxay ku qaadatay labo bilood inay helaan meel ay kiraystaan oo ay shirkii labaad ku qabsadaan.

Culumadii ama ducaaddii muxaadarada ku qornayd aad ayey uga naxeen nasiib darrada haysata Soomaalida London. Waxay qaarkood xuseen in naloo ka baahnaa inaan leenahay TV-yo laga soo daayo barnaamijyo diineed iska daa in la waayo mee aan ku tukanee. Waa arrinta tan igu khasabtay inaan maanta qallinka usoo qaato.

Badanaa waxaan ka hadlaa arrimaha Soomaaliya iyo waliba qabqablayaasha. Marka haddii dadweynaha laftoodu gabaan howshooda waa in laga hadlaa. Hadday London u istaagi wayday in ay dadkooda masaajid iyo xarumo usameeyaan iyagoo lacago urursanwaayey waa in loo waydiiyaa walaalahooda kale oo waxqabsaday sida kuwa Maraykan jooga ama Soomaaliya. Waxaa kheyr lagu farxo naqonaysa markii Soomaaliya nalaka soo taageero.

Haddaan damco inaan hab qabiil wax ugu uruuriyo masaajidkan waxay qaadanaysaa in tobonaan ama labaatan waraaqood la qoro. Haddii la damco hab xisbi sidda SSDF, USC, SRRC, SPM, ama SNM, tiri adigu waxay qaadanaysaa midii qabiilka mid ka badan.

Laakiin waxaan maanta is iri ku habar waco hal xisbi oo la yiraahdo Xizbu-Allaahi. Ma ahan kan ka jira Lubnaan ama Falastiin. Waa kii Ilaah ku sheegay Quraanka. Waxaan aaminsanahay in Soomaalida badankoodu kaas ku jiraan.

Way jiraan dad kheyr badan oo ducaad ah oo soo uruuriya lacagaha lagu dhiso masaajidda. Waxaan anigu hadda is iri waxa laga faa’iidaysan karaa internet-ka iyo website-yada Soomaaliyeed. Waxaan is caawin karnaa annagoo qof kasta howshiisa wato.

Soomaalidu eheladooda gaajaysan aad bay ucaawiyaan. Ma falsafadii ahayd juuc/gaajo iyo jahannamo kee daran? Oo ay dhihi jireen juuc/gaajaa darran. Waxaan cajalad uu leehay Sheekh Soomaaliyeed oo caan ah ka maqlay isagoo leh markii naftu Ilaah abuuray bay naftii Ilaah isku taagtay. Kaddib naftii Ilaah wuxuu dhex gashay jahannamo markaasuu yiri maxaan kala nahay. Naftii waxay tiri Adna Adiga ayaad tahay anna aniga ayaan ahay. Kaddib Ilaah naftii wuxuu dhexgashay juuc/gaajo oo haddana ka soo saaray oo Ilaah yiri nakala sheeg. Markaasaa naftii oo is dulaynaysaa tiri Ilaahoow Adigu Rabbigay baad tahay anna addoonkaagii baan ahay. Haddii arrintaasi diinta ku sugnaato falsafadii Soomaalidu run bay noqonaysaa.

Way sugantahay in uu Nabigu gaajada uu Ilaah ka magangalay oo sida ay Abuu Daa’uud, Nasaa’i iyo Ibnu Maajihba wariyeen laakiin waxaa cad inta Nabigu uu Ilaah ka magangalay naar iyo jahannamo ay aad uga badantahay inta uu gaajo ka magangalay. Inteena badan waxaan Ataxyaadka ku ducaysanaa duco aan Ilaah uga magangalayno Jahannamo iyo cadaabta qabriga. Gaajadu duuduub waxay ugu jirtaa fitnada aan ka ducaysano.

Waxaan shakki lahayn in carruurteena oo gaalowda ay wax walba ka darrantahay oo aynaan ka samri karin adduunka, aakhirana waxaan dusha saaranaynaa mas’uuliyadii ahayd keenidooda. Laakiin hadday waddankii gaajo iskaga dhintaan waa laga samri karaa.

Waxaan ka codsanayaa qof kasta oo akhrista maqaalkaan oo awood u leh inuu gacan ka gaysto dhibta haysta Soomaalida London khaasatan Waqooyigeeda, dibad ha joogo ama waddankii ha joogee in uu gacan ka gaysto arrintaas. Haddii mashruucan shaqeeyo waxaa kaloo la samaynkaraa in si wada jir ah looga qaybqaato mashaariicda ku saabsan arrimahaas kheyrkaa.

Waxaan halkan kusoo qorayaa walaalaha lagala xiriiri karo arrintaas. Iyagoo isticmaalaya magacyadooda waxaa qofkii kheyr rabaa kusoo diri karaa xawaaladaha Soomaalida. Waxaan ka rajaynayaa walaalaha xawilaadu inaysan “commission” ka qaadin.

Waxaa si gaar ah uga codsanayaa asxaabta daneeya Soomaalida ee dhalinyaradu u badan ee aan hawada iska naqaan in ay wixii karaankooda ka gaystaan kheyrkaas.

Qof kasta wuxuu heli karo haku deeqo. Waxaan ka codsanaynaa akhyaarta Somali Cultural Watch in haddii qolyaha xawilaadu ugu yeeraan shan shan doolar ama toban toban doolar yeysan u qaadanin in ay naga tahay “ ninkii ceesaan kugu dhiba kaxaynteedaa lagu dhibaa” ee sidaas ay dan naga tahay.

Maqaalka uma qorin qaabkii fiicnaa ee dadka looga codsanjiray inay wax la baxaan iyadoo la sheegayo ajarka iyo thawaabka Ilaah agti u yaal. Waxaan uga danleeyahay in dadka qurbaha joogaa ee Soomalidaa markay arkaan dukaamadaas kale iyo meelaha cuntada xalaasha lagu gado in ay xasuustaan in loo baahanyahay meel aan ku tukano oo ilmaheenu Quraanka ka bartaan.

Waxaan filayaa in aysan i qabanaynin maahmaahdii ahad wacdi wadaad wax isii baa u dambaysa maxaa yeelay wadaad ma ahi, idinmana wacdin. Hadda waxaan la mid ahay qabqable leh arrin kheyr ah haloo qumo. Marka waa in hadda ka dib maahmaahyo loo raadsho.

WABILLAAHI TOWFIIQ

Dadka aad kala xiriiri kartaan Jamciyadaas.

1. C/Risaaq Takar Tel: 442076871923, mobile 447904045876, 447958577469 e-mail halalza@hotmail.com 

2. C/Raxmaan (Gacal) mobile: 447960789928, 447961934373, e-mail: gacal70@hotmail.com

3. C/Fataax Aadan. Tel: 442088008621, mobile: 447932619500 e-mail: garlogube@hotmail.com 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | July 23, 2003

 QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID


Wada-shaqayntu Waa Furaha Guusha.. GUJI

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo  Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]