SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK -JAWAAB
Haddaad kalmadda “qaamuus” qaadatay maxaad “tanaasul uga qaxaysaa?! Waa jawaabtii maqaalkii Ceynte.

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

July 27, 2003

Asalaamu calaykum.

I  I  D  H  E  H

KAAH

 

Ilaah baa mahad leh, Caalamiinta Rabbigood ah. Nabadgelyo iyo Naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Waa jawaab ku socota maqaalkii walaalkeen C/Raxamaan Ceynte. “Somalia: Qaran aan Qaamuuskiisa wax Qeybsiba ku Qorneyn”.

Waxaan rabaa in aan dhowr qodob ukala qaybiyo:

1. Halka walaalkeen ka soo qaatay maqaalkiisa.

2. Maxaa ka jira arrinta uu luuqadahaas ka sheegay.

3. Caddayn iyo tusaale tusinaya in dadkaas qaarkood tanaasulka yaqaanay.

4. Erayada uu isticmaalay qaarkood oo i caawin doona.

5. Falsafad lala beegsano Carabiga iyadoo boor la isku qarinayo, ha ogaado qoraagu ama yuusan ogaane.

Walaalkeen wuxuu yiri khuburo Maraykan ah ayaa cilmi baarista samaysay. Ma loo qaban karaa waxa Maraykanku ka yiraado luuqad Carbeed ama Diinta Islaamka? Muu oran baaritaan ay adduunyadu samaysay sida hay’aha UN ee la isla yaqaan. Ka soo qaad UNESCO IWM. Luuqadaha la sheegayo dadkii lahaa waa in ay meesha ku jiraan ilayn qof walba luuqadiisa isagaa ugu aqoon badan. Walaalkeen ma xusin in uu dad Yuhuud iyo Carab ah waydiiyey in luuqadahoodu leeyihiin kalmadaas iyo in kale.

Tan labaad haddaan idin dhaho luuqadda Cibraaniyadda (Hebrew) baan wax ka aqaan waa arrin aan jirin. Carabiga waan akhrin karaa, haddii la ii yeeriyana waan qori karaa, Soomaali badankeed baa arrintaas ila qabta. Afsoomaaliga isna waan ku hadlaa ee ma ahi nin ku xeel dheer. Kollay Carabiga iyo Soomaaligu way leeyihiin eray u dhigma “compromise” waana “tanaasul”. Eraygu waa Carabi waxaana dhici karta inay jiraan erayo kaga sii habboon. Haddii uu qoraagu yiraahdo “tanaasul” Afsoomaali ma ahan waxaan waydiinayaa buuggii aad ku uruurin lahayd erayada Afsoomaaliga oo xul ah waxaad ku sheegtay “qaamuus” marka maxaad Carabiga oo Afsoomaaliga ku badan uga qaxaysaa? Saan aaminsanahay magaca qaamuus waxaa laga keenay kitaabkii Fayruus Abaadi ee uu Cariga ku uruurinayey. Micno ahaana waa bad ama meesha biyaha liqda bartankeeda. Weedha tanaasul aan fiirino asal ahaan iyadoo Carabi ah.

نزل: من علو الى سفل ينزل نزولا ضد صعد

تنازل الرجل: نزل عن د رجته و تساهل

Waxaan ka soo qaatay micnoyaashaas qaamuuska la yiraahdo Muxiidh Al-Muxiidh oo uu leeyahay Budhrus Al-Bustaani. Eraygaas Carabiga ah asal ahaanba wuxuu sheegayaa degis min kor ilaa hoos. “Tanaazala” waa ficilkii, markaad masdar ka dhigaysid “caynteeda” oo hadda u taagan zaayda xarako godan sii “Tanaasul”. Tanaasul ma ahan labo eray sida ay Maraykanku sheegayaan. Hadday “learn iyo learned/learnt” labo eray kala yihiin hadal baa u furan. Micne ahaan waa markii qofku kasoo dago booskiisii oo uu sahlanaan ogolaado. Cay iyo ammaan kay rabto ha ahaato.

Bal aan fiirino waxa uu dictionary-ga Oxford Advanced Learner’s uu ka yiri compromise: the giving up of particular demands by each side in a dispute, so that an agreement may be reached which satisfies both sides to some extent. Waa haddii aysan fal ahayn.

Soomali ahaan: dhinacyada is-haya oo ka laabta dalbashooyinkooda si loo gaaro wax/ogolaansho raaligeliya labada dhinacba ilaa xad.

Maraykanku wuxuu u dig iyo hamleeyahay waa luuqadda Carabiga marka aan soo qaadano tusaalayaal muujinaya tanaasulka.

وَدُّوا لَوْ تُدْهِنُ فَيُدْهِنُونَ

Waa kaa tanaasulkii ay Qurayshi ka dalabtay Nabiga (SCW). Quraysh waxay waydiisatay in ay Nabiga meel dhexe isugu yimaadaan oo ay sanad Ilaahood wada caabudaan sanadna Ilaaha Nabi Muxamed (SCW) la caabudo. Saas waxaa sheega culimada qaarkeed.

Sidoo kale Miyuusan Nabi Muxamed (SCW) heshiiskii Xudaybiya tanaasulkii la ogaa u samayn waliba asxaabta (RC) oo jeclayd inay dagaalamaan haddii Xaramka laga hor istaago. Qoraaga waxaa ku fiicnayd in uu qisadaa dib u akhriyo.

Qoraagu wuxuu sheegay inuu la tashaday dad Afsoomaaliga kaga xeeldheer walina umay keenin kalmad udhiganta. Waxaan aaminsanhay in ay dadkaasi tanaasul yaqaanaan laakiin ay Carabiga ka raad-gadanayaan. Wajigiin gubay! Wajiga nagu yaal imisa qof baa kalmad kale oo AFsoomaaliya u taqaan? Far kaliya fool ma dhaqdo. Bal ag-fariiso wadaad Diin akhrinaya oo ufiirso inta kalmadood oo uu Afsoomaali u helo.

Waxaan aaminsanahay inaysan meesha falsafadi ka marnayn. Horta wixii Diin ku saabsan ra’yi uma baahna laakiin wixii kasoo hara wax baa nooga furan. Waligay kama haybaysan wax fiiloosoofi sheegay maxaa yeelay waa qof, wax run ah oo fidro ah buu sheegi karaa wuuna gafi karaa. Arrintan inaysan falsafad ka marnayn waxaa u daliil ah wuxuu qoraagu soo xusay in markii dagaalada iyo dhibaatada laga hadlayo, Bariga Dhexe tusaale loo soo qaato. Waa runtiis laakiin ilaa goorma?

Islaamka ka hor Bariga Dhexe waxay ahayd meel dadka degeni ay dhibaato ku sugnaayeen oo labadii quwadood oo waagaas jiray ay kala gumaysan jireen. Siday ula dhaqmi jireena qofkasta waa ogyahay. Intii ka badbaaday sida Quraysh oo kalana waxay lahaayeen dhaqan kale oo kasii qaab daran oo ah in ay gabdhaha yar yar nolol-duugaan, in kan xoogga lihi kan tabarta daran dhaco iyo in ay sanamyo caabudi jireen. Islaamku markuu yimid wuxuu u keenay xaddaarad iyo cilmi. Wuxuu baray dowladnimo kaddib markay ahaayeen qabiilo. Luuqadda Carabiga Islaamka ka hor bay jirtay laakiin yaa bilaabay horumarinteeda sida naxwaha, sarfiga, iyo sahlida qoriddeeda si qof walba uu si dhib yar u baran karo. Islaamka ka hor dadka Carbiga qori karay waxay ahaayeen faro ku tiris xitaa dadka Carabiga iyo gabayada ugu badshay qaarkood ma qori aqoon. Qisadii Mutalamas dib u fiiri.

Maalintaas laga soo bilaabo Bariga Dhexe wuxuu ahaa meesha adduunka ugu horaysa qarniyaal badan. Dhibaatooyinkii ugu badnaa waxaa ka sameeyey Tataarka, “Crusaders” kiristaankii qabsaday mar iyo Yuhuud.

Xaalku waa Bariga Dhexe oo Soomaalidu hadalhayso wuxuu ku salaysanyahay qabsashada Yuhuudda ee dhulka Falastiin khaasatan laga soo bilaabo 1948.

Qoraaga arrintiisu waxay ka dhigantahay qof inta qabqablayaasha arkay go’aan ku gaaray in aysan Soomaaliya dad qumani waligood soo marin. Qoraaga ma ahayn inaan hadda u sheego in ay Yuhuuddu dhibtaas samaysay.

Qolada aan tunaasulka aqoon waa tuma? Waa yuhuud iyo Maraykan. Haddii uu qoraagu cilmi baaris Maraykan noo soo qaatay anigu waxaan idiin soo qaadan Hadalkii Ilaahay oo ah Qur’aanka.

Yuhuud iyo Maraykan waxay tanaasul yaqaanaan markay tabar daranyihiin oo kaliya. Bal fiiri aayadahan:

كَيْفَ وَإِنْ يَظْهَرُوا عَلَيْكُمْ لَا يَرْقُبُوا فِيكُمْ إِلًّا وَلَا ذِمَّةً يُرْضُونَكُمْ بِأَفْوَاهِهِمْ وَتَأْبَى قُلُوبُهُمْ وَأَكْثَرُهُمْ فَاسِقُون()

اشْتَرَوْا بِآيَاتِ اللَّهِ ثَمَنًا قَلِيلًا فَصَدُّوا عَنْ سَبِيلِهِ إِنَّهُمْ سَاءَ مَا كَانُوا يَعْمَلُونَ()

لَا يَرْقُبُونَ فِي مُؤْمِنٍ إِلًّا وَلَا ذِمَّةً وَأُولَئِكَ هُمُ الْمُعْتَدُون

Qur’aanku wuxuu sheegay in gaaladu aysan aqoon qaraabo iyo ballan midna. Maaddaama uu qoraagu noo soo qaatay cilmi baaristii Maraykanka waxaan waydiinayaa “compromise”-ka ugu qoran qaamuuska goormay fulinayaan? Miyuusan ahayn Maraykan waddankii inta adduunkii oo dhami isugu yimid ku yiraahdeen Maraykanoow Ciraaq ma haysato waxa aad sheegaysid, adiga ayaan kuu samaynaynaa waxaad rabtid ee weerarkan iyo madaxweyne bedelidda iska daa.

Marka “compromise”-ku ma saas baa?

Waxaan kula talinlahaa walaalaha in ay Ilaahay rumaystaan oo ay iska daayeen belaayadan ay dabo ordayaan. Qofkii raba inuu xaqiiqda ogaado ha barto Islaamka.

Waxaan shakki lahayn in qabqablayaashu aysan ahayn kuwo yaqaan kalmada uu qoraagu xusay.

WABILLAAHI TOWFIIQ


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | July 27, 2003

 QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID


Wada-shaqayntu Waa Furaha Guusha.. GUJI

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo  Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]