|
Kursiga madaxweynenimada Soomalidu ma
kabohii cagba cagta ahaa baa mise qamiiskii kor iyo hoosta rogan jeebabka ku
lahaa oo Suudaan laga sheegi jiray baa?
Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
July 23, 2003
Asalaamu calaykum.
|
I I D H
E H
|
|
- Ina Sanweyne hadduu joogi lahaa ilmo
Zenawi wax uma socdeen.
Ilaah baa mahadleh Caalamiinta Rabbigood
ah. Nabadgelyo iyo Naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
“Qufullada furahooda oo
kaliya ayey aqbalaan” haddaad isku daydo inaad furto waa inaad jabiso
haddaadan furihii saxda ahaa hayn. Qoomka Soomaaliyeed oo raba inay
qabqablayaashu hogaan qabtaan ka warrama?
Waxaad maqlaysaa Xamar
kaliya waxaa ka kala dhacay mudoharaadyo qaar lagu taageerayo heshiiskii
5-ta bisha ee Mbagathi qaarna ka soo horjeedo. Yaa saxiixay?
Bal aan soo qaadano geela
oo ay qabqablayaasha iyo Soomaalida kalaba yaqaanaan. Gudcurka marka geela
la maalayo waxaa adag in ubadka yar yar lakala garto marka waa la iska soo
daayaa ilayn hashii baa garanaysee. Waa adagtahay in hal ogolaato inuu nuugo
ubad aysan dhalin.
“Kursiga Soomaalida” mahad
ha gaarto saa isagaa naga caqli badan markuu qabqablayaashii u furmi waayey.
Waxaad arkaysaa dad Soomaaliyeed oo qaarkood diin soo barteen oo jaamacado
kale ka soo baxeen oo qabqable bad iyo baxar soo gubay taageersan. Haddaad
tiraahid maxaad ku taageertay wuxuu ku leeyahay qolo hebloba tanagaas bay
taageertaa!
Waxay garan la’yihiin ma
Ilaahay baa ku yiri qolo hebla ku dayo. Haddayse qolo hebla tanag doorteen
adigu ma jirigaan baad keensan. Kolay haddaad qolo ka xanaaqaysid maad qof
caqli leh keensatid. Waxaan arki jiray qabqable dabosocoto caayi jirtay
Carabaha sida Yaman oo kale laakiin hadda ammaanaya maxaa isbedelay?
Qabqablahoodii baa hadda tagtaga. Iyagu waa gabal-daye, qabqablahooduna waa
cadceed.
Miyaanan nala oran ha
noqonnina “imcah” xoolo oo kale oo aynaan oran haddii dadku wanaagsanaado
waan wanaagsanaanaynaa hadday lumaanna waan la lumaynaa laakiin la yiri
haddii dadku wanaagsanaado wanaagsanaaada hadday lumaana idinku
wanaagsanaada. Xaddiis micnahaas oo kale leh waxaa weriyey At-Tamrmidi oo
leh waa Xaddiis Xasan ah oo qariib ah. Laakiin inaad tiraahid sida laga
sheeko dhaqamada kale “if u go Rome do what Romans do”. Waxaa la rabaa if u
go Rome do what muslims do. Soomaalidu waa iyaga dhaha haddaad meel laga
indho la’yahay tagtid adna il iska rid! Waxay ka wadaan haddaad tagtid meel
laga diin la’yahay adiguna diinta ka tag. Qolyahaas bay ku raaceen.
Maahmaahdaas waxaan
sheegnaa markaan rabno inaan xumaan bannaysano. “Haddaan dhinaceenu naar
doonayn” maan marka aan dhulka Islaamka joogno samayno waxa muslimiinta
saxda ah sameeyaan? Waxay mooddaa inaan leenahay haddaan ku jirno qarnigan
waa in waxa reer Galbeedku sameeyo aan samaynaa dhib maleh meeshaad joogtid.
Laakiin haddaan kursigii ka
dhigno kabahii laga samayn jiray shaaggaga baabuurta oo aan midig iyo bidix
kala lahayn oo aad lugtaad rabtid kabtaad rabtid dalaq ku siisid.
Suudaantana waxaa laga sheegaa qamiis korna jeeb caadi ah ku leh hoosna
sidoo kale. Marka dhinac kasta oo ay ugashadaan ma rogna. Qof kasta ma gayaa
kursiga Soomaalida? Haa haddii Zenawi qaalli ka yahay.
Qabqablayaasha iyagoon
madaxweyne ahayn bay wadnaha noo galeen ee ka warama hadday rabaan inay
madaxweyne nodaan. Sidii arigii buu hadduu rabo xero noo dhigin ama na
daajin ama na qalan.
Qabqablayaashu inta
dadkoodii silsilado ku soo xirxireen bay furayaashi Zenawi u geeyeen.
Zenawina wuu liqay furihii markaasu sidii ciyaalkii inta gacan eber ah
tuuray leeyahay wuxuu ku dhacay Soodare. Mayee Eldoret. Maya dabayl baa
qaaday ee Mbagathi ka fiiriya. Marka macnuhu waa yaa i qali kara? Waa
runtiis caloosha Zenawi ciyaar ciyaar fure loogama soo saari karo.
Qabqablayaashu ma caqli
yara marka loo eego shacabka kale. Waxaa mooddaa inay akhristeen qisadii
labadii nin ee midi caaqilka ahaa ee gabadha soo doonay. Marka aabbihii
gabadha ayaa yiri waan idin imtixaamayaa ee kii baasa ayaan gabadha siin.
Wuxuu yiri labadiina midba maalin ha raaco ariga marka waxaan rabaa markaad
ariga keentaan in arigu hal mar uu gabrado/fariisto. Maalintii koowaad ayaa
midkood arigii raacay. Wuxuu isku deyey in meesha ugu daaqsinta fiican geeyo.
Hadba sidii uu barinkii ugu fiicnaa u xulayey buu arigii oo si fiican usoo
dhergay xeradii ku soo ekeeyey. Ma xoolo dheregsan baad ka filaysaa inay
iska fariistaan markaasay kala noqdeen kuwo hardama, orgi ariga orgayn ugu
dhaqaaqday, iyo kuwo waxarahoodii u ciyaya. Ninkaas halkaas buu ku dhacay.
Kii abwaanka ahaa subuxii
markuu raacay ayuu wuxuu u saaray cayro, maalintii oo dhan buu cayrinayey,
wuxuu udiiday in uu neef hal geed afka galiyo. Ka dib buu makhribkii keenay
isagoo ka ridaya. Arigii isagoon xeradii soo gaarin buu kuligiis wuxuu
fariistay xerada banaankeeda. Halkaas ayuu gabadhii ku qaatay.
Hadda qabqablayaashii waxay
Somaali cayrinayeen 13 sano oo ay ka dhigeen mid jaban iyo mid aakhiro u
jiitay. Waxaad maqlaysaa bulshada aamusan! Maxay la hadlaan waa ummad sidii
arigaas wadnihii afka joogo.
Marka shacaboow adduunyadii
Soomaliya khaati bay ka taagantahay. Waxaa intaa dheer waddankan gogashu
taal iyo Itoobiya oo dhul naga haysta marka waxay rabaan wax shacabka sida
arigaas u raaca oo ka aamusiya hadal haynta dhulkaas. Qofkasta waa arkaa
qowsaarka raba waxa abwaanku ariga ku sameeyey inuu dadka ku sameeyo.
Qaarkood gobolladii ay ka yimaadeen edeb bay usoo yeeleen sidii arigii oo
hal wado ayey ku rideen laakiin qolyihii Xamar arigoodii waa fariisin
la’yihiin. Marka qaalligii aan sheekadii hore kaga soo sheekeeyey wuxuu
gabadha siinayaa kan arigiisii socodkii gabay.
“Don’t try at Mogadishu”.
Sheekadaas markay maqlaan yeyna qabqablayaasha Xamar isku deyin inay dadka
sii ciqaabaan si ay kuwa arigoodii fariisiyey ugaaraan. Inkastoo arigaas
maalin kaliya la ciqaabay laakiin abwaanku wuxuu usocday arrin ka muhiimsan
oo ah gabar dhan oo timotidcan oo reera u joogta si uu naftiisa uga
ilaashado xumaanta. Waana arrin loo garaabi karo. Waxaa hadda arrintaas lagu
mithaali karaa qofkii khalad yar gala si uu wax ka sii fiican u gaaro.
Laakiin sidaan maqaalkii
hore ku xusay geel-jiruhu gabadha ama dumarku qaymo uma leh oo waatuu lahaa:
Geerida haween guud la firo
iyo guursi laga qaad. Waxay ku fiicnayd in qabqablayaashu dhahaan:
Geeridiisana (Zenawi) guuto
maran iyo gaalshire laga qaad. Maxaa yeelay haddii Zenawi meesha ka baxo hub
dambe helimaayaan waxaana la soo qaban waxaana la saarayaa maxkamad.
Yaa loo qaadan in aan
jeclahay qabqablayaasha aan Zenawi taageerin. Kulligood waa isku mid.
Laakiin waxaan tusaale ugu soo qaataa waa sidii dad Falastiin u dhashay oo
taageera Sharon.
Jannada gaal ma galo. Muxuu
Islaam qofka madaxweyne noqonaya uu shuruudda adag ugu xiray? Inaysan meesha
khiyaamo imaan.
Sida culumo badan ay u
dhaheen qufulka fure kasta ma furi karo oo waa in furuhu qufulka waafaqaa oo
ilkihii la rabay leeyahay. Waa sidaas waxa Islaamku uu caddaalad,aqoon,
Caqli, shaqo qabasho uu ugu shardiyey dadka wax xukumaya.
Sidii uu Amiin Caamir
“cartoon”-ka ku muujiyey waa inay isku dayaan inay kursiga meeshuu ku jiro
jabiyaan ilayn albaabada ka sokeeya qabqble uma furmayaane.
Ina Sanweyne hadduu joogi
lahaa ilmo Zenawi wax uma socdeen.
WABILLAAHI TOWFIIQ
WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | July 23,
2003
QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID
Wada-shaqayntu
Waa Furaha Guusha.. GUJI
|